SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print


Wareysi: Guddoomiyaha Ururka Garoobbada Soomaaliyeed

Waxaa dhowaan noo suurtogashay in aan wareysi la yeelanno Xaliimo Cali Ceynte oo ah Guddoomiyaha Ururka Garoobbada Soomaaliyeed, waxaana wareysigu uu dhacay waqti ay ka qayb galaysay siminnaar saddex maalmood ka socday Hotel-ka caanka ah ee Naaso-hablood ee la magac baxay (Somali Social Forum) oo ay ka qayb galeen illaa iyo 100-Urur oo Bulshada rayidka ah.

Wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxa uu u dhacay sidatan:-


waa Amiin Yuusuf Khasaaro oo wareysnaya xaliimo

Su’aal: Goorma ayaa la aas-aasay Ururka Garoobbada Soomaaliyeed?

Jawaab: Ururka Garoobbada Soomaaliyeed waxaa la aas-aasay sanadkii 1994-kii, waxaana lagu aas-aasay Hotel Quality INN.

Su’aal: Maxay tahay Ujeeddada loo aas-aasay Ururkan?

Jawaab: Ujeeddooyinka loo aas-aasay Ururka Garoobbada Soomaaliyeed waa sidii uu ururin lahaa dhammaan Garoobbada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaas oo intooda badan ay ka dhinteen ragoodii, loogana tegay carruur fara badan.

Su’aal: Ma jiraan waxyaabo aad u qabateen Garoobbada?

Jawaab: Haa, way jiraan, waxaanu siinnaa wacyi gelin, si ay ugu shaqeystaan carruurta looga dhintay, isla markaana ay iska illoobaan dhibaatadii ku dhacday, waxaan kale oo aan siinnaa tababarro, si ay u helaan xirfado ay ugu shaqeystaan Carruurta ama iyaga naftooda ay ugu dabbaraan.

Su’aal: Yaa badan Gabdhaha Raggoodu ka dhintay iyo kuwa la soo furay?

Jawaab: 45% waa Gabdho raggoodu ay ku dhinteen dagaalladii sokeeye, 20% waa kuwo raggoodii soo fureen, laguna furay si gardarro ah, 20% waxay ku yimaadeen in la yiraahdo (Ima cajab gelin), inta soo hartayna waxaa sabab u ah Gudniinka Fircooniga ah.

Su’aal: Goormaad adigu noqotay Garoob?

Jawaab: Anigoo jira 27-sano ayaan Garoob noqday, waxaana garoobbeynayay 18-sanadood.

Su’aal: Wax carruur ah ma leedahay?

Jawaab: Haa, saddex carruur ah ayaa ii joogta.

Su’aal: Maxay ku kala duwan yihiin nolosha Lamaanaha ah iyo midda kelinimada ah?

Jawaab: Aad bay u kala duwan yihiin, waxaana wanaagsan nolosha lamaanaha.

Sul’aal: Hadda ma dooneysaa in aad ka baxdid nolosha kelinimada ah?

Jawaab: Aad iyo aad baan u jeclahay in aan ka baxo nolosha kelinimada ah.

Waa Xaliimo Cali Caynte oo aan ku wareysanayo Hotel Naaso Hablood Muqdisho

Su;aal: Haddii aad ka baxdid nolosha kelinimada ah diyaar ma u tahay in aad wareejisid Xilka Guddoomiyenimada Garoobbada Soomaaliyeed?

Jawaab: Haa diyaar ayaan u ahay in aan iska dhiibo xilka Guddoomiyenimada Garoobbada Soomaaliyeed, laakiin waxaan kuu sheegayaa in aanan dooneyn in aan ka lug baxo, waxaana jeclahay in aan waayo aragnimadeyda ay uga faa’iideeyo cidda markaasi loo magacaabo Guddoomiyaha cusub ee Garoobbada Soomaaliyeed.

Su’aal: Yaa badan furriinka xilliyadii hore iyo waqtigan?

Jawaab: Wax isku dhow ma aha, waxaa badan xilliyadan, oo guurkii waxa uu noqday mid iska fudud oo aan mas’uuliyadi ku dheehneyn, waxaana eedda aan dusha uga tuurayaa ragga iyaga iska fududeysanaya guurka gabdhaha.

Su’aal: Maxaa lagu xakameyn karaa Furriinka faraha badan ee haatan jira?

Jawaab: Waxaa lagu xakameyn karaa marka labada qof ee is guursanaya ay daacad isku noqdaan, isla markaana ka fekeraan mustaqbalkooda.

Su’aal: Sow lama dhihi karo ururkiinna qayb ayuu ka yahay furriinka faraha badan, si aad u heshaan gabdho badan oo Garoobbo ah oo ku soo biira ururkiinna..

Jawaab: Ah…Ah..Ahhh, Maya arrintaasi waa arrin been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, ururkeennuna waxa uu jecel yahay in uu xakameeyo furriinka faraha badan ee haatan jira.

Su’aal: Ma jiraan siminaarro ama tababarro uu ururkiinnu ka qayb galay intii uu jiray?

Jawaab: Haa, way jiraan siminaarro iyo tababarro uu ka qayb galay ururkeenna, waxaana ugu dambeeyey mid ka dhacay magaallada Nairobi oo looga hadlayay Nabdda Soomaaliya iyo weliba xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Su’aal: Maxaad u soo jeedineysaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.?

Jawaab: Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan gabdhaha garoobbada ah oo intooda badan haya carruur looga dhintay, sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa hay’adaha caalamiga ah in ay gacan siiyaan gabdhaha Garoobbada ah ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa, waxaana nagala soo hagaagi karaa Email: nsswgwidows@yahoo.com  ama Tel: 25-25 929435, 2521-274753.

Waxaa wareystey Amiin Yuusuf Khasaaro 
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 6, 2005 | Sixid: Jan 9, 2005

 
Soomaaliya: Gargaar Degdeg ah -  Aafada Badgariirka
»Dahabshiil oo bixisay $5000 ee ugu horeysey Mucaawinada
»Dalsan mucaawanada la bixiyo waxay ku dari doontaa 2%
»Amal, Dalsan iyo Dahabshiil: Khidmo la'aan ku dir caawinaada
»Farriin ka timid Shiikh Cumar Faaruuq | Koonfur Afrika
»Warbixin:Shiikh C/Qaadir Nuur Faarax | Garoowe
»Warbixin:Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe | Muqdisho
»Ku waano Qaadasho aafada Badgariirka
»Mucjisooyinka lagu arkay aafada Badgariirka
Dhammaan ka akhri halkan, kana qayb qaado mucaawinada

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD