SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print


Marwadii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Daahir Riyaale Kaahin ka Dalbatay Cafis inuu u Fidiyo Samsam Axmed Ducaale

  • "Arrinkan tiiraanyada leh ee maanta dhacay waxaanu u haysanaa aniga iyo inta la ila aragtida ahiba in uu yahay goldalooladii cadowgeenu sugayay, taas oo aad ka garanyso hadal hayntiisa iyo buun buuntiisa. Aniga oo ah hooyada Somaliland waxaan jecelahay in aan waxyar ka idhaahdo arrinta muranka weyn ka dhalisay Somaliland iyo suuqyada Caalamka ee Soomaalidu ku kulantaba, noqotayna arin lafjab ku ah qaranka Somaliland guud ahaan." Kaltuun X. Daahir

Kaltuun X. Daahir oo ah marwadii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (janadii Allah haka waraabiyee) ayaa maanta (26/12/2004) ka dalbatay Daahir Riyale "in uu cafis u fidiyo Samsam Axmed Ducaale oo xorriyadeeda u soo celiyo." Taas oo sida ay Kaltuum sheegtay sharaf weyn u noqonaysa Madaxweyne Riyaale iyo Somaliland-ba. Waxayna intaas ku dartay in "Haddii kale waxay noqon doontaa bar madow oo dimoqraadiyadda Somaliland markasta ku taalla."

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu bishii Octobar ee 1998 magaalada Hargeysa ku saxiixay xeerka dhawrista xuquuqda Insaanka ee Amnesty International. Qoraalkaas uu Saxiixay marxuum Cigaal waxaa kale oo saxiixay ama suulka-saaray 200 qof oo ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Hargeysa.

Kaltuun X. Daahir waxa ay tiri "Arrinta Samsam loo haysto iyo ta ay ku cabanayso toona anigu ma ku caddayn karo, kamana hadli karo waayo, maragyadeeda iyo markhaatiyadeeda ayay leedahay. Waxaase hubaa in jidka loo maray cadaynteed iyo oogidda garsoorkuba uu ahaa hab aad loo dhaliilay. Maxaase loo waayay cid dhexdhexaad ka noqota arrinta oo labada dhinaca isu soo dhaowaysa?"

Qoraalka Kaltuun oo dhamaystiran hoos ka akhri::

Kaltuun X. Daahir, Marwada Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibrahim Cigaal

Sunday December 26, 2004

Laga soo bilaabo gooni isu taaggii Somaliland, waxaynu halgan ugu jirnay sidii ay dimoqraadiyaddu uga hirgeli lahayd Dalkeena Hoyo waxaynu samaysanay Distoor aynu weliba cod aqlabiyada ah ku ansixinay oo ku dhaqankiisu waajib innagu yahay. Wuxuu Illaahay ha u naxariistee Marxuum Cigaal qalinka ku duugay qaraarkii ku saabsnaaa Xuquul Iinsaanka iyo Ilaalinta Xuquuqda Carruurta oo sina waajib innagagag dhigaya iska ilaalinta waxyaabo badan oo shaki caddaaladeed keeni kara.

Waxa kale oo aynu hirgelinay habka axsaabta badan oo gogoldhig u ahaa guud ahaan dimoqraadiyadda, arrintaa oo adduunku dhegaha u raariciyay, isla markaana aad innoogu bogaadiyay oo noqotay wax Somaliland lagu majeerto.

President Egal expressed support for Amnesty International's worldwide campaign for the 50th anniversary of the Universal Declaration of Human Rights. He invited the delegation to a cabinet meeting where he and all members of his government signed the Amnesty International ''Pledge'' - ''I will do everything in my power to ensure that the rights in the Universal Declaration of Human Rights become a reality throughout the world''. The pledge books were also signed or thumb-printed by over 200 other men and women in Hargeisa from all walks of life.

This summarizes a 50-page document (24,484 words): Human rights in Somaliland: Awareness and Action - Report of a workshop held in Hargeisa, Somaliland in October 1998 (AI Index: AFR 52/01/99 ) issued by Amnesty International in December 1999.
http://web.amnesty.org/

Waxa taa dheerayd xilligii kala guurka oo ay keentay geeridii Marxuum Cigaal, iyada oo saacado gudahood markii geeridiisa la soo shegeay xilkii Madaxweynenimo loo dhaariyay ku xigeenkiisi, iyada oo arrintaa aan ciddina wax hadal ah ka keenin, Adduunkuna u guuxay.

Waxa iyana hayd guul lama ilaawaan ah doorashooyinkii dawladdaha hoose iyo Madaxtooyada oo mar walba ku socotay jidkii uu jeexay Marxuum Cigaal, ummaddana loo sheegayay in lagu socon doona majarihii iyo Dastuurkii uu hirgeliyay Aabbihii Somaliland

Indhaha Caalamku aad ayay inoogu soo jeedaan cadowgeenuna goldaloolooyin ayuu innaga sugayaa, maadaama wixii hore ee la soo qabtay ay ahaayeen arrimo waaweyn oo wax ku ool ah aadna u murugo geliyay cidkasta oo Somaliland horumarkeeda aan jeclahayn.

Arrinkan tiiraanyada leh ee maanta dhacay waxaanu u haysanaa aniga iyo inta la ila aragtida ahiba in uu yahay goldalooladii cadowgeenu sugayay, taas oo aad ka garanyso hadal hayntiisa iyo buun buuntiisa. Aniga oo ah hooyada Somaliland waxaan jecelahay in aan waxyar ka idhaahdo arrinta muranka weyn ka dhalisay Somaliland iyo suuqyada Caalamka ee Soomaalidu ku kulantaba, noqotayna arin lafjab ku ah qaranka Somaliland guud ahaan.

Arrinta Samsam loo haysto iyo ta ay ku cabanayso toona anigu ma ku caddayn karo, kamana hadli karo waayo, maragyadeeda iyo markhaatiyadeeda ayay leedahay. Waxaase hubaa in jidka loo maray cadaynteed iyo oogidda garsoorkuba uu ahaa hab aad loo dhaliilay. Maxaase loo waayay cid dhexdhexaad ka noqota arrinta oo labada dhinaca isu soo dhaowaysa?

Arrinta aad ayaa la isu celi-celiyay oo dawladda iyo Ururada Xuquul Insaanka uu Midba midka kale ugu eedeeyey waxaanad moodaa in labada midkoodna aanu doonayn in uu tanaasulo. Waxaase Soomaalidu ku maah maahdaa "Nin hulaab xumi in uu wax qarsanayo ayaa la moodaa".

Maadaama ay dhibaatada keentay habka kiiska loo maamulayay oo aad uga du'day kiisaska kale ee ay maalin walba Maxkamaddu qaaddo kana dhigatay mid aad la isugu maandhaafo. Waxaanu ku talin lahaa maadaama aanay jirin Madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa in Madaxweynuhu uu cafis u fidiyo gabadhaas oo xorriyadeeda u soo celiyo. Taas oo sharaf weyn u noqonaysa Madaxweynaha iyo Qaranka Somaliland-ba. Haddii kale waxay noqon doontaa bar madow oo dimoqraadiyadda Somaliland markasta ku taalla.

ISHA: Halganews | Hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | 26/12/2004

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great



HTML CD