SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Caddaalad Darrada Lagu Sameeyey Samsam

“Intaan suursanaa baa, inaan seexday lay filaye”
Qalinkii Yaasiin Jaamac (Suldaan)
aftahanc@hotmail.com

  • Duhur baa la joogaa

  • damal bay malkadu tahay

  • duqey baa isugu timi

  • degdeg buu shirku ahaa

  • anna daawashaan ahay

  • iyo weriye daah xidhan

 [1] Hordhac 

Dhacdo kastaana waxay ka marag kacdaa heerka bulsho iyo xadaaradda ay casrigaa marayso, haddii uu yahay mid mugdi hadheeyey iyo haddii uu yahay mid aqoonni ifisayba, dhigaaladeeda (duugreeb) iyo dhigganayaasheeda (duugyaal) taariikheed ayaa laga dheehdaa ilbaxnimadeeda, xadaaradeeda, cadaalladeeda, cadaallad-darradeeda, aqoonteeda iyo jaahilnimadeeda, horu-socodkeeda iyo dibu-dhaceeda, oo tibaax xun iyo mid san hadba kii loo diiwaan geliyo laga akhristaa.  

  • Ma dahaa ma daayaa?

  • Shirwacowma dooxaa?

  • Dar Alle ma sheegaa

Waxaan jeclaystay inaan qormadan kooban ku iftiimiyo kuna mudh-bixiyo mowduuc hor leh oo “dulmi-diid ah” oo ku saabsan Gabadh yar oo dembi dhaqan, mid diineed iyo mid dadnimoba laga galay. Kuna maxbuusan edeg yar oo ka mid ah kuwii lagu xidhi jirey dulmanayaashii reer Hargeysa waagii uu waddanka ka talin jirey xukunkii Kacaanku. “ninkii nool adduunkow maxaa aragti kuu laaban”    

[2] Samsam iyo saldhiga 

In ku dhaw sannad badhkii ayaa gabadh yar oo lagu magacaabo Samsam Axmed Ducaale ku xidhnayd xabsi ku yaalla magaallada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyada oo loo haysto inay maleegaysay shirqool ka dhan ah ummadda Somaliland, gaar ahaanna madaxweyne-ku-xigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ka dib markii ay Samsam Axmed Ducaale tagtay guriga madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee magaallada Hargeysa. Waxay Samsam eeddaas iskaga difaacaysaa inay guriga ku khaldantay oo ay u socotay nin ehelkeed ah oo deggan magaallada Hargeysa kana tirsan xukuummadda Somaliland. Saxaafadda Soomaalida ayaa arrintan in badan ka hadashay, oo faallo iyo warba ka qortay ha ugu sii badnaadeen Somalitalk.com iyo Somaliland.org. Sidoo kale ururo xuquuqul insaan ah ayaa arrintan wax badan ka iftimiyey, iyagoo qaarkood xadhig ku mustaystay ka hadalka arrintan. Dad badan oo arrinta ka faallooday intooda badani si xad dhaaf ah ayey u buun-buuniyeen arrinta, halka dadka qaarkii ay si ehelnimo iyo qaraabanimo uga hadleen arrinta oo mar marka qaarkoodna ay si caadifadaysan u soo bandhigayeen. Kuwo kale ayaa iyaguna sidoo kale arrintan si fiican oo miisaan leh uga hadlay oo xaaladda si fiican u falanqeeyey. Muddo dhawr bilood ah ayey indhaha dadka ku dhacaysay gabadh yar oo waddaad ah (oo sida wajigeeda ka muuqata dadnimo iyo curdanimoba ka muuqato) iyo mid ka mid ah madaxda ugu sarraysa maamulka Riyaale oo is dhinac yaal oo aad mooddin inay doorasho u tartamayaan.  

Si kastoo ay tahayba Damiirka iyo dadnimadaa diidaya in laga aamuso dhacdo kasta oo tan la mid ah, dareenka daacadnimadu ku jirto ayaan marnaba oggolaan karin in laga afgobaadsado xaaladda gabadhan oo kale, oo sida ay wararku tibaaxayaan badhtamihii bishii Waabariis (August, Shacbaan) xadhiga loo jiiday kolkii ay yartu si kam’a ah u gashay guriga madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Si kasta oo ay wax u dhaceenba haddana waxay ahayd in yarta la mariyo dariiq waafaqsan kan dhaqanka iyo diinta ummadda, taas oo sida ay saxaafaddu qorayso ay baal martay xukuumadda iyo xaakimadda caddaaladuba, laguna xadgudbay xuquuqdii gabadha iyo xeerkii waddankaba.   

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gon leeyahay
Godob aabbe faleybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotoo
Gabi dheer ku dumisee

Ninka inan ma geyda
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga daneystow
Waxaad gaax saneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxey ka go’an tahey
Gabadhaada weeyee

Gafka aad faleysiyo
Waxaad geysanasaa
Galabkale ka sheekeyn  

Hablaha geeska- Hadraawi 

[3] Caddaalad-darrada lagula kacay gabadha 

Caddaalladu waa gundhiga nolosha bani’aadamka iyo xadhkaha isku xidha wada macaamilkiisa, caddaallad la’aanteeduna waa kala taggeeda. Bulsho kasta waxa waajib ku ah ilaalinta caddaaladdeeda iyo la dagaallanka dulmiga, haddii kale waxa ummaddaas ka dhaqan gelaya is-dullayn iyo isku gabbood-fal aad u fool xun oo dhegi maqashay ah. Legdanka ka dhexeeya caddaaladda iyo dulmiguna waa mid soo taxnaa tan iyo markii kowmka uu Rabbi khalqay, meel haddii ay cadaallad darro ka jaan-rogatana waxa lagu arkaa waxyaallo badan oo dadnimada ka baxsan iyo caadooyin hor leh oo fajac iyo anfariir badan.  

Ummad kasta oo adduunkan ku nooli way soo martay caddaalad darro iyo dulmi xooggan oo ay u geysteen dulmi-falayaal iyaga ka mid ah ama qaar ku soo duulay. Intii aanu Gumaystihii Ingiriisku geyiga Soomaalida soo caga dhigan ummaddu waxay lahayd xeerer iyo majlisyo loogu garqaado ciddii wax ka dhexeeyaan iyaddoo si caddaalad iyo dhaqan ku dhisan loo mari jirey. Ka dib markii Ingiriisku Somaliland qabsaday ayuu maxkamaddo iyo looyaro u samaystay dadkii si ay isaga caddaalad iyo kala dambayn ugu soo doontaan. Waxa xafiisyadaa gacan yare ka noqday looyarro calooshooda u shaqaystayaal ah oo aan dhaqan iyo diintoona xeerin jirin, intooda baddana soomaali ahaayeen iyo xaakimo gumaystayaal, danaystayaal ah oo laaluush qaatayaal ah. Duugyaalka suugaaneed ayaa tibaax fiican kaa siinaya kolka aad dib u milicsatid. Abwaankii la odhan jirey Gammuute ayaa arrintaas si fiican uga hadlay kolkii uu magaalada Burco ugu kuur-galay siday xaakimada iyo looyaradu uga baayac-mushtaraynayaan arrimaha ay dadku isku hayaan ee caddaaladda u baahan, waakii lahaa.  

Hadii laba qoloo amarsanaa eedi kala gaadho
Anafo iyo haddi laysku dilo Idil karuurkeeda
Asuusheennu waatii ahayd odayadaw geeye

iminkana irdaa gaaladay kula ordaayaane
Afarta Koodhka iyo Saajinkiyo Eyga daba jooga
Sida ay-Guluub? gaaladoo qolo abbaaraysa

Ama ururka weyn iyo Xajkoo iidda lagu baaqay
Eldhi-Roomka? waatii dorraad laga aguugnaaye
Hadba kii adduun badan baxshaa loo il-jebiyaaye
Waa duni arkaantiyo sharciga laga ordaayaaye  
 

Gammuute oo keliya ma ahayn abwaannada caddaalad darro ka gabyey, balse waxa kale oo jiray abwaan tirshay tix ay beydeedii ka mid ahayd, “Dukaanaan xafiis moodayaa laga danaysaaye” isagoo tilmaan ka bixinaya caddaalad darro lagula kacay iyadoo loo huwaday hugii iyo sharafkii ummadda lana isticmaalayo xafiiskii dowladda. Abwaankii weynaa ee Faarax Nuur ayaa isaguna ka hadlay caddaalad darrada oo tilmaamay in xafiiskii dowladdii Ingiriiska iyo goobihii caddaaladda loo isticmaalay dagaalkii qabaliga ahaa iyo xifaaltankii reeraha ka dhexeeyey, waxa uu yidhi. “Xafiiskaa warmii loo goroo laysku xadayaaye”,  beyd ka mid ah tixihii Faarax Laanjeer ayuu isaguna ku caddeeyey waxa laga dhaxli karo caddaalad-darrada “Rag cadaallad waayaa sidii cawshu diriraaye” Dowladdii Maxamed Siyaad Barrena sidaas oo kale ayaa caddaalad darro iyo dulmi loogu eeddayn jirey inay goobihii dowladdu noqotay meelihii ugu dulmiga iyo caddaalad-darrada badnaa. Suugaantii ka curatayna halkan kuma soo koobi karno balse waxa tusaale inoogaga filan beydadkan ku jiray tixdii Dallaalimo ee Hadraawi  

  • Qaranow daryeelkaa

  • xorriyooy u doodkaa

  • dulmiyow tilmaantaa

  • duudsiyow ka murankaa

  • xaqow daafacaaddaa

  • danyareey u hadalkaa

  • ummadyahay u digiddaa

Haddaba waxaan maanta qofka ka diimoonayn qaylo-dhaanta saxaafadu soo tebisay iyo caddaalad darrada lagula kacay gabadha yar ee Samsam Axmed Ducaale, oo sida saxaafaddu qortay ahayd ardayad suubban oo anshax islaamnimo iyo mid soomaalinomba leh. Marka laga yimaado saxaafadda xorta ah ee maalin iyo habbeenba si joogtaysan wax uga qoraysa xaaladda Samsam ayaan haddana waxaan si gaar ah iigaga xog waramay aqoonyahan xadhig ku mustaystay kolkii uu si dadban ugu hiiliyey nin waayeel ah oo loo xidhay arrintaas.  

Haddaba, innaga oo aan xukun ku ridayn dowladda Somaliland iyo madaxweyne-ku-xigeenkeeda, kana hordhacayn go’aanka ay maxkamaddu ka dhaagi doonto arrinta gabadhaas, ayey tahay cadaallad darro in gabadh yar oo caar ah oo dhowr iyo toban jir ah loo xidho inay tagtay gurigii madaxweyne-ku-xigeen iyagoo markaa ku eeddaynaya inay shirqool maleegaysay. Waxa markhaati cad u ah in cadaallad darro lagu sameeyey gabadha, iyaddoo lagula kacay fara-xumayn (kufsi) iyo garaacid isla jira oo sida ay la jirayaasheedu ku doodayaan ay gabood-falkaas u geysteen ciidanka sirdoonka Somaliland. (CID) 

Wallee iyo Billaan maray
Iyo wacad Illaahay
Wershadaa saboolkiyo
Wadhatada la qaybsaday
Wiilay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo
Waaheel rug sare furan
Marka laysu kala
waco
Ninka labada waaxood
Danyar weheshadaan ahay 

Dadka intiisa badan mad madow badan ayaa kaga jirey, arrintuna waxay ahayd mid ugub ah oo dhegi maqashay ah, isla markaana waxa arrimo badan rumaysigoodii sii kordhay kolkii lagu xidhxidhay u dooddayaashii xuquuqda aadamiga iyo qaar ka mid ah xildhibaannada golaha guurtida Somaliland oo xadhig iyo tukho-tukhayn ku mutaystay arrinta Samsam. Taas waxa ku lammaan oo iyana arrinta cirka sii geeyey, kolkii si keddis ah lagu xidhay qareennadii difaacayey gabadha, iyagoo lagu eedeeyey inay aflagaadoodeen, taas oo u cuntami weyday dhegaha dadweynaha, isweydiinteediina ay sii korodhay. Marka laga yimaado xidhxidhidii lagu sameeyey ururada xuquuqda aadamaha, xildhibaanaddii guurtida, qareenaddii difaacayey gabadha iyo dad badan oo arrinta gabadhaa danaynayeyba, waxa kale oo iyaguna qoraal dheer ka soo saaray ururka Amnesty International oo xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inay meel ka dhac u geysatay xuquuqdii gabadha yar ee Samsam Axamed Ducaale oo sida ay Amnesty sheegtay da’deedu ahayd 17 jir. Inkastoo ay jiraan waxyaallo badan oo ka badbadin ahi haddana Samsam Ducaale waxa lagu sameeyey cadaallad darro aan yarayn, oo ay ka mid tahay xadhig dheer, kufsi aan la hubin, garaacid iyo jugo-jugayn (ina daaweyne ah), takoorid dadkii u dooddayey oo dhan laga takooray, iyo arrimo badan oo runtii mid waliba gaarkeeda cadaallad darro u tahay.  

[4] Bir ma geydo (birmo-geydo) 

Dhaqanku waa gaashaanka caddaaladda iyo xayndaabka xaqqa, waxaanu xakameeyaa xeer-gudubka iyo xalaalaysiga dulmiga, haddii dhaqan-suul ummad ku dhacona waxa uu wadada u xaadhaa xalaalaysiga xaq-darro badan iyo ka tegidda waxyaallo badan oo ay xeerin jirtay, waxaanu unkama dhaqan cusub iyo bahalnimo hor leh.   

Adduunyadu xad bay leedihiyo xeerer gooniyahe
Xurmo iyo xaq laawiyo gobaa loo xarbiyayaaye
Xurguf iyo xanuun baa dhexyiil tan iyo xaataaye
Xiligaa janjeedha iyo wakhtigan xaadirka ah maanta
Dulmi iyo xasuuq iyo dhacbaa loo xan toobsadaye
Xurto iyo xasaas iyo xan iyo xurugo waa taale
Xasadka iyo was-waaskiyo xinkaa lagu xur meeyaaye
Afartaasi waa xaal adduun xarakadiisii
Xaqiiq fakatay weeyoo beryaha igu xaraysnayde

Haddaba, dhaqankii iyo xeerarkii ay soomaalidii hore tegsatay waxa ka mid ahaa “bir ma geydo” oo ahaa dad aan la layn jirin, markay ay duullaan isku soo qaadaan, kuwaas oo ammaan ka ahaa cid kasta oo soo duushay ama lagu soo duullay, waxa la xeerin jiray birmo-geydada xaqooda iyo xeerkoodaba. Birmo-geydadu waxay ahaayeen carruurta, haweenka, culimo-awdiinta, dhakhaatiirta, bukaanka, abwaaniinta iyo waayeelka. Marka laga tago birmo-geydada soomaalida waxa adduunweynuhu kala mid yahay birmo-geydada qaarkood, waxa ka mid ah birmo-geydada caalamiga carruurta, haweenka, bukaanka iyo waayeelka jilbo-jabsiga ah.

Birmo-geydadu waxay xaq u lahayd in aan la layn oo aan jidh-dil iyo hagardaamo loo geysan, sidoo kale waxay xaq u lahayd inaan la fara-xumayn (kufsi) iyo inaan la maskax dilin oo aan lagu tiiq-tiiqsan iy in aan la af-xumayn oo lagu gabood falin. Wax kale oo ay xaq u lahaayeen inaan hantidooda laga maroorsan oo aan dhuungooyo iyo dhagar toona loo geysan. Iyaga oo xeerkaa wanaagsan leh ayaad moodaa in ay soomaalidu beryahan dambe si fudud uga xuubsiibatay xeerarkii dhaqanka iyo dadnimada ku dhisnaa, oo ay u gudubtay xeerkii laga dhaxlay xukunkii keli-talisnimada ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, kaas oo ku dhisnaa xoog-maroorsi, aargoosasho iyo ku adkaysi dulmi cad oo si badheedh ah loo galo.  

Haddaba, waxa is weydiin leh, miyey xukuumadda Somaliland[1] ku xadgudubtay xeerkii birmo-geydada? Jawaabtu waa “Haa”. Waayo Samsam waxay soo gelaysaa xeerka haweenka (caar) iyo ka hablaha bikrada ah (oo isagu sidiisaba ka sii xag jirsan, xeererka kale oo xaalmarin iyo xeer hoosaad gooni u ah ka leh). Haddaba, sida la sheegayo falka lagula kacay Samsam waa mid  ugub oo ku cusub geyiga soomaalida degto dhammaantii, waana gabood-fal foolxun iyo gef dhan ka ah caarka iyo hablaha soomaalida, oo aan u aanoobin xifaaltan siyaasadeed iyo mid qabyaaladeed toona, waxaana inooga marag ah beydadkan ku jiray tixdii Dhibaaxo jin.  

Maanshaa-Allee, dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon, cidi ka maarmeyne
Midda aad qabtiyo hooyadaa, laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal, magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa, sharafti kaa maydhay
 

[5] Gebo-gebo 

  • Dad la urursho duul layska xidho habar dubaar qaada

  • Afmiishaar la darajaynayiyo duqay wax boobaysa

  • Dar Ilaahay waa waxaan ku nacay dowladii hore’e

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Wixii jiraaba Cakaaruu iman” wax kasta oo loo haystaba arrintu dhabtay tegi doontaa, xaqana Allaa diirka ka qaadi [insha Allaah]. Sidaasi daraadeed qofkasta oo arrintan u hanqal taagaya waxa la gudboon inuu sida ugu habboon uguna macquulsan ugu hawl geli lahaa, sidii gabadhaa yar ee “dhibbanaha ah” loo sii dayn lahaa, xoriyadeedii bani’aadamnimo, teedii islaamnimo, tii soomaalinimo iyo tii anshaxa dhaqanimoba loo soo celiyo oo caddaaladda iyo garsoorka sida ugu habboon la hor keeni lahaa, arrintana lagu dhameeyo si deggenaansho iyo xigmadi ku dheehan tahay. Ummadda reer Somaliland-na waxaan si gaar ah xil uga saaran yahay sidii cadaallad iyo xaqsoor loo marin lahaa gabadha yar ee Samsam, oo aan magacooda iyo maamuuskooda loogu gabood falin birmo-geydada iyadoo arrimo siyaasadeed looga faa’iidaysano. Waxaanan aaminsanahay inay xarbi adag ugu jiraan arrintaas sidii ay waajibaadkeeda u marin lahaayeen, oo ay xadhig iyo xurgufba ku mudaysteen. Waxa mahad u soo jeedinayaa ururada waddaniga ah ee xuquuqul isnaanka u doodda ee ka falgala Somaliland iyo kuwii lagu xidhxidhay arrinta gabadha oo hormuud ay ka yihiin looyaraddii u difaacayey, xildhibaanaddii guurtida iyo shicib weynihii kale ee taageerayeyba. Waxaas oo dhami waxay markhaati cad u yihiin in aanay ummaddu marnaba yeeli karin in lagu xad gudbo birmo-geydada iyo caarka, iyo dhammaan dadka aan waxba galabsan ee shicibka ah, weyna ku ammaanan yihiin. “nin lagu seexdaw ha seexan”

Fiiro-gaar ah: Markii aan qoraalka dhammeeyey oo aan damacsanahay inaan saxaafadda u kala diro ayaan ogaaday in xukun lagu diray Samsam Axmed Ducaale.  

Allaa mahad leh, nebi Muxamad (SCW) ayaa eegashiyo raac leh

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) 
Email:
aftahanc@hotmail.com

 

[1] Xukuumadda Somaliland marka laga hadlayo dadka badankiisa uma kala soocna xukuummad iyo waddan. Sidaasi awgeed “xukuumad” waxa halkan looga jeedaa “cidda waddanka taladdiisa haysa ee xukumaysa”

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD