BARLAMAANKU MA SHARCIYEYN-DOONAA GELISTA
ITOOBIYA EE SOMAALIYA?
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid “ Jinni
Boqor” |
Kaqayb-galkii shirkii Berlin 1884 ee
laguqaybsadey Africa. Xorriyo raadinti (
S.Y.L) 1945-1960, dagaalki Ethiopia iyo
Soomaaliya ee 1964 ee duqayntii ciirka,
dagaalki 1977, iyo burburki qarankii
Soomaaliyeed. Waxaa intaas dheer
hagardamadii shirarkii dib uheshisiinta
Somalida ee 2002 Eldoret, ilaa 2004
Mbagathi Nairobi, oo ku dhamaaday
doorashadii Abdullahi Yusuf iyo xukumada
Cali Maxamed Geeddi ee ay Ethiopia
lugaha kulajirto.
Haliilidda iyo hanqaltaaga joogtada ah
ee dawlada Ethiopia intaas oo dhan
markeynu eegno waxaa inoo soobexaya
Ethiopia waa Ethiopia, Soomaaliyana waa
Soomaalya,
Cadawadii iyo dagalkii soo jireenka
ahaydna waa halkeedii waxbana
iskamabedilin.
Dagalkii Soomaaliya iyo Ethiopia ee
socday qarnigii 1414- ilaa 1530 oo ah
dhimashadi Immam Ahmed Guray, boogihi
iyo deegaamadii layskuhaysteyna wali waa
sidoodi. Ruuqansigii Ethiopia iyo
qabsashadii geyiga Soomaaliya iyo
xaalada aynu maanta kusuganahay oo ah
wax lagaxumaado.
Xoog
sheegashada Ethiopia iyo joogista
ciidamada Ethiopia ee xuduudaha
Soomaaliya iyo codka Ethiopia kuleedahay
ururuda caalamka oo ay kumaytaleyso
Soomaalida maanta iyo xiriirka ey la
leedahay qaybo kamida gobolloda
dalkeenna, waxay muujineysaa fikradii
ahayd (Qaybi oo xukun).
Dhamaan
waxyaabaha aan kor ku soo sheegnay
markeynu dhab udhadhansano waxaynu
ogaaneyna in Ethiopia ay weli danayneso,
raadineysona faragelinta Soomaalida
diciifka ah ee aan lahayn dawlad
shaqaysa.
Hadaynu
dhinac kale ka eegno Ethiopia waa
dalweyn markii loo eego Soomaaliya,
dadkeeduna waa 78. Milyan. Soomaaliyana
waa 8. Milyan, qiyaas ahan. Ethiopia
waxaa utaliya xukuumad gaalo ah.
Ethiopia waa dal eerigo’an ah
(Landlocked Country) oo aan bad lahayn,
Soomaaliyana waa dalka ugu xeebta dheer
Africa (3336 Km), marka lagareebo konfur
Africa. Ethiopia dekedo malahan ( Has no
ports), Soomaaliya waa wada dekedo sida:
Kismayo, Mogadisho, Boosaaso, Berbera,
iyo xeebo aan kadhicin dekedohaas, sida
Marka, Ceelmacaan, B/Beyla, Xaafun,
Hobyo, Garacad, Eyl, Caluula, Baargaal,
Qandala, Ceelayo, Lasqoray, Seylac, iyo
kuwa kele oo badan, oo wax lagala soo
degi karo, waana marsooyin dabeeciya
(Natural Ports).
Hadaba
markeynu qaymeyno baahida Ethiopia
uqabto dekedo iyo xukumada hada ladhisay
oo aynu ognahay tayadeeda iyo xiriirka
soo jirenka ah ee Ethiopia iyo
madax-waynaha cusub Abdullahi Yusuf,
xukuun jecelkiisa askarinimo +
horornimada Melezanawi waa = Soomaaliya
Qatar baa ku soo fool-leh.
Hadaba
si waxaas oo dhan looga-hortago waa in
si iskuduubni ah, loo wajahaa damaca
Ethiopia iyo udebecsananta Abdullahi
Yusuf oo aan marna la oggolaan ciidamada
Ethiopia in ey soo galan geyiga
Soomaaliya, sida badaha, dekedaha,
gegida diyaradaha.
Xilkaas
waxaa lagula xissabtamidoonaa
Barlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa
kale oo eedaas qaadi doona Prime
Minister Cli Moxammed Geeddi iyo
golihiisa Wasiirada sida ku qoran axdiga
qodobkiisa 52, F2 oo oranaya golaha (wasiradu
wuxuu u xilsaran yahay, diyaarinta iyo u
soo bandhigida shurucda dawlada golaha
shacabka). Faqradda C. iyadana waxay
leedahay. (Meelmarinta iyo maamulida
shurucda qodobka 48 wajibaaadka wasiirka
koowaad. Wuxuu masuul ka yahay
horumarinta, isuduwida iyo koormeerida
siyaasada xukuumaada iyo maamulka guud).
Soomaalidu waxay tiraahdaa (Side xeego
loo xagta, ilkona kunabad galan).
Dalkeennu dagaal danbe uma baahna,
Xabashi halakeeno waa haladagalamo,
heshiiskii eynu soo wadney labo sano iyo
bar, iyo wixii ladhisay halugu
kalatagona talo maaha.
Hadaba
labada arrimoodba dawadoodu waa
Xabashida oo lareebo, cidaamo isku dhaf
ahna lakeeno dalka. Muqadisho oo degdeg
loo tago si xukuumadda iyo golaha
shacabkuba degdeg u tagaan,
Madax-waynuhuna uu muddo bil ah siijoogo
Nairobi, kana danbeeyo tegitaanka labada
gole.
Firo
Gaar ah:
Wixii
xumaada waaxaa tosinaya Baarlaamaka,
diido iyo oggolansho ciidan ajnebi waxaa
go’aaminkara Barlaamaanka, dabagal iyo
illaalin waxaa lagarabaa Golaha Shacabka,
masuuliyada dalka oo dhan wexey dusha
kasarantahay Barlaamaanka.
Sidaas
awgeed waa in eynu diidnaa ciidamada
Ethiopia, oo u hiilinaa caruurtena iyo
taariikhda dame ee dalkeenna qaaliga ah.
Dib u eega halgankii dheeraa ee Immam
Ahmed Gurey, Seyid Mohammed Abdulle
Xassan, halgankii SYL, xusuusta warqaddi
u aduunka u qaybiye Mudane C/Risaaq Xaji
Xuseenn 2002, oo ahaa R/Wasaarihii hore
ee Soomaaliya, ee u kaga hadlaayey
tariikhda labada dal ee Ethiopia iyo
Soomaaliya, iyo gacan kuhaynta,
faragelinta Ethiopia ee shirka dib
heshinta Soomaaliyeed oo uu kutilmaamay
arrin qalad iyo nasibdaro kudacday
ummada Somaliyeed.
Firo
Gar ah:
Sahal
looma illawi karo dana gaar ahna laguma
bedelankaro tariikhda labada dal iyo
labada umaadood ee dariska ah, lagamana
heshiinin cadaawadii sojireenka ahayd ee
dhextiilay labada dal ee jiraanka ah,
lamana dafirikaro damaca Ethiopia ey
kaledahay geysga Africa iyo tariikhda
danbe oo ey doonayso inay gacanta
kuhayso Siyasadda umaada Soomaaliyeed si
muqaal ah iyo dadbanba.
Soomaalidu waxey tiraada “Waxaa yaab ah
dundumada abboor baa dhisay, waxaa
yaabka yabkiis ah habbenkii buu dhisaa,
waxaa kasi yaab badan candhuuftiisuu
kudhisa. Soomaalida iyo xabashidu waxaa
kadhaxayn jirey colaad qoto dheer oo
salka kuhaysa dhul, dagal lagu hoobtay,
iyo diin, waxaa yaab ah arrimaha
soomaalida waxaa wakiil ka ah oo
maamuleysa xabashi, waxaa kasii yaab
badan xabashibaa ragga Soomaaliyeed
hubka kadhigeysa, waxaase yaabka
yaabkiisa ah Barlaamaanka oo
usharciyeeya qabsashada Itoobiya ee
dakadaha iyo Garroomada Soomaaliya,
waxaase kayaab badan goor ey kabaxeyso
dhulka lama oga, oo wax shurud ah laguma
xirin.
DOOD
LABA ODAY DHEXMARTAY.
Ba’ah:
oo waa Lubnaan iyo Suuriya oo kale’e
maya waa Afgaanistaan iyo Xamid Karazay.
ba’ah:
taakeliya mahee dib u eeg tariikhdii
Eritrea iyo Haile Sellase ee 1950,
cidamo gacan siya ayuu direy dalkaas,
1952, wuxuu kadhigey xiriir ah
confideration, 1954.tiina wuxuu ku
magacaabay gobolka Casmara oo katirsan
dawlada Ethiopia. Halkaas waxaa
kadhashay dagalkii 31 sano socday ee
jabhadda Eritrea iyo Ethiopia u
dhaxeeyey. Boowe aan runtaa oo
ma’ogtahay marhadday dhul qabsadaan kama
kacaanee. Boowe aan runtaa.
Xaalka
Soomaalida iyo Itobiya waxay u egtahay
qisadii caanka ahayd ee Boqorkii Beesha
Bartire Wiil-waal oo lagu yiri (
Wiil-Waal Labada cad leg laguugudar)
Waxaa
qoray.
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid.
(Jinni Boqor)
Nairbi, Kenya
Faafin: SomaliTalk.com
| March 1, 2005
Warqad Furan: Guddoomiyaha Golaha
Midaynta Beesha Sade