SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Lixdan kii Ummad Gees aheyd

Marka hore waad salaman tahiin bahda website ka somalitalk, waxaan ahay mid ka mid ah abwaanada somaliyeed ee qurbaha ku nool magaceyga oo buuxa waa (cumar maxamuud maxamed) oo ku magac dheer (baarqab) waxaan doonayaa in aan halkaan ku soo bandhigo gabay jawaab u ah gabaygii abwaan ka weyn ee soomaliyeed (abshir nuur faarax ) bacadle) gabay gaas oo magaciisu ahaa  (Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay), waxaan doonayaa haduu rabi ogolaado inaan halkaan ku soo bandhigo  madaama aan ahay abawaan soomaliyeed,  sababta ama u jeedada gabayga maaha in aan abwaanka lid ku ahay ama aan ka soo horjeedo ee waxaa igu kalifay gabay gaan in aan curiyo  dadkii gefka geystay kuma ekaan gabaygu waadna mahad san tihiin walaala yaal waana kan gabaygii oo dhan.

magaca gabaygu waa   (lixdan kii umad gees aheyd) 

  • abshiroow gabaygu marbuu kula tagaa godobna reebaaye

  • ninwalibana garaad kiisuu hadlaa garasho waa meele

  • gefef kuna marbeey kaa dhacaan adoon u guuxeyne

  • marka hore dib uga guro xumahaad galisay tariikhda 
     

  • maanso waan u guuxaa inbadan waan gareys nahaye

  • hayeeshee gabyaa sare waataad aheyd gu'u iyo jilaalee

  • faysal ku gaar yeel xumaha intii geysatuu qabane

  • reerahana hakala geyn sharafbaa loo guntaa xarige 
     

  • gobtu ways taqaan ragoow gees walbood eegto

  • nimuu walaalkii ganahayoo gees u riixaayoo

  • ama uu garbaduub intuu u xiray geeyay meel geesa

  • ogoow marbuu gacalka dhamaa gaalka aad sheegtay 
     

  • gundhiga iyo u jeedada hadaan qalinka gaarsiiyo

  • gartu alee taqaanaa goor kastooy tahe

  • gilgishaye aan ku faro xaal inaad geeyso

  • gob iyo gaan geetahoon isqaban wuu i gali waayay 
     

  • ninkii gafa lama daba galoo looma guumeeyoo

  • guushuu kaa heelaa markaad gumuc ku tuurtaaye

  • sidii godka loogu rido amase loo gaado

  • maskaxdaa go'aan laga dayaa gama'a howdiidin 
     

  • intaa waan gor feeyaye midkale iga gudoon maanta

  • guri wiixii soo dumiyo dhibkii soomali kala gaaray

  • abshiroow gu'u iyo deyr wixii lays gumaadaayay

  • gandhari wuuxuu hooya dilay isaaq wuu ka gaar yahaye 
     

  • sharafbuu gobal iyo dhuulkii goostay kaligiiye

  • inagaa is gooy naye raggaa yaan la gaaxine

  • godobteena aan dhaqnoo tolkeen yalasii gubine

  • geesi wuu garqaataa kolkii dagaal lagaga guuleysto 
     

  • adiguna gadii lagugu yiqiin waad gadaal dhaaftay

  • gumaadkiyo xasuuqii miyaad garasho beel gaadhay

  • reer waqooyi hadii lala garamo ama garaab yaalo

  • inagaa gumeeynoo colaad geesta kala raacnay 
     

  • nin walboo gor feeyana gardaraa geesta naga taala

  • waagii baryaba ragii tang lagu garaacaayay

  • koofur oo gurmada dadkaan geynay xeradadooda

  • inaan wali usii goodinaa waan ka gaabsadaye 
     

  • lixdankii umad gees aheyd gacal ku soo maagay

  • oo gogoshaadii kuu yimid calana kuu geeyay

  • oo aan abaal kood la gudin lana garafeyay

  • inaan wali usii goodinaa waan ka gaabsadaye
     

  • faysal god iyo qool haduu mool is galinaayo

  • garaabada iyo ninkii la qaba madax garaaciisa

  • isagaa goor danbaba ku dhici  hadaamuhuu maanta goobaaayo

  • beeshase in loo gudbaa waan ka gaabsadaye
     

  • goos goosan meynee qabiir soo gubtaad tahaye

  • aniguna hadaan soo galoo waan gardaad sadaye

  • dib u goco abshiroow wey gudboon tahaye

  • inaan kula gabyana xaajiyoow waan ka gaabsadaye

cumar maxamuud maxamed (baarqab)
baarqab5@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD