SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

|Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print


Jawaabihii Abwaanada iyo Abshir Bacadle

Abwaanka ayaa waxaa u suuro gashay in uu akhriyo inta badan gabayadii abwaanada wuxuuna halkan uu jawaab ku siinayaa 7 ka mid abwaanadaas

  • CIGOW gabay asluubeysan oon garanayaad sheegtay
  • Garna waad u leedahay inaad gocasho riintaaye
  • Mase garwaaqsan karo inuu tolkaa gabadha taageeray

----------------------o0o------------------------

  • Gabayga Max’ed Cali waxaa ka dilay ceebuhuu galaye
  • Sidii geed salweyn buu u dhisnaa oon la gown karine
  • Gadowgiyo sargooyada innaba laguma gaareyne

----------------------o0o------------------------

  • Max’ed Xirsi Guuleed tix aan garanayuu sheegay
  • Gabay nuxur le oo gaaban buu gacanta ii saaray
  • Guuleed gujada beeshu waa gabadha hiilkeeda

----------------------o0o------------------------

  • Ina dhagaafe gabaygiisu waa gar iyo taariikhe
  • Go’aan adagna wuu qaatay oo gobi ku naalooto
  • Wuu noo garsooraye cidnana kuma garaafeyne

----------------------o0o------------------------

  • Axmed Naasir gabaygiisi waan garanayoo ruugnay
  • Gar adeega iyo meel danboo gubad le mooyaane
  • Gabaygu laaxin male wixii gafana gabadha hiilkeed dhe

----------------------o0o------------------------

  • Gabaygi Shiino guba kama duwana garashadaydiiye
  • Garaafooyin iyo waxaa ku jiray waa la aar gudane
  • Halkuu gaaray iigama go’neyn waa dagaal geline

----------------------o0o------------------------

  • Gabaygi Max’ed Ow Yuusuf uu baran ka soo giisay
  • Gocasho iyo hiil buu ahaa gun iyo baar taabtay
  • Gogol lagu garramayoo kallaa loo gunaanadaye

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Faafin: Feb 23, 2005


Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe  iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay).. Akhri...
Dhegeyso Gabayga Bacadle

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD