SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Dood Cilmiyeed Lagu falan qeeyay xaalada dhibane Zamzam Axmad Ducaale oo xabsiga hargaysa lagu ciqaabayo.

Waa barnaamij gaar ah oo ay soo diyaariyeen ardayda somaliyeed oo jamacadaha dalka masar wax ka barta iyagoo la kaashaday jamacada al azhar ee magaaladan Qahira, barnaamijkaani waxaa kasoo qayb galay aqoon yahan, wax garad, odayaal dhaqameed iyo ardayda wax ka barata dalkaan masar. Barnaamijkaan oo  ahaa mid dhinacyo badan lahaa ayaa waxaa isku soo duba riday Asad Gufure, waxaana marti ku ahaa oo doodaas ka qayb qaatay mudanayaashaan:

1-xaaji cali islaan : oo ah oday somaliyeed .
2-kornayl maxamuud yuusuf , sarkaal sare somalia oo la dagaalamay dilmiga iyo kala goyntii gumaysigu la damacsanaa dalka somaliya.
3-dr: saadiq aynow : dhakhtar ku takhasusay caruurta isla markaana ah aruuriye aruuriya tariikhda somalia iyo sugaanta somaliyeed .
4-yasiim maxamad cali, ganacsade somaliyeed.
5-laba arday oo kala ah sharmaarke c.risaaq cilmi iyo c/ladiif xusayn barre.

Waxaa uu u dhacay barnamijku sidaan.

zamzam waxaa ku dhacay waa tariikh xun oo bilaamatay.

Xaaji Cali Islaam ayaa ka waramay in uusan waligiis arag sida foosha xun ee ay ugu bohoobeen reer W/G in gabar yar oo agoon ah la kufsado, lana jirdilo, islamarkaana maxkamad filina lagu xukumo 5 sano iyadoo ayan jirin garsoor caadila iyo garyaqaana udaado gabadha yar , isagoo hadalka sii wada ayuu yiri , waa baal madow oo ubilaamay labada shacab oo daris wanaaga uu ka dhaxeeyay isagoo ka warmay tariikhda wanaag sanayd oo soo dhex martay shacabka reer punt land iyo kuwa haatan ku sugan W/G oo haatan bilaabay tariikh xun oo ma dhacdo ah , iyadoo ay tani tahay wax laga khajilo lagana yax yaxo oo aan tariikhda somalia haddda ka hor aan ka dhicin tasoo xeerkii soo jireenka ahaa god lagu hubsaday. Xaaji Cali oo hadalkii sii wata ayaa yiri: waxa zamzam ku dhacay anagu hadaanu nahay odashii somaliyeed waydiisan maymo una sheegan mayno Riyaale Kaahin iyo Axmad yuusuf yasiin oo ku hishiiyay kufsiga gabadha ee waxaanu u haysanaa beel waynta ka talisa gobalada W/G in ay gabadhaas boojimaha loo haysta sida uga dag dag ah loo siidaayo, maxkamadna lasoo taago wax ma garadka gabadha kufsaday, xaqii gabadhana lagu saleeyo waxii xeer u ah somalida dhaqankeeda iyo diinta islaamka.

zamzam waa birmagaydo

Dr. Saadiq Aynow ayaa tilmaamay in zamzam axmad ducaale ay huwanyd dhowr go' kuwaas oo la rabay kooxda mamulka hargaysa in ay ku badbaadshaan gabadha yar oo ah agoonta, hadaba isagoo tilmaamaya arimahaas dhawrka ah oo ay huwanayd zamzam axmad duacaale ayaa uu dr: saadiq aynow tilmaamay in somalidu ay lahayd xeerar dhaqan kuwaas oo ay ku dhaqmi jireen maadaama ay ahaayeen somalidu dad reer guraa ah , waxaana ka mid ahaa xeerarkaas xeerkii la oran jiray [birmagaydo] kaasoo ahaa dadka aan la xumayn karin, lana dilin karin, hadaba zamzam waxaa ay ahayd kuwa ugu horeeya birmagaydada oo ugu horayn waa gabar da' yar, waa lagu sheegay in ay jirto 16 sano jir, marka kalana waxaa ay ahady ardayd oo ardaygu xeerka caalamiga ah waxaa ay leeyihiin dhawrid oo xataa qawaniinta ay bini'aadanku dajiyaan waxaa ka reeban in ardayda lagula kaco xumaan intay doonta hala ekeetee , tan kalo oo ay zamzam ku ahayd birmagaydada waa in ay ahayd musaafir oo ay kasoo kicitintay gurigoodii iyo ahalkoodii, qofka safarka ahna somalidu waa ay soori jireen waana la karaamayn jiray oo hoy iyo jiif la siin jiray , lakiin zamzam waxaa ay gacanta ugashay dad cadow ah oo aan wax ka aqoon dhaqanka somalida iyo xeerarkoodaba isla markaana waxaa ay ku tunteen somalinimadii iyo islaamnimadii , dr. saadiq aynow oo wada birmagaydadii ayaa tilmaamay in zamzam ay sidoo kale huwanayd go' ilaahay uu amray oo la rabay in lagu dhowro kasoo ahaa in ay ahayd gabar xijaaban lakiin ragga zamzam godka ku riday ilahay amarkiisa waa ka tageen iyo dhaqankii somaliyeed waa ka talaabsadeen.

zamzam ganacsatada somaliyeed ha u gurmato.

Yaasiin Maxmad Cali oo ah ganacsade somaliyeed ayaa markii uu kahadlaayay dhibaatada ay ugaysteen maamulka Haygaysa gabadha yar ee zamzam axmad ducaale ayaa waxaa uu sheegay in laga yaaban yahay sida kooxda Hargaysa ay ugu tunteen xaquuqdii gabadha yar ee agoonta ah isagoo tilmaamay in taasi ay maanta abuuri karto jawi caladeed oo ay ganacsiga udhaxeeya labada shacab ee dariska ah ay ukeeni karto dhibaatooyin fara badan isaga oo markaa sheegay in shacabka gobalada W/G ay ganacsi ahaan ku xiran yihiin MGPL iyadoo ay haatan muuqato sida xooga leh oo ay uga caraysan yihiin dadwanaha soomaliyeed meel walba hajoogeene ayaa mooda in arinkeeni uu yahay mid hurimayan dhiila calaadeed.

Hadaba aniga oo ku hadlaaya magaca ganacsatada soomaliyeed ayaan waxaan baaq ujeedin dhamaan ganacsatada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer W/G in ay u qumaan dadaal wayn oo ay ugu gurmanayaan gabadha yar ee agoonta ah, waliba waxaan ka codsan xawalada laga leeyahay gobalkaas hada kohorna ka qaadatay kaalin wanagsan ugurmadka dadka wax ku yeeloobay hirarkii bada in ay tana u is taagaan waayo sumacadooda ayaa ku jirta khatar wayn , isagoo sii wada ayaa uu tilmaamay yasiin : waxaan ka codsan ganacsatda soomaaliyeed in ay akoon-nabar ay ufuraan gabadha zamzam axmad ducaale kaas oo loogu aruuriyo lacag lagu daaweeyo, waliba wadamada horay maray loo geeyo cafimaad, waayo waxa ku dhacay gabadhaa agoonta ah waa wax aan maskax bina aadan gali karin, soomaaliyana aan lagu dawayn karin.

zamzam calinkii soomaaliyeed ayay huwantahay.

Justice for the Atrocities of the 1980s:

The Responsibility of Politicians and Political Parties.. Raaqiya Oomaar

Kornayl Maxamuud Yuusuf oo ka waramyay arinka zamzam axmad ducaale ayaa sheegay in nimanka ubahoobay in gabar yar ay kufsadaan uusan isagu ku sheegi karin maamul balse ay yihiin burcad, waxaana taas maanta u ah makhraati ficilada xun oo ay samaynayaan iyagoo gabar yar oo aan qaan gaarin kufsaday, ciqaabay, jirdilay, hadeerna la goobaya in ay god kusii ridaan , hadaba anoo taa tixraacaya ayaan haatan oran karin ragaasi waa dawlad waayo dawladi waa dareen, dawladi waa dadnimo, dawladi waa raxmad, dawladi waa cadaalad .kornayl yuusuf oo hadalkiisii wata ayaa yiri dullinimadu mar bay ku taabataa marka damana waa ay kugu habsataa maantana waa ay ku habsatay burcada ku sugan hargaysa , kornayl yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu ahaa sarkaal la diriri jiray dulmiga ayaa sheegay in riyaale oo maanta ay reer W/G ka dhigteen halyay uu ahaa waxii uu isagu la diri jiray dulmiga, uu riyaale joogay qaybta dabar goynta waxaana uu yiri kornayl yuusuf waxaa nasiib darra ah in reer hargaysa ay maanta ka dhigtaan madaxwayne ninkii shalay iyaga dabar goynayay oo basaaska u ahaa maamulkii siyaad barre haddeerna isaga iyo axmxad yuusuf yasiin ay ku bohoobeen in gabdhaha soomaaliyeed la kufsada la ciqaabo la jirdilo iyagoo aan xaqdhowrin diinta islaamka iyo aan dhowrin xeer dhaqameedkii soomaaliyeed iyagoo aan ka xishoon, wax ay rabaan in ay ka aargutaan in ay tahay gabar yar ah oo agoona oo aan qaangaarin oo ardayada.

Kornaylk maxamud yuusuf oo hadalkiisii wata ayaa sheegay in kuwa ficilkaas ku kacay ayan meelna kasoo galin soomaalinimo iyo islaamnimo iyo bina aadanimo, waxaana uu ugu baaqay shacabka reer W/G in ay ka dhiidhiyaan dulmigaas gabadha loo gaystay, ayna maxkamad la eegtaan wax iskuma falayaasha faaxashada la bareeray , kornaylka oo hadalkiisii wata ayaa yiri: waxaa xaqiiqa ah hadii aydan maanta ka hor imaan dulmiga lala beegsaday gabadha yar in aad biri arki doontaan nimankaas burcadka ah oo gabdhihiini qabsaday oo hooyooyinki u hoyaday ! waayo waxaad uga daqmataan arinka zamzam axmad ducaale.

Qoraalkaan waxaa isku soo dubaridey:
asad abdi gufure maxamed
asadgufure@hotmail.com
Qaahira, Masar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2005

Dhegeyso Gabaygii Dardaaran Oday & Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD