SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


MADAXWENE KU XIGEEN, AAMUSKA AYAAD KU FIICNEYD.

Kadib Markii Maxkamadda Magaaladda hargeysa Xukun Dulmi ah iyo Cadaalad Darro Weyn ku Xukun-tahay Gabadha Yar ah ee Somaaliyeed,Samsam Axmed Ducaalle,oo Muddo Dhoow Bilood ah ku Cadibneyd S/Land,Dhibaatooyinka Islaan-nimadda,Dadnimadda, Xurmadda iyo Hab-Dhaqameedka Ummadda Somaaliyeedka ka Baxsana Lagu Kacay, 5-Sano oo Xarig ah Lagu Xukumay iyadoo aanu Jirrin Wax Qareen ah oo Difaacayaa, Hey,adaha Illaalinta Xuquuqdda Aadamiga ee Caalamiga ahna ku Tilmaameen Go,aanka Maxkamadda oo Baadil ah,Si Weyna loogu Xad-gudbey Xuquuqdda Gabadhaas Yar.

Warsaxaafadeedkii Axmed Yuusuf Yaasiin ee Arinta Samsam Axmed Ducaale
ka akhri halkan....


Ayaa Aamuus Dheer ka Dib,Dhaawasho iyo ku Xaareeysi Kadib,Waxaa Godkiisii ka Soo Baxay Libaaxa Hargeeysa, Muftigga Weyn ee Wax Walba Daalabda, Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Saxaafadda La Hadlay,kana Warbixiyeey Arrinta Samsam iyo Heerka eey Soo Martay,Iyadoo Ujeedadiisu Aheyd in uu Cambaareeyn u Soo Jeediyo Hey,adaha Illaalinta Xuquuqdda Dadka Wadaniga ah iyo kuwa Caalamiga ahba,kadib Markii uu u Adkeeysan Waaweyn Sidda Dhabta ku Saleeysan oo eey Arrinta Runta ugu Sheegan iyo Sumcad Xumidda Weyn ee Arrintaasu u Keentay Maamulka iyo Hanaanka Garsoorka S/Land,Si Shakhsi ahna Ceyb Weyn u Xambaareesay Madaxweyne ku Xigeenka.

Waxaan Filaayeey in Masuulkaas Sarre Wax Qiimo leh ka Hadli Doono,Xaqiiqadda Jirta Runta ka Sheegi Doono,oo Ceybta iyo Fadeexadda Weyn ee Dhabarka ka Saaran Iska Tuuri Doono,oo Mudadii Dheeray ee uu Aamusnaa eey Naftiisa ku Abuurtay Aragtidda Xaqa iyo Illaalinta Xurmo Ubadka,iyo in uu Dareemay Gafka,Dulmigga iyo Xad-gudubka loo Geeystay Samsam oo Ubadkiisa oo Kalle ah,Laakiin Ayaan Darro Waxeey ka Dhacday in uu Go,aankii Maxkamadda ee Xaq Daradda ku Saleeysanaa,Hanaanka Dacwadda loo Maamulay oo ahayd Mid aan Waafaqsaneyn Habka Cadaaladda iyo Heybadda Garsoorka,oo uu Yiraahdo Si Xaq ah Ayeey Arrintu Dhacday,Gabdhuna Waxeey aheyd Basaasad loogu Talo Galay in eey Aniga Shirqool igu Disho,Hana Xukun Ayaa ku Dhacay,Kuwii ka Dameeyena oo aanu Daba Joognaa, Hey,adaha Illaalinta Xuqquddana Cambaareeyo.

Cadaalad Daradii, Gefkii Weynaa ee Samsam Loo Geeystay,iyo God ka Soo Bixidda Aarka Hargeeysa, Waxeey Sawir Cad u Yihiin ku Tumashadda Xuquuqdda Aadamiga,iyo Sidda Maamulku Raali ugu Yahay Go,aankaas Baadilka ah,Arrinta Samsam loo Geeystay Waa Mid Cawaaqib Xumadeeda leh,Waana Calaamad Madoow oo aan Weligeed ka Tirmeeyn Garsoorka S/Land,Waana Mid u Taala Kuwii Gafkaas Galay,kuwii ku Taageeray oo uu Madaxweyne ku Xigeenku ka mid Yahay,iyo Kuwii Go,aanka Xaaranta ah Gaareey ee Cadaaladda Majaro Habaabiyeey,Waana Arrin Sumcad Xumo Weyn u Soo Hooysay Reer Somaliland oo Dhan,Dambigga Samsam Laga Galay Wajigiina Ayuu ku Qoran-yahay, Diiwaanakana Waa ku Jiraa,Waana Mid Dhaxal Idiin ah.

Madaxweyne ku Xigeen,Aamuuska ayaad ku Fiicneyd,Laakiin Arrintaadu Waa Nin Qoyani Biyo Iskama Dhoowro,Naxariista iyo Wanaaga aad Maanta ka Hadleeyso Mar Horre ayaa Loo Baahnaa,Dhibta iyo Silica Samsam Mar Horre Ayaa Wax Ka Qabashadeedu Ahayd, Kuwii Dhibta Geeystay,Xumaanta ku Kacay,oo Weliba Qaarkood Gurigaaga Joogaan Ayaa Mudan in Talaabo Sharcigga Waafaqsan Laga Qaado,Dambigga iyo Gafku Marna Labo Eray oo Waqtigoodii Dhacay Ma Dameeyn Doonaan,Waji Qurxin iyo Sumcad Hagaajinta aad Hadda Dhoob-dhoobeeysaa Waa Mid Xiligeedii Tegey,Waa Habsan Weyn,Waana Mid aan Qiimo Laheyn Maanta Mudane,Ku Xigeen.

-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-
sharifhassan50@yahoo.co.uk

Afeef; Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | 22/12/2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD