SAMSAM:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
46 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |
53 |
54 |
55 |
56 |
57 |
58 |
59 |
60 |
61 |
62 |
63 |
64 |
65 |
66 |
67 |
68 |
69 |
70 |
71 |
72 |
73 |
74 |
75 |
76 |
77 |
78 |
79 |
80 |
81 |
82 |
83 |
84 |
85 |
86 |
87 |
88 |
89 |
90 |
91 |
92 |
93 |
94 |
95 |
96 |
97 |
98 |
99 |
100 |
101 |
102 |
103 |
104 |
105 |
106 |
107 |
108 |
109 |
110 |
111 |
112 |
113 |
114 |
115 |
116 |
117 |
118 |
119 |
120 |
"CAFISKA DAAHIR RIYAALE U FIDIYEY
SAMSAM MA RUNBAA?"
"Mase ra'yi Caalamka ayaa lagu Khaldayaa" Sidaas waxaa yiri Akhriste maqlay
cafiska
Wararka
ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Daahir Riyaale Kaahin oo
kusugan Dalka Koonfur Afrika laga soo weriyey in uu cafis u fidiyey Samsam.
Cafiska Daahir Riyaale ayaa la sheegay in
uu ka soo baxay xafiiska Axmed Yususuf Yaasin, maadaama Daahir Riyaale ku
maqan yahay Koonfur Afrika, sida laga soo weriyey Axmed Xasan
Cali "Casoowe" oo ah wasiirka "caddaaladda" maamulka
Hargeysa.
Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee
cafiskaas la sheegay dhaqan gelayo iyo waqtiga Samsam Xabsiga laga
siideynayo oo ay xor u noqoneyso in ay u safarto meeshii ay doonto.
Axmed Xasan
Cali "Casoowe", wasiirka "caddaaladda", waxa uu ku
adkaysanayaa in aan Samsam la kufsan, Samsam-na maxkamada horteeda ayey ka
sheegtay in lix nin oo askarta kamid ah ay kufsadeen intii ay xabsiga ku jirtey,
mid kamid ahna ay maxkamada horteeda ay tilmaantay.
Hargeysa waxaa ku sugan wafti ka socda
qaramada midoobey qaybteeda u qaabilsan xuquuqda Aadamiga. Kuwaas oo
cadaadis saaraya maamulka Hargeysa.
Waa la isweydiinayaa arinta la xiriirta
cafiska ma war saxaafada loogu talagalay baa si aan su'aalo arintaas ku saabsan
loo weydiin Daahir Riyaale oo booqanaya Koonfur Afrika.
XAQIIQADA SAMSAM AXMED DUCAALE:
- Taariikhda Dhalashada: 14
August, 1988
- Meesha Dhalashada: Dhahar,
Soomaaliya
- Magaca Hooyadeed: Nadiifo
Jibriil Axmed
- Shaqada: Ardayad, dhigan jirtey
Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso
- Laxiray: 15 August 2004, lagana
xiray Guriga Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka
"somaliland", oo ay ku khaldantay. 15kii December 2004 ayaa maxkamada
hargeysa waxay cadaysay in Samsam aysan ahayn qof da'weyn, hadalkaas oo
maxkamadu ku burisey hadalkii taliyaha ciidanka booliska Hargeysa.
Waxase maxkamadaasi sheegtay in ay Samsam ku xukuntay shan (5) sano oo
xabsi ah.
- Lagu eedeeyey: Basaasnimo iyo
shirqool madaxweyne kuxigeenka
- Falalka lagula kacay: Kufsi,
jir-dil, ciqaab maskaxeed, khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn,
weydiin su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm....
- lala xiray: Dareewalkii guriga
keenay [Cumar Jaamac Warsame], waxaana dareewalka xabsiga laga sii
daayey 15kii December 2004, kaddib markii ay maxkamada Hargeysa sheegtay
in aan wax 'dembi' ah lagu haysan.
- Qareemadii u doodayey: laxiray
24 November, 2004, lana soo daayey 11 Decemeber 2004.
-
Faalladii
SomaliTalk ee November 2004
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2005
Hadalkii hore ee
Axmed Xasan Cali "Casoowe"
Shuruudaha
Gabayada Silsiladda Samsam
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com

|