w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- SAMSAM
|
Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga
Cilmi Nafsiga)
Samsam
Axmed Ducaale:
Taariikhda Dhalashada: 14 August, 1988
Meesha Dhalashada: Dhahar, Soomaaliya
Magaca Hooyadeed: Nadiifo Jibriil Axmed
Shaqada: Ardayad, dhigan jirtey Dugsiga Sare ee
Imaamu Nawawi, Boosaaso, waaan goon..
Laxiray: 15 August 2004, lagana xiray Guriga
Fooxle Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka
somaliland, oo ay ku khaldantay.
Lagu eedeeyey: Basaasnimo iyo shirqool madaxweyne
kuxigeenka
Falalka lagula kacay: Kufsi, jir-dil, ciqaab maskaxeed,
khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn, weydiin
su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm....
lala xiray: Dareewalkii guriga keenay [Cumar Jaamac
Warsame]
Qareemadii u doodayey: laxiray 24 November, 2004,
lana soo daayey 11 Decemeber 2004.
|
AGOON CAAWINAAD U BAAHAN::: |
Baaritaan ay
sameeyeen Culimada ku xeel dheer arrimaha Bulshada, waxay caddeeyeen
in la ogaaday dadka ugu xanaaqa badan bulshada inay yihiin: Qofka
hal-abuuraha ee curiya qaybaha kala gedisan ee Suugaanta iyo qofka
wax-qora nooc kasta ha ahaatee
Qofka hal abuuraha ahi markuu arko wax
damiirkiisu qaadan waayo waxuu naftiisa u biimeeyaa inuu waxa
ilaahay hibada u siiyay ugu gudbiyo dareenkiisa, waana taas marar
badan aynu aragno suugaanyahanno badan oo la dilay amase xabsiyo ku
jira daafaha dunida dacaladeeda; sidoo kale Qoraagu markuu arko wax
uu dhibsado oo u cuntami waaya si bilaa xad-dhaaf ah ayuu qalinkiisa
iyo waraaqdiisa usoo qaataa halkaasoo isagoon is ogayn ku soo
gudbiyo wax ka xanaajiya kuwa uu markaas ficiladooda uuna jeclaysan,
waana taas marar badan aannu u aragno in wariye amase qoraayo caana
loo dilo amase loo xiro, amase laga eryo shaqadooda ay biilka kala
soo baxaan.
Qarnigaan aynu ku noolnahay Soomaalidu
waxay isku raacsantahay in hal abuuraha wayn ee Maxamed Ibraahim "Xadraawi"
uu yahay ninka ugu hodansan Soomaalida maanta qaybaheeda kala
gedisan Suugaamaha. Haddaad Hadraawi wax yar nasiib u heshid inaad
la sheekaysatid, waxaan shaki ku jirin inaad nafsadaada helayso
waqti ka mid ah waqtiyada ugu qaalisan. Markii iigu dambaysay Abwaan
Hadraawi ku dhawaad labo sano ka hor, waxaa iiga kordhay inuu si aan
la koobi karin u xanaaqo markuu arko waxa bulshada aan ku haboonayn,
tusaale oraahda quursiga qabiilka, kala qoqobidda dadka iyo buuqa
iyo qaylada soomaalidu u badan tahay si aan la koobi karin ayuu uga
xanaaqaa, markuu arko hooyo Soomaaliyeed oo suuqa shaah amase qaad
ku gadaysa dhabarkana ku sidato ilmo, waxaad abwaanka ka dareemaysaa
qiiro wayn oo u qabo hooyadaas nolosha ay ku jirto iyo sida uu
jeclaa inay ku noolaato hooyadaas darxumaysan
Sheekooyinka
Hadraawi waxaan ka xusi karaa maalmihii uu ku jiray Xabsigii Qansaxdheere
horaantii 70taneeyadii, farxadii soo martay waxaa ka mida ahaa
maalin maalmaha ka mid ah isagoo ku jira salaadii Duhurnimo ayaa nin
ka mid ahaa waardiyaashii ilaalinayay Jeelkii uu ku jiray ,waxuu
usoo saaray miiskii Buug ka sheekaynayaa Taariikhdii daraawishta,
sida uu u farxay maalintaa Abwaan Hadraawi, waxay ilowsiisay
waqtigii dheeraa ee ku jiray xabsigii lagu soo marmarsiiyooday waxii
damiirkiisu siiyay oo uu arkay inayan meesha qaban.
Waxaan shaki ku
jirin geesigaas abwaanka u keenay hadiyadda Buugaas ah inuu xagga
bulshada waayo aragnimo u lahaa.Maanta haduu kaas joogi lahaa
xabsiga ay ku jirto Samsam Axmed Ducaale, waxaa shaki ku jireen inuu
Samsam u keeni lahaa oo usoo qarin lahaa Buugag manaahijta Dugigeeda
ah iyo dabcan kitaab quraan ah, laakiin curdinkaasi yare waxay
nasiib u heshay alabakhadii Hargaysa.
Haddaad dib ugu noqono Arrimaha
Bulshada iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay, waayo
aragnimo badan waxaa lagu ogaaday in dadka loo kala saaro, noocyo
badan sida Jinsiga (Lab amase Dhedig), da'da, deegaanka qofku ka
yimmid, aqoontiisa, iyo wixii la mid ah.
Metelan dadka ka yar da,da 18aad waxaa
la ogaaday weli garaadkiisu inuuna bislayn, oo dambiyada ay galaan
waxaa loo sameeyay meel laga dhaqan celiyo (Juvenile Detention) oo
sida dadka waaweyn ciqaab xabsi lama geeyo, ee caqli celin iyo
saabosaabo ayaa lagu dayaa.Waxaa kaloo qolyaha ku takhasusay
bulshada u ogaaday ragga iyo dumarku inaan isku si loo baari
karin, tusaale reer Galbeedku markii ay shakiyeen oo ay yiraahdeen
waxaan iska jiraynaa qolyaha argagaxisada waxay diiradda saareen
ragga da,doodu dhaxayso 18 ilaa 33, ee dumarka celcelis ahaan waxay
heleen khatartoodu inay aad iyo aad u yartahay ,sidoo kale da,ada
wixii ka yar 18 ka wayna 33 in khatartoodu ka yartahay kuwa da'daas
udhrxeeya.
Deegaanaada qudhooda qayb bay ku
yeeshaan saadaalinta baqdinta qofka laga qabi karo, tusaale gabadha
ku dhalatay falstiin iyo tan ku dhalatay geeska Afrika isku si looma
cabiri karo, waayo duruufaha ay kusoo kala barbaareen ayaa kala
gedisan.
Haddaba Samsan Axmed Ducaale oo
dhammaan hoos tagaysa sifaha kor ku xusan, waxaa nasiib dara ah iska
daa inay hesho wixii ku saabsanaa da'deeda,
dhedignimadeeda, deegaanimadeba, balse waxaa bedelkeedii ay heshay
jirdil, kufis ciqaab, su'aalo ayna taag u ahayn, odayaal waawayn oo
askar ah ayna waligeed arag labisan oo subax walba kusoo
jarmaadaya, nadaafad xumo, cuno xumo, caafimaad xumo, qol
mugdiya, hanjabaad iyo nolosheeda aragtay waxayna khibrad u lahayn ee
ah YAA TAHAY? Qoloma?.Sidaa awgeed Mustaqabalka aayaheda xagga Cilmi
nafsiga waxay khatar u tahay in maskaxdeeda wax gaaraan, oo haddayna
helin gurmad degdega oo dejiya neerfaheeda ay xaaladeedu khatar ku
jirto, Sidaas awgeed haddii Damqashu jirto waa in waajibaadka innaga
saaran gabadhaas soomaaliyeed ee naxariis daradu ku haysato Hargaysa
wax laga qabtaa oo si degdega loola tacaalaa nolosheeda.
Tan iyo qaran jabkii Soomaaliaya muddo
ku dhow 14 sano, waxaan ku sugnaa Muqdisho oo lagu tilmaamo meelaha
Soomaaliya ugu tacadiga badan, mooryaan amase tuugo tacadi xad
dhaafa gaysatay waa badan tahay laakiin wali ma arag meel dad
masuula isku raaceen in dad si gooniya loola dhaqmo, arrinta Samsam
oo gacanta u gashay Fooxle Axmed Yuusuf Yaasiin, waxay talo ka
baxday markii la qarin kari waayay tacadigii loo gaystay oo jirkeeda
qaybo ka mid ah ka muqdo dabkii lagu gubay sida korantada. Waana taas
ilaa iyo immika loogu haysto jeelka naxariista daran ee ay
maamulaan Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Odayga Booliska horjooga u ah ee
ina Cige.
Tan iyo intii somalitalk ay qalinka u
qaadatay hiilada khadka waxaa si isdaba jooga noogu soo dhacayay
Emailo U badan Mahdnaq, waxaana u balan qaadaynaa inaanu caradayada
liqin ee qalinka wadno.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec
11, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com |
SEARCH |
|
Allah Is Great |
|
|
Waxaa
la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa
madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo
FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka,
sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu
ugu dalbaday askar,
askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20,
2004
Maxamed
Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu
Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah,
16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...
Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday
ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa
abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay
waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad
16-jir ah oo
Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas
waxaa yiri Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..
Nov 5, 2004
Gabar-ta yari
waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf
Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004
Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin
jirtey saldhigga Dhexe magacayguna waa Xuseen Dalmar Ismaaciil, No.
Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii
Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay
Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004
|
Qoraalada laga qoray arimaha
|
|