Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
ISBAARADA BADDA IYO TAN CIRKA GORMAA
LAQAADAYAA?
Soomaaliya waxaa isku haysta laba kooxood oo ay
kala-matalayaan kuwa aan dowlad-nibama rabin, hadafkooduna-yahay sidii looga
hortagi-lahaa khatarta ay dowlad-nimadu u leedahay danahooda shakhsiga ah.
Kooxda kale waa koox ay raba in dowlad la helo, waxaase ka xun jidkii loo
mari-lahaa, waliba dhibaato ka sii xun dowlad-la’aanta ayey soo wadaan, oo ah in
dalka shisheeye loo dhiibo.
Xamar ceebta koowaad ee saraan waxay noqotay
jidkii dowlad-nimada iney caqabad ku noqdeen, markaan Xamar leeyahay waxaa ula
jeedaa hogaanka Siyaasadeed ee kala-qaybsan ee hubka ku haysta Muqdisho.
Dhacdooniyka aniga shakhsiyan iga soo marta
Isbaaro ee aan xusuusto masoo koobi karo, waxaanse waligay ilaawaynin qisadan.
5.tii galab-nimo ayaan gaari tareelle ah ka soo raacay jidkii dheeraa ee
warshadaha, wuxuuna usoo socday Baydhabo, 48.saacadood kadib ayaan Afgooye imid.
Gaaarigii aan saarnaa oo ahaa tareelle, waxaan arkayey inta ay le’egtahay
dherarka gaariga inay ku dhex jireen ilaa 5.Isbaaro, oo ay khasab nagu ahayd
inaan mid walba gooni ula heshiinno.
Qisoo-yinkii hore markaan meel iska dhigno, oo
aan usoo laabanno hawlaha ay hadda wadaan labada gole ee mudada dheer ku sugan
Muqdisho. Tan iyo maalintii ay xamar tageen waxaa lawadaa hadal ah, Isbaaro
ayaan qaadaynaa. Jidkaas ayaan Isbaaradii ka qaadanay. Haddan nahay Qabiilkaas
waan qaadnay Isbaaradeennii.
Dad badan ayaa moodayey Isbaaradu iney tahay
falal ay si anshax-xumo ahi ugu kacaan wiilal yar yar oo aanan haysin fursad
shaqo, ama aysan jirin maamul ay ka baqaan. Laakiin dhawaan waxaa la ogaaday in
Isaabrooyinka yaalla xamar ay u yaalaan dagaal-ooga-yaashii hore, Wasiiradii
danbe. Waxaa la hubsaday in 85% Isbaarooyinka yaalla iney dhigteen Wasiirada
dowladda ku jira. Sidee ayuu noqonaya dareen-kaadu markaad ogaato in Wasiir
hebel ay meel heblo utaallo Isbaaro, uuna isagu yahay kan dhacaya dadka, oo ka
qaadanaya canshuur aan sharci ahayn.
Dadbaa ku dooda in 15.Sano oo fawdo ah aanan
maalmo ama bilo lagu xalin karin, taasi waxay run u ekeenaysaa marka arintu
tahay in bulshada waxa laga qabanayo, laakiin sidee ayey dhab u noqon-kartaa
marka ay Isbaaradu u taallo Wasiirkii la rabay inuu isaguba ka hortago arintaas,
misa waxaan leenahay Wasiirka laftiisa ayaa in dhaqankaas laga tir-tiro
maskaxdiisa wakhti dheer u baahan.
Nairobi kolkii dawlada lagu dhisay oo ay
hogaamiye-yaasha Muqdisho Wasiirro noqdeen ayuu mid kamid dadka weydiiyey. Waa
imisa mishaarka lasiinayo Wasiirka anigoo kale ah? Waxaa la yiri 2500. Doolar
ugu badnaan, maadama dalku uusan dhaqaale lahayn. Kolkaasuu la hadlay
maamulihiisii dhaqaalaha, wuxuu su’aalay imisa ayaa naga soo gasha Isbaarada?
Wuxuu yiri cel-celis maalintii 6500.
Mid kalana tolkiis ayaa kula taliyey inuu
Siyaasada isaga baxo oo ay lacag u uruuriyaan si’uu ganacsade u noqdo. Wuxuu ugu
jawaabay waligiin hal maalin gudaheed ma’idin soo gashaa wax kabadan boqol kun
oo Doolaar? Isbaarada taalla jidadka kaliya waxaa maalintii ka soo xaroota
55.kun oo doolar, waana qiimeyn sax ah oo si cilmi loo sameeyey. Runta ka jirta
Xamar waa taas.
Intii bilood ee ay labada gole joogeen Muqdisho
waxaa sheekadii xamar ka jirtay oo dhan naloogu soo koobay Isbaarada halaqaado.
Noloshii kale ee dhimanayd wali lagamaba doodin. Sidii nadaam loogu samayn-lahaa
Xamar wali lagama doodin. Horumar-kale oo dhanna warkiisaba iskadaa.
Isbaarada lafteeda qaybaha ay u kala baxdo
waxaa mar ka faallooday C/Nuur Faarax oo bishii hore Maqaal wacan ka qoray.
Waxaanse wali laga maqal labada gole ee Xamar jooga iyagoo Isbaarada si
dhamays-tiran uga hadlaya. Waxay ka hadalaan oo kaliya Isbaarada Barriga taala
ee u taalla wiilal yar yar oo hankoodu yahay sidii ay maalintaas shilin ay ku
qayilaan u heli-lahaayeen.
Badda waxaa taala Isbaaro. Cirka waxaa yaalla
Isbaaro. Labadaasba waxay u yaalaan qolyo hada sheeganaya iney dowladda ku
jiraan, ama kamid ah liiska wax-garadka bulshada Xamar ku nool.
Dekedii weynd ee Muqdisho waa xirantahay, waxaa
naloogu sheekeeyey iney muran Siyaasadeed u xiran-tahay. Hadday taasi dhab tahay
maxay Dekedaha kale ushaqay-nayaan? Oo waliba kooxa isku haya xamar oo dhan
aysan uga hor imanaynin. Waxaase ka sii daran labada gole ee Muqdisho joogana
aysan u socon iney ka hadlaan. Kaliya waxaa la rabaa in hadalka lagu soo koobo
wiilka yarka ah ee aan hadafka weyn lahayn, dhaqaalaha badanna uusan soo galin.
Garoonkii weynaa ee Caasimadda waa xiran-yahay,
isna khilaaf Siyaasadeed ayuu u xaniban-yahay baa nalagu yiri. Hadana waxaad
arkaysaa garoonno kale oo shaqaynaya oo ay noloshii qaarkeed ka socoto. Aaway
kolka khilaafka jira ee dekedda weynna diidaya, kuwa yaryarna fasaxaya. Mise
xaalku waxaa weeye. Waxaan heshiis ku nahay ka hortagga maslaxada guud, iyo
dhiiri-galinta danta shakhsiga ah.
Dulaan ba’an ayaa lagu qaaday Isbaarada jidadka
taalla. Wiil ay Isbaaro utaalay ayaa lagu yiri qaad jid-gooyadan wuxuu yiri
maxaa dhacay? Shacabka ayey dhibaato ku haysaa ayaa la yiri? Aniga shacabka ma
dhibaateyo ee canshuur yar ayaan dadka ka qaata, ee sabab macquul ah ii sheega
ayuu yiri. Ceeb siyaasadeed ayey ku tahay Muqdisho ayaa loogu jawaabay.
Isbaaradda Badda iyo tan Cirka miyaa Caasimadda ceeb ku ah? Mise Isbaaraddan
aysan beesha caalamku arkaynin ayaa magaalada ceeb ku ah? Ayuu yiri. Wuxuuna
uraaciyey. Hadaad dhabta rabtaan, haddii lasoo wada xiro dekedaha ay ganacsatadu
samaysteen iyo garoon-nada ay Wasiiradu leeyihiin tan jidadka weyba iska
xirmaysaa, oo anagu halkaas ayaan shaqo u doonanaynaa.
|