SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Garnaq

Maxamed Dhagaafe Cilmi
m_dhagaafe@yahoo.com
Mbale, Uganda


Gabaygaan garnaq waxaa tiriyey Maxamed Dhagaafe Cilmi oo kunool magaalada Mbale ee dalka Uganda, waxa uu jawaab u yahay dardaaranka gabadha kadib C/laahi Cawad Cige oo taabtay in eey haboontahay in somalia iyo somaliland oo garab yaal fiicnan lahayd iyo waliba Abshir Bacadle oo asagu gaaray qabiil dhan oo culumo iyo caamo iskugu jira, ugu danbeyn gabaygu wuu la talinayaa Riyaale iyo Axmed Yaasiin madaxda somaliland.

 

 :::: Garnaq::::
 
Gabey waxaan tirshaa goorti uu iigudboonyahaye
Gef inuu igaliyana marabo gocosho reebtaaye
Gardarana ninkii wada waqeey garab kumaansiine
Amuurtaan guracan iyo gartaan gabadha looqaaday
Gaaliyo islaam sheekadaan meel kastaba gaartay
Wixii ila gudboonbaan ka  oran garashadeeydiiye

Haddii xaajo laba garab miduun gees ubixiweydo

Googaayo cadaleeyn haddii leysla wada gaaro
Ninkastaba garaadkiis hadduu gabay kufaaleeyo
Waxaa gacan lasiiyaa midkaan diinta gees marine
Anna inaan kugalo eex marabo gabeyga maantaaye

Gobo waxaan ku oran gabadha eey aafadani gaartay
sam sameey nimaan guban majiroy gaartey sheekaduye

Dambi adiga oon geysanoo gacalo soo booqday
Inkastoodan garaneyn addoo guri masuul beegey
Marti gallin adoo mudan hadii gacan laguu qaaday
Xabsigiina lagu geeyey ood gaalshiraha jiifto
Xaakimkii garsoor kuna intuu gudinta soofeystey
Argagixiso weeyiyo hadduu kiisas kula gaaray
Ninkii garab kusiiyana laxiray amma gefkaas sheega
Guurtidiina aan hadal ka iman goodi mooyaane
Dhaqan guuris soomaali iyo waa ged noo ugube
Xaqa gudubka loo xiray marbuu gees kasoo qubane
Guntoo samir lahow maalinbaad gudan xaquuqdaaye
Guullaha illaah baa sahliye gurubso towxiidka
Afartaas tilmaan gaara iyo gogol dhigeedii dhe
Tallo gabadha loo jeediyiyo waano gacal keed dhe

Gobbo kallana waa ina cige hal aan garwaaqsiinin

Gurmo go an hashii daaqda oon geela kale raacin
mar uunbaa libaax gaajo qaba luqunta gooyaaye
Waxaan uga goll leeyahay haddaan sii dhex gallo howsha
Giddi goodba soomaali waa gaan walaalo ahe
Gayaan iyo xigaal baanu nahay gebbi ahaanteene
Gumaad kiyo dhibkaad sheega tana woow gudboonahaye
Anba geyrka waan kula qabiyo gaawintii hore e
Waxa gaarka kaadhigey magaran ood lagubaneyso
Gumeystuhu godkuu nooqodaad galla kuhaysaane
Inaan kala go noo waxuu rabaa kala gadoodnaaye
Gunud gunud inuu naga dhiguu goostay waa hore e
Awal buu galbeed iibsadoo kenya gabal raacshay
Gaashaan buursigeen iyo marabo gaamur noqodkene
Haduu adiga gaar kuulafaqay gooso kugu beerey
Waa geddii libaax lagu bartiyo gaad madii bahale
Saddex dibi guduud iyo cadaan iyo madoow giirle
Mudo goorti eey wada socdeen gaajona u hayso
Go'aan kii ugaaroo kalaa meesha soo galaye
Halka gudinta lagu goynayoo gacantu gaareyso
Geel jiraa yaqaanbaa layiri geedka xubintiise
Asagoo haddana garanayuu gacalka heyb shaaye
Waxaan uga gol leeyahay  mallaha waadba garateene

Cawad  maanta waad garan inaan kala go fiicneyne

Eed laguma gallo sheeko aan kuu hirgala heyne
Lixdan kii go aan kii ahaa waa gaddii wali e
Gurigaa hargeysiyo bar bara saylac gudaheeda
Gosha booramiyo saaxil iyo gabiley   meesheeda
Gobol kaas burciyo caynabiyo ceeli godon keeda
Garoowe iyo  laas caano iyo bari gunkeedoo dhan
Gaal kacyo iyo xarar dheere iyo gaanka mudug oo dhan
Gal guduudyo hiiraan illaa jowhar gudaheeda
Beeraha afgooye iyo xamar iyo markoo gees ah
Jubbo gobolladaas loo baxshoo wabigu uu gooyo
Geddo   baay bakool inaan tagoo galinba meel seexdo
Gacaladiyo xiisahaan uqabo baadan garaneyne
Goosashaba masheegteen intaad gabay ku taahdaaye
Afartaas tillmaan gaara iyo gogol dhigeedii dheh
Goosashada ninkii goobayoow diide gacalkaa dhe

Abshir gabaygi uusoo tirshiyo ficiladuu geystay

Wixii gara inaan kula saftaa weey gudboontahaye
Hayeeshee inaan gaaro qollo ama garaafeeyo
Oo aan guntiga ceey xirtaba laabta maan galine
Gidi habar magaadluhu ma aha duul garaad fudude
Gardarana iskuma raaci karo maalin galin keede
Axmed adiga oo garanayiyo gabadhu keey eedey
Inaad guudka sarre aado waa gacan togaaleyne
Nin hadduu guyaal badan jiroo diinta garanaayo
Inuu gaabsadoo waxa haboon qadafka gooyaaye
Gurgurshaa kabixi hadalku waa kaa gulaal samaye
Afartaas tilmaan gaara iyo gogol dhigeedii dhe
gabay gii wadaadkii tirshiyo gabal kadaa weeye

Gobbo kalle Riyaaliyo  bal aan fooxle garansiiyo

Goodiga rag yohow badinayoo giirka kicinaaya
Gacal kiyo dadkii wada dhashana kalla go doon siiyey
Waxaan biriba gayinbaa jiroo gobbi kafaantaaye
Bal in laga gardaran yahay yartaa kiiska lagu oogey
Hadeey gaadmo dooneyso oo cadow kasoo gooshtay
Hubkii howsha lagu gali lahaa gabadhu yey siisay
Dadku garasho kama wada sinoo gabal ba waa ceyne
Nin guweyn ayaa jira hada gaban yar dhaamaaye
Alleylehe go'aan kiini noqoy deero gees jabane
Waxbase yuusan gabay illa gudbine waxaan kusoo gooyey
Geenyadaas fasaxa ceebta waa laga gadoodaaye
                   
                     dhamaad

Maxamed Dhagaafe Cilmi
m_dhagaafe@yahoo.com
Mbale, Uganda

GABAYADII HORE EE DHAGAAFF... GUJI...

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2005

» GABAY: Yaa u Garnaqi doona [WT. Geele]
» GABAY: Godlan [WT. M.Cali]
» GABAY: Gacan Saar  [WT.  M.M. Aw Yuusuf]
» GABAY: GARSOOR [WT. Nabaddoon]
» GABAY: Godankaa Hargaysaad Dhibkii Lagugu Gaadhsiiyey | Shiine
» GOBANNIMO: JAWAAB KU SOCOTA ABSHIR BACADLE | c/lahi
» GABAY: Gabaygii Abshir Bacadle ee Samsam
» GABAY: Lixdan kii Ummad Gees aheyd  | Jawaab bacadle

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD