-
Maxaabiista lagu kala Haystey Aagga
Sool iyo Sanaag oo la
isweydaarsanayo
-
Dhaartii Wasiirada DGPL oo ka
dhacday Madaxtooyada DGPL Garowe.
-
Doorashadii ugu Horaysay ee
Shabakada Ururada Ardayda Puntland
oo ka dhacday Bosaso.
Waxaa la Filaya in la,isku wareejiyo
Maxabistii lakala Haystay: Wariyaha
Somalitalk oo ku sugan Damale Xagare oo
ka soo waramay Waanwaantii u socotay
Beelihi dhawan ku dagaalamay Degankaa
Sanaag iyo Sool.
Waxaaa
warbixin uu soo diray Wariyaha
somalitalk Maxamed Gaaxnuug ee ku sugan
magaalada ay Madasha waanwaantu ka
socoto ee Damale Xagare halkaas oo
dhawaan Dagaalo ay ku dhex mareen laba
Beelood oo wada Daga Degaanada
Awr-boogays iyo Xingalool, warbixintaas
oo uu ku soo diray Telfoonka guurguura
ee Gacanta loona yaqaan "Turaya" ayaa
waxa uu ku bilaabay warbixiintiisa
sidaan.
Waxaa
indhowaalaba ka socday Degaanada
Awrboogays iyo Xingalool waanwaan laga
dhex waday Beelihii ay Dhawaan Dagaaladu
ku dhex mareen Degaanadaas, waxaa halkaa
ku sugan Garaad Saleebaan oo ah Garaadka
Beesha Ugaaryahan, Garaad Cabdulahi
Maxamed Guuleed oo ah Garaadka Beesha
Naaleye Axmed iyo Suldaan Saciid
Cabdisalaan Maxamuud Cali Shire oo ah
Suldaanka Beesha WarsanGali. Hogaamiye
Dhaqameedyadaa ayaa iyagu in badan ku
howlanaa sidii ay labada Beelood u Xalin
lahaayeen is maandhaafka ka dhex jire,
waxaa jirtay Maxaabiis ay kala Qabsadeen
labada Beelood oo Dhibku dhex martay
waxaana la Go,aamiyay in la,isku celiyo
Maalinta Jimcaha Salaada Jimco ka hor
ama sida lagu balamay 2:00 laba saac
Subaxnimo ee Saacada Geeska Afrika ee
malinta Jimcaha, Maxaabistaa la kala
Qabsaday ayaa dhamaa 12 Qof oo Raga ah
ayadoo lagu balamay in la keeno guud
ahaan maxabiista magaalada Damale Xagare
oo ah halka Madasha waanwaantu ka socoto
oo ah halka ay ku sugan yihiin Ergada
labada Beelood iyo Aqoonyahano ka socda
labada Beelood oo ka kala yimi Dibadaha
iyo Dalka Gudihiisa, waxaa lagu balamay
in lasii wado wadahadalka si loo xaliyo
Dhiigii kala Dhex maray labada Beelood
marka Maxaabiista la,isku celiyo.
Waxaa
jirtay Xayiraad ay ku keeneen wada
hadalka iyo waanwaanta Ciidamada ka
socday Somaliland oo soo dagey aagga
halka ay waanwaantu ka socotay ee Damale
Xagare laakiin waxaa la hadlay Odayadii
halkaa ku sugnaa ee labada Beelood oo ku
yiri anagu waxaan halkaan ku haynaa Arin
u dhexaysa laba Beelood oo walaalaa
umana baahnin qas iyo Ciidamo markaa
ayay Ciidamadaa Somaliland Degeen meel u
jirta Sadex kiiloo miter oo lagu
magacaabo Shimbiraale, Dhanka kale mar
wax laga waydiiyay in ay Jiraan Ciidamo
ka socda Puntland in ay ku sugan yihiin
Degaanka Damale Xagare ayuu sheegay in
ay san Jirin Ciidamo ka socda Dhanka
Puntland lakiin halkaa waxaa ku sugan
ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Sool ee
DGPