ABSHIROW BEELYAHAY GABADH KU CIIL BEESHAY IYO CALANKAWAHAABIYA ISMA
GEYAAN. KUMANA XAALSIIYO AFKAAGU.
Qalinkii. Nuradin xirsi mohamed
Khartoum, Suudaan
Email:
nuradin1@hotmail.com
QAYBTA
KOOWAAD.
Bal
dayaay wadaadkiinii waa kane“beel
yahay gadoodayoo go’daydoo gabadh ku ciil beeshay”
27
December 2004 sanadkii aynu soo dhaafnay maqaal uu qoray tafatiraha
ardaaga somalitalk.com Fahad yaasin xaaji daahir oo magaciisu ahaa
"gabayaagii wahaabiya maxaa hadal looga waayay" waxaa lagu tilmaami
karaa inuu yahay maqaalkii uu ka bilaabmay tixda gabayga ah ee “beel
yahay gadoodayoo go’daydoo gabadh ku ciil beeshay”.
Maqaalkaasi wuxuu inoo bayaamiyay intii-karaankiisa ahayd taariikhda
abshir bacadle iyo kaalinta abwaanimo ee ku aadan suugaanta
soomaaliyeed. Waxaa intaa sii dheeraa uguna muhiimsanaa isaga oo
xusahay in abshir bacadle yahay nin ku abtirsada
wahaabiya waxna
kabartay culimadii dacwadaas waday, “maxamed binu cabdi
wahaabse ma ahayn marnaba nin colaadeed, halku dhegiisuna wuxuu ahaa
xadiiskii rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha haatee (iga gaadhsiiysa aayadna ha noqotee)”.
Maqaalka
uu qoray ninkaasi wuxuu gilgilay oo gubay gabyaagii weynaa ee
abshir bacadle isagaoo jiif iyo joogba u diiday. Fahad wuxuu u kala
dooray arimo dhowr ah in abwaanku ka hadlo sida ku cad maqaalka tiro
ahaana waxay ahaayeen shan qodob waana ku wa hoos ku qoran.
-
1.
Soomaali dowlad ayay ku dhisatay Nairobi.
-
2.
ciidamo itoobiyaan ah ayaa dalka la keenayaa.
-
3.
Dallalada culimada soomaaliyeed oo diidan ciidamadaasi.
-
4. Dekada
iyo madaarka muqdisho.
-
5. Gabadh
yar oo Sam Sam la yidhaa .
Guud
ahaan shanta qodob ee maqaalku sheegay waxaa lagu soo koobi karaa
laba qodob.
1. Dowlada cusub
ee soomaaliya u dhalatay iyo ciidankii gardaadin lahaa isla
markaana horseedka ka yahay xabashigu, caanihii looga lisihi lahaa
dekkeda iyo madaarka , culimada diidan inay la heshiiyaan ninkii
colaadu dhex martay.
2. Gabadha yar
ee sam sam la yidhaa arinteeda oo hargeysa lagu haysto
Hadaba markii maqaalku
gaadhay abshir bacadle wuxuu geeska daray oo isku qaaday xaga Sam
Sam oo mar marsiiyo iyo gabood wacan u noqotay ciil iyo cadho isugu
gadhooday daraadeed ilayn waa gardaro garab oge.
Samsam
Axmed Ducaale:
Taariikhda Dhalashada: 14 August, 1988
Meesha Dhalashada: Dhahar, Soomaaliya
Magaca Hooyadeed: Nadiifo Jibriil Axmed
Shaqada: Ardayad, dhigan jirtey Dugsiga Sare ee
Imaamu Nawawi, Boosaaso, waaan goon..
Laxiray: 15 August 2004, lagana xiray Guriga Fooxle
Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka "somaliland",
oo ay ku khaldantay. 15kii December 2004 ayaa maxkamada
hargeysa waxay cadaysay in Samsam aysan ahayn qof da'weyn,
hadalkaas oo maxkamadu ku burisey hadalkii taliyaha ciidanak
booliska Hargeysa. Waxase maxkamadaasi sheegtay in ay Samsam
ku xukuntay shan (5) sano oo xabsi ah.
Lagu eedeeyey: Basaasnimo iyo shirqool madaxweyne
kuxigeenka
Falalka lagula kacay: Kufsi, jir-dil, ciqaab maskaxeed,
khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn, weydiin
su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm....
lala xiray: Dareewalkii guriga keenay [Cumar Jaamac
Warsame], waxaana dareewalka xabsiga laga sii daayey 15kii
December 2004, kaddib markii ay maxkamada Hargeysa sheegtay
in aan wax 'dembi' ah lagu haysan.
Qareemadii u doodayey: laxiray 24 November, 2004,
lana soo daayey 11 Decemeber 2004.
Faalladii SomaliTalk ee November 2004 |
Ardaaga somalitalk.com
3 Jan
2005 bogiisa hore waxaa kusoo baxay gabaygii abshir bacadle isaga oo
kusoo jawaabay in ka yar usbuuc abwaanku wuxuu tiriyay tix gabay ah
oo gashay taariikhda sida isaguba tilaamay ee ku cad gabaygiisa (
goblan talo aduuneey maxaa galaya taariikhda ) waxaa taariikhda
galay abshir bacadle oo gabay fitno ah u marshay beel dhan sidii
beeshu u daraan jirtay kuna diganaay run ahaantii abwaanku kama rayn
kamana roonaan xeer jajabkii lagu xukumay inantaas yar ee lagu xad
gudbay iyo nimaadka sida foosha xun u dhaqmay mana daweyn nabarkii
meesha yaalay balse wuu sii kiciyay oo huriyay.
Gabaygaasi abshir bacadle
bilaabay wuxuu u horseeday qadiyadii gar cadaawo wuxuu ka dhigay is
dil, isdhac iyo kala aargoosi isaga oo taariikh ahaan dhaxal uga
dhigay reerkii inantu ka dhalatay inay wax la mida sameeyaan
taasina waxay halis ku tahay hablihii geyaanka meeshaana lagu xilo
waayo.
Gabaygaasi wuxuu keeni karaa
dagaal laba qof ah ama laba kooxood ah taasoo keenta dhimasho iyo
dhaawac sidoo kale waxaa imanaysa xoolo lakala qaado waxaana ka
masuul ah gabayga gardarada ah ee abshir abuuray su’aasha is
weydiinta mudani waxay tahay ma ku haboon yahay wadaadku inuu soo
nooleeyo guba wakhtigan la joogo gartana ka dhigo gar cadaawo oo
jilib caro ah?.
Gabaygaasi wuxuu eed dusha
uga tuuray beeli aan waxba galabsan taas oo aan marnaba daraf ka
ahayn qaddiyada Sam Sam waxbana la wadaagin garsoorihii gabadha
xukumay abwaanku wuxuu runtii gees maray oo iska indha tiray
tacadigiii loo gaystay iyo sharaftii ay ku waayeen intii u guntatay
sam sam sida qareenadii iyo ururadii xuquuqu insaanka kuwaas oo
gudaha jeelka loo dhigay gabadha daraadeed waxba haba yaraatee
kama soo qaadin abwaanku waliba wuxuu u dhaafay nasabkii ay ka
dhasheen gobtii gurmadka ahayd waanu aflagaagdeeyay.
Gabaygaasi wuxuu iilka kasoo
saaray Colaada sokeeye ee soomalida dhex martay laga soo bilaabo
GUBA ilaa halgankii lagu riday nidaankii arxanka daraa ee siyaad
barre.
Colaadaas waxa laga marshay
maansooyin fara badan iyo gabayo ay isweydaarsadeen abwaano badani
waxaa tusaale kuugu filan silsiladii deelay ee dalka soomaaliya ka
curatay 1980.
Hadaba intii ay socotay
silsilada deelay ujeedada abwaanadu ka lahaayeen may ahayn qabiil
iyo beel gaara oo lagu duleeyo eedna dusha laga saaro aanay lahayn
laakiin waxay ka hadlaysay xaq- darada loo gaysanayay dad aan waxba
galabsan walowba ay jireen qaar abwaanada soomaaliyeed ka mida oo
garab istaagay oo garab iyo gaashaan u noqday nidaamkii markaa dalka
ka talinayay waxa ka mida ragaas c/qadir xirsi yamyam waa kii
lahaa .
Waxan uga dan leeyahay
Duqdi reerka lama dilin
Lama duugin mana dhiman
Dhaqan diidey baa jira
Duul rumaysan baa jira
Durbaan caawiyaa jira
Dhaqaalaha danbeeyay
Dibu dhaca garaadkay
ka dab qaadataayoo
Shalay dalandalkeediyo
Maantooy duq weyn tahay
Dameer dhegihi weeyaan
Taa waxaa ka sii daran
dawadeeda ruuxii
baadi doon yidhaahdaa
Kitaabkee ka deyayaa.
Abwaan Maxamed Ibraahim
Hadraawi
|
Dhinaca kale abwaanadii kasoo
jeeday waxaa ka mid ahaa hadraawi, gaariye cabdi iidaan alle haw
naxariistee iyo kuwa kale oo badan way nool yihiin ragii deelay
gardaadiyay mana mooga daandaasiga iyo gardarada abshir bacadle ku
haybsoocay. Mana filaayo inay ka jawaab celiyaan kuna taageeraan
xukuumada somaliland dulmigaas. sida uu yeelay yam yam wakhtigii
siyaad barre.
Mar labaad su’aasha isweydiina
lehi waxy tahay abwaabka abshir bacadle muxuu wakhtigan ku doortay
guba inuu soo nooleeyo muxuuse ugu biiri waayay maansada
DOOD
WANAAG?. Suugaanta sharafta leh muxuu abshir bacadle beelo ugu kala
kaxaynayaa?. Haduu hadal wax daweynaayo muxuu gabay ugu marin waayay
gabadha soomaaliyeed ee ubadkeedii laga
faramaroojiyay kuna
darxumaysan NORWAY?
Maxaa fidmada galiyay isaga
dabkana u qabadsiinayaa beelo wada degen oo walaala ah?
Waxaan kusoo koobayaa tixdan
yar ee hadraawi leeyahay.
Ma hirgelin dabuubtii
Dooddiina lama garan
Ama waa la dala'sadey
Lama baanan doogtii
Dakharkiina lama dhayin
Wuu sii darsanayaa
Daldaloolkii sii korodh.
Hadii alle idmo waan kusoo
laaban doonaa maqaalkan qaybtiisa labaad
Qalinkii. Nuradin xirsi mohamed
Khartoum, Suudaan
Email:
nuradin1@hotmail.com