- Kulankii ugu horeeyay ee
Baarlamaanka cusub ee Puntland oo maanta lagu doortay
hogaankii hogaamin lahaa.
- Kaalmo
loo direy Jaamacadda Nugaal University
- CASHO SHARAF LOO
SAMEYAY KOOXDII KA SOCOTAY DALKA NORWAY OO KA DHACDAY
MAGAALADA OSLO DALKA NOORWAY.
- Dr. Black: QOF WALBO HADDII DOWLAD LA HELO, DOOBKIISUU KU DHARGI
Maalinki
labaad ayeey xabsiga ku jiraan Ergooyin
Soomaaliyeed oo damacsanaa in ay ku laabtaan
Dalkooda Soomaaliya
Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk
Jan 3, 3005
Waxaa maalinki labaad Xabsiga Garoonka
Diyaaradaha ee Wilsan Airport ku xiran 36
Qofood oo Soomaaliya.
Dadkan ayaa
ahaa Ergooyinkii Soomaaliyeed ee ka
qayqaadanay wada hadalada Soomaalida ilaa 15
OGTOBAR 2002, ayaa xabsiga la dhigay ka dib
markii ay damcen in ay wadankooda Soomaaliya
dib ugu laabtaan maalinimadii shalay.
Ergooyinkaan
waxaa lagu soo edeeyay in ay wadanka Kenya
ku joogeen sharci daro iyadoo dhinaca kalle
ay barbar socoto edaymo ah in baasaboorka ay
wateen uusan ahayn sax oo waxaa la sheegayaa
in uu fujis ahaa.
Waxaa jira
dadalo lagu doonayo in lagu sii daayo
dadkaas oo ay wadaan Xukuumada Soomaalida
iyo Urur goboleedka IGAD iyadoo ilaa Xalay
uu orday Safiirka wadanka Kenya u qaabilsan
Wadanka Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay,
Maanta arinka uu soo galay ninka u qaabilsan
wadankan Shirka Soomaalida Kipligat.
Waxaa kaloo
jira dadaalo ay wadaan Xukuumada Soomaalida
Golaha Baarlamaanka iyo Dadwaynaha
Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi.
Ma ahan markii
ugu horaysay oo xabsiga la dhigo Dad
Soomaaliyeed waxaa jira Xadgudubyo badan oo
dadka Soomaaliyeed ku yimaada marar badan.
Baasaboorka
Soomaaliga ah ayaan ka socon wadanka Kenya
waxaaana hore loo diiday in Ergooyinka
Soomaaliyeed loo kordhiyo Fiisooyinka ay ku
joogaan wadanka Kenya iyadoo mar aan la
xariiray Qaybta Socdaalka ee Nairobi ay ii
sheegeen Saraakiil ka tirsani in ay
dhamaatay ujeedadii loo siinayay dadka
Soomaaliyeed fiisada taa oo ay ku sheegeen
wada hadalkadii Soomaalida.
Dadka
Soomaaliyeed waxa ay heleen Dowlad 14 Sano
ka dib marka waa in ay aadaan Dadlkooda ayuu
yiri mid ka mida Saraakiisha Socdaalka ee
wadankan Kenya.
Madaxwaynaha
Wadankan waa Kipakiye ayaa isaguna sheegay
in la joogo xiligii Dowlada Soomaaliyeed ay
wadankeeda aadi lahayd ayna xalin lahayd
Masiibooyinka wadankooda hareeyay mudada
Badan.
Dadka
Soomaaliyeed Gaar ahaan Xubnaha Baarlamaanka
ayaa walaac ka muujinaya Hadalka ka soo
yeeray Madaxwaynaha Kenya iyagoo sheegaya in
aysan jirin goob Soomaaliya ka tirsan oo ay
ka jirto Xasiloni.
Hadaba
Mas'uuliyiinta Doowlada ayaa iyagu sheega
inta badan in ay ku laaban Doonaan
wadankooda balse ilaa& hada macada sida ay
Soomaaliya u aadi karaan.
Waxaa baaqday
Socdaal Raysul wasaraha Soomaaliya ku aadi
lahaa Goobihii ay Masiibadii Badwaynta
Hindiya halakeeyeen mase Suuro galin.
Ma jirto cid
doowlada uga horaysa Soomaaliya Taageero&
dhaqaalo mana Jirto deegaano ku jira Gacmaha
Dowlada Soomaaliyeed ee Curdunka ah sidaa oo
kalle lama hubo in ay Hubkooda iyo
Deegaanadooda ku wareejin doonaan
hogaamiyaasha Siyaasada Soomaalida Gacanta
Doowlada .
Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk
Jan 3, 2005
Kulankii ugu horeeyay ee
Baarlamaanka cusub ee Puntland oo maanta lagu doortay
hogaankii hogaamin lahaa.
Wqorey. Abdi Wali
Ibraahim Aaden “Garyare” Garowe Somalia
Garyare20@hotmail.com
Garoowe | Jan 2, 2005
Kulan
balaaran oo ay ka soo qeyb galeen 63 Mudane oo ka tirsan
Baarlamaanka dhawaan la soo magacaabay ee Puntland iyo
inbadan oo ka dib ah Dadka Reer Punrland ee ku sugan
Caasimada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ka
dhacay xarunta Baarlamaanka ee Garowe,iyadoo kulankaasi
oo ahaa mid uu shir guddoomiye ka ahaa Gen,Jibriil oo ka
tirsan Baarlamaanka Puntland isla markaana ah
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada hogaanka Baarlamaanka
Puntland.
Bilowgii Kulankii
Maanta ee Baarlamaanka Cusub ee Puntland ayaa waxaa lagu
dhaariyay afar mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland
kuwasoo ka baaqaday inay ka soo qeyb galaan dhaarintii
guud ee shalay la dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka
Puntland,waxaana ka dib ahayd Xildhibaanada la dhaariyay
Xildhibaanad Caasho Geelle Diiriye oo ah Musharaxad u
taagan Xilka Madaxweynaha Puntland.

Guddoomiyaha Cusub ee
Barlamaanka Puntland oo aqrinaya Waxqabadkiisa

Gudoomiye kuxigeenka Koobaadee Baarlamaanka
Puntland, Salaad Xared

Guddoomiye
kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland

Dr.
Abdirahman Faroole oo ah Musharaxa kaliya ee
goobjooga ka ahaa kulankii maanta
|
Guddoomiyaha Guddiga
doorashada Baarlamaanka Puntland Gen,Jibriil oo ahaa
Mas’uulkii furay kulankii maanta ee baarlamaanka isugu
yimaadeen ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday jadwalka ay
maanta ka doodayaan Baarlamaanka,waxaana ka dib ahaa
arimihii uu ka hadlay Janaralka in Marka hore
Baarlamaanka ansixiyo qaabka loo wajahayo doorashada
hogaanka Baarlamaanka oo uu sheegay inay tahay mid
muhiim u ah kulanka maanta iyo waqtiga laga dhigayo in
doorashadaasi ay dhacdo.
Intaasi kadib waxaa
hadalka loo furay Xubnaha baarlamaanka ee goobjooga ka
ahaa fadhigii ugu horeeyay oo ay isugu yimaadaan
Barlamaanka cusub ee Puntland kuwaasoo dhiibanayay
fikrada ay ka qabaan hadalada ka soo yeeray shir
gudoonka,taasoo salka ku haysay qaabka doorashada.
Caasho Geelle Diiriye
ayaa noqotay Xildhibaanadii ugu horeeysay ee bilowday ka
hadalka ajandayaashii maanta la soo hor dhigay
Baarlamaanka Cusub ee Puntland,waxaanay ay ka hadashay
Caasho arimo door ah oo ay ka mid yihiin sidii loogu
kala cadeyn lahaa haddii ay yihiin Baarlamaanka Puntland
Sadex qodob.
Xildhibaanad Caasho
Geelle Diiriye waxaa ay qodobadaasi ku sheegtay bal in
loo kala saaro Xubnaha isku soo sharaxaya Xilka hogaanka
Doorashada Maamulka Puntland jagada ay doonto ha
noqotee,iyadoo tibaaday in waqtiyadii hore Qaabka
doorasha ay kala ahaan jirtay in Madaxweynaha uu ka soo
jeedo Deegaan ahaan Gobolada Mudug iyo Bari, Madaxweyne
ku xigeenka ayaa isna waxaa uu ahaa Mudane ka soo jeeda
Gobolka Sool,iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland
lagu soo xuli jiray Gobolka Sanaag halka ugu danbeytii
Gobolka Nugaal laga siiyay Caasimada Maamul Goboleedka
Puntland.
Xildhibaanad Caasha
Geelle Diiriye waxaa ay intaasi ku sii dartay oo ay
Maanta daboolka ka qaaday in aan indhaha laga qarsan
Karin xaqiraada toos ka ah ee lagu sameynayo Haweenka
Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland qeybta ay ku
leeyihiin hogaanka Deegaanada Puntland oo ay ku
tilmaantay lama taabtaan,iyadoo tusaale u soo qaadatay
in haweenka reer Puntland ay Baarlamaanka Puntland kula
haayeen tiro shan xubnood ah oo ka kala yimid Gobolada
Hoosyimaada Maamulka Goboleedka Puntland.waxaana ay ka
codsatay Baarlamaanka inay xooga saran sidii
baarlamaanka loogu soo dari lahaa xubinta Haweenka ah ee
ka maqan 5-tii haaweenka ahaa ee horay loo qorsheeyay in
ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Puntland.
Hadalada Xildhibaanad
Caasho Geelle ayaa noqday kuwao ay ka abuurmaan muuq iyo
sawaxan hareyay Kulankii Baarlamaanka cusub ee Puntland
isugu yimaadeen,iyadoo Baarlamaanka intiisa badan ay la
dhinac safteen Xildhibaanad Caasha Geelle oo ay ku
tilmaameen in loo baahan yahay in lagu raaco
Caasho,laakiin qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka
ayaa gaashaanka ku dhufta Fikradaasi,waxaana ay sheegeen
inaysan ahayn arimaha ay Caasho ka hadashay wax loo
hanyahay.
Buuq iyo muran badan oo
dhexmaray Baarlamaanka kadib waxaa hadalka qaatay
Guddoomiyaha Guddiga Doorasha Baarlamaanka Gen,Jibriil
waxaana uu sheegay in arinta la kala qaadi doono oo
qaarba markeeda la xalin doono,isagoo intaasi kadib cod
u qaaday arinta ah in Doorasha hogaanka Baarlamanka
Maanta laga dhigo iyo in kale,iyadoo taasi ay sahashay
inay Baarlamanka inta badan u codeeyaan in maanta la soo
afjaro dhameystirka hogaanka Baarlamaanka Puntland.
Xilka
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa isku soo taagay
sadex Musharax oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee
Baarlamaanka Puntland Mudane Cismaan Dalmar Xaaji
Yuusuf waxaana xilkaasi kula tartamay Musharixinta kala
ah Mudane, Maxamed Cali Guuleed iyo Madane, Maxamed
Cabdi Naaleeye.
Aqrinta taariikhdooda
iyo waxqabadkooda kadib waxaa la bilaabay sidii cod
loogu qaadi lahaa sadexdaasi musharax ee u taagan xilka
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,iyadoo kulankii
maanta ay codkooda dhiibteen 63 xubnood oo ka tirsan
Baarlamaanka Puntland.
Tirinta codadka
Baarlamaanka kadib ayaa gudoonka golaha doorasha
baarlamaanka Puntland waxaa ay shaaca ka qaadeen in uu
ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland
Md,Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo horay u ahaa
Gudoomiyaha Baarlamaankii waqtigiisu dhamaaday ee
Puntland.iyadoo ay codadka u kala heleen sidan sadexda
Musharax:-
- Cismaan Dalmar
Xaaji Yuusuf 44
- Maxamed Cali
Guuleed 12
- Maxamed Cabdi
Naaleeye 6
Halka xubinta sadexaad
ee ka dhiban dhirada guud ahaan ee Baarlamaankii maanta
soo xaadiray uu warqada codeeynta ku soo qoray midna uma
codeeyn aniga,taaso tirada xildhibaanada ka dhigaysa
63.
Intaasi kadib waxaa
hadal yar jeediyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka
Md,Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo mar kale ku celiyay
inuu xooga saari doono sidii uu horay ugu marin lahaa
Deegaanada hoosyimaada Puntland iyo sidii dhaqso loogu
heli lahaa Ciidamada kharashaadka ka maqan,isagoo
intaasi ku daray inay qaarka mid ah Qarashaadka ka maqan
ay ku jiraan gacantooda,
Waxaa intaasi kadib la
bilaabay sidii loo dooran lahaa Labada Guddoomiye ku
xigeen oo ay isku soo sharaxeen Lix mudane oo ka tirsan
Baarlamaanka,kuwaasoo afar ka dib ah oo magacyadoodu
kala yihiin kuwa hoos ku qoran ay u taagnaayeen
Gudoomiye ku xigeenka Koobaad.waxaana ay kala yihiin.
- Cali Sarax Guuleed
- Mahdi Maxemed Muse
- Salaad Xareed
- Maxamud Maxamed
Idiris
Wareegii koobaad ayaa
waxaa ay kala heleen sidan
- Cali Saxar Guuleeg
22 cod
- Salaad Xareed
22 Cod
- Mahdi Maxamed Muse
13 Cod
- Maxamud Maxamed
Idirid 5 Cod
Hadaba
sida uu dhigayo sharciga doorashada Puntland waxaa
sidaasi ku haray Mudanaha ugu cod yar kasoo noqday
Maxamud Maxamed Idiris,intaasi kadib waxaa lagu
dhawaaqay inay wareeg labaad isla galaan Sadexda
Musharax ee ugu codka badan,laakiin taasi ma dhicin
kadib markii uu hadalka Qaatay Mahdi Maxamed Muse oo
sheegay inuu isaga tanaasulay xilkaasi oo uu ku
faraxsan yahay meesha uu ka gaaray tartankii uu la galay
Saaxiibadiisa kale.
Waxaa intaasi kadib
wareegii labaad isla galay Musharixiinta kala ah Cali
Saxar Guuleed iyo Salaad Xareed,codeenta baarlamaanka
iyo tirinta kadib waxaa ku guuleystay inuu xilkaaasi
hanto Salaad Xareed,iyadoo ay isku hanbalyeeyeen Labada
Musharax ee kala guuleysatay.waxaana uu maanta noqday
Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka
Puntland.
Waxaa ugu danbeeyntii
la galay sidoo iyana loo dooran lahaa Gudoomiye ku
xigeenka labaad oo ay isku soo taageen Xuseen Maxamed
Cigaal iyo ninkii horay xilkaasi u heen jiray ee Xasan
Daahir Af-qurax.
Doorashan qeybtan oo
ahayd codka hal dheeriga loo yaqaan ayaa waxaa ku
guuleystay ugu danbeytii xilka Gudoomiye ku xigeenka
Labaad ee Baarlamaanka Puntland Musharaxa lagu magacaabo
Xasan Daahir Af-qurax.waxana ay taasi soo afmeertay
dhameystirka hagaanka cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Kulankii Maanta
Baarlamaanka oo ahaa kii ugu waqtiga dheeraa oo ay isugu
yimaadaan tan iyo markii lagu dhawaaqay sharci
ahaantooda ayaa waxaa dhinac kale goobjoog ka ahaa
Musharaxa u taagan Xilka Madaxweynenimo ee Maamul
Goboleedka Puntland Dr,C/raxmaan Maxamed Faroole oo
baryahanba waday abaabulkiisa ku wajahan sidii uu ugu
soo bixi lahaa Xilka Madaxweynaha Puntland oo lagu wado
inay doorashadiisu dhacdo 8 bishan,iyadoo ay xilkaasi u
taagan yihiin musharixiin ka badan kuwa maanta isu soo
sharaxay Hogaanka Baarlamaanka Puntland.
Wqorey. Abdi Wali
Ibraahim Aaden “Garyare” Garowe Somalia
Garyare20@hotmail.com
Faafin: Somalitalk |
Jan 2, 2005
Kaalmo
loo direy Jaamacadda Nugaal University 
Jan 1, 2005
Waxa galabta gegada
dayuuradaha ee gobolka Minnesota ka dhoofey BS. Abshir
Maxamed Askar oo ka baxay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed
ee Gaheyr waaxda Engineeriyada. Wuxuuna u kici timey
magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo ka wadey
deeq ay ka mid yihiin buugaag, qalimaan iyo wax yaalo
kale. Waftigaas oo uu direy hogaamiyihii ururkii asaasey
Jaamacadda Nugaal University 9/19/1999, Maxamed Askar
Galaydh.
