SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD
April 11, 125

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::


QORMADA ISNIINTA::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47

DALWADDII SADEXDA SANO LA SUGAYAY OO DAGAAL LAGU HOOBTO KU DHAMAANEYSA 

Hadii qofku cudurku ku raago xubinta laga hayana daawo loowaayo, xalka ugu danbeeya ee ay dhakhaatiirtu ku talinayaan waa in xubintaas laqalo si dhibta oo dhan looga nasto. Waa sidaasee qaliinka waa dhibaatada ugu culus ee uu bukaanku la kulmo inta uu latacaalayo jirrada haysa, qalliinku wuxuu keena inuu baladii haysay ka kaco, ama ay dhul-dhigato.

Taas waxaan ula jeedaa Soomaaliya hadday 15.Sano ku dhawaad dagaal qabiil isku layneysay, dowladnimana ay sidaas ku gaariweyday, dhibtiina ayba ka sii darayso, oo maanta lagu doodayo Xabashi Xamar makeennaa oo dalka ma u gacan-galinaa, waliba nasiib-darro kuwii dalka madaxda looga dhigay ay iyagu qandaras-kaas sooqateen.

Waxaa sicad u muuqata in dhawaan laba kooxood ay xabad isla dhici doonaan, oo kii raayana uu reerka u hari doono. C/Shakuur Cali Mire ( Gaalaeri) oo kamid ah qorayaasha Soomaalida ayaa bari hore qoray in dawlada kuwooda hadda kuwada jira ay laba kooxood isulayn-doonaan. Wuxuu noqday odoros ay dad badani ka naxeen, nasiib-xumase uu hadda soo muuqanayo ifafaalihiisa. Dad badan oo dalkooda u naxaya ayaa marmar isdhaha ilaa iyo inta kuwii fitnada bilaabay ay ka dhamaanayaan oo ay meesha ka baxayaan dowladnimo laheli maayo.

Ku farax ama kanaxee waxaa sicad usoo muuqanaya u diyaar-garowga dagaalkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya ka dhaca, gobolada dalka inta badanna wuu saamayn doonaa, ciidamo iska soo horjeeda ayaa meelo kala duwan oo dalka ahna lagu ururinayaa. Ciidamo kayimid Puntland waatii lagu shegay deegaanno Koonfurta kamid ah, taas kaliya ma'ahan mushkilladu wuxuuse dagaalku u dhici-doonaa sidan.

  1. Bay iyo Bakool oo gacanta la'iskula tagi doono iyadoo laba guruub lakala yahay, tabaabushay-sigeedana waaba socdaa, tababar, ciidan diyaarin, iyo wixii kale oo uu dagaal sokeeyo u baahan-yahay oo dhanba.
  2.  B/Weyne ilaa Jawhar oo iyadana gacan la iskula tagayo, walibana ay noqon doonto meelaha dagaalada ugu badan ay ka dhici doonaan hadii ay madaxda dowladu soo dagaan.
  3. Xamar dhexdeeda oo ay dagaallo fud-fudi ka dhex bilaaban doonaan, hadafkeeda koowaadna uu yahay inaan la nabadeeynin Muqdisho, iyo inaan lagu fakarin furista dakedda iyo garoonka weyn.
  4. Kismaayo oo khal-khal joogto ah lagin doono. Barre Hiiraalana wareer aan kala harin lagu abuuro, hadba qoladuu la jirsado mooyee in qolada kale khatar looga dhigo.
  5. Gedo oo iyadana dagaal labadaas garab ah la'abuuri doono, la'iskuna diriri doono cidda maamulaysa degmooyinka, iyadoo laga faa'iidaysanayo khilaafaadka beeleed ee hadda u dhaxeeya, si loo kala taageero, walow xaaladda Gedo ay inta badan la jaanqaado hadba dhaq-dhaqaaqa ka jira Kismaayo.

Waa kuwee kooxaha labada ah ee ku diriri-doonaa Soomaaliya.

Samatabixin

Waa ururkii lagu aasaasay Balcad oo magaalo ahaan u xigta Jawhar. Waxaa ku uruuray inta badan kooxihii diidanaa Siyaasadaha Itoobiya, waa qoladii soo saartay Shariif Xasax ee ku guuleysatay Gudoomiyaha Barlamaanka. Xubhana Xil-dhibaanada tiro xoog leh ku dhex leh. Doorashadii Madaxwey-nahana hadii ay hal musharax keensan-lahaayeen waxaan shaki ku jirin iney iyaga guusha raaci-lahayd.

Haddeer kuwa ugu badan ee ka soo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha iyo tan R/Wasaaraha waa iyaga, gobolo badanna waxay ku leeyihiin taageerayaal, oo haddeerba Baydhabo iyo Kismaayo iyaga ayaa xukuma sidoo kale inta u dhaxaysa labadaas magaalo.

Waxaase iyaga ceeb wajiga ka saaran ah, wax ka qabad la'aanta goobaha ay xukumaan, oo gudaha Soomaaliya haddii ay wax ka qaban-lahayeen, ama ugu yaraan deegaanada ay joogaan ay nabad ka dhigi lahaayeen wax weyn ayey u ahaan-lahayd bulshada nabadda u baahan, waxayse warkoodii ku soo koobeen diidmo aan dhisme garab socon. 

S.R.R.C. 

Waa uruurkii lagu aasaasay Hawaase, ee ku taala gudaha Itoobiya, waxaa loogu talagalay iney dumiyaan dowladii Carta lagu soo dhisay, waana ku guuleysteen, doorashadiina waxay heleen Madaxweynihii, kadibna R/Wasaare ayaa laga sooo dhexsaraay, xubnihii Wasiirradana inta badan iyaga ayaa qaybsaday, xitaa waa iyagii qadiyey "Xaabsadihii" ay rabeen inay magaaladiisa dagto dawladu.

Xal aan ahayn in ciidamo Itoobiya ah dalka keeno mahayaan, waxay u qabaan in wadada kaliya ee dalka lagu dajin karaa iney saas tahay. Itoobiya wey ogtahay inaan Soomaaliya sidaas lagu dajin Karin, oo hadday taas aamisantahay mar hore ayey ku dhaqaaqi lahayd, illeen Itoobiya is hakrasho kuma naqaan, wakhtigaas oo dhanna iskama dhumiseen, waxaase dhab ka'ah in Soomaaliya aan dowlad loo helin, iyadoo mar ku dumineyso kooxo mucaarad ku ah dowlad dhisan, ama tijaabadan cusub ee ah in magac dowladeed lagu dumiyo isla dowladii.

Waan ka xumahay inaan kuu sheego in dalkaad u dhalatay uu sii hoobanayo, waxaanse qalbiga kuugu qaboojinaya in dagaal-kana uu u egyahay kii ugu danbeeyey, waxaana sidaas u iri. Wuxuu u muuqdaa mid mabda' lagu dirirayo oo laba fikradood ay dagaalamayaan, iyadoo aan qabiil la isu dileyn, oo beelaha Soomaalida oo dhami ay u kala qayb-sami doonaan labaas firkadood ee is-haya.

Haddiise cadowgu ku guuleysto in dagaal beeleed laga dhigo oo laba qabiil oo waaweyn loo diriro waxaan dib uga soo bilaabaynaa sanadkii 91.  

CUDURDAARASHO.

Akhristayaasha waxaan uga cudurdaranayaa dhawrkii jeer ee aanan waxba soo qorin, iyadoo aanan kanshe helin sababo safar la xiriiray awgeed, Waxaanse u mahad-celinayaa laba kooxood oo E-mail isoo kala dirtay. Qaybi waxay tiri: Allay lahay waanu kaa nasanay, wixii ku mashquuliyana waanu ku farxaynaa. Qaybina waxay soo tiri: war kumee? Wakhti badan ayaad naga qaaday sidii aan u sugaynay qoraalkaada. Labadiinuba waad ku mahadsan-tihin xiriirkiinna. 

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jun 20, 2005


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD