Hargaysa iyo Xabsigii abuu qurayb maxaa ka dhexeeya
Naasir hassan
Naasir56@hotmail.com
Oct 22, 2004
Sida an la wada
socon markii la qabsay ciraaq waxaa ciidamadii ku
soo duulay ciraaq ay bilabee in ay bahdilaan,
quursi, xaqiraad kula kaceen dadkiii ay madie u
isticmaalyeen in ay xoraynayaa taas oo ka soo shaac
baxday ilahay daaha ka rogay waxashanimadii ay kula
keceen dadkiin maskiinta ahaa ee muslimka ahaa oo ay
ugu yimaadeen dhulkooda.
Sida uu qofkasta u
famahay dhacadii lagula kacay dadkaas waxaan anigu u
fahmahayaa in ay tahay xadaarad cusub oo reer
galbeeed laguna soo kordhiyay calamaka loona
isticmaalyo muslimiinta taas oo marka hore loogu
yeerayo argagixiso kadibna lagu sharciyaysanayo in
sidii la rabao laga yeelayo taas oo ah in qofkii la
rabo la dili karo la qaadanayo hantidoo haweeka
ismaalkana sidii la rabo laga yeelayo.
Hadii aan u soo
noqdo ujeedada qoralkaan waxaa dhawan taan laga soo
qoray hargaysa oo ku saabsan gabadh yar oo haboow ah
taas oo raadinaysay abtigee oo ah dadka durbaanka
beenta ah ee gooni u goosiga somaliland luugu tumay
waqooyi galbeed ee somaliya taaas oo ku soo
hormartay madaxwayna ku xigeen sheega ee cabsida iyo
nacaybku ay daashatay in lagula kacay sharcigi ay
dajisteen dadkaan ilbaxnimada waalan lasoo caashaa
baxay waxaa moodaa in ay caalamaka u qaybiyeen
sidii loo fulin lahaa qorshaas aan ka soo hadlay
inkatoo calaamaka islaamka laga fulyo qayb ka mid ah
sida dilka, xadhiga iyo hadatida oo la dhaco, halka
hargaysa ay ka fulinayso dhamaan sida kufsigii,
jirdilkii iyo intii kale oo uu faraya sharcigii la
amray calaamaka waxaase anigu la yaabay waxa ay u
wada fulinayaa maamul ku sheeg hargaysa:
- Ma waxay ka
wadaa reer galbeed ha idin nognaalden oo ku soo
jiita.
- Ma waxay ka
wadaan wadadii gooni u goosiga aya hada hesheen
- Ma waxaay ka
wadaan reer galbeedka waxay ka faaiidaan ha ka
qadinan
- Ma waxay ka
wadaan somalida ehelka ah ayay idin ku soo
qaldamin
-
Ma waxaay ka
wadaan anagaa ha dadka islaamka ah oo sidiina
oo kale wax u fulin kara ee na soo eega
Waxaase waxa la layaabo ah in gabadh 18 jira, cabsi
in taa la eg inta laga muucjiyo in sidaas loo la
dhaqmo. Waxaase moodaa in sawirana la ga qaaday
markiin la fara xumaynaya gabadha si loogu leho
abaalmarin ilaa waxaa wax loo fuliyay sidii ay
gaaladu wax uga fulinayeene xabsigii caaan baxay ee
abu quraby kaas oo aha kufsig, jirdil iyo sawiradii
lagu mujinayay in ay hawshii u socoto sidii meesha
loo tagay in ay ahay sidaas. Marka Waaa yaabe maxaa
ka dhexeeya hargaysa iyo xabsigii abu qurayb waxaa
la orankaraa waxaa ka dhexeeye waa wareeegtadii laga
soo saaray pentigoonka maraykanka ayaa soo wada
gaaratay labada meeladood.
Naasir hassan
Naasir56@hotmail.com