SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda Somaliland naqdiyey Hab-dhaqanka Nidaamka Garsoorka Dalka
  • Qoraalkan waxaan kasoo xiganey Wargeysa Jamhuuriya oo ka soo baxa Hargeysa caddadkii maanta 20/12/2004

Hargeysa (Jam)- Isbahaysiga Caaddaaladda iyo Nabadda ayaa baaq ku wajahan Xuquuqda Iinsaanka oo uu soo saray waxa uu ku naqdiyey hab-dhaqanka Hay’addaha Garsoorka dalka.

Baaqa Isbahaysigu waxa uu si gaar ah ugaga hadlay xadhigga lagula kacay Madaxda Xuquuqda Iinsaanka Somaliland, xadhiggii afar qareen oo reer Somalilnad ah, iyo hannaankii loo maamulay dacwaddii lagu soo oogay Gabadha reer Boosaaso ee Samsam Axmed Ducaale iyo Cumar Jaamac Warsame, taas oo isbahaysigu muujiyey in aanay si cadli ah u dhicin, labadaas qof oo gabadha Samsam lagu xukumay shan sannadood oo xadhig ah, Cumar-na la sii daayey.

Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda Somaliland, waxa uu baaqiisa ku soo jeediyey tallooyin dhowr qodob ah oo nuxurkoodu yahay dib u sixid lagu sameeyo kiiskaas.

Baaqaas oo aad u dheer, isaga oo faah-faahsan waxa uu u dhignaa sidan:-

“Xaggee bay danta Somaliland ku jirtaa?

-Ma runta oo la sheego iyo xaqiiqada oo loo gonda-dego ayay ku jirtaa danta ummadnimadeenu?

-Danta dalkeennu ma ceebta oo la huursado oo la is yidhaahdo sumcaddeenay dilaysaa, bay ku jirtaa?

-Mise waxay ku jirtaa xumaanta oo ciddii ay ku kooban tahay la kashifo laguna ciqaabo?

-Maxaa ceeb qof qudha ama dhowr qof ka masuul yihiin.

-Maxaynu arrin soo baxday oo ciddi ku soo cabatay aynu hoos ugu eegi la’ nahay ee daboolka u saaraynaa oo ka hadalkeedu inoo dhiibaysaa?

Su’aalahani waxay hordhac u yihiin baaqa Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda Somaliland maalinta Xuquuqul Iinsaanka oo waxkaga iftiiminayo arrimaha ku saabsan hab-dhaqanka Nidaamka Garsoorkeenna sida dacwadda gabadha magaceeda la yidhaahdo Samsam Axmed Ducaale iyo Cumar Jaamac Warsame oo ku eedaysan basaasnimo, muddo dhowr bilood ahna ku xidhan xabsiga Dhexe ee Hargeysa, iyada oo ay dhowr jeer dacwaddooda dhegeysatay Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Xadhiggii Madaxda Xuquuqda Iinsaanka:

Bishii Novermber 14-kii, 2004, xildhibaan Golaha Guurtida ka tirsan, saddex masuul oo isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda oo uu ku jiro agaasimaha fulinta Samotalis, ayay saldhigga dhexe ku rideen iyaga oo wax dembi ah faraha kula jirin, amar oo sababaysana aanu garsoore ku soo bixin, waxana lagu eedeeyey waxyaabo aan jirin dad ajenabi ah oo la soo kiraystay oo iyaga oo baxsanaya laga soo qabtay gegida dayuuradaha dembi cid la doonta ayay dambiyo ku galeen Ciidankii ammaanka loo dirtay. Dastuurkii dalka iyo shuruucdii yaa ku tuntay?

Xadhiggii Qareenada:

Bishii November 24, 2005 ayaa xabsiga loo taxaabay afartii garyaqaan ee kala ahaa Maxamed Siciid Xirsi, Foosi Sh. Yoonis Xasan, Yuusuf Ismaaciil Cali iyo Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin oo u doodayey Samsam Axmed Ducaale iyo Cumar Jaamac Warsame. Waxa garyaqaanada lagu eedeeyey in ay aflagaado u geysteen Maxkamadda, sidaas daraadeedna isla goobtii lagu xukumay min saddex sannadood oo xadhig ah, iyada oo aan fursad loo siinin ay is-difaacaan. Wuxuu ahaa go’aan ciqaabtiisa lagu mutaystay difaaca xuquuq eedaysanayaal oo waajib dastuuri ah. Yaa garsoorkii Caddaaladda looga magan ahaa ku talax-tegay oo leexiyey?

Dib-u-bilaabistii Kiiska:

Kadib markii la laalay dhegeysigii dacwadda 24kii November, waxa dhacday in kiiskii Samsam iyo Cumar dib looga bilaabay Maxkamadda Gobolka Hargeysa maalintii isniintii December 6, 2004, iyada oo uu qaadayo isla garsoorihii, dacwaddana uu oogayo isla xeer-ilaaiyihii afarta qareen ee xidhani ay ka ash-katoodeen in ay Kiiska iska wareejiyaan.

Waxa Samsam iyo Cumar Maxmaadda la keenay iyaga oo aan haysan cid u dooda iyo cid difaacda kadib, markii la xidhay garyaqaanadii difacayay, lama siinin fursaddii ay xaqa u lahaayeen in ay ku qabsadaan Qareen sharci-yaqaan ah muddadii kiisku xidhnaa oo dhammayd 13 maalmood. Inkasta oo garsooruhu sheegay in ay jirtay warqad uu weydiiyey Cumar iyo Samsam inay heleen oo uu sheegay 29-kii November in ay ku taariikhaysnayd oo ku saabsanayd in ay qabsadaan qareenno, waxay labaduba caddeeyeen in aanay helin warqaddaas. Waxay ku jawaabeen in aan la soo gaadhsiin warqaddaa, eheladoodana lama gaadhsiin, waxaa isweydiintu tahay yaa dalbaday dedejinta dacwadda qareenadeedu xidhnaayeen, iyada oo aanu ku dhicin xukun kama dambays ah eedaysanayaashuna dalban socodsiinta dacwadda? Xadhigga qareenaddu ma wuxuu ahaa in laga xayuubiyo eeedaysanayaasha xaqooda aas-aasiga ah ee is-difaaca? Miyaanay ahayn in laga cararayo in eedaysanayaasha xaqooda si sharci ah loogu raadiyo? Miyaanay muuqan in Garsorku aanu danayn in ay xaqiiqada ogaadaan?

Markii ugu horreysay ee labada eedaysane Maxkamadda horteeda kahadleen waxa aad u soo shaac baxday in ay jiraan tacadiyo badan oo ay sheeganayaan in loo gaystay, taas oo aan marnaba waxba laga soo qaadin cid baadhayna aanay jirin marka qudha ee cid madax bannaan loo oggolaaday waxay ahayd markii loo oggolaaday Boqor Buurmadow, inanta hooyadeed iyo dhowr qof oo la socdayilaa haddana cidi wax kama weydiin.

Hannaanka Dacwadda loo maamulay:

Danta iyo sharafta Somaliland iyo Karaamada dadkeedu waxay ku jirtaa in si maskax furan, dhex-dhexaad ah oo sharciga dalka waafaqsan sida ay waajib u tahay in lagu baadho dacwad kastaoo hor timaadda hay’addaha garsoorka dalkeenna, ayaa xaaladda runta ah eeku gedaaman Kiiska labadan eedaysane ay mudnayd in ay masuuliyiin waaya-arag ahi xaq-soor kaga baaraan-degaan, bilow iyo ilaa dhammaad oo meel kasta iyo markasta oo madmadow soodhex galo la saxo oo laga saxar-tiro, si aanu go’aanka kama dambaysta ahi saluug u yeelan ee uu u noqdo mid xaq ah oo lagu wada qanco oo aan ceeb iyo ciil toona reebin.

Waxa loo baahnaa in la sii arko oo la iska dhowrto ceebta iyo sumcd darrada uga iman kareysay Somaliland dacwad kasta oo madmadow ku jiro loo maamulo ama saluug dhinac ka tirsado. Tanna weliba in si gaar ah la isaga dhawraa bay ahayd. Haddaan markii hore la ogeyn sida ay wax u dhaceen. Talada dadkii ka ergeeyey bilowgii in lagu baraarugo oo hoos loo dhugto bay ku wanaagsanayd. Haddii ceebtii iyo sumcad darraddii uu u soo jiidey ee dunida u martay in si hufan la isaga maydho ayaa loo baahnaa. Imikkana loo baahan yahay. Waxaa jira website-yo si xun u adeegsaday kiiskan oo warar badan oo dhaleeco ah uga faafiyaan Somaliland, waxa u sallaxay oo ay ka faa’iidaysteen sida qaabka daran iyo farsamoxumadda tallaabadii walba baal-marsanayd sharciga ee hay’addaha baadhista, oogista iyo garsoorka Somaliland u maamuleen kiiskan. Waxa ka sii darrayd, iyagaoo markii dhaliishoodu muuqatana, halkii ay ka daba qabatayn lahaayeen ay ku galgalanayey dhiiqo ka sii daran iyo in ay ceeb marmariyaan cid aan meeli uga bannaanayn ama kaalin ay ku lahaayeen dacwadda jirin iyo in ay halkii ay ka sixi ahaayeen qaladka dhacay, maydhaan siyaasadaysan iyo masabbid wax aan shuqul ku lahayn dacwadda in ay miciinsaday. Isla markaana awoodda saaray daboolidda cabashooyin ay sheegteen eedaysanayaashu iyo xadgudubyo ay tirsadeen in lagu sameeyeyintii ay xidhnaayeen oo in ay jiraan iyo in kale Maxkamadda waajibkeedu sarnaa in ay kala caddayso oo garsoorku xilkii kaga beegnaa iyo masuuliyaddii ka saarrayd uu gabay.

Haddaanu isku soo xoorinno sidii wax u dhaceen kiiskan, guud ahaan, waxaan ku soo koobaynaa qoddobadda soo socda:

1.Baadhistii iyo soo oogiddii dacwadda oo bilowgiiba farsamo xumaystay oo sababtay in 3 jeer la beddelo dacwaddii lagu soo oogayey labada eedaysane.

2.Bilayska oo culays weyn oo xiisad abuur saarayey maalmaha dhegeysiga dacwadda.

3.In lagu oogay qodob nuxurka uu ka hadlayo falka laguoogay ka duwan yahay.

4.In dhibannayaasha lagu muddo dhaafiyey Booliiiska, xabsigaiyo dacwadda socodkeedabaiayd aoo dacwadda kiiskani qaadatay wakhti aad uga yar intii ay dhammaan lahaayeen.

5.Qareenaddii difacayey labada eedaysane oo laga xidhay, fursad ay qareenno ku qabsaddaana aan la siinin.

6.Dacwaddii qareen la’aan la socodsiiyey lana dedejiyey marxaladdii ay baahida sharciyaqaan ugu badnayd.

7.Muddada dambe oo xataa muddaynta maalmaha dhegeysigeeda qarsoodi laga dhigay.

8.Iyada oo wakhtiyo la dhegeystay dacwadda intii qareenadu soo baxeen lana ogeysiin qareenadeeda dhegeysiga dacwadda.

9.in Garsoorihii qareenadu ku eedeeyeen in aanu dacwadda dhexdhexaad ka ahayn uu dacwaddii iska sii watay, isaga oo inyarna xuquqdeeda hoos u eegin.

10.Markhaatiyaddii ay sheegteen eedaysanayaashu oo aan mid qudha loosiin fursad lagu dhegeysto.

11.Da’da gabadhaoo qaangaadh lagu sheegay go’aankana lagu sheegay da’ intii hore ka yar.

12.Go’aankii siidaynta Cumar oo aan lagu soo qaadin gaadhigiisii uu sheegtay in bilaysku ka baabiiyeen iyo jidh-dilkii loo gaystay.

13.In Qareenada layska hortaagay xaqii dastuuriga ahaa ee racfaanka Samsam.

Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda Somaliland oo si taxadir iyo dhowrsanaan ah ual socday kiiskan bilow ilaa dhammaad. Wuxu aaminsan yahay in hannaankii baadhidda iyo hab-socodkii dacwaddanloo maamulay ay ahaayeen qaar dembiiyo ceeb u xambaariyey Qaranka Somaliland. Halkii ay ku koobnaan lahayd cidda dambiga ka masuulka ah oo ku eg meesha dacwaddu ka socoto, xuduudda sharcigu fasaxyo in lagaga hadlo iyo habkeeda qannuuniga in loo cuskado oo lagu ekeeyo.


SEPT 2004: SUXUFI REER SOMALILAND AH OO DHAAWACYO LOOGU GAYSTAY MAGAALADA NAIROBI... GUJI..

Bilcakas, isbahaysigan iyo hay’addaha Xuquul Iinsaanku waxay ka hortageen oo ay waxba kamajiraan ka dhigeen dacaayado rakhiis ah iyo buun-buun farobadan oo ku soo baxay warbaahinta iyo website-yada Soomaalida oo hay’addaha Xuquuqul Iinsaanka adduunku rumaysteen. Haddaanu cadawga Smaliland ee lagu luuqaynayo nahay waa taa inta ugu yar ee aan qabanay annaga oo aan cid u sheegin, cidna wax kaga doneyn. Waxase nasiib darro ah in wanaagga aan falayno uu hadheeyey ereyga guryo fannada ceebtaiyo hadimada dalka iyo hadh iyo habeenu taagan ee ceebtay geystaan Somaliland loo xambaariyo, oo dhegaha madxdu maqalkooda ayu nugul yihiin iyo dadkeenna indhihiisa falaadkooda xumi kal aqurux badan yahay ereyga daacadda ah.

Gebogebadii, ma aha ujeedadu kiiskan iyo dadka dhibban ee ilaalinta Xuquuqda Aadamaha ee aas-aasiga oo distoorkeennu ku aqoonsaday qodobka 10naad iyo shuruucda dalka iyo karaamada qofka aadamiga ah waa arrin la xidhiidha oo aynu dhammaanteen u baahanahay. Sidaa awgeed, isbahaysiga Caddaaladda iyo nabadda Somaliland wuxuu ku talinayaa:

1.In qaab sharci lagu saxo qaladaadkii dacwadda labada eedaysane lanamariyo xaqsoor caddaaladku dhisan.

2.In baadhis madax bannaan oo caddaalad ah lagu sameeyo tacadiyaddii ay sheegteen eedaysanayaashu.

3.In cidkasta oo lagu helo caddaalad darro iyomurginku saabsan kiiska sharciga lagu abaalmariyo.

4.In si sumcad darrada kiiskan ka dhalatay meesha uga baxo, in loo maro qaabka sixiaanka arrintan hab muuqda, madax bannaan oo isu dheelitirian kuna salaysan caddaalad iyo xaqsoor oo loo cuskanaayo distoorkeenna iyo shuruucdeena qaran.”

ISHA: Jamhuuriya | 20/12/2004

Afeef: Xuquuqda Qoraalkan waxaa leh jamhuuriya oo ka soo baxda Hargeysa.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
HARGEYSA

Kheyriyadda Hargeysa:
Reebid utun


SACB DIRECTORY


UN Soomaaliya: Xafiiska Nairobi..


Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004

"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004

Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha



15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC, kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL: 

C/qaadir Sakhaawadiin 
Yaasiin X. Cusmaan Sharmaake 
Sayid Xirsi Nuur 
Maxamuud Cusmaan Baarbe 
Daahir X Cusmaan Sharmaarke 
Xaaji Muxumed Xuseen 
Khaliif Hundow Macalim 
Muxumed Faarax Hilowle 
Muxumed Cabdulle Xayeesi 
Cusmaan Geedi Raage 
Dheere X Dheere 
Muxamed Cali Nuur 
Cali Xuseen Cali

Taariikh kooban ee SYL .. GUJI



HTML CD