SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


{FAALO} Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale.

samsam ducaale

Xassan Mataan
soompress@hotmail.com
Nairobi, kenya.

Samsam Ducaale

Maaha xaalad isha laga leexin karo dhacdada naxdinta iyo uur ku taaladu buuxisey ee ay ku sugan tahay Samsam Ducaale, ee kusugan iyada oo la maskax diley jeelka dhexe ee hargeysa, Samsam waxaa ay la kulantay Kufsi iyo Jir dil, ilaa ay ka waalatay, waa 17 jir iskuul ka dhigata Boosaaso, si fasaxana u aadey Abtigeed oo kamida maamulka Somaliland, Samsam Ducaale hore uma aanay aqoon halka uu abtigeed degan yahay, taasi oo sababtay inay si kama ah ugu degto aqalka madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Axmed Yuusuf Yaasiin, kaasi oo ku dalbaday booliska ilaalada u ahaa kuwaasi oo Samsam Ducaale kula kacay Falal kadhan ah Bina-aadmiga, ilaa ay dhimirkeeda dooriyaan.

Samsam Ducaale waxaa ay ku eedeeyeen maamulkaasi Somaliland inay doonaysey inay disho Madaxweyne ku xigeenka, taasi oo aan ahayn wax lagu difaaci karo waxyeeladii aan qarsoodiga lahayn ee la gaarsiiyey Samsam Ducaale, da'yarta bahdeeda oo kaliya loo cadaabey eedayna abtigeed oo ay booqashougu socotey welina aan xaalka gabadhiisa yar ee dhibaataysan dhegba udhigin.

SUXUFI REER SOMALILAND AH OO DHAAWACYO LOOGU GAYSTAY MAGAALADA NAIROBI

Marka aynu ka hadlayno Tacadiga lagula kacay Samsam Ducaale Ardayada yar ee qaraabadeeda ku socotay miyaanay ahayn inaanu kala socono dhibata lagaarsiiyey Saxaafada Somaliland iyo hay'adaha xaquuqul insaanka u dooda ee ka jira Somaliland oo labaduba afka ka xiray indhahana ka dabooshay tacadiga lagula kacay Ardayadaasi yar ee xiska ku weydey jeelka hargeysa, waxaa mar danbe xaalka Samsam ka war bixiyey askari kamid ahaa kuwii cadibi jirey Samsam Ducaale oo isagu haatan kasoo baxsaday ciidamada somaliland waxaana uu sheegay isaga oo saxaafada la xariiray Askarigan oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Dalmar Ismaaciil, Lanbarkiisa Askarinimaduna uu ahaa 4483 ayaa xaalada Caafimaad ee SamSam Axmed Ducaale aad ayay u liidataa iyada oo ay haatan xagga maskaxda dhibaato weyni ka soo gaartey, ninkan askariga ah oo isagu ka mid ahaa raggii markii ugu danbaysay ee samsam maxkamada lageeyey Waar diyeynaayey, markii danbena saldhiga ay ku jirto ku waardiyeyn jiray ayaa sheegay in ay Samsam ay dhibaato gaadhsiiyeen falalkii waxashinimada ahaa ee lagula kacay gabadhaasi Ardayada ah ee yar, wuxuuna sheegay in kufsigii loo gaystay ay hada la jaahwareertay, iyo iyadoo qol kaligeed ku xidhan tahay.

Xuseen Dalmar Ismaaciil oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa oo ka Warbixiyay Xaalaad Sasam... Guji...

Hadaynu u baydhno dhanka siyaasada fursad intee le'eg ayaa samsam uga banaanaan lahayd inay saamayn ku yeelato qadiyada Somaliland iyo Puntland, waa arrin iska cad in ay tahay (- 0)wax eber ka yar, iyadoo ayna masuuliyiinta sarsare ee somaliland ku andacodeen in Samsam laga soo diray dhanka Puntland iyadoo Qareemadii Samsam Ducaale denbiga kusoo oogayna ay Ardayadaasi denbi laawaha ah ku eedeen in ay basaasad u ahayd maamulka ay qadiyad ahaan kumuran san yihiin Gobolada sool sanaag iyo cayn ee Puntland iyo in ay rabtay in ay dilku fuliso madaxwayne-ku-xegeenka Somaliland, Axmed Yusuf Yaasiin. Sida qareenada Samsam sheegayaan, saxaafadda Hargaysana wax ka bidhaamisay, garyaqaanka dawladda ee dambiga ku soo oogay gabadha ayaa eedaymihiisa ku saleeyay in ay timid guriga Madaxwayne-ku-xigeenka iyo in ay sheegatay laba haybood oo kala duwan. Labadaas arimood ayuu xeer ilaaliyuhu ka soo dhiraan dhiriyay in Samsam u socotay in ay soo basaasto madaxda sare ee maamulka Somaliland iyo in ay soo disho madaxwayne-ku-xigeenka, tan oo aan ahaynd wax looga duwi karo laguna duudsin karo tacadiyadii soo gaarey Ardayadaasi yar ee haatan xabsiga Hargeysaad waalida lataala.askarigan kawar bixyey xaalada qalafsan ee Samsam ayaa markalesheegay in Samsam la jir-dili jirey markasta oo laga sheekeeyo qadiyadii dagaalka ee dhexmartay labadan maamul ee Puntland iyo Somaliland waxaanu yiri markale askarigani,Dhibaatada maanta haysata Samsam ducaale xaalkeedu waa heer halisa isaga oo intaasi ku daray in gabadha Jidhdil loo gaysan jiray xilligii la xusuustaba khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ee xaaladan cusub ee dagaalka.

Maahan wax hal iyo labo qormo midna lagu muujin karo dhibaatada aan soo reebashada lahayn ee samam Ducaale lagula kacay iyada oo dhibaatadaan loo gaarsiiyey oo kaliya haybteeda oon kasoo jeedin halka lagu dhibaateeyey, waxaanse dhambaalkan gaarsiinayaa dhamaanba bahda saxaafadab iyo hay'adaha xaquuqulinsaanka udoodaa inay u istaagaan tacadiga lagula kacay samsam Ducaale, aradayadaasi yar ee xariyadii laga qaaday, waxaan sidoo kale si gaara qormadaanu gaarsiinayaa Dhaqaatiirta kusugan Hargaysa in ay xil iska saaraan samatabixinta xaalada caafimaad ee Ardayadaasi yar ee dhibaatada baaxada leh loo geystey.

Xassan Mataan
soompress@hotmail.com
Nairobi, Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 
Gabadhan lix-jirka ah waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka.... Guji

 

»»» :::QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM DUCAALE:::
samsam ducaale
»Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo

»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...
»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Samsam Ducaale Xabsiga ayaan ku ilaalin jirey..
»Warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
»Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
»Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa
»GABAY::: Zamzam (abtiyoow)
»SAMSAM MAXAA LOO SILCIYAY !?
»Hargaysa iyo Xabsigii abuu qurayb maxaa ka dhexeeya  
»sheekada samsam maxaa kajira
»
NAA MA BOOSAASAAD KA TIMID, MA BARI BAAD KA TIMID 

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD