Wefti uu hogaaminayo
Madaxweyne Daahir
Rayaale Kaahin oo
soogaadhey K/Africa.
Waa Sawir aan
kaqaadey
waftiyadii ugu
horeeyey oo
kasocda
Somaliland oo
yimaada
K/Africa,
waftigan oo
uuhogaaminayey
waziirkii
arimaha dibada
ee Somaliland
sanadkii 2000
Mudane Fagadhe,
iyo waziirkii
isgaadhsiinta oo
hadana weli
siihaya
jagadaasi Mudane
dhoolayare iyo
waziirkii
caafimaadka
Mudane Dr. Abdi
awdaahir oo shir
jaraa’id
uguqabtey
Jaaliyada
R.Somaliland iyo
Soomaali kale
xafiiska guri
martisharafka
Somaliland
kuleedahey
K/Africa oo
kuyaala
Pretoria.
Taariikhda aan
sawirkan qaadey
waa 2000kii. |
Pretoria, South Africa,
Wefti uu hogaaminayo
Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland,
Madaxweyne Daahir
Rayaale Kaahin ayaa
shaley duhurnimadii
kasoodegey gegeda
Duyuuradaha ee Caalamiga
ah ee Magaaloweynta
Johannesburg. Wefti
sharafkan oo si
eykudheehantahey
habmaamuseed qaran ey
ugusoodhaweeyeen
madaarka xubno kasocda
Dowlada K/Africa iyo
qeybo kamid ah Jaaliyada
R.Somaliland ee kudhaqan
wadankani. Weftiga oo
transit ku ahaa
Johannesburg waxey isla
gelinkii danbe ee manta
usii ambobaxeen
magaaloweynta xeebta
kutaal ee Capetown,
halkaas oo soodhaweyn
heer sare ah ey iyana
kalakulmeen Dowlada
K/Africa & Jaaliyadda
R.Somaliland ee Capetown.
Weftigan oo kakooban
Marwada koowaad ee
Somaliland, Huda Barkhad
Aadan, Wasiirka Arrimaha
Dibadda, Marwo Edna
Aadan Ismaaciil,
Wasiirka Warfaafinta
Mudane Cabdillaahi
Maxamed Ducaale
dhoolayare, iyo Wasiirka
Kalluumaysiga iyo
Horumarinta Xeebaha,
Mudane Maxamed Faarax [Oday],
booqashadan Madaxweynaha
& waziiradu waxey
kadanbeysey casuumad ey
kaheleen Dowlada
K/Africa halkaas oo
mudada 11 casho ah oo ey
joogidoonaan K/Africa
iyaga oo lakulmi doonaan
Ganacsato waaweyn &
Siyaasiin kamid ah
Xisbiga talada wadankan
gacanta kuhaya ee ANC da,
sida uu iixaqiijiyey
waziirka warfaafinta ee
Sland Mudane Ducaale,.
Waziirku waxa kale uu
ixaqiijiyey in arimaha
ey u yimaadeen ey
kamidyihiin:
In Madaxweyne Rayaale &
weftigu ey
lakulmidoonaan
Ganacsatada K/Africa
sida Tokyo Sexwale oo
Nelson Mandela ey kuwada
xirnaan jireen Jaziirada
Robben Islandka oo hada
madax ka ah Company ga
Mvelaphanda Holdings oo
macdanta kaqoda K/Africa
& Oppenheimer oo ey
kawada xaajoondoonaan
arimaha ey kamidyihiin
Maalgelinta Somaliland &
arimo kalle.
In kor loo qaado
xidhiidhka Iskaashiga
Dhaqaalaha, Bulshada
Rayidka ah,
Dibloomaasiyadda, ee u
dhaxeeya Somaliland &
K/Africa.
Inta ey joogaan weftigu
waxa madaxweynaha iyo
weftigu ey qaadandoonaan
tababaro kusaabsan
arimaha sida
doorashooyinka
Baarlamaanka ee
Somaliland oo
laqabandoono, kuwa
nabadgelyada iyo
xoojinta xiriirka
udhaxeeya Somaliland &
wadamada ey Jaarka
yihiin.
Weftiga Madaxweyne
Rayaale waxey
qabandoonaan Seminaaro &
shirar ey ugawaramyaan
K/Africa Horumarka
bulsho dhaqaaleed,
siyaasadeed iyaga oo
kuqabandoona
Seminaaradan Jaamacadaha
K/Africa Iyo machadka
Global Dialgue iyo
machadka dooroshooyinka
K/Africa iyaga oo
islamar ahaantaana
maridoona gobolo dhowr
ah oo katirsan K/Africa.
Xidhiidhka udhaxeeya
K/Africa & Somaliland
waa mid aad u adag oo u
ifaaya iyaga oo K/Africa
& SL ey markaste
isdhaafsadaan wufuud
isdabajoog ah taasi oo
dhidibada u aaseysa
xiriirka
dibloomaasiyadeed,
dhaqaaleed, bulsheed ee
udhaxeeya labadawadan ee
iskuwaayo aragnimada
ah,. Halkaas oo
weftigii uguhoreeyey ee
Somaliland kasocdey ey
soogaadheen K/Africa
sanadkii 2000 waftigaas
oo uuhogaaminayey
waziirkii arimaha dibada
ee waqtigaas oo ahaa
Mudane Mahamuud Fagadhe
& isla waziirkan
isgaadhsiinta ee hada, &
waziirkii Caafimaadka
Mudane Dr. Abdi Awdaahir,
waxaa iyana xusid mudan
waftigii uu hogaaminayey
madaxweynihii hore ee
Somaliland Md. Mohamed
H. Ibraahim Egal “Eebe
ha u naxariistee”, oo
uyimid K/Africa in uu
caafimaadkiisa hubiyo
halkaas oo kugeeriyoodey,
Madaxweyne Egal oo sabab
u ahaa xiriirkan ifaya
ee u dhaxeeya Somaliland
Iyo South Africa.
Dhinaca K/Africa waxaa
booqdey Somaliland
sanadadii inadhaafey
siyaasiin, tujaar,
culumada diinta, oo
kasocda K/Africa ayaa
booqdey Somaliland iyaga
oo aad u daneynayey waa
maalqabayaasha sida
Tokyo Sexwale oo
sanadkii hore booqdey
Somaliland, in ey
maalgashadaan Somaliland
oo aad u xasiloon nidaam
iyo dowlad iyo cadaalad
na ey kajirto.

(Maalqabeenka Tokyo
Sexwale oo booqdey
Somaliland)
Lasoco barnaamijka
Weftiga oo aanu
idiinsoogudbindoono
markaste…
Saeed Abdi Mohamed,
(Freelance Journalist)
Pretoria, South Africa.
shmadar@yahoo.com

Midig
kasoobilow waa Waziir
kuxigeenka wazaarada
arimaha dibada ee
K/Africa Mudane Aziz
Pahad, waxaa kuxiga
Maalqabeenka weyn ee
Matsape oo madax ka ah
company macdanta qoda
iyo Saeed oo kasocda
bahweynta Saxaafada
Somaliland iyo Swane oo
heysta ururka shaqaalaha
ee K/Africa, xafladan oo
kadhacdey Pretoria waxaa
lagaga hadlayey ama
abaalmarino
lagugudoonsiiyey
soohalgamayaashii
usoohalgamey K/Africa
waqtigii midabkalasoocu
kajirijirey.
Dalka Norway oo si heer
sare ah loogu soo
dhoweeyay Xasan
Waraabacade -
Gudoomiyaha Horumarinta
Ciyaaraha Somaliland .
Bilad sharafeed Hassan
warabe Ade
By Mashad Turbashaash.
turbashaash@hotmail.com
Xaflad si quruxbadan
looga soo shaqeeyay oo
ay iska kaa shadeen Wax
garadka degen magaalada
Oslo iyo jaaliyada
Somaliland ee ka dhisan
dalka Norway.
Xassan Warabacade(
Hassan-Weyne) oo ahaan
jiray cayaartooy, una
ciyaari jiray kooxdii la
oran jiray Madbacada
Qaranka, intii uunan
burburin wadankii
Somalia.
Xassan
oo waayihii danbe
dhabarka u dhigtay in uu
caawiyo dhalinyarada yar
yare e soo kacaysa, gaar
ahaan kuwa aad u
xiiseeya in ay ciyaaraan
kubada cagta.
Xassan Waraabacade waxa
uu dhowaan ka soo
laabtay Somaliland
isagoo soo maray dalka
Ingiriiska oo uu
xidhiidhiyaha
Jaaliyadaha yurub iyo
Xukuumadu Mr Cabdifatax
uu ku gudoonsiiyay
London bilad sharafeedka
2004 oo uu ku mutaysay
sida uu gacatna weyn uga
geystay horumarinta
ciyaaraha Somaliland.
Waxaa uu dhalinyaradaas
ka caawiyaa qalabkii ay
xiran lahaayeen , iyo
isaga oo waliba ku
dhiiri galiya in ay
iskaga fogaadaan dhamaan
dhaqan xumada ay
dhalinyarada qaarkood ku
kacaan.
Waxa uu xassan sida uu
noo sheegay la kaashadaa
dhamaan bahwaynta jecel
Sportiga ee dagan-
Somaliland, waxayna soo
qaban qaabiyaan tartamo
ay ku tartamaan dhamaan
kooxaha ka dhisan
Somaliland goboladeeda.
Waxa kaloo Hassan aad u
caawiyaa dhalinyarada
laga tiro badan yahay
isaga oo u sameeyay koox
runtii qalabkooduna u
dhan yahay.
Waxaa xafladaa
fikradeeda lahaa ururka
magaciisa marka la soo
gaabiyo layiraa S.W.O.ee
ka dhisan Oslo Norway
Somaliladn Walfare
Organisation.
Waxaa aqristoow xafladaa
ka soo qayb galay
dhamaan bahweynta
Somaliyeed ee jecel
Sportiga.
Xafladaas oo uu furay
Maamulaha ururka S.W.O -
Mr Korea una Mahad
celiyay wax qabadka
Xassan,isaga oo hadalkii
sii ku siidaray cidii
dhalinyarada yar yar wax
u qabata aan marnaba
jaaliyadu ilaawayn abaal
marinteedana la siinayo.
Waxa isna hadalkii la
wareegay Xassan, isga oo
tusaalaysiiyay hawshii
ay soo qabteen iyo
hawsha sugaysa, iyo in
aan qofna laga xigin in
uu wax taro
dhalainyarada. Waxa uu
hadaladiisii ka mid ahaa
in hadii aad hal kubada
gayso wadankii aad
samaysanayso 22 saaxiib,
laba kubadoodna 40
saxiib.
waxaad halkaas ka
dareemaysaa faaiidada ay
kubadu leedahay.
Markii uu Xasan
hadaladiisii wax ku
oolka ahaa dhamaystay,
ayaa halkaa waxaa lagu
gudoon siiyay 4 biladood
iyo ubax ay soo
diyaariyeen ururka S.W.O.
iyo dhalinyaro gooni
gooni u gudoon siiyay
shahaado sharaftii
sanadka 2004
Waxa
kaloo halkaa lagu
daawaday cajalad Vidio
ah oo ahayd cayaarihii
gobolada ee Somaliland.
Halkaas oo ay fadhiyeen
boqolaal kala taageeraya
gobolada iyaga oo si
quruxbadana u daawanaya.
Dharka ay lixda gobol ku
ciyaarayeen dhamaantood
waxa ku deeqay Xasan,
sidoo kale xasan wuxuu
ku deeqay 120 kubadood.
Waxaa kaloo iyana la
ilaawi Karin
fanaaniintii halkaas ka
tumayay gaar ahaan
fanaanka wayn ee Reer
Oslo aadka u jecel
yihiin waa Ali Cismaan -
iyo Ali Isaqoow. Oo
labaduba heeso aad loola
dhacay halkaas nooga
qaaday.
Waxaa uu Xassan hadaba u
Mahad celinayaa dhamaan
dhalinyaradii iyo
ururadii ka soo qayb
galay iyo dhalinyaradii
soo qabanqaabisayba.
Gaar ahaan waxa uu u
Mahad celinayaa ururka
S.W.O, S.S.C. IYO
Mr.Ahmed Madar oo ahaa
ninkii fikradan lahaa.
Waxaa kaloo la ilaawi-
Karin Mr Baashe oo ahaa
isku xirihii barnaamijka.
Iyo Xamse ,Caddaay, Ali,
kamare qaade Liibaan.
Iyo dhamaan
dhalinyaradii ka soo
qayb galay. By S.W.O
By Mashad Turbashaash.
turbashaash@hotmail.com