Anigoo habeen dhax galgalanaya
gogoshaydii joogana magaalada muqdihso taariikhdana ay ku
beegantahay 20-Feb-2002 ayaan waxa si kadis ah u daaray Raadiyaha ,
midka mid ah idaacadaha FM ka ah oo uu warka ka baxayay ayaan
dhagaystay, war naxdin leh oo gilgilay dhamaan dareenkaygii ayaan la
kowsaday, wariyuhu waxa u sheegay in xaafada buulaxuubey guri ku
yaal uu xalay tuug u dhacay ka dibna uu tooreey ku dilay hooyadii
guriga markii ay ku kacday shanqartii tuuga, hooyadu waxay lahayd
uur 8 bilood ah, tooraydii uu tuuga kala beegsaday caloosha waxa
uukaga soo riday ilmihii minka ku jiray Halkaasna waxa ku qurbaxay
hooyadii iyo Ilmihii, isla markiiba waxan soo xasuustay Buugii
qiimaha lahaa DHIBANAHA AAN DHALAN ee uu qoray FAARAX CAWL,
waayo ilmahaas waxa la dhibaateeyay asagoon dhalan, Habeenkaas waxay
ii ahayd murugo iyo uurku taalo aan waligay iga haraynin.
RIYAALOOW
DA YARTAAD QALANAYSA DAWLAD NIMO MAHA... W/Q: YUUSUF M BAYOOW
MARKA HORE WAXAAN
SALAAMAYAA BAHDA SOMALI TALK
SALAAN KADIB WAXAAN KA HADLAYAA ARIGTAYDA KU
SAABSAN ARINTA SASAM DUCAALE
RUNTII WAA WAX LALAYAABO IN UMAD DHAN AY HAL GABAR
OO SOOMAALI AH AY SAA U GALAAN.
MARKA ANIGA WAXAAN QABAA IN WAXAAS OO DHAN UU
KA DANBEEYAY NINKA SHEEGANAYA MADAXWAYNAHA
SOOMAALI LAND MARKA WALLAAYAL INTEENA
SAAFIDA AH WAA IN AAN U DUCAYNAA INANTAA YAR
EE LA SILCIYAY RUNTII ANIGA WAAN AQAAN GABDHAA
WALIBA SI FIICAN AYAAN U AQAAN MA AHAYN QOF ARIMA
SIYAASAD GASHA ,
EE WAXAA MEESHA KU JIRA WAA LAYAQAAN MARKA
DADKA HALKA SAMSA KU XIRAN TAHAY DEGGAN HADII AY
QALAD ISKU RAACEEN WAXAAN ORAN LAHAA RAGOOW HA LA ILAALIYO
IS DHEX MARKA IYO WADA NOOLAASHA
DADKA.
QORAALKAAN WAX SHAQA AH KUMA LAHA SOMALI TALK
WAXAA QORAY YUSUF CADE.
yuusuf500@hotmail.com |
Sidi oo kale anigoo duhurkii manta dhex
jiifa qolkaygii ayaan waxaan damcay in aan daaro raadiyaha mise waxa si
kadis ah ula kawsaday Idaacada BAAHISA BALAAYOOYINKA IYO COLAADAHA
(BBC). Wariyaha wararka lagu wareero uga soo waarida hargaysa ayaa ka
aqrinayay warbixin uu ka soo diyaariyay xukunkii
maxkamad ku sheega ay manta ku riday SAMSAM AXMED DUCAALE , (wariyaha
waxa uu sheegay in qaaliga qalbiga qalafsan ee hargaysa uu ku
riday xukun 5 sano oo xarig ah, asagoo u kala qaaday 4 sano oo ay ku
mutaysatay ka dib markii ay ku cadaatay in ay maleegaysay shirqool lagu
qaarijinayay madaxwayna ku xigeenka iyo halsano oo ah in ay sheegatay
heeb aysan u dhalanin).
Qaabkii uu ay u dhacday xukunkii maanta
iyo eedaymihii lagu soo oogay inanta la siliciyay ee Samsam in aan
qalinka ugu warbixiyo wax nuxur ah ma leh, waayo dhamaan inteena
garashada iyo garaadka leh waxan ka dharagsanahay beenta iyo laga
baahiyay inantaas masaakiinta ah.
Noocyada kala duwan ee loo siliciyay
sam-sam ma ahan kuwo qalin lagu qeexi karo, qaababkii arxandarada ah
ahaa ee isugu jiray, Kufsi, jirdil, Ciqaab, Iyo Silicba waxa qalinka u
qaatay in badan oo qalinleey ah, wallow ay jireen dadbadan oo
gilgilasho aadminimo kaga dhawaaqay dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala
duwan, hadana waxa badnaa qoraaladii dhiilada lahaa ee laga qoray
fadeexadii Samsam.
Murugadii ka dhalatay arinta Samsam
waxay isku badashay gocasho gilgishay garaadka wax garadka, waxana sida
ifka waabariga oo kale u cadaaday in fadeexada ka dhalatay arintaas ay
isku badashay barta madow ee aan laga waayi doonin wajiyada madaxda
ceebaysan ee gobolada waqooyi galbeed.
Tacadiyada waa dhacdoyin maalinle ka ah
guud ahaan soomaliya , laakin magalada hargaysa waxa ka dhacay tacadi
tagoogta jibiyay maamulkii sheegtay nabad galyada iyo xasiloonida,
dunida waxa u cadaatay in hargaysa aysan waxba ka duwanayn kaymaha
bahalo galeenada ah maadama ay ku kulmeen manaxayaal u dhardhigtay in
ay kufsadaan gabdhaha yar yar oo halkaasi safarka ku taga sida Sam-sam
, kaba sii darane manaxayaasha hargaysa waxaa hurmuud u ah madaxda
maamulka halkaas ka jira . saldhigyada boliiska ee hargaysa waxa isku
badaleen goobo lagu silciyo laguna oodjiido karaamada iyo xuuq aadanaha….
Raadka foosha xun ee fadeexadani ku
reebi doonto taxanaha taariikhda dadka reer hargaysa ma ahan mid la
dhayal sankaro, maamulka ka jira goboladaas waxay isku dayeen in
qariyaan dhacdadaas ayagoo dafiray dhamaan tacadiyadii xuquuqda adanaha
ka dhanka ahaa ee loo gaystay Samsam, sido kale majaha iyo madaxa
maamulkaas waxa ay isku baheesteen in ay qiil u raadiyaan qabashadii iyo
qabsashadii lagula kacay samsam, maalin aan sii fogayn waxa la wareestay
madaxa booliska hargaysa asagoo gaashanka u daruuray dhamaan eedaymihii
loo soo jeediyay, halkaas waxaad ka garan kartaa in maamulkaas is tusay
in arintani si guud iyo si gaar ahba loo qariyo.
Dad badan oo aan aniga ka mid ahay
waxay aaminsanyihiin in go’aanka dhabta ah ee maamulka hargaysa u yaal
in uu yahay in gabadhaas dibdanbe loo arkin raq iyo nolol midnaba, waayo
samsam oo xoriyad heshaa maamulka hargaysa waxay u garteen in ay tahay
fadeexadii oo soo ifbaxday, lagana yaabe in qorshaha daahsoon ee
maamulka hargaysa u yaal in uu yahay in ay ka taqalusaan Samsam.
Tii ale waa meesheede, samsam way soo
bixi doontaa, hadii uu ale u qadaro mar ay ahaataba, waxana noqon
doontaa maskaxda ay ka soo fufi doontoo fadeexadii galaafan lahayd
maamulka hargaysa, way xukmaneed in safarkii samsam ay is lahayd ku soo
tamashley uu iksu badalo silicii waayaheeda intii ay noolayd, sidoo
kale way xukmantahay in maalin ay ahaataba lala xisaabtami doono
arxaalawayaashi kufsaday ubaxii dalka.
Ciqaabtii, ciilkii iyo calool xumadii
ay samsam la caalwaysay ciribteeda danbe waxa la caraabi doona dhamaan
intii gaysatay jirdilka, kufsiga , iyo ciqaabtaba, hadana inkastoo
kuwaasi si gaar ah ay arintaasi u quseeso hadana caamada ,culimada iyo
waxgaradka reer hargaysa waxay la caraabayaan ceeb u gaar ah, waayo ma
aysan muujinin cod midaysan oo ku canbaaraynayaan gabadha habeen walba
lagu ag silcinayo!
Inta badan shacabka ku dhaqan gobolada
waqooyi galbeed ee soomaliya waxa lagu xantaa in ay yihiin dad
cunsuriyiin ah oo ku caanbaxay takoorida dadka aan ku haybta ahayn
qabiilada deeganadaas, inkastoo xanta noocaas ah xawaare sare ay ku
ordayso hadana waxa la dafiri karin kooxo xumaan diid ah oo wali
bulshada ka dhaxjedinaya qaylo dhaan ay kaga dhiidhinayaan dhibaatada
iyo tacadiyada loo gaysto dadka masakiinta ah …
Uurkutaalada ay habeen walba la hoyato
samsam waxan ku cabiri karnaa calool xumadii uu ka gabyay abwaan
Iraahim Sh,. saleebaan (Gadhle). baydadka ayaana ka soo xushay
gabaygiisi:
- Kol hadday abiid ii yihiin ,
oohintiyo ciilku
- Uurkii islaantii maxaan ugu
abuurmaayay?
- Oofta iyo hooyaday maxaa adhaxda
ii saaray?
- Allahayow awoowiyo muxuu aabe ii
dhalaayay?!
Abdulaahi Mohamed Adam(Abdulaahi yare)
exmurux@hotmail.com