SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Ma ogtahay in madaxwayne ku xigeenkii hadlay ka hadlay arinta samsam

Waxay umada somaliyeed inteeda badani la socotay arinta gabadha yare ee Samsam oo baryahanba ka socotay Hargaysa in kasta oo dadka wararka ka qaata bogaga internetka qaarkood ay su'aalo daacadnimo ku dheehantahay is waydiinayeen hadana Qaar kale oo badani arinta waxay u dhigayeen si xaglini ku dheehantahay. xaglintaas oon ka madhnayan kuwa bogaga maamula laftooda.

Warsaxaafadeedkii Axmed Yuusuf Yaasiin ee Arinta Samsam Axmed Ducaale
ka akhri halkan....


XAMAR IYO XALKA SOOMAALIYA
14.Sano ayey Soomaali Xamar u xaniban-tahay. Hadaba Reer Muqdisho C/Laahi kadib maxaa la gudboon..  Guji..


Xuseen Dalmar Ismaaciil oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa oo ka Warbixiyay Xaalaad Sasam... Guji...


Hadaba sida aynu wada ognahay su'aalahaas la is waydiinayay waxa ka mid ahaa Madax wayne ku xigeen kii arintu khusaysaysay maxaa hadal looga waayay. Hadaba markii gabadhii la xukumay ayaa ugu danbayntii waxa hadlay madaxwayne ku xigeenkii.

Hadaba anigu shaqsi ahaan waxan qabay mar hadii labada qof ee arintu tooska u taabanayso midkood hadli lahaa waa madax wayne kuxigeenka iyo samsame in ay gaar ahaan Somalitalk oo si toos ah iyadu ugu ololaynaysay inay si aad ah uga faaloonlahayd ama ugu yaraan kii hadla wixii uu ku hadlay ay u soo gudbiyaan dadwaynaha laakiin sida muuqata waxa meesha ka dhacay nin ay meeli u cadahay meeli ka madaw .

Hadaba aniga oo aaminsan in qabyaaladu dhankasta inaga taabatay waxan jecelahay inaan intii karaankayga ah, ka qayb qaato sidii loo baran lahaa waxa layidhaaho aragtida kala duwan sida loo soo gudbiyo wayo waxa fiican in cawaadifta iyo caqliga la kala saaro waxay somalitalk soo daysay warbixin samsam ku saabsan oo uu soo diray nin muqdisho jooga oo leh sidaas ayay wararku nagu soo gaarayaan iyo maamulka Somaliland wuxu wax ka qaataa shisheeyaha, halka isna uu joogo muqdisho oon shisheeye iyo sokeeye midna aan wax laga maqal. iyo nin askari ah oo uga tagay shaqada arin qabiil halka madax wayne ku xigeen kii arintu khusaysayna uu shir jaraaid ku qabtay hargaysana aanay Somali talk wax war ah ka soo qorin markaa waxa fiicnaan lahayd inay soo qoraaan wixii Uu ku hadlay iyaga haba u cuntami waayo hadalka madaxwayne ku xigeenkuye.

Aniga oo maqaalkan qoraya ayaa isha kalena waxan ku hayaa TV/AL JAZEERA Oo waxay si toos ah u waraysanaysaa laba nin oo midna yahay falastiin midna Yahay yuhuudi, waxayna ka hadlayaan maskaxdooda ee caadifada kama Hadlayaan, hadaba inaga oo soomali ah oo isu diin ah oo isu asal ah sidee haboon Inaan u wada hadalo.

Maqaalkii hore ee Qoraaga: Hargaysa ma aha guwantinamo! [Dahir]

Daahir cumar abtidoon
hassan1mhd@yahoo.com

22/12/004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2004

LIFAAQ:

SomaliTalk waxa ay soo daabacday warsaxaafadeedkii madaxweyne ku xigeenka oo dhamaystiran laba maalmood ka hor intii aanaan helin maqaalkan sare... Waxa kale oo SomaliTalk soo daabacday waraaqihii dhakhaatiirta Hargeysa. Waxaana qoraaladaas si toos ah looga heli karaa Qaybta Wararka Samsam Axmed Ducaale... Guji.... [ http://www.somalitalk.com/samsam/ ] Waana soo dhoweyneynaa fikrad kasta oo wax dhiseysa.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD