SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SAMSAM " AQALKA M. KU-XIKEENKA I GEE"

Mahamud Samatar
samatarapt@yahoo.com

Boqol sano ka hor markii miyiga iyo magaaladu kala war la' aayeen , ayaa marka ruux reer miyi ihi yimaado magaalda ayuu odhan jiray" kuriga hebel ee reer hebal ha la i tuso ama ha la igeeyo" . Xiligan aan joogno miyiga iyo magaaladu waa isku mid , oo BBC iyo satalite TV ayay dhagaystaan ama dawadaan reer miyigu.

 
  Hadaba Samsam oo reer magaala wax walbana kala garanaysa, ayaa ah wax lala yaabaabo in ay tidhaa "Taksiilow i gee Aqalka m. ku-xigeenka " . Haddii aanay qorshe iyada iyo taksiilihii isku ogaayeen oo ah in ay arin fuliyaan aanu jirin , ayaa ah  waxa is waydiin mudan , maxay Samsam ku keentay taksiilow i gee aqalka m. ku-xigeenka, iyada oo aanay waxba ka dhaxayn oo aanay qaraabo ahayn, ama aanu ahayn abtigeed ,adeerkeed ama seedigeed ?
 
  Maanta  adduunka  meeshu doono qofku joogee , iskama odhan karayo ama waa wax aan dhici karayn in qof yidhaa taksiilow i gee aqalka m. ku-xigeenka Ruushka ama Franciiska, hadii aanu qorshe ama arin fulinaynayn. 
 
Waxa wax iswaydiin kale mudan maxaa ka keenay Samsam i gee aqalka m. kuxigeenka? jawaabta ayaa ah sidan.
 
Horta Samsam hadii ay u bugtay araga M. kuxigeenka, tahayna qofka reer magaala oon ka soo galin miyi, meelo badan oo ay u mari kari lahayd araga m. kuxigeenka ayaa jiray, waxa ay u mari lahayd xildhibaanada, xafiisyada dawladda iyo meelo badan , haddii uu araga m. kuxigeenku daacad ka ahaa.
 
Waxase aad moodaa markii uu qorshihii ay waday iyada taksiiluha u socon waayay in intii wax la ogayd , ay arinkii markii uu fashilmay ay u badaleen in askartii qabatay ay kuf satay, si ay arintu   u yeelato waji kale iyo dacaayad lagu aafeeyo Somaliland.
 
Haddii ay Samsam fulinaysay fal argagaxso runtii waxa ay ahayd  qof fulin kara , sababta oo ah way shareernayd ama xijaabnayd , markaa way ogayd in si dhib yar oon fiirsasho ama shaki lahayn ay u dhaafi karaysay askarta, madaama ay xijaabnayd, inkasta oo askartii ilaalada m.kuxigeenku joojiyeen markii ay garan waayeen ama ka shakiyeen, taas oo ay ku amaanan yihiin. Ayna dhici karayso in ay ku qabteen hub ama baastoolad ay wadatay si ay u fuliso qorsheegii ay u socotay. 
 

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah (Zamzam) iyo Xariga Looyaradii Difaacayey::
Xijaabka ama shareerka ayaa noqoday ama ahaa , habkii ay u dileen argagaxisadii dishay haweenaydii reer Keenya  ninkii Jarmalka ahaana ku dhaawacay , falkii ay fuliyeen wadada isku xidha Barbara iyo Hargaysa. 
 
Madaama aanu qof miyir qabaa ama kala garanaya khalad iyo sax ,ayaanu isga odhan karayn hebel ii geeya hadii aanu wadan qorshe, ayaa la odhan karaa in ay Samsam fal argagaxiso waday ama aanay miyir qabin iyada iyo taksiilihii wadayba. 
 
Dacaayadda , beenta iyo brobagaadha ay wadaan kuwii wax la ogaa Samsam , ayaa u eg arin aanu qof miyir qabaa ka aqbalayn, marka aynu dib eegno falalkii argagaxiso ee hore uga dhacay Somaliland.
 
Nabadeey.
 
Mahamud Samatar
samatarapt@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD