Abshir Bacadle: DIIN TAKOOR
Qormo lagu
weerarayo Bacadle oo uu soo saaray urur lagu
Magacaabo Somaliland Organization
Qormadeena caawa
waxaan ku soo qaadan doonaa qoraal loogu magacdaray
Diin Takoor oo uu qoray urur lagu magacaabo
Somaliland Organization, isagoo qoraalkan ka soo
saaray xafiisyadiisa London iyo New York, waxayna si
kulul ugu cambaaraynayaan Abwaan Abshir Bacadle oo
ay ku sheegeen in uu aflagaadeeyay Beesha Isaaq.
Qormadan oo aad u
dheer ayuu ururku ku bilaabay sidatan:-
"Waxaannu
taxanahan kaga faalloon doonnaa "Diin Takoor"
oo in muddo ah ay ku hawlanaayeen qaar ka mid ah
saxaafadda Soomaaliya lagulana kacayay beelaha
Isaaqa. Diin-takoorkaasi oo maanta u gudbay, sida
aad ku arki doontaan maqaalkan iyo maqaalo kale oo
taxane ah heerkii u xumaa ayaa ujeeddada ugu weyni
ee ka dambaysaa tahay in lagu tilmaamo shacbiga ku
dhaqan Somaliland in uu yahay "Gaalo" iyo "ehelkeed",
iyadoo Abshir Nuur Faarax (Bacadle) uu gaalo ku
sheegay beesha Isaaq iyo maamulka Somaliland
labadaba"
Abshir Nuur Faarax
(Bacadle) oo Sarkaal sare ka ahaan jiray ciidamadii
dhiigya-cabkii Maxamed Siyaad Barre, islamarkaana
allifa gabayada gaar ahaan suugaanta uu ku difaacayo
diinta Islaamka, ayaa weerar ba’an oo uu beryahan
dambe ku hayay beesha Isaaq iyo jiritaanka
Jamhuuriyadda Somaliland la soo ifbaxay isagoo
Axaddii 23kii January 2005 gaadhsiiyay heer aad u
fool xun.
Abshir oo ay
waraysi la yeelatay Marwo Amuun Cabdillaahi Maxamed
oo ah soo-saaraha idaacadda Soomaaliga ee Sweden
ayaa wuxuu tilmaamay; "In aanay (Somaliland iyo
beesha Isaaquba) iyagu diinta Islaamka ku socon,
dhaqanna lahayn, islamarkaana reer Galbeed la
haystaan".
Sheekada keentay
waraysiga uu Bacadle kaga dhawaajiyay arrintan u
muuqata in ay muddo badan u guntanayd ayaa waxa ay
ku timi maqaallo faro badan oo bogga Somalitalk.com
ugu gogol xaadhayay hirgelinta ra’yigan "Diin
Takoorka" ah. Bogga Somalitalk ayaa in muddo ah
wuxuu taxane ka qorayay sheekada Samsam Axmed
Ducaale oo ah gabadh yar oo 15kii August 2004 lagu
xidhay magaalada Hargeysa, iyada oo 15kii December
maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay 5 sanno oo
xadhig ah. Dembiga inantan yar lagu soo eedeeyay oo
ay aad uga hadleen dadweyne badan oo reer Somaliland
ah, islamarkaana qareenno looga qabtay Hargeysa,
ayaa wuxuu ahaa mid lagu tilmaamay basaasnimo.
Qaabka iyo
hannaanka aan xidhiidh furadka lahayn ee loo soo
taxay sheekada Samsam A. Ducaale ayaa waxa ay
muujinaysaa gundhigga laga leeyahay biyadhaca
arrinkan iyo sida ay "baroortu ceesaanta uga
weyntahay".
21 dharaarood ka
hor intii aan Samsam maxkamaddu ku ridin xukunkii
lagu qaaday waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay afar
qareen oo u doodayay inanta yar. Nimankaasi may
ahayn qareenno ka yimi Soomaaliya iyo meel kale
midna ee waxa ay ahaayeen qareenno kiiska inanta yar
looga qabtay magaalada Hargeysa.
Bishii November
25-dii wuxuu bogga Somalitalk.com soo dhejiyay
qoraal laga diyaariyay waraysi ay Raaqiya
Cabdillaahi Oomaar oo madax ka ah ururka xuquuqda
aadamiga u dooda ee African Rights ay siisay
idaacadda Voice of America. Wuxuu boggu qoraalkan
soo raaciyay telefoonnadii Raaqiya ee Hargeysa.
27kii November
2004 waxa bogga Somalitalk.com soo gudbiyay maqaal
loogu hiilinayo inanta yar ee Hargeysa ku xidhan oo
uu soo qoray Maxamed Cabdi Xasan (Diridhaba) oo ah
suxufi madaxbannaan oo u dhashay Somaliland.
Qareennada la xidhay, Raaqiya
Cabdillaahi Oomaar, Maxamed Cabdi Xasan (Dirirdhaba),
ururka Qareennada Somaliland waxa ay dhammaantood ka
mid ahaayeen qaybaha kala duwan ee reer Somaliland
ee arrintan ka muujiyay dareenkooda, islamarkaana
isku dayay in ay u hiiliyaan inanta yar. Qof kasta
oo daacad ah oo la socday shubaasha qumman ee loo
darandoorriyay ammuurtani wuxuu ugu horrayn u
qaadanayaa in gundhigga sheekadu tahay "raadinta
xuquuqda Samsam Axmed Ducaale", hase yeeshee haddii
loo sii kuurgalo waxa bilowgiiba kuu muuqanaya
ifafaalo tilmaamaya halka bud-dhigga arrintani u
socoto
Bishii Oktoobar 20-keedii maqaal
uu daabacay bogga Somalitalk.com wuxuu ku bilaabay
sidatan:- "Waxaa noo suurtagashay inaan wax ka
ogaano asbaabaha keenay in la xiro lana faro xumeeyo,
waa sida haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda
xaqiijiyeene, Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar
oo hadda madaxa la gashay 16 sano ayaa ilo kala
duwan noo sheegeen in arrinteedu madaxa la galayso
oo ugaar tahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland,
taasoo salka ku haysa kala afkaar duwanaasha Xagga
diinta,"
Sida ku cad maqaalkan waxa jirta
kala afkaar duwanaansho xagga diinta ah. Waxa
muuqata in habdhaca sheekadu ka gudbayso xadkii u
doodista xuquuqda Samsam Axmed Ducaale oo ilaa
iminka u ekayd in loo dhan yahay, Somaliland iyo
Soomaaliya, una baydhayso mid qolo lagu takoorayo oo
weliba diinta Islaamka laga dhawaysanayo sida ku cad
gunaanadka Abshir Nuur Bacadle.
27-kii Desember 2004 ayaa Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir, oo qore joogto ah ka ah bogga
Somalitalk.com soo gudbiyay maqaal uu Abshir Nuur
Faarax Bacadle kaga codsanayo in uu doonnida ku soo
boodo. Fahad Yaasiin oo ah ruux ay qoraalladiisa
farshaxannimo ka muuqato ayaa wuxuu u dhigay
codsigiisa qaab dadban, hase yeeshee muujinaya
ujeeddada uu leeyahay iyo sallaanka gaarka ah ee uu
jecel yahay in Bacadle ka soo fuulo doodda.
Wuxuu qoraagu kaga bogtay
codsigiisa "Gabyaagii wahaabiyada maxaa hadal looga
waayey?", isaga oo muujinaya sida uu u jecel yahay
inuu Bacadle xadhig gaar ah uga soo garaaco sheekada.
Si haddaba Fahad sheekada ugu ilaaliyo dahaadhka loo
daayay ee ah "doonista xuquuqda Samsam" wuxuu
Bacadle kala dooransiiyay shan god oo uu af reer
magaal ku leeyahay kan aynu ognahay soo deg. Shanta
god ee maqaalku taabtay waxa ay kala ahaayeen
1. Dawladda Nayroobi lagu soo
dhisay,
2. Ciidamada Itoobiyaanka ah ee
la hadalhayo in Soomaaliya la keeno, 3. Dalladda
Culimada Soomaalida ee Muqdisho, 4. Dekeddda iyo
Garoonka Muqdisho iyo ugu dambayn 5. Gabadh yar oo
Samsam la yiraahdo.
Faah-faahinta uu Fahad raaciyay
godka shanaad ee uu codsiga Bacadle ku darsaday
wuxuu u dhigay sidatan: "Gabadh yar oo Samsam la
yiraahdo ayaa muddo dheer ku jirta xabsi Hargeysa ku
yaal, arinteedana waxaa ka hadlay qolyihii Xuquuqul
Insaanka ee aad mar gabayga ku maagtay. Su'aashuse
waxay tahay Bacadle muu u gabyo qolyaha gabadhaas
haysta".
30-kii bishii Desember 2004 ayuu
Abshir Faarax Nuur (Bacadle) xafiiska wargeyska
Ayaamaha ee Muqdisho soo gaadhsiiyay, sida bogga
Somalitalk.com sheegay hordhicii gabay uu kaga
hadlayo godkii shanaad ee uu ka dalbaday Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir. Erayada uu soo hormariyay
Bacadle waxa loo dhigay sidatan:-
"Guddiga Habar-magaalood wanjalay
Gabaraan Qaan-gaarin
Duqa ILAAHAY gafiyay gabadha ii daaya
Go’aankooda Higiskaa ma waan gobi ka shuureyn..........
Bacadle"
Isaga oo abwaanku ka bilaabaya
gabaygiisa beel ayuu wuxuu ballanqaaday inuu
toddobaad ku soo dhammaystiri doono.
Saddexdii bisha January ee
sannadka 2005 ayaa waxa bogga Somalitalk.com soo
daabacay gabay ka yimi Bacadle.
Sidii uu qorshaha inta badan la
soo dhisayay ahaa gabayga ka yimi Bacadle kuma
bilaabmin xuquuqdii inanta ee ay ahayd in dhammaan
dhinacyada ay khusayso oo dhammi iska-kaashadaan.
Wuxuu gabaygii, isaga oo ku halqabsanaya
guddoomiyaha ururka mucaaradka ah ee Somaliland ee
UCID Faysal Cali Waraabe ku bilaabmay kala go’ii
labada jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Wuxuu markaas ku dacaldhebay oo qiiq uu isku qariyo
ka dhigtay dacwaddii inanta yar.
Wuxuu uga gudbay beel uu sida uu
u dhigay leeyahay waxa ay u bahowday waxyeellada
gabadha yar. Wuxuu Bacadle markaas ku raftay
gabaygii isaga oo galay "jaad" iyo arrimo gaar ah oo
la odhan karo waa tii meesha tiil ee
iska-kaashigeeda loo baahnaa oo kale. Wuxuu bartan
Abshir gaadhay haweenay kale oo ay ahayd inuu u
xurmeeyo sida uu leeyahay waxa aan u xurmaynayaa
Samsam.
Abshir laga bilaabo goobtaas
wuxuu u dhaadhacay dulucdii in badan loo soo
gogolxaadhayay, dulucdii loo diyaariyay maqaallada
faraha badan, dulucdii loogu talagalay in ay gogol
saldhig u noqoto nuxurka uu Abshir Bacadle ku
gunaanaday waraysigiisii uu siiyay idaacadda
Soomaaliga ah ee Radio Sweden. Isaga oo ku noqonaya
beeshii uu gabayga ku bilaabay, ayuu carrabka ku
dhuftay gunnimada uu meel u dhigay iyo sida ay
Xabashi uga agdhow yihiin.
Suxufi Fahad
Yaasiin Xaaji Cabdi Daahir waxa u curatay hogol
khayraad, waxa laga aqbalay ducadiisii. Waxa ka soo
yeeray Abshir Nuur Faarax (Bacadle) gabay ku taagan
toobiyihii loo baahnaa in dooddu toos u qaaddo.
Gabaygii Bacadle
wuxuu toosiyay bulshoweyn, nin waliba ceesaantiisii
ayuu ceelka soo taagay. Gabayada la soo gudbiyay ee
raacay silsiladda Bacadle waxa ka mid ah qaar uu ku
lifaaqan yahay fekerkii somalitalk.com iyo
saxaafadda kale ee Soomaaliya weligood ka
damacsanaayeen qaabka farta loogu fiiqayo ama loo
fogaynayo beesha Isaaqa iyo wixii la halmaala.
Abwaan Maxamuud
Axmed Cabdalle (Shiine) oo silsiladda kaga qaybgalay
tix magaceeda la yidhaahdo "Godankaa Hargeysaad
Dhibkii lagugu gaarsiiyay" ayaa wuxuu gabayga ku
bilaabay;
"Samsameey waxaa kugu gefey gaalo
ehelkeede
Gunbaa ku heshay iyo tuugadii gaarufta lahayde"
Waxa cad in
sheekada meesha ka socota ee u muuqata inay midaysay
wadaad, siyaasi, gabayaa, suldaan iyo waxgarad tahay
mid ka gudubsan xuquuq qof oo loo doodayo. In halka
boogtu tahay carrabka lagu dhufto ayaa la diidayaa.
Waxa is weydiin
leh "Haddii xuquuq loo doodayo maxaa loogu sinnaan
waayay?". Tusaale ahaan, bogga somalitalk.com
oo sheekada qormooyinkani daahfurka u yihiin
fidintooda hormood ka ahaa sannadkan iyo kii ina
dhaafay, ayaa waxay haddana u heellan yihiin difaaca
iyo abaabulka ololaha loogu hiilinayo Maxamed Cali
Samatar oo dacwad madani ah ay kaga oogan tahay
dalka Maraykanka. Dadka dacwaddaas ku soo oogay
Maxamed Cali Samatar waxay dhammaantood ahaayeen
dhibbanayaal tabaalo badani ka soo gaartay maamulkii
uu Samatar xil hayaha culus ka ahaa.
Sheekadan loogu
talagalay in beesha Isaaq lagaga takooro Diinta ay
haystaan ee Islaamku maaha mid maanta bilaabantay.
Waxay soo taagnayd tan iyo markii gumays-tayaasha
reer caddaanka ahi qaybsadeen qaaradda Afrika.
Xuquuqda Zamzam Axmed Ducaale waxa keliya oo ay u
noqotay fursad ay dadka u heellan fulinta iyo
socodsiinta "Diin-takoorkani" ku kobciyaan
ra’yigoodan maqluubka ah.
Sannadkii 1995-kii
waxay kooxahani ku faafiyeen warbaahinta ummadaha
Af-Soomaaliga ku hadlaa adeegsadaan iyo kuwo kale
intaba waraaq been-abuur ah oo lagu metelayo in
madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed Ibraahim
Cigaal Allaha u naxariistee u diray ra’iisal
wasaarihii xilligaas ka talinayay dalka Israa’iil.
Muddo ku beegan
sannadkii 1989-kii ayaa waxa nin lagu magacaabo
Bureyda uu daabacay buug uu ugu magacdaray "Waa
wareey". Buuggaas oo sida loo dhigay loogu talagalay
in ummadda Soomaalida looga digo dhaqdhaqaaqa
Kiristanku ka wadaan Soomaaliya ayaa waxa lagu soo
bandhigay arrimo mala awaal ah oo qayb ka ah
ra’yigan "Diin-takoorka".
Wakhtiga buuggaas
la daabacay wuxuu ku beegnaa xilligii taliskii
macangagga ahaa ee uu madaxda ka ahaa dhiigyacab
Maxamed Siyaad Barre uu tallaabooyinka waxashnimada
ah ka fulinayay carrada Somaliland. Shacbi aad u
ballaran oo dhibaato xoog lihi ka soo gaartay
falalkii Siyaad Barre ayaa waxay habqan ku degeen
dhul badan oo ku teedsan khadka u dhexeeya Itoobiya
iyo Somaliland.
Meelaha ugu
ballaarnaa ee shacbigaas dhibbanaha ahaa isku
urursadeen waxa ka mid ahaa Harta-Shiikh, Xarshin
iyo Dhoqoshay. Sida dadkii xilligaas ku noolaa ama
booqashada ku tegay ogsoon yihiin goobo badan oo
degsiimooyinkaas ka mid ah waxa ka jiray xukunka
shareecada Islaamka.
Sida buugga uu
qoray Bureyda lagu sheegay, "Diinta Kiristaanka ayaa
dhulkaas", oo uu qoraagu ku tilaamamay meelo SNM-tu
ka taliso "aad ugu fidaysay", halka buu yiri "Dhulka
dawladdu joogto aanay arrimahaasi ka dhicin". Waxa
kale oo qoraagu tibaaxay in oday ka mid ah kuwa ugu
waaweyn madax-dhaqameedyada Isaaqu uu yidhi "Haddii
macatab aan qoorta sudho wax loogu qabanayo dadkayga
waan yeelayaa". qaraagu ma sheegin inuu booqday
Dhoqoshay, Xarshin iyo Harta-Shiikh ama meelaha kale
ee degmadu u qaxday, ma tilmaamin maamullada
shareecada ku dhisan ee goobahaas ka jiray,
Qoraagu ma sheegin
inuu booqday Dhoqoshay, Xarshin iyo Harta-Shiikh ama
meelaha kale ee degmadu u qaxday, ma tilmaamin
maamullada shareecada ku dhisan ee goobahaas ka
jiray, ma soo qaadin sida ay xukuumadda uu leeyahay
waxa ay dalka ka horjoogtay fidinta masiixiyadda iyo
ku dhaqanka diinta Islaamku isku ahaayeen. Qoraagu
waxba kama odhan in xitaa xukuumaddaas ninka madaxda
ka ahaa (M. S. Barre) uu gole la tubanyahay kaga
baxay diinta Islaamka.
Waxa keliya ee uu
qoraagu tibaaxay in beesha Isaaqu u nugushahay ama
ka agdhowdahay diimaha kale ama ay ka fogyihiin
Islaamka. Waa dhanka maanta Abshir Nuur Faarax (Bacadle)
u riixayo beesha, waa dhanka qoraallada laxaadka leh
ee loogu gabbanayo difaaca xuquuqda Samsam A.
Ducaale ujeeddadoodu dhabta ahi ku aaddantahay.
Waxa isaguna
fikirkan qabay oo xitaa kooxaha imika mabda’a ka
dhigtay arrintani tusaale weyn ka soo qaataan
Maxamed Cabdille Xasan oo dagaal kula galay dawladda
Ingiriiska dalka Somaliland bilowgii qarniga
labaatanaad. M. C Xasan inkasta oo uu taageero badan
ka helay Isaaqa xilligii dagaalkiisu curdinka ahaa,
haddana marnaba kama suulin fekerka ah "in Isaaqu
gaalada ku tirsanyahay". Tix ka mid ahaa gabayadiisa
oo uu arrintan kaga hadlay ayaa waxa sadaradeeda ka
mid ahaa:-
"Iiddoor
wagaashliyo kufriga, Wacad Allow yaalle...
Waa niman walaalo
ah tan iyo; Waaga aakhiro’e..." - M.C. Xasan
Sida ka muuqata
tixdan wuxuu Maxamed Cabdille Xasan rumaysnaa in
Isaaqu kufriga la dhashay, islamarkaana ay wacad
gaar ah leeyihiin tan iyo aakhiro.
Sarkaal sare oo ka
tirsanaa madaxdii ciidamadii Siyaad Barre ee xasuuqa
badan ka geystay Somaliland sannadadii 1980nadii,
ayaa mar isaga oo ku sugan waddanka Ingiriiska wax
laga weydiiyay dilkii dadka rayidka ah lagu sameeyay
wuxuu ku jawaabay; "Haddii aad dagaal ku jirto oo
aad dad cadow ah is-dilaysaan diinta Islaamka ayaa
kuu bannaynaysa in aad dadkaas dumarkooda iyo
dhallaankooda intaba laysid".
Waxa laga yaabaa
in caqliga saliimka ahi isyidhaahdo, haddii ruux gef
sameeyo oo gefkaas muddo dheeri ka soo wareegto,
qofkaasi wuuu isa-sixikaraa ama arkikaraa inuu
khalad galay. Sarkaalkani labaatan sannadood ka
bacdi xilligii uu falalkaas ka qaybqaatay wuxuu
rumaysanyahay oo si daacadnimo ka muuqato laabta ugu
haystaa in aan ficilkiisu sax ahayn oo keliya, ee
weliba uu ahaa mubaax diintu bannaysay.
Ma jirto
cadowtinnimo lagula kaco ummad oo ka weyn in
isirkooda la tiro, oo ah tii ka dhacday Somaliland
xilligii macangaggii Siyaad Barre joogay, waxase ka
sii cawaaqibxun marka la damco ee loo tashado,
laguna dhiirrado in ummad dhan diinteeda iyo
caqiidada ay haysato la duudsiyo, taas oo ah midda
tan iyo Maxamed Cabdille Xasan ilaa iyo
Somalitalk.com ilaa iyo Abshir Bacadle ay u
hilloobeen ee dusha ka saarayaan beesha Isaaqa.
Ujeeddooyin badan
baa jira oo dadka "diintakoorka" noocan ah ku
kacayaa ay qiil uga dhigaan ficilkooda. Waxa u badan
in Isaaqu uu ka agdhowyahay Ingiriiska iyo Itoobiya,
waxa ka mid ah in dadka ra’yigan rumaysani
isu-tusaan in ay sheekadan ka iibiyaan dawladaha
Carabta.
Marnaba dadka
ra’yigan iibgeeya maskaxdooda kuma soo dhacdo
maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa; "Booraan
hadimo ha qodin, haddii aad qoddona ha dheerayn, ku
dhicidoontaana mooyee".
Somaliland Organization (Janaayo
2005)
Jawaabtii
Abshir Bacadle ee Qormada 'Diin Takoor"... Guji...
##Dhammaad##
"Gob
cunsuri ahoo waxaa tihiin ficil gumeed yeeshay"
Abshir Bacadle
W/D amiin yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com