SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SAMSAM LOO GAFYEE MAXAA LOOGU AAR GUDAA?

  • iyo Dardaaran ku wa jahan gabdhaha safra maxrim la’aan

Ibrahim Xasan Caynab
ainabibrahim@hotmail.com

Qof walba oo soomaali ah damiir leh, waxa kala saari kara, garanaayaa dhaqanka somaalida iyo diinta islaamkaba waa arkaa sidaa foosha xun ee loogu xadgudabay Samsam. Waxaa wax  layaabo oo maskaxdayda qaadan karin ah in xukuumad dhan oo somalinimo iyo islaanimo sheeganaysa ay isku raacdo waxaan dhaqanka somaliyeed , dumarka somaaliyeed iyo diinta islamkaba midana aan ka suurto gal ahayn. Shaqsi waa qaldami karaa, askari caqli gaaban oo qooqay waa qaldami karaan. Wasiiir caqli gaaban oo qabyaalad dilootay waa qaldami karaa lakiiin xukuumad dhan inay xumaan isku raacdo xitaa haddii ay gaalo tahay waa wax la qariibsada!.

Waxaa kaloo waxa aad loo layaabo ah in in dadkii saxi lahaa xumaantii iyo meel kadhicii loo gaystay Samsam inay ku faraxsan yihiin xumaantii oo ay idaacadaha ka ga faanaayaan in xadgudubka loo gaysatay gabadha soomaliyeed ee da’ada yar sida taliya ciidanka boliska ee Somaliland. Wuxuu se xisaabta ku darsan isga iyo xukuumadaba in  gabadho u dhashay Somaliland ay meel kasta joogaan oo laga heli karo Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo. Haddaba waxan leeyahay haddii caqaaligaas  aydan lahayn,  maba filaayo inaad caqli waydeen waadse u bareerteene dib u isku qabto Samsam ha lasiidaayo hana la xaal mariyo maba xaal marinkartaane.

Damiirkayga iyo dareenkayga ku aadan arinta Samsam

Waxaanse ku farax sanahay diintayda iyo caqligaygaba inaysan ii ogalaanaynin inaan sidaa u fakaro amaba u ficiloodo si xun oo caddaalaad ka baxsan. Waxaana garanaayaa in arintu ay tahay fidno  ”al-fidlantu ashaadu minal qatal” oo macana heedu yahay fidnadu waxaay ka daran tahay dilka. Waxaan kaloo aad ugu farax sanahay oo kalsoni ilaa xad ah aan ka qabaa inaysan sidaa u fakaran dadka ku nool gobalada iyo qabaa’ilka aan aniga iyo Samsamba ka soo jeedno.

Reer Soomaliland oo dhan ma ka midaysan yihiin xumaanta loo gaystay Samsam?

Maya,bulsho walbo oo meel ku nool waxaa laga helaa dad wanaagsan iyo dad xun marka taasi macanaheedu ma ah in dadka reer somaliland oo dhan ay ku farax san yihiin wixii loo gaystay gabadhdaas yar ee waxaa jira dad badan oo  ku nool gudaha somali land iyo dibadaba oo ka dhiidhiyey arintaas, sida siyaasiga Cismaan Abokor (Akhri waraysigii uu bixiyey).

Dhinaca kale waxaa jira dad caqli gaaban oo ah kuwa xun xun ee aan kor ku soo xusanay sida taliya ciidanka boliska soomaliland, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, qaadiga maxkamada iyo wasiirka isboortiga  somaliland oo abti u aha Samsam oo aan marnaba soo hadal qaadin wax loo gaystay gabdha ,duf alaha ku bixyee, damar xumaaa, maxaanse u la yaabaaye waa tii mar hore la yiri nin hunguri qaaday waa nin seef qaaday, Waayo waxaad ka garanaysaa inuu sidaas ku sifaysan yahay wuxuu ka dhex baxay dadkiisii uu sal ahaan ka soo jeeday hunguri awgiis.

Haddaba haddii aan u soo laabato jaabtii samsam maxaa loogu aar gudaa?


Samsam waxaa loogu aar gudaayaa ina marka hore sidii loo soo dayn lahaa laga shaqeeyo. Marka labaad inaan lagu daynin xukuumadaas daalimada ah oo dhaqankii somaaliyeed iyo diintii islaamkaba meel kaga dhacday. Marka seddexaad inaan wax dhibaato ah loo gaysanin gabdhaha soomaaliyeed ee ka soo jeeda somaliland ee aan waxba galabsan ee ku nool Puntland. marka afraad in loo duceeyo Samsam in ilaahay dhibkii dheef ugu badalo lana habaaro wixii dhibka u gaystay in ilaahay caalamad deg deg ah ka soo saaro. Waana ku kalsoonahay in ilaahay u aar gudaayo gabdhaha muxsinaadka ah, Waayo waxaan ka wada dharagsanahay in Samsam waxa lagu maagayba ay ugu horaysay indho shareer ay xirnayd. Ilahaayna waa tii uu ku balan qaaday inuu ka aar goosandon ku qadafaa gabdhaha ilaahay dhawraya In  ilaahay loo daayo ku waas isgaa ka aar goosanayaa mar dhaw iyo mar fogba  ee.

Dhiirigalan ku wajahan Samsam

Walaashay gacaliso waxaay igu abuurtay qisadaan ku dhacday waalaac iyo walbaahaar, waxay igu abuurtay inaan ilmeeyo markastoon akhriyo maqaal ka hadlaaya arimaahaga. Waxaan is ciil kaambiya damirka la igama qaadinee waxaan helaa xal aan kuugu aar gudo hadana waxaan fiiriyaa sharciga ale iyo diinta islaamka. Haddii aan si kale u iraahdo waxaan kuugu aar gudo waayey oo aan kahayn inaan kuu duceeyo iyo ”QALINKA” oo kuugu aar  gooyo. Waxaan ka walaacaa falkii xumaa ee waxshiga ahaa ee laguu gaystay, waxaan ka walaacaa ciqaabta lagu mariyey, waxaan ka xaanaaqaa in gabar nimadaadii lagu ciyaaro.

Doqon ma ahi damiir laawe ah.
Dareen ma waayin aan kuugu dolaalo.
Duul waxaad ka soo jeedaa aan ladulaysane.
Dimnahaan qaninaa  duligii dugaaga kugu dagaye.
Dulaan dagaal diiwanka gashadaaye.
Diintaan milicsadaa dahab weeye
Ducadaan daadihiyaa dahab weeye.
Dulqaadbaan beegsadaa dahab weeye.

Dameer qooqay iyo dawlad duli ah doolaale ku tagtaye.
Dalaq uteri dulaan diinta milicsane.
Dalaq utiri duul daalim hogaamiye.
Dalaq utiri dulaan kuu damqane.
Dalaq utiri daalim diinta daagalaye.
Dalaq uturi doofaar dadnimo aan lahayne.
Duliga aloow daawo kuugu badal dambi ma lahidee.

Walaashay gacalisoy koleey ma filaayo inaad qoraalkaygan ku akhrin karto xabsiga iyo waqooyi galbeed midna ee waa laguu kaydin oo dib baad ka akhrisane shaydaanka is ka naaroo nafta samirsii. Waxaan kaaga digaayaa waa inaadan naftaada dagaashe. Walaashay gacalisooy waad ogtahay aduun sharaftii kaaga xumaatay ee akhirona yasan ku dhaafin oo labo mar ha qasaarin. Waxaad ogaataa inaadan adigu dambi lahayn oo aadan u bareerin xumaata laguu gaysatay in kastoo eeda aad wax ku leedahay oo aad jebisay xukunkii ilaahay oo ay markii horeba ahayd inaadan safrin maxrim la,aan. Arintu sikastaba ha ahaatee waxaa kuu heelan gayaankaa oo kuu diyaar ah inay ku guursadaan abaalna kaaga dhigi doona inaanadan walwalin waligaa ee niyada geli.

Dardaaran ku wa jahan gabdhaha safra maxrim la’aan


Haddaba akhristoow ka dib maarkaan ogaaday dhibaatada ku dhacaday walaashay Samsam waxaa ii soo baxday arin muhiim ah oo aan marwalba ka maqli jiray culimada islaamka taasoo ah in qofka dumarka ah ay tahay hilib bisil oo dhurwaagii arkaaba damcaayo inuu cuno, sidaas darteed maxrim laan dhibkay leedahay Samsam ugu tusaalo qaado. Qadarta rabi waa meesheeda haddana waxaan isdhihi karaa haddii uu qof maxrim ah la socon laahaa Samsam arintu sidaas waa dhaami lahayd oo kamaysan biloodeen guroga doofarka diinta tagaalay.
Haddaba walashay muslimada aheey waa kuu tusaale Samsam dhibka ay leedahay maxrim laan iyo diinti Alle oo lagu xad gudbaa duliga ay leedahay.Arintu si kastaba ha ahaatee balanteenu iyo dardaarankeenu waa inoo MAXRIM inaadan la aantiis safrin haddii kale u diyaar garoow wixii Samsam ku dhacay.


Ibrahim Xasan Caynab
ainabibrahim@hotmail.com

02/12/2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD