BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA
OO AF-SOOMAALI KU QORAN
ISHA:
www.unhchr.ch |
Somali Version |
English Version |
Arabic Version
Source: United Nations Department of Public Information
BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA
Hordhac
Iyadoo aqoonsiga sharafta uu ku dhashay iyo xuquuqda maguurtada ah ee ay
u siman-yihiin dadweynaha adduunku uu yahay saldhigga xorriyada, caddaaladda
iyo nabadda dunida.
Iyadoo aqoonsi la'aanta iyo ku tumashada xuquuqda aadanuhu ay ka dhasheen
falal waxashtinimo ah oo shucuurta aadanuhu ka danqato iyo iyadoo
gaaritaanka duni aadanaha ku nooli haystaan xornimo ay ku cabbiraan
fikradahooda iyo waxay aaminsan yihiin iyo iyagoon qabin cabsi iyo baahi,
laguna dhawaaqay inay tahay ujeedada ugu weyn ee uu dadku leeyahay.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in xuquuqda aadanuhu ay noqdaan kuwo
sharcigu dhowro, si uusan qofku, ugu dambeynta, ugu baahan inuu xoog kaga
soo horjeesto cadaadiska.
Iyadoo ay tahay lagama maarmaan in sare loo qaado horumarinta xiriirka
saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Dowladaha.
Iyadoo dadyowga dunidu ay ku caddeeyeen mar kale Dastuurka Qaramada
Midoobay sida ay u aaminsan yihiin sharafta iyo qiimaha qofka aadamiga ah
iyo sinnaata xuquuqda ragga iyo dumarka iyagoo goostay inay hore u mariyaan
bulshada heerka, noloshoodane la wanaajiyo iyagoo ku nool xornimo ballaaran.
Iyadoo Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay dhexdooda iska ballan
qaadeen iyagoo la kaashanaya Hayadaha caalamiga ah sare u qaadidda
dhowritaanka iyo xushmaynta xuquuda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah.
Iyaadoo helitoanka aragti midaysan ee la xiriirta xuquuqdan iyo
xorriyaadkan ay tahay arrin qiima weyn ku fadhisa si loo fuliyo ballan
qaadkan.
Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo
saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood sidii qof waliba ama xubin
kasta oo ka mid ah bulshada, isagoo maskaxda ku haya Baaqan, ugu dadaali
lahaa sare u qaadidda dhowritanka xuquuqdan iyo xorriyaadkan, isagoo u
mareya waxbarasho iyo barbaarin, talaabooyin xiriir ah qaadaya xagga dibadda
iyo gudahaba sidii loo xaqiijin lahaa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato
dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama
dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaado.
Qod I
Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga
sharafta iyo xuquuqada Waxaa Alle (Ilaah) siiyay aqoon iyo wacyi, waana in
qof la arkaa qofka kale ula dhaqmaa si walaaltinimo ah.
Qod II
Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuqda lagu tilmaamay Baaqan iyada oo aan loo
kale soocin xag qabiil, midabka, dheddig ama lab, afka, diinta, siyaasadda
ama fikrad kale, dhalasho ama meesha uu ka soo askumay, xoolaha, dhalasho
ama xaalada kale. Waxaa kale oo aan lagu samayneyn kala soocid ku salaysan
arrimaha siyaasadeed, xukun ama xaal caalami ee uu ku suganyahay, dhulka ama
dalka uu qofka u dhashay, ha ahaado dalkaasi mid madax bannaan, mid weli
dawlad kale maamusho (wisaaya) mid aan haysan xukun hoosaad ama aan haysan
gobanima buuxda.
Qod III
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo.
Qod IV
Ma jiro qof loo hoysan karo addoon, addoonsiga iyo ka ganacsiga addoonta
way reebanyihiin cayn kasta ay ku yimaadaan.
Qod V
Ma jiro qof loo geysan karo silic dilyo ama ciqaab ka baxsan aadaninimada.
Qod VI
Qof kastaa wuxuu xaq u laayahay in loo aqoonsado, meel kasta oo uu Joogo,
qofnimadiisa.
Qod VII
Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga
oo aan la kala soocin, in sharcigu dhowro. Dadka oo dhammi waxay xaq u
leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo
ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirigelni kara kala sooc-soocid.
Qod VIII
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Maxkamadaha ku hawsha leh ee
dalkiisa cawin celin dhab ah marka lagu xad-gudbo xuquuqda asaasiga ah oo uu
dastuurka ama sharciga siiyay.
Qod IX
Qofna looma xiri karo, looma hayn karo, ama looma masaafurin karo si
sharci darro ah.
Qod X
Qof Kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo sinnaan buuxda Maxkamad Caadil
ah horteed marka la gaynayo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa iyo marka ay
dhacdo in loo haysto dacwo ciqaab ah.
Qod XI
- Qof kasta oo lagu soo oogay dacwo ciqaab ah wuxuu xaq u leeyahay in
loo ictiqaado inuu yahay dembi laawe ilaa laga caddeeyo inuu yahay
dembiile sida uu qabo sharcigu, ayna ku dhawaaqdo Maxkamad dadka u furun
oo eedeysanayaasha loo oggolaaday dammaanadaha lagama maarmaanka u ah
difaacooda.
- Qofna lama saari karo ciqaab ka dhalatay fal ama fal l'aan haddii
falkaasi ama fal la'aantaasi xagga sharciga Dalka ama kan Caalamiga ah,
aanay ahayn dembi waqtiga la galay. Sidoo kale dembilaha lama saari karo
ciqaab ka adag tii u degsanayd falka dembigaas markii la galay.
Qod XII
Qofna si sharci darro ah looma faragelin karo arrimihiisa u gaarka ah,
qoyskiisa, gurigiisa ama warqadihiisa; sidoo kale lama dhaawici karo
sharaftiisa ama sumcaddiisa. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu sharciga
ka hoos galo fara gelintaas iyo dhaawicidaas.
Qod XIII
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si xornimaa ugu dhex socdo una
dego gudaha dal kasta.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku
jiro kiisa, kuna soo laabto.
Qod XIV
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dal kale u raadsado kana helo
magan gelyo siyaasadeed isagoo ka baxsanayo cadaadis.
- Xaqa kor ku xusan laguma doodi karo haddii cadaadisku yahay mid dhab
ahaan ka dhashay dembi aan siyaaso la xiriirin ama falal ka soo horjeeda
ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
Qod XV
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay Jinsiyad.
- Qofna si sharci darro ah loogama qaadi karo Jinsiyadiisa, loomana
diidi karo xaqa ah inuu Jinsiyadiisa beddesho.
Qod XVI
- Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga
dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay guursadaan
oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada
xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.
- Guur wuxuu dhici karaa oo keli ah marka la helo rabitaan buuxa oo
xor ah ee labada doonaysa inay is-guursadaan.
- Qoysku waa unugga saldhigga u ah bulshada, wuxuuna xaq u leeyahay in
Dawladda iyo mujtamacu bad baadiyaan.
Qod XVII
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu keli ahaan xoolo yeesho ama cid
kale xoolo kula shirkoobo.
- Qofka xoolahiisa si sharci darro ah loogama qaadi karo.
Qod XVIII
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda,
wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan karo
diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq u leeyahay
inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara
ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo
xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.
Qod XIX
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo xagga ra'yiga iyo
hadalka; wuxuu kale xaq u leeyahay inaan lagu fara gelin ra'yigiisa iyo inuu
raadsado, helo, dhiibo warar iyo fikrado isaga oo isticmaalaya qalab kasta
oo war baahin ah iyaga oo aan loo fiirin ama xayirin wax soohdima ah.
Qod XX
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo uu uga qayb galo
isu-tag iyo urur leh ulajeeddo nabad-gelyo.
- Qofna laguma khasbi karo inuu ka mid noqdo urur.
Qod XXI
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo maamulka Dalkiisa
si toos ah ama isagoo si xornimo ah u dooranaya cid wakiil ka ah.
- Dadka oo dhami way u simanyihiin inay ka qayb galaan maamulka sare
ee dalka ka jira.
- Rabitaanka dadweynuhu waa saldhigga awoodda Dawladda; rabitaankaas
waxaa lagu muujinyaa dooroshooyin run ah oo xilliyo joogta ah dhacaya,
laga wada qayb-galaya, waxayna u dhacayaan si qarsoodi ah ama hab kale
oo wax lagu doorto oo xor ah.
Qod XXII
Qof kastaa, maadaama uu xubin ka yahay bulshada, uu xaq u leeyahay inuu
helo daryeel caafimaad. Daryeelkaas oo qof waliba u fududaynaya xuquuq
dhaqaale, mujtamac iyo mid aqooneed ee lagama maarmaanka u ah qofka
sharaftiisa, xornimadiisa iyo koritaanka qofnimadiisa. Taasoo ku imaanaysa
dadaalka gudaha iyo iskaashiga caalamiga, isagoo laga eegayo nidaamka iyo
ilaha dhaqaale ee Dawlad kasta.
Qod XXIII
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu shaqo helo, inuu u madax
bannaanaado doorashada shaqada uu qabanayo, in sharuuduhu shaqada
ahaadaan kuwo caddaalad ku fadhiya, isagana u danaynaya iyo inaysan
shaqo la'aan ku dhicin.
- Qof kastaa, iyadoon dadka la kala soocin, wuxuu xaq u leeyahay inuu
helo mushaar la mid ah kan uu qaato qof kale oo ay isku shaqa qabtaan.
- Qofka shaaqeeyaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushaar wax taro,
kuna filan si uu ugu noolaado isaga iyo qoyskiisuba. Loona kabo haddii
loo baahdo daryeellada kale.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro urur ama ku biiro kuwo
jiray si uu u ilaaliyo danihiisa.
Qod XXIV
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nasasho oo ay ku jirto waqti kooban oo
macquul ah oo laga jaro saacadaha shaqada iyo xilliyo fasax oo uu mushaar u
socdo.
Qod XXV
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu gaaro heer nololeed oo waxtar u
ah caafimaadka iyo ladnaanta naftiisa iyo qoyskiisa; ha ugu horeeyaan
cuntada, dharka, hoyga, daryeel caafimaad iyo wax alle wixii adeeg
bulshadeed oo lagama maarmaan ah; wuxuu kale uu xaq u leeyahay inuu helo
daryeel markii ay ku timaada shaqo la'aan, cudur, curyaanimo, geeri,
gabow ama dhibaatooyinka kale uusan la shaqaysan kari ka baxsan
awoodiisa.
- Hooyada umusha iyo dhalaanku waxay xaq u leeyihiin xannaano iyo
gacan siin gaar ah. Caruurta oo idil, ha ku dhashaan ama yaanay ku
dhalan meher, waxay xaq u leeyihiin xannaana isku mid ah.
Qod XXVI
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo wax-barasho. Waxbarashadu
waa lacag la'aan, ugu yaraan heerka dugsiyada hoose iyo heerka aasaasiga
ah. Waxbarashada dugsiyada hoose waa khasab. Waxbarashada farsamo iyo
midda xirfadeed waa inay noqdaan kuwo la helo; tacliinta sare sidoo kale
waa inay u furnaataa dadka oo dhan, iyada oo la tix-gelinayo qof la arko
mudnaantiisa.
- Waxbarashadu waa inay ahaato mid loola jeedo in lagu kobciyo
shakhsiyadda qofka xoojinta dhowritaanka xuquuqda aadanaha iyo
xorriyaadka asaasiga ah. Wax-barashadu waa inay ahaato mid wax ka tarta
is-af-garadka isu-dulqaadka iyo saaxibtinimada ka dhexaysa qowmiyaadka
ama dadka kala jinsiga iyo diinta ah, waana inay si adkayso hawlaha
Qaramada Midoobay ee la xiriira sugidda nabad-gelyada.
- Waalidka ayaa iska leh xaqa koobaad oo ah inay doortaan nooca
waxbarashada la siinayo caruurtooda.
Qod XXVII
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si madax bannaan uga qayb qaato
hiddaha nololeed ee bulshada, inuu ka faa'idaysto farshaxanka, inuu ka
qayb galo, horumarinta cilmiga iyo ka faa'idaysigiisa.
- Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la daafoco danihiisa maadiga iyo
macnawiga ha ee ka dhasha waxa uu isagu curiyay xagga cilmi suugaanta
iyo farshaxanka.
Qod XXVIII
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyaday inuu helo nidaam bulsho iyo hab caalami
ah oo xuquuqda iyo xorriyaadka lagu tilmaamay Baaqan si buuxda loogu dhaqan
gelin karo.
Qod XXIX
- Qof kasta waxaa ka saaran bulshadiisa waajibaad; bulshadu waa meesha
qura oo ay suurtowdo in qofku shakhsiyadiisu si madax bannaan oo buuxda
ay ugu kobocdo.
- Marka uu qofku gudanayo xuquuqdiisa iyo xorriyaadkiisa waxaa xiraya
oo qura inta sharcigu ka reebay, iyadoo ula jeedadu tahay oo keliya
aqoonsiga iyo dhowritaanka xuquuqda iyo xorriyaadka dadka kale in la
dhowro iyo sidoo kale anshaxa, nabad-gelyada guud iyo wanaagga guud ee
mujtamaca diimaqaraadiga ah.
- Xuquuqda iyo xorriyaadka kor ku xusan looma isticmaali karo si ka
soo horjeeda ulajeedooyinka iyo mabaadiida Qaramada Midoobay.
Qod XXX
Baaqan kuma jiraan wax loo fasiri karo in micnahoodu yahay in Dawlad,
koox ama qof xaq u leeyahay inuu ku kaco fal ama falal loola jeedo in lagu
burburiyo xuquuqda ama xorriyaadka lagu qoray Baaqan.
Source: United Nations Department of Public Information