SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Galiilyo

abwaan c/khayr c/qaadir maxamuud (kawtame)
Khartuum, Suudaan

kawtame24@hotmail.com


Gabaygaan galiilyo waxaa curiyey abwaan c/khayr c/qaadir maxamuud (kawtame) gabaygaan waxuu taabanayaa wax yaalo badan wuxuuna wali daba joogaa gefkii loo gaystay samsam axmed ducaale abwaanku wax kama sheego qabiil iyo cid aan gafka gaysan wuxuu sido kale ka hadlayaa hadaladii kala ahaa inay samsam u socotay inay shirqool tahay ayna wax dili lahayd waxaa kale oo gabaygu taabanayaa cafiska lagu hadaaqay in samsam loo fidiyey ma waxaa wax cafiya qolka dambiga galay mise waxaa wax cafiya  qofka laga qalay dambiga oo lagu gabood falay hadal badan haan ma buuxshee macnihii waxaad ka helaysaa gabaygaan galiilyo oo soo baxay 3-02-2005

  • galiilyoodayeey xalay miyaan jiifkii gali waayay!

  • gogoshaan ku seexdiyo go'ii gees isaga tuuray !

  • sidii ruux guhaad qaba miyaan gelin dhexaad toosay !

  • waxa gooha iga keenay baan kuu golmarayaaye

  • gabadhii agoontoo ladhigay jeelka gudihiisa

  • gardaraday ku haystaan ayaa gama'a iidiiday

  • gacan qaadka loo gaystay baa gama'a iidiiday

  • garaafada jirkeen arkaa gama'a iidiiday

  • gaashaanbuurta gees wada martoo xumo u gowriiran

  • iyo gaadda xumahaan arkoo gama'a iidiiday

  • gefka lagu adkaystaan arkoo gama'a iidiiday

  • waxa galaya taariikhda baa gama'a iidiiday

  • godobtaa hargaysaan arkoo gama'a iidiiday

  • guunkaa u xiga reerahoo hadal an gaynaynin

  • waxa uu u golleeyahay ayaa gama'a iidiiday

  • dhaqankaa go'aayaan arkoo gama'a iidiiday

  • guyaal iyo guyaal iyo intaan gayiga aan joogay

  • inkastoon gu' waynayn ma arag gacaloow xaalkaane

  • sheekana wax gaystaa ma maqal gu' iyo dayrtiise

  •  

  • kolay xeer gobeed maahanoo waan garwaaqsadaye

  • waa gun iyo xaalkeed waxaan gobi ku faanteene

  • gaaliyo islaam waa hayaan ceebta guunka ahe

  • halkii aad ku giistana haddaan kuu golmarayaaye

  • haddaad tiri wax bay gubi lahayd waa gad iyo xeele

  • gabbashiyo waxay kuu ahayd geedo fuulnimo'e

  • gumac iyo hub may wadan gabantu maandhoowe

  • sida geedka loo koro malaha waadan garanayne

  • haduu xaalku gaamuro guntigu dhiisha waa noqone

  • ka gadooda tala xumada yaan wax idin gaarin

  • riyaalana inuu cafis galaa waa garaad xuma'e

  • ayagaa gaf gaystaye muxuu cafis wax gaarsiinin

  • hasha geel goosanaysee misana gariiraysa

  • iyo wuxuu la gaar yahay good iyo abeese

  • falaar kaaga go'i mayso qaab galgalashaade

  • horta yaa wax kaa galabsadoo cafiska gaarsiinin

  • oo yaad ugu goleedahay warkaad dunida gaarsiisay

  •  

  • ha is gado ninkii aan lagaran goor iyo ayaane

  • inuu gool dhashuu moodayaa gaada xumahiiye

  • taladaan la gurayiyo godobta aad gaysay

  • gar illaahay waa loo islaam goorkastooy tahaye

  • maxkamadaha aduunkaan ku gayn gooray noqotaaba

  • kun gu' baan ku daba joogin oo waa gar xaajaduye

  • waxaad gaysataan kaa gurine dhab uga sii giiro

  • ama gabadha wayddiiso cafis oo gabagabee xaalka

  • garnaqsoo isdaba qabo rag waa kala gar-qaataaye

  • hadii kalana googaale curi gabaygu waa meele

abwaan c/khayr c/qaadir maxamuud (kawtame)
Khartuum, Suudaan

kawtame24@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005



BACADLE

GOBANNIMO

GARSOOR

LIXDANKII

GODANKAA

GARNAQ

GEES

GOCASHO

GACANQAAD

GAASHAANDHIG

GOGOL
 

Dhegeyso Gabaygii Abshir Bacadle Samsam

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD