SAMSAM:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
46 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |
53 |
54 |
55 |
56 |
57 |
58 |
59 |
60 |
61 |
62 |
63 |
64 |
65 |
66 |
67 |
68 |
69 |
70 |
71 |
72 |
73 |
74 |
75 |
76 |
77 |
78 |
79 |
80 |
81 |
82 |
83 |
84 |
85 |
86 |
87 |
88 |
89 |
90 |
91 |
92 |
93 |
94 |
95 |
96 |
97 |
98 |
99 |
100 |
101 |
102 |
103 |
104 |
105 |
106 |
107 |
108 |
109 |
110 |
111 |
112 |
113 |
114 |
115 |
116 |
117 |
118 |
119 |
120 |
Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Masar oo
Bayaan Kasoo Saaray Xariga Zamzam Axmad Ducaalle
Anagoo kaxun xariga iyo kufsiga iyo
jirdilka lagula kacay gabadha yar ee ardayada ah Zamzam Axmad Ducaalle ee
wax ka baran jirtay dugsiga sere ee Al-Imaam-Al-Nawawi ee magaalada Boosaaso
ayaanu ugu baaqaynaa maamulka ka dhisan W.G in ay ku sii daayaan si shuruud
la aan ah gabadha ardayada ah ee mudada 6 bilooda dhex jiifta xabsiga
Hargaysa tasoo lagu dhaafiyay gabadhaas mustaqbalkeedii arday nimo iyadoo la
dhaafiyay sanad dugsiyeedkii 2004/2005 tasoo uu mas uuliyadeeda qaadayo
maamulka ka taliya gobalade somaliyeed ee W/G .
Hadaba anaga oo ku hadlayna magaca ardayda
somaliyeed gaar ahaan kuwooda ku sugan dalka dibadiisa waxaanu baaq udiraynaa
dadka kala ah:
1- Ardayda Soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan in ay sameeyaan banaanbax lagu diidayo ficilka xun oo lagula kacay
gabadha walaashooda ee ku xiran Hargaysa.
2- Culuma'awdiinka Soomaaliyeed oo ilaa iyo
haatan aan wali lamaqal codkooda gaar ahaan kuwooda ku sugan W/G, in ay ka
hadlaan xariga zamzam axmad ducaale .
3- Isimada soomaaliyeed oo ahaa kuwii
dhawri jiray xeer dhaqanka soomaalida maanta inay dhawran xaquuqda gabadha
ardayda ah.
4- Sugaanlayda, saxafiyiinta , aqoon
yahanka , wax garadka, dumarka, urarada xuquuqda aadamaha , iyo kuwa
bulshada iyo dhamaan cid walba oo dareen iyo damiir ku harsan yahay in ay u
gurmadaan , gabadha yar ee ardayda ah oo ilaa iyo haatan ku jirta godkii uu
gashay maamulka W.G .
Dhamaan jihooyinkaas kala duwan waxaanu ka
dalbaynaa in ay fadhiga ka kacaan si cadaadis loo saaro maamulkaas , inay
gabadha usoo ceshaan xoriyadeedii iyo xaquuqdeedii , isla markaana lasoo
taago maxkamad caadil ah mujrimiintii gabadha dan biyadaas kala duwan ka
galay , isla markaana wada kasta la maro sidii zamzam axmad ducaalle loogu
soo calin lahaa xoriyadeedii qof ahaaneed. Isla markaana ilahay waxaanu ka
baryaynaa in uu gabadhaas sabur iyo adkaysi ku manaysto . amiim aamiim amiin.
waxaa ku saxiixan :
cabdi raxmaan sheekh xasan : mas'uulka arimaha bulshada ee dallada arday
somaliyeed ee qahira
tell:+20124824074.
qahira-masar.
Waxaa nasoo gaarsiiyey:
asad abdi gufure maxamed
asadgufure@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri
karaa qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2005
Dhegeyso Gabaygii
Dardaaran Oday &
Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq
Shuruudaha
Gabayada Silsiladda Samsam
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com

|