Warsaxaafadeedkii Axmed Yuusuf Yaasiin ee Arinta Samsam Axmed Ducaale
-
Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL.
Waxaan maanta isugu kiin yeedhay inaan iftiimin ka bixiyo arrin sida aad
idinkuba la socotaan si aad u xooggan oo xaqiiqda ka fog loo buun buuniyey
iyada oo qarannimada, karaamada iyo sharafta shacbigan qiimaha weyn leh iyo
dowladdoodaba wax loogu dhimaayey, waxa buun-buninta arrinka ka qayb qaatay:-
1- Saxaafadda siiba kuwa dibadaha.
2- Hay’addaha u dooda xuquuqda aadamaha gudo iyo dibedba.
3- Iyada oo ay ayaan daro weyn tahay kuwii odhan jiray xuquuqda aadamaha
ayaan u doodnaa caalamiyan oo wax aanu soo aragnay, cadaynay ayaanu sheegnaa
oo iyaka oo aan halkan iman, xidhiidh la soo yeelan cidaha ay khusaynayso
arrintu ay qoreen war aan sugnayn.
Sidaa darteed, waxa maanta sharcigu ii oggol yahay inaan wax ka idhaahdo
arrinkan, dadkayga iyo dalkaygana ka difaaco kana dulqaado dhaleecada aanay
u qalmin ee la marmarinaayo, mar haddii ay ka soo wareegtay hay’addii
Garsoorka.
Haddaba, gabadha arrinkani khuseeyo, Darawalkii gaadhiga u waday iyo nin
kale oo la socday sida lay sheegay, ayaa yimid goor casar ah guriga an
deganahay waxaanay ku tidhi Ilaaladii guriga “M/xigeenka ayaa Adeer ii ah”
ilaaladii waxay ku yidhaahdeen ku garan mayno ee hooyadii ayaan kaa soo
hubinaynaa oo deggan gurigiisii hore. Markii loo geeyey hooyaday way
aqoonsan weyday gabadhii waana la soo celiyey waxaana lagu soo celiyey
guriga aan hadda degganahay, wakhtigii la soo celiyey gabadha ayey Ilalaadii
ii sheegeen in arrinkaasi jiro.
Markiiba waxa ku soo dhacay Maskaxdayda oo aan ku idhi Taliyaha Ilaalada
waxaa jira nin aan isku reer nahay iskuna magac nahay oo la yidhaa Axmed
Yuusuf Yaasiin “Carraale” markaa way soo qaldantee ninkaas u geeya ama
Odayaasha reerka. Mar labaad ayaa la raaciyey nin kale waxaa loo geeyey
Odayaashii reerka, Odayaashiina way aqoonsan waayeen, markaasay ku
wareejiyeen Chief Caaqilka reerka (Chief Caaqil Cismaan Xuseen Xirsi) oo ay
ku yidhaahdeen gabadhaa ina sheeganaysa arrinteeda u kuur-gal oo ka
baaraandeg. Wuu soo kexeeyey wuxuuna keenay guri nin ay isaga walaalo yihiin
oo ku yaal shacabka kana soo hor jeeda Xafiiska Dembi-baadhista, gabadhu
halkaa waxay ku sugnayd dhawr maalmood. Maalmo ka dib waxa meeshii ugu yimid,
waa sidaan kaga warqaatay ninkii caaqilka ay walaalo ahaayeen waxa u yimid 4
nin oo Warsangeli ah waxaanay yidhaahdeen gabadhu waa annaga oo waxay ka soo
baxsatay Boosaaso (nin annaga ahna way u mehersan tahay oo jooga Pakistan)
ee nagu soo wareejiya halkaa waxa ka dhacay khilaaf gacan ka hadal leh.
Waxaana oogsamay buuq iyo qaylo, markaas ayey soo farageliyeen Booliskii ka
soo hor jeeday gurigu, halkaas oo ah Xafiiska (Dembi-baadhistaa) lagana
furay qadiyaddii Gabadha.
Halkan waxaa ka dhacay arrin aan loo fadhiyin waxaanay noqotay “ka dar oo
dibi dhal”, gabadhii waxay sheegtay arrimo aan lagu hayn maankaba.
1. Marka hore waxay tidhi labada reer ee isku kay haysta midna ma ihi ee
waxaan ahay Majeerteen, Cismaan Maxamuud, waxaana laysoo diray arrimo ku
aaddan guriga M/xigeenka oo ah inaan ka keeno war sugan, (faah-faahintii
faraha badnayd ee ay siisay baadhayaasha marabo inaan galo) wixii afkeeda ay
ka tidhi ayaa laga qoray, nimankii waraysanaayey wuu ku weynaaday arrinkii,
waxaanay wargeliyeen Taliyaha Ciidanka Booliska SL oo ah Taliyaha toos
gacanta ugu haya wixii argagixiso ku lug leh, sidaan ku warqaatay Taliyuhuna
wuu waraystay sidii bay u qiratay, Maxkamaddaa la horgeeyey sidii bay ka hor
qiratay sidaasayna Maxkamaddu ugu jartay “Warrant of Arrest”.
Maalmo ka dib, waxaan ku war helay, hadallo suuqa maraya oo leh gabartii
waala kufsaday. Waxaan u yeedhay Taliyaha Ciidanka Asluubta (Cabdi Sul.
Muxumed Nuur) waxaanan ku idhi gabadha hala geeyo Cusbitaalka Guud ee
Hargeisa hana la baadho, Taliyuhu sidii buu ku hawl-galay, laba dhakhtarbaa
loo diray arrinkana way soo baadheen waxaanay ku soo caddeeyeen Refeertada
HGH/443510-2/04 ee 09/09/2004, oo sheegaysa inaanu jirin kufsi iyo jir-dil
midna.
Anigu waan ku qancay, waayo waxaan arrinkaa u gelaayey waxay ahayd si aan
u ilaaliyo xuquuqda Gabadha waana mid igu waajib ah ka-masuul-qaran. Haddii
rifeertadaas aan ku arki lahaa hadalka suuqa mushaaxaya waxaan qaadi lahaa
tallaabada igu wajibka ah.
Waxa dhacday gabadhii in dhawr jeer la keenay Maxkamadda, Maxkamaddiina
ay u dirtay mar labaad baadhitaan Caafimaad oo weliba loo diray dhakhaatiir
ku takhasustay xagga qalliinka, dumarka iyo Caafimaka guud, khibrad weyna u
leh xagga kufsiga, waxaanay soo saareen taqaariir faah-faahsan oo dhammaan
jidhka gabadha ka warbixinaya tirsigiisuna yahay MOHL/1120/4.00/04 ee
October 21, 2004. (oo sheegaysa inaanu jirin kufsi iyo jir-dil midna),
gundhigga dhakhaatiirtan dambe waxba kama duwanayn kuwii hore labadan
baadhitaan waxa u dhexeeyey afartan cisho (40 days).
Haddaba, isku soo xoori kuwa sheeganaaya xuquuqal Insaan magacaad doonto
u bixiyoo markay wax baadhayaan waxa hagaagsan in wajiyada arrinku leeyahay
in ay gees walba ka war doonaan, waxaad mooddaa arrin u khaas ah in ay iska
toocsanayaan oo aan u arko ku xumayn Somaliland sababta oo ah boqolaalbaa
xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag, kuwii hadda
lagu kufsaday Puntland lama hadal hayo kuwii hore ee iyaga oo nool la aasay
lama hadal hayo, wax wax-ka-qoray xabaalihii badnaa ee “Xabaal Wadareedyadii”
maan arag wax daba socda, qaar badan daadbaa qaaday inta kalena halis bay ku
jirtaa cid u kacdayna maan arag aan ahayn afar keliya oo tol iyo taag midna
u waayey.
Waxaana mudan inaan bulshada u sheego oo ay fahmaan gabadhu inaanay aniga
ii xidhnayn balse ay qaranka u xidhnayd, ummadda waxa la huluuqsiiyey inaan
anigu bixiyey amarka lagu xidhay, Guriga aan deganahayna laga qabtay, waanna
arrin aanay waxba ka jirin sidaan horeba uga soo warbixiyey. Sharafta masuul
Qaran ma aha inuu sidii faqashtii yidhaahdo ii xidha dabadeedna siduu doono
ugu tagrifali jiray xuquuqda qofka.
Haddaba intii arrinku socday Xilliyo kala duwan waxa iiga yimid Odayaal
farabadan oo leh madaxda Qaranka, Odayaal –dhaqameed iyo xildhibaanno iyagoo
raba in arrinkan dhakhso loo soo af-jaro waxaanad mooddaa in dadka qaarkii
ay majaro-habow arrinka ku ridayeen iyagoo dano gaar ah leh.
Gunaanad.
Waxaan iftiiminayaa kuna soo gunaanadayaa hal-ku-dhegga Soomaalidu ku
tidhaahdo “Geedkii yidhi Gudin yahay imaad goyseen ee Badhkaybaa kugu jira”.
Waxaanan uga sii gudbayaa dhawrkan qodob oo ah gunaanadka hadalkayga:-
1. in la ilaaiyo xuquuqda aadamaha guud ahaan iyo gaar ahaan
shacbi-weynaha ku dhex nool Somaliland mid u dhashay iyo mid aan u dhalanba
waajib ayay nagu tahay inaanu ilaalino cid nooga damqasho badanina ma jirto,
ee haddaba waxa mudan in lays weydiiyo kuwa sheeganaaya in ay xuquuq
aadaminimo u doodayaan ee dunida meel walba ka rida wax ka sheegga cawrada
gabadhan ugubka ah, miyay dileen mise waxbay u tareen diin ahaan iyo dhaqan
ahaanba, run ahaantii way dileen weeye.
2. Somaliland maanta way ogtahay kuwa buun-buuninta arrinka waday
ujeedadoodu waxay ahayd iyo cidda ka dambaysayba fiiro gaar ah ayaanay
dawladdu u leedahay.
3. waxa caddaatay oo daahii iyo magic-beenaadkii ay huwanayd ka faydmay oo
si fiican maanta u muuqda tacadiga iyo dulmiga ay ku hayso xuquuqda dadyowga
ku nool daafaha dunida, hay’addaha la yidhaahdo waxay u doodaan xuquuqda
dadyowga dulman, waxaanay nasiib darro haysaa ka maanta u haysta inay
ilaaliyaan xuquuqda aadamiga. Waxaan ku talinayaa inay ka digtoonaadaan
dhex-dhexaadnimo la’aantan oo kale waxaananu diyaar u nahay hadday cid soo
diranayaan in aanu gacan siino ilaa inta ay ka gaadhayaan xaqiiqda biyo kama
dhibcaanka ah.
4. Guud ahaan waxa ammaan mudan shacbi-weynaha reer Somaliland sidii
waayeelnimada ahayd ee ay ugu dulqaateen xajiimayntii iyo xanaftii la mar-marinaayey
taas oo ah tay ku hanteen guusha iyo gobanimada ay maanta hadhsanayaan. Gaar
ahaan waxa ammaanta mid la mid ah leh madaxdii, Odayaashii iyo Waxgaradkii
arrinka dhinaca wanaagsan iska taagay iskuna deyey inay wanaag ku
dhammeeyaan.
5. Waxaan ammaan dheeraad ah u soo jeedinayaa saxaafada Madaxabannaan ee
Somaliland. Waxaan ammaantaas ugu soo jeedinayaa sida wadaninimada leh ee ay
ugu feejig yihiin Ilaalinta himilooyinka la wada leeyahay ee Qaranka,
waxaanan u daliil ah arrinkan aan kor ku soo sheegay ee socday afarta bilood
siday uga ahaayeen dhex-dhexaad.
6. Haatan iyo dana waxaanu ku hawlannahay qaabkii sharci iyo farsamo ee
arrintani lagu soo af-jari lahaa maadaama uu dhacay xukun Maxkamaddeed. Hase
ahaatee waxaanu Qaran ahaan ka hadhi doonin kuna daba jirnaa ciddii
shirqoolkani ku wajaahnaa Somaliland wax-yeelaynteeda ka dambeeyey.
Gabagabadiina waxay tahay waxaanu ku martiqaadi doonaa hay’addaha
xuquuqal-insaanka gudo iyo dibadba si ay u xaqiijiyaan xaqiiqda dhabta ah ee
jirta, intaanay bixin.
Allaa Mahad Leh
Axmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL.
December 19, 2004