Xildhibaanad Caasho Geelle oo ah Musharax u taagan
xilka Madaxweynaha Puntland oo
sheegtay inay rajo ka qabto…
Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare" Garowe Puntland, Somalia
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com
Sida
aad la socoteen baryahanba waxaa deeganada Puntland ka socday
mowjado siyaasadeed oo wajahan abaabulka doorasho ee lagu wado inay
dhawaan ka dhacaan deegaanada Puntland.
Waxaana sidoo kale soo kordhayay Musharixiinta u taagan xilka
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, kuwaasoo mid wali uu u han
weyn yahay sidii uu mar un ku noqon lahaa Madaxweynaha sharciga ah
ee Maamulka Puntland.
Haddaba Musharixiintaasi waxaa ka mid Haweeneynada lagu Magacaabo
Caasho Geelle Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Caasho waxa ay Maanta ku sugan tahay Magaalada Caasimada u ah Maamul
Goboleedka Puntland.
Wariyaheena Magaalada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"
oo bilihii ugu danbeeyay Socdaalku marayay Gobolada Dalka Soomaaliya
ayaa haatan waxaa uu ku sugan yahay Magaallada Garowe oo uu kulmay
Musharaxada Caasho Geelle Diiriye, waxaana uu la yeeshay Waraysigan
ku saabsan bal sida ay wax u rabto Caasho iyo caqabada ay ka
baqaneyso inay ka horyimaadaan.
Waxaa uu waraysigii u dhacay sidatan:---
"Wariye Garyare" su’aasha ugu horeeysa ee aan Caasho ku
weydiinayo waxay tahay waxaad dhawaan shaaca ka qaaday inaad tahay
musharaxad u taagan xilka Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Puntland,
bal waxaad inooga warantaa halka ay kuu marayso abaabulka aad ugu
jirto in aad ku hanato xilkaasi???
"Caasho G Diiriye" marka hore waad mahadsan tahay marka xigta
haddii aan isku dayo su’aasha aad iweydiisay jawaabteeda, waxaan
inbadan ka dhex shaqeeyay arimaha bulshada oo aan ka helay waaya
aragnimo aad u wayn, waxaan dhawaan booqday inta badan gobolada iyo
dedmooyinka oo aan ku soo arkay inay ka jirto maamulka oo aan u
gaarin sidii loogu talagalay, marka ay dalkan ka talin jirtay
Dowladii dhexe waxaad
xasuusataa in xukunka Soomaaliya uu ku aruursanaa Caasimada
Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo dadka ku qasbi jirtay in marka uu
rabo inuu dhoofo uu tagi jiray Muqdisho haddii uu isbital rabo waxaa
uu tagi jiray Muqdisho kadib burburkii dalka waxaan sameeysanay
Maamul la yiraahdo Puntland arintii hore un baa nagu qufulan, anagoo
caasimadii ka dhiganay Garowe puntland waxaa ay noqotay meel lagu
soo ardo, wasiirado iyo xildhibaanado meelkasta oo ay ka dagan
yihiin Puntland meeshaasi ayay isugu yimaadaan, waxaad mooda in laga
nastay wadadii dheereed ee muqdisho, laakiin waxaa muuqata inay
jiraan baahi ay qabaan dadka ka fog fog Magaalooyinka waa wayn,
haddii ay dhacdo in qof loo magacaabo degmooginka fog fog ee
hoosyimaada Maamulka Puntland waxaa ka muuqaneysa inuusan jecleysan
magacaabistaasi, marka aniga waxaan is leeyahay Puntland haddii aad
Madaxweyne ka noqotid malaha waxaad sameyn lahayd isbadal guud ahaan,
taasoo ay ugu horeeyso in dadka loo badalayo Gobolada, degmooyinka
iyo Tuulooyinka inay noqdaan dadka ugu mushaharka badan Dowlada,
iyadoo aan xooga u saari doono inay helaan Mushahar ku filan Gawaari
ay is ticmaalaan, iyadoo aan is dhahayo taasi waxa ay keeni kartaa
in marka danbe ay dadka isku dili doonaan in loo badalo Gobol ama
degmo ka fog meesha uu dagan yahay, marka mahan in howshu ay tahay
in lagu ardo laami oo kaliya.
"Wariye Garyare" waa tahay dadka badan oo soomaaliyeed ayaa
akhrisanayay Waraysigan aad maanta bixisay oo marka ay maqlaan
Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye oo sidoo kale ah xubin kaalin
firfircoon ku leh Ururada qabta howlaha Bulshada ee ka howl gala
Deegaanada Puntland inay maanta isku soo taagtay Xilka Madaxweyanah
Maamul Goboleedka Puntland dadka ku yaqaan iyo inta aan ku aqoon
Caasho Geelle Diiriye marka lagu yiraahdo u doorta Madaxweynaha
Maamulka Puntland Caasho Geelle Diiriye maxaad u qaban kartaa marka
laga soo tago howlahan ah in dadka gobolada loo badalayo aad
mushaharka u kordhin lahayd oo la taaban karaa Caasho???
"Caasho G Diiriye" marka hore waxay dadku ogyihiin in aan
leenahay ilo dhaqaale oo aad u wanaagsan, kuwaasoo loo baahan yahay
in laga faa’iideysto, waxaa kale oo jirta in dadka reer puntland
inay yihiin dad u bislaaday inay bixiyaan canshuurta laga qaado,
laakiin ma oranayo qarashkaasi kasoo xarooda waa lagu tagri falaa,
hase yeeshee waxaa meesha ka maqan qaabkii loo isticmaali lahaa
dhaqaalahaasi ilaahay ku maneystay Deegaanada Puntland, waxaana
qabaa in hadii la isku dayi lahaaa in arintaasi wax laga qabto in
Gobolkasta uu meesha uu joogo ku barwaaqoobi lahaa, hadii aan wax ka
iraahdo Dowlada waxaa jirta in wax lagu qeyb sado Beel ama waxa
dhici karta in laguu yimaado oo lagu yiraahdo an ku doortee maxaad
ii qabaneysaa, isagoo hadhow kuu keenaya wiil uu dhalay kuna dhahaya
wax iiga dhig, marka aniga mahan caqabada I hortaal in dadku dadnimo
xumi igu dooran waayo, waxaana sidoo kale aan ogahay oo aan idiin
sheegayaa in gobolada dalka aan ku leeyahay dad aad u wanaagsan oo
aan isleeyahay waa dadka ugu magaca dheer Gobolada, laakiin caqabada
aan is leeyahay way ku hortaal waxaa ay tahay in marka hore ay dadku
qaarkiis I oran doonaan waxaad tahay Haween oo haweenka ma qaban
karaan xilka ugu sareeya dalka iyo iyadoo musharixiinta kale ee ila
tartameysa ay wadaan lacago ay ku doonayan inay ku iibsadaan codadka
ay ku qaadi lahaayeen Xilkaasi aan iminka u taagnahay, laakiin aniga
maanta iyo horey waxaan warbaahinta uga cadeeyay in aan aniga diyaar
u ahayn in xukunka aan ku iibsado Lacag iyo in aanan qofna kula
hishiinin inuu igu doorto in aan hadhow wax u qabto, waxaana aniga
aan horay u sheegay hadana aan u sheegay waxaa ay tahay in dadku
hadii ay igu doortaan waxqabadkeyga aan soo dhaweynayo haddii la igu
dooran waayana waan aqaan sida loogu shaqeeyo Ururada oo Bulshada
wax loogu qabto.
"Caasho G Diiriye" Su’aasha kale ee aan ku weydiinayo Caasho
waxa ay tahay waxa ay dadka Soomaaliyeed la socdeen Doorashadii
Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay isku soo taageen
Musharixiin badan oo ay kamid ahayd Haweyneyda lagu magacaabo Caasho
Axmed Cabdala, iyadoo aad ogtahay in Soomaalida marka la yiraahdo
Haween xilka Madaxweyne u taagan inaysan jecleysan, iyadoo ay taasi
jirto ayaa waxaad
ogeyd in Caasho ay Doorashii ka dhacday bishii tobanaad ee Sanadkii
2004 ay ka heshay 2 Cod oo kaliya, haddaba ma isleedahay adigana
waxaad la mid noqon doontaa Caasho Axmed oo Kale mise rajadaadu
intaasi way ka badan tahay???
"Caasho G Diiriye" waad mahadsan tahay Garyare marka hore
Shirka Soomaalida markii uu bilaabanayay waxaan kamid ahaa 26-ka
Hogaamiye xoghaynadooda waxaana sidoo kale ka mid ahaa guddi 9 qof
ah oo ay lahaayeen Bulshada Rayidka, waxaan dhanka kale aan
gudoomiye ku xigeen ka ahaa guddigii la oran jiray gudiga dastuurka
kadibna waan isaga soo tagay shirka sadex bilood kadib sabata aan
ugu soo tagay waa la dareemi
karaa oo qof wax qaban kara laba sano meel cidla ah is kama fadhin
karo, shir ka Kenya waxaa isugu tagay dad u jilba jabsaday sidii ay
wax ku noqon lahayeen marka aniga waxaan isleeyahay Caasho Axmed
Cabdlah waxay kamid noqotay dadka is yiri meesha waxaan joogay laba
sano ee waa in aan wax helaa, laakiin aniga waxaan aan qabaa haddii
aan joogi lahaa meeshaasi waqtigaasi labada sano ah ma noqdeen
Caasho oo kale ee waxaan meesha ka heli lahaa codad intaasi kabadan.
Puntland xitaa waxaan qabaa hadii aysan ragu wax isdaba marsiin oo
ay joojiyaan gees uriixa ay ku sameeyaan Haweenka waxaan qabaa in
100% aan ka heli doono Doorashada, iyadoo ay taasi jirto ayaan
waxaan uga gol leeyahay xilkan aan u taagnayay in hawenka
soomaaliyeed ee raga
sacabka u tumaya in aan dareensiiyo in ragu waxba u ogoleen Dumarka,
waxaana xaqiiqo ah haddii aniga la idooran waayo inaysan jirin
haween kale oo wax loo ogol yahay ayaan rabaa in aan dareeynsiiyo
Dumarka reer Puntland.
"Wariye Garyare" waxad la socotaa Caasho inay xilkaasi
Madaxweyne ay u taagan yihiin Rag badan oo magac ku leh Bulshada
Puntland oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Xaashi, Gen,Cadde Muuse
Xirsi iyo rag kale waxa ay dhamaan ku maqan yihiin bulshada
qeybaheeda kale duwan adigana waxaad sheegtay in aadan cidina ka
codsaneyn in ay ku doortaan marka sidee isledahay ragan har iyo
habeen u taagan dadaalka ay ugu jiraan inay ku hantaan xilkaasi
Madaxweyne waad kula tartani kartaa adiga oo meel iska fadhiya???
"Caasho G Diiriye" horta doorashada Puntland ma ahan doorasho
ee hadii ay ahaan lahayd doorashada mid inta sanaadiiq la dhigo
Gobolada Dalka waxaan filayaa in sanaadiiqda intooda badan ay ahaan
lahaayeen kuwo ay ka buuxsamaan codadkeyga, laakiin taasi ma dhicin
oo waxaa ay doorashadu tahay baarlamanka aan ka
tirsanahay midna ogow Garyare Gobolo ayaan soo maray wax laguma
doorto ee waxaa qofka lagu doortaa maxaad bulshada u qaban kartaa,
hadii ay taasi jirto waan filayaa in in aan ku guuleysan doono
hadafkeyga.
"Wariye Garyare" Su’aasha ugu danbeeysa ee aan ku weydiinayo
Musharaxad Caasho Geelle Diirye waxaa ay tahay waxaad waqti dhow aad
ka timid Dibada, iyadoo dadka u dhuun-duleela Siyaasada Puntland ay
kugu xamanayaan in aad dibadaha u doonatay sidii aad u soo heli
lahayd Dhaqaale kuu saamaxa in aad ku guuleysato xilka Madaxweynaha
Puntland ee dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaallada Garowe
maxaad hadaba arintaasi ka jira???
"Caasho G Diiriye" waad mahadsan tahay waxaad ogaataa aniga
walikey dibada waan aadi jiray, waxaana jirta inaan mar u aado Shir
marna aan u aado Caafimaad aniga ii gaar ah, laakiin waxaana aan
maanta raab inaan beeniyo inaan dibada u aaday in aan ka soo helay
lacag, haddii aan rabo lacag aan ku iibsado codadka dadka ii
codeynay waxaan ka heli karaa Puntland Lacag iigu filin in aan dadka
ku iibsado, hase ahaatee hore ayaan u cadeeyay in aanan marnaba
sameeyn hishiis aan dadka kula galayo inay igu doortaan iyo balan
qaadyo, waxaana markale aan ugu celinayaan Dhamaan Umada reer
Puntland iyo inta jecel horumarinta deegaanada Puntland in hadii la
igu doorto wax qabadkeyga aan soo dhaweynayo haddii la idooran
waayana waan aqaan sida bulshada
loogu adeego waadna mahadsan tihiin.
Intaasina waxaa ku dhan waraysigii uu wariyaheena Magaallada
Muqdisho Abdi Wali Ibraahin Aden "Garyare" oo haatan Socdaal ku
jooga Caasimada Puntland ee Garowe uu la yeeshay Xildhibaanad Caasho
Geelle Diiriye oo ah haweeneyda kaliya ee u taagan Xilka
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland.
Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare" Garowe Puntland, Somalia
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com