Jaamacada Nugaal
University ayaa albaabada loo furey September, 6
sanadkii la soodhaafey 2004. Halkaas oo ay hada dhigtaan
ardey gaareysa Lixdan Ardey. Jaamacadan oo ah
Jaamacaddii ugu dambeysey ee dhawaan laga furo wadanka
Soomaaliya. Waxa dhisida jaamacaddan ay soo jiitameysey
ilaa sanadkii 9/19/1999 xafladii furaataankeedane ay
noqotay bishii dhaweyd ee September, 2004.
kor
uqaadida iyo balaadhinta jaamacadda waxay ka socdaan
gobolo badan oo caalimka ah ayna ka mid yihiin
Mareykanka, Kanada, Yurub, Wadamada Carabta, Ustareeliya,
Newseland, iyo kuwo kale. Shirarkii ugu dambeeyey ee
lagaga hadleyey arimaha Jaamacadda waxa ka mid ahaa kii
lagu qabtey Yurub dhawaantan, shirkaas oo lagu
gudoomiyey dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
in gudi loo xilsaaro jaamacada, in macalimiin loo diro,
in dhaqaale loo raadiyo iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Waxaanu rajeyneynaa
haddaanu nahay reer Minnesota in la kordhiyo wax u
qabashada Jaamacadda Si looga saaro dadka mugdiga iyo
aqoon darada.
Madaxa
TVga Somalida Minnesota
Abdimalik Askar
Minneapolis, MN
aabdimalik@comcast.net
CASHO SHARAF LOO
SAMEYAY KOOXDII KA SOCOTAY DALKA NORWAY OO KA DHACDAY
MAGAALADA OSLO DALKA NOORWAY.
Casho sharaf si
quruxbadan loo soo qaban qaabiyay ayaa ka dhacday
habeenkii December 30, 2004 magaalada Oslo ee dalka
Norway.
Xafladdaas
oo ay iska kaa shadeen Somali Sport & Culture iyo
makhaayada caanka ka ah Oslo Waabari , oo runtii habeen
iyo maalin u soo jeeda si ay u caawiso dhalinyarada
dagan magaalada Oslo iyo -Nawaaxigeeda.
Waxaa kaloo halkaa
yimid dadweeynaha dagan magaalada Oslo, oo runtii u
riyaaqay guushaas ay u soo hooyeen Somalida dagan
Norway.
Kooxdan oo ah koox
qaran ah lagana soo xulay dhamaan dhalinyarada dagan
Norway, waxaa habeenkaa ka muuqday wajigooda farxad iyo
reenreen fara badan.
Waxaa casho sharaftaas
noo furay Mr Abdulgadir Ibrahim Caddaay oo ah xoog
hayaha Somali Sport & Culture, ahna Tababara kooxda,
habeen iyo maalina u soo jeeda sida ay kooxdani guulo
badan u gu soo hooyn lahayd umada Somaliyeed eek u nool
Norway.
Wuxuu Caddaay carabka
ku dhuftay in uu ku faraxsanyahay guushan ay
dhalinyaradu u soo hooysay Norway, lakiin ay sugayso
hawl farabadan.
In ay dadaalkooda
halkaas ka sii wadaan, wuxuu caddaay qiray in ay
kooxdani isku darsatay cayaar wanaag iyo asluub.
Waxaa isna hadalkii la
wareegay Mr Ali Macalin oo ah Gudoomiyaha isku xirka
wadamada Skandinavia, mar walbana ku dadaala sidii ay
iskugu xirmi lahaayeen wadamadaasi.
Waxa uu Ali Ma-alin u
mahad celiyay dhalinyaradii yaryaraa ee wacdaraha
layaabkale ka soo hooyay koobkii lagu qabtay Danmark.
Koobkaas oo ahaa koob
loogu talagalay dhalinyarada dagan Europe oo ka dhacay
Magaalada Kobanhegan ee dalka Danmark.
Waxaa uu Ali
Tusaaleeyay dhalinyaradii in ay fooda ku soo hayaan
cayaaro farabadan, kan ugu soo horeeyana uu ka dhacayo
Finland.
Waa
cayaaro loogu talo galay xiliga qaboobaha , koobkaas oo
ay ka soo qayb gali doonaan 8 wadan oo ah Somalida
Europe dagan.
Waxaa kaluu Ali Carabka
ku dhuftay in ay jiraan cayaaraha Samarka laguna qaban
doono Sweden , sida ugu dhaqsaha badana hawsheeda uu u
gali doono.
Makhayada Waabari oo
ahayd meeshii casho sharaftaas lagu qabtay waxay
dhalinyarada u qaybiyeen cabitaan iyo casho Somali aad u
macaan, iyo soo dhaweyn runtii soo jeedatay indhaha
dhalinyarada, waxayna balan qaadeen in ay hawshooda
caawinta halkaas ka sii wadi doonaan.
Waxaa akhristoow
guushaas mudan dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee
xiisaysa Sportiga, iyo kuwa ku caawiyaba.
Mahadsanidiin.
By Mahad Turbashaash.
Turbashaash@hotmail.com
Dr.
Black: QOF WALBO HADDII DOWLAD LA HELO, DOOBKIISUU KU DHARGI
Ra’iisul Wasaaraha Cusub, waxaa hortaagan caqabooyin fara badan, oo u baahan in
dhammaan Soomaalidda dibedda iyo gudaha joogta in ay gacan ka geystaan, si dalka iyo dadweynaha
Soomaaliyeed loo samatabixiyo. Markii, dib loo soo magacaabay, Ra’iisul Wasaaraha
13-ki Diseember
2004; waxaa u codeeyay 229 Xubnood, oo ayagu taagyeeray iyo lix Xubnood, oo bixiyay
cod lid ku ah;
waxaana ka ah: labo Abgaal ah, labo Cismaan Maxamuud ah, hal Marexaan ah iyo hal
Ogaadeen ah, oo
ila qaldan, mar haddii ayna ku diidin Ra’iisul Wasaaraha fikir siyaasadeed, oo loo
codeeynaayay.
Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha, waxaa lagu edeeyay, in wixii wixii nuxurka laha
Dowladdi uu soo
magacaabay, ay qaateen Reer Puntland ama leyskugu daray, Wasaarado aan is raaci
karin, in Hawiye
Wasaarado la qeybiyay Wasiiro looga dhigay, in Awood Qeybsiga sal looga dhigin,
Qaabka Qabiilada
wax ku Qeybsadaan (Somali Clan Formula 4.5) iyo in Itoobiyaanka (Gaa-Gaabka) ay soo
xuleyn Golaha
Wasiirada. Sidaa daraadeed, Prof. Cali Maxamed Geedi, wuxuu go’aansaday in uu arko,
Xildhibaanada
Beelaha, wuxuuna diiday in uu qaabilo Xildhibaan kaligii socda ama Xildhibaanada
Beelaha, oo
koox-koox u kala socda, oo iskood wax u doonayaan. Wuxuu raba, in dhammaan
Xildhibaanada talo ku
yeeshaan qaabka Dowladda loo soo dhisayo, awood qeybisiga guud ee beelaha iyo u
qeybinta beelaha
iyo jufooyinkooda jagooyinka muhiimka ah ee Dowladda; si magacaabida Golaha
Wasiirada u noqoto,
mid muuqata oo caddaalad lagu soo xulay. Wuxuu kaloo raba, in Xildhibaanada beel
kasto, ayaga iska
soo dhex xulaan, ciddi reerka Wasiir, Wasiir ku-xigeen iyo Wasiiru Dowlo; u noqon
lahayd. Haddii,
ay dhado in Xildhibaanada beelaha qaar ku heshiin waayaan dhexdooda, lana waayo
Xildhibaan haysta
taagyeerida Xildhibaanada beeshiisa inta badan ama sita cod dheeri ah; wuxuu kula
talinaya, in ay
magacyo soo gudbiyaan si uu uga xusho; waxayna raali ku noqonayaan in loo magacaabo,
oo ay
taagyeeraan Xildhibaankooda.
Magacaabida Golaha Wasiirada, waxaa iska leh Ra’iisul Wasaaraha, waana muhiim in uu
soo dhiso koox
la shaqeyn karta, laakin waxaa muuqata, in uu rabo qilaafka Xildhibaanada jaga
doonka ah yaraado,
oo ay , isku tanaasulaan, Dowladdana caqabo ugu noqonin iyo in uu diyaar ah u yahay,
cid allaale
ciddii ay isku soo raacaan Xildhibaanada beel kasto; in uu magacaabayo, oo ayna
jirin cid uu gaar
jago ula doonayo. Runti, Ra’iisul Wasaaraha, waa ku ammaanan yahay in uu isku dayo,
asagoo xal
raadinaayo; cid walbo in uu qanciyo, Dowladdiisuna noqoto mid Dib-u-heshisiin ah,
go’aamadeenuna u
noqdaan mid leysku raaco inta badan, Xildhibaanada Soomaaliyeedna, oo matala
Midnimada Qaranka
kala shaqeyaan, wixi labada sanno loo fadhiyay, Ummadda Soomaaliyeedna sugeeysay,
ayna noqon wax
fashilma, sida caadada ahaan jirtay; wax kastana laga hormariyo danaha guud ee dalka
iyo
dadweynaha Soomaaliyeed. Waxaan, kaloo ku ammaani kara Ra’iisul Wasaaraha, oo ay
tahay in la
dhiiri geliyo, asagoo maal yar ka harayn, waqtigi u soo bandhigi laha Baarlamaanka
Golihi
Wasiirada u soo magacaabay iyo Qorshihi Dowladdiisa; in uu Shir Saxaafadeed qabtay,
Caalamka ku
weydiinaayo, in lala soo gaaro gar-gaar deg-deg ah dadkii dhibaatada ka soo gaartay
Xirarkii kacay
(tidal waves) ee Gariir Aasiya iyo inuu hakiyay hawlihi uu ku jiray, si uu u soo
booqdo dadweynaha
Soomaaliyeed ee dhibaatada soo gaartay iyo in uu soo qeymeeeyo qasaaraha inta uu
la’egyahay.
Ugu dambeynti, Ra’iisul Wasaaraha, si uu qorshahiisu ku hirgalo, waxaan qaba in loo
baahan yahay,
in Guddigga la shaqeeyo la tashto, in ballan qaadyada uu galo fuliyo iyo in uu ka
diido hoggaamiye
koxeedyada culeyska ku saaraya, in loo magacaabo cidda ay rabaan; ayagoo
faragelinaayo beela kale
arrimahooda, danta ay ka leeyihiinna ah, in Baarlamaanka dhexdiisa kooxa ka
abuurmaan, marki ay
rabaan wax ku bur-buriyaan iyo in uu noqdo Baarlamaanka meel lagu bar-baariyo
hoggaamiye koxeedyo
cusub, oo looga fa’ideeynaayo jagooyinka loo magacaabay, si ay u soo kobcaan. Mida
kale, si uu
qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ku fulo, waa in Golaha Wasiirada lagu saleeyo beel kasto
ama jufo
kasto tirada Xildhibaan, oo ay Baarlamaanka ku leedahay. Marka, waa in uu damaca
yaraado, oo camal
sheydaan ah iyo in ay ogaadaan kuwa hadda olaha bur-burka Dowladda ka shaqeeynaayo,
kuna
xisaabtama in ay mucaarad helaan, marka Golaha Wasiirada la magacaabo, in “DOWLAD
CID WALBO DAN U
TAHAY”, beeshi Xildhibaankeeda Wasiir, Wasiir ku-xigeen ama Wasiiru Dowlo weysa, in
ay jagooyinka
Guddiyadda Baarlamaanka fara badan yihiin, Xildhibaanku dhaqaale la siinaayo iyo in
beelahooda
lagu dayactiri jagooyinka Dowladda, oo ayaguna fara badan sida Guddiyada Qaranka,
Safaaradaha,
Agaasimayaasha Guud iyo Maareeyayaasha Mashaariicda iwm, marka caqliga, waa in uu
noqon ANIGA
ayeey wax walbo igu fiican yihiin, haddii aan ka mid noqonna Golaha Wasiirada,
waxaan ka
shaqeeynayaa in Dowldda la rido.
Dr. Cabdi Maxamed Culusow (Black)
drabdi2000@yahoo.com
Dec 31, 2004
Waftigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha J.W.X.O oo booqasho
ku tagey Magaalada Mineapolis ee Gobolka Minesota.