SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Daabaco Boggan | Print


Ergooyinkii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Nairobi ayaa  Maalinka barito ah wadankooda u dhoofaya kadib markii ay bixiyeen lacag ay maxkamadi xukunta

Ergooyinii Soomaaliyeed ee ku Xirnaa Magaalada Nairobi oo ay maalinkii shalay maxkamadi ku Xukuntay 26,000 KSh & in ay dalkooda ku laabtaan ,ayaa lagu soo wareejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport si ay ugu anbaba xaan Wadankooda Hooyo ee Soomaaliya. 

Xuseen Abi oo ka mida Ergooyinka Soomaaliyeed ee ku jiray Dadkii Afarta Cisho ku xirnaa Nairobi ayaa ii sheegay in Eheladooda ay bixiyeen qarasha ay maxkamadu ku xukuntay ergooyinka oo ah 26 Xubnood.  

Xuseen iima uusan sheegin in loola dhaqmay si xun laakiin waxa uu ii sheegay in ay ka Hurdeen Baarlamaanka& Dowladuba isaga oo intaa ii raaciyay in la ilaaway qaranimadii& haybadii umada Soomaaliyeed loona badiyay dhinaca qabiilka. 

Waxaan mudo Sanado ah aan danaheenii& ilmaheenii u soo cidlaynay Buu yiri Danta& maslaxada umada Soomaaliyeed si buu yiri umada Soomaaliyeed ugu raadino Qaranimo& Nabad ku wada Noolaansho hase yeeshee Buu yiri markii Amuurtaas aynu ku guulaysanay waxaa meesha ka baxay Qaymihii iyo Sharaftii aynu lahayn. 

Guud ahaan Dareenka Ergooyinka Soomaaliyeed ayaa walaac Xoogan ka muuqday iyaga oo runtii uusan muuqaalkooda iyo Niyadoodabna aysan Wanaagsanayn. 

Ergooyinkani waxa ay qayb ka ahaayeen Ergooyinkii Soomaaliyeed ee Galbeedka Wadanka Kenya Ee Eldoret Wada hadalada uga Bilowmay.

Horay waxa ay wadanka Kenya iyo Ururgoboleedka IGAD u shaaciyeen in Ergooyinkii Soomaaliyeed ee aan iyagu ka mid Noqon Baarlamaanka Soomaalida ay ku laabtaan Goobihii laga keenay ee Soomaaliya. 

Marar badan ayaa Ergooyinka Soomaaliyed laga Xirtay Hotelada Magaalada Nairobi waxaa Jirtay Mar Xitaa laga Saaray Xarunta shirka Soomaalida ee Mbagathi. 

Waxa kaloo Jiray Ergooyin Soomaaliyeed oo iyagu naftooda ku waayay Intii wada hadalada ay ka socdeen Wadanka Kenya Sida Istarliin Cabdi Caruusha oo iyada Koox aan wali la aqoonsan Baas ooda uga qaadeen. 

Waxaa kaloo isagana koox hubaysani Dileen Sh Ibraahin oo isagu ka mid aha Ergooyinkii Doowladii lagu soo dhisay wadanka Jabuuti Magaalada Dahabiga ah ee Carta, 

Dhinaca kalle waxaa iyaguna ku dhintay Dr Raajis, Adan Gabyo, iyo Ergooyin kalle, 

Intii Xubnaha Baarlamaanka Soomaalida la dhisay waxaa iyaguna dhintay Col Xasan Cabdulle Qalaad,Jan Maxamed Gani,iyo Xubin kalle oo ka tirsa baarlamaanka Soomaalida, 

Madaxwaynaha wadanka Kenya Kipaki ayaa Soomaalida ugu baaqay in ay wadankooda adaan isla markaana ay Doowlada Soomaalidu ka shaqayso wax ka qabashada Dalkeda

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 6, 2005

 
Shiinaha oo Soomalida Tabaalowdey ugu Deeqay $100,000
iyo Qaramada Midoobey oo Sheegtay in Soomaalida aafadu saamaysay ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo gaaraya $13 million...
Guji... 

Soomaaliya: Gargaar Degdeg ah -  Aafada Badgariirka
»Dahabshiil oo bixisay $5000 ee ugu horeysey Mucaawinada
»Dalsan mucaawanada la bixiyo waxay ku dari doontaa 2%
»Amal, Dalsan iyo Dahabshiil: Khidmo la'aan ku dir caawinaada
»Farriin ka timid Shiikh Cumar Faaruuq | Koonfur Afrika
»Warbixin:Shiikh C/Qaadir Nuur Faarax | Garoowe
»Warbixin:Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe | Muqdisho
»Ku waano Qaadasho aafada Badgariirka
»Mucjisooyinka lagu arkay aafada Badgariirka
Dhammaan ka akhri halkan, kana qayb qaado mucaawinada

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD