SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
April 2, 125
Daabaco Boggan | Print

SAMSAM::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

Waraysi dhinacyo baan taabanaya oo ay Somalitalk la yeelatay gudoomiyaha golaha la magacbaxay "golaha nabadgalyada iyo midnimada qaranka" mr Jaamac Aadan dheere 

Somalitalk: Gudoomiye ku soo dhawoow Somalitalk, ugu horayn waxaan ku waydiinaynaa waxaad tagtay deegaanka Beerxani oo ah halka ay ku sugan yihiin ciidamadiina, kulan ayaadna ku qabateen deegaankaasi, yaa kasoo qayb galay kulankaasi maxase looga hadlayay kulankaasi? 

Gudoomiye Jaamac: waad maadsantihiin bahda Somalitalk, waxaan dhawaan kaa so laabtay socod aan ku tagay deegaanka Beerxaani oo ah halka ay ku suganyihiin ciidamadeena waxa,aan kulan layeelanay beelo dowr ah oo aan ka wada arinsanay  sidii aan wax uga qaban lahayn xaalada cakiran ee goboladan,waxaana isku afgaranay in aan kulan kale qaban qaabino si looga baxo dhibaatadan taagan. 

Somalitalk: waa kuwama kuwa gudoomiye dhibaatada aad ka sharqaminaysay wada ee aad ka shiraysaan? 

Gudoomiye;Jaamac: haa walaal dhibka waa badan yahay waxaana ka mid ah dadka wada dhibaatada nimanka sheegtay isbahaysiga dooxada jubba. 

Somalitalk: gudoomiye markii aad dhisayseen golahan waxa aad saxaafada u sheegteen in aydaan wax dhib ah u samaynayn golahan hadana ciidamo ayaad samayseen waxa aadna sheegteen in ciidamada aydan u samayen in aad wax dhib ah ku samaysaan, waxaana dhacday iska hor imaad deegaanka ciidamadiinu ku suganyihiin ku dhexmaray ciidamadiina iyo kuwo kale oo isku hayay gacan ku haynta gaari tikniko ah waxaa fooda laysla daray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac taasi sooma dhaawacayso  go' aankiinii ahaa in iidaan ciidamada meesha u gayn in ay rabsho sameeyaan ama ay cid la dagaalamaan.? 

Gudoomiye Jaamac: waa run walaal cidamada nabad iyo in aysan dhib gaysan ayaan meesha u gaynay, deegaankuna waa deegaan aanu leenahay dadkuna waa dadkeenii kismayana cidamada waxa aan uga saarnay in aan ciidamadeenu ka mid noqon kuwa fowdada mararka qaar ka rida kismayo, ee gaariga laysku haayay beelbaa lahayed beeshii lahayd oo si qaldan loo adeegsadayna waa ka daba tagtay,maamulka barre hiiralana soo adeegsaday waxa ayna ahayd arin nalooga gardarnaa. 

Somalitalk: gudoomiye sidoo kale  waxaa jirta in maalin dhawayd isweer laga qabtay gurigaaga oo ay ciidamada amaanka u qaabilsan isbahaysigu ku qabteen kadib markii mid ka mid ah ciidankaaga uu xabad ku lishaamay ciidamadaas oo wadada xiligaasi marayay, waxa ay arintani dhalisay in ay halis gashay noloshaada iyo mida ilaaladaadaba waxa ayna arintii gacanta u gashay oday dhaqameedka beesha Sade, arintaas saamayn intee leg ayay kugu yeelatay? 

Gudoomiye Jaamac: arintaasi waxa ay daba joogtay isku daygii Beerxaani laygu soo weeraray waxaa hadana laygu soo weeraray gurigayga oo kismayo ah,waxaana weerarkaasi masuul ka ah Barre Hiraale oo ciidamada soo diray  hadana cid aan u haysano majirto maadama nalagu soo weeraray dan aan u haynay umada soomaaliyeed. 

Somalitalk: maxaa idinka dhexeeya oo aad isku haysaan adinka iyo isbahaysiga? 

Gudoomiye Jaamac: waxkale maahan Barre waa wasiir waana xildhibaan anaguna waxaan nahay dadka deegaanka waxaana rabnaa in aan wax ka badalno habka hada wax loo maamulayo waa taas mida ugu wayn asna uu diidanyahay. 

Somalitalk: hadii Barre dawlada uu kamidka yahay uu aado adigu mawaxaad u diyaarsan tahay in aad badasho asaga? 

Gudoomiye Jaamac: maya anigu waxa aan ahay nin ganacsade ah oo raadinaya meel uu ku ganacsado mana doonayo umana dagaalamayo in aan xil qabto hada ee waa in nidaam lahelaa. 

Somalitalk: waxaad ahayd nin ganacsade ah oo caan ka ah kismayo maxaa kugu qasbay in aad noqoto siyaasi koox xukuma ama gole xukuma xiligan oo la filayo in dawlada dalku ay shaqayso? 

Gudoomiye Jaamac: waa mahadsantihiin horta waa run anigu ganacsade ayaan ahaa waxaan igu qasbay in aan waayay meel aan ku ganacsado sababtoo ah hantideena ayaan meel aan ku aamino aan waynay. 

Somalitalk: marka laga hadlo marxalada hada waad aragtaa isbahaysigu waxa uu bilaabay howolo nabad galyada lagu sugayo laguna aruurinayo canshuuraha marka miyaanan la oran Karin wax weyn baa iska badalay arimaha nabadgalyada kismaayo 

Gudoomiye Jaamac: walaal isbahaysigu howlaha uu hada bilaabay mar hore ayaa laga rabay in ay wax ka qabtaan arimaha amaanka wixii dan u ah bulshadana waan taageeraynaa  

Somalitalk: majiraan wax wada hadal ah oo idin dhexmaray adinka iyo isbahaysiga? 

Gudoomiye Jaamac:  maya maya wadahadal nama dhexmarin. 

Somalitalk: diyaar ma utihiin in la idin wada hadal siiyo xiligan oo aad maamulka wax ka qabataan? 

Gudoomiye Jaamac:  horta anagu wada hadal ma diidanin laakin ma doonayno diyaarna uma nihin in aan xiligan wada hadal la yeelano Barre iyo maamulkiisa . 

Somalitalk: hadii dawladu imaato dalka oo shaqayso ma kunoqonaysaa ganacsigaaga mise siyaaada ayaad ku sii xuub siibanaysaa? 

Gudoomiye Jaamac:  ah ah ah ah... walaal filipiin hadii dawladi timaado nabadna la helo maxaa hortaagan in aan ganacasado. 

Somalitalk: waad mahadsantahay mudane gudoomiye

jaamac: adinkaa mudan  

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2005


"Qaadkii" oo Ku yaraaday Kismaayo
» Kismaayo: Cashuur Dheeraad oo lagu Soo rogey Qaadka
» Labo qof  oo habeen hore lagu dhaawacay kismaayo
» Beesha Gabooyaha oo Mar Labaad Ka Qaday Dawlada PL
» Beesha Tanade oo Warqad Furan u Diray Gen. Cadde
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 30

Co.Barre Hiiraale: "Waan Xariirnay Moorgan Lakiin..."
»Barre Hiiraale oo Waraysi siiyeyey Somalitalk
»Wasiirka A/Dibadda oo wareysi siiyey Sharq-Alwsat
»Kulankii Golaha Wasiirada ee Maanta
Wararka oo dhan halkan ka akhri... GUJI... Jan 26

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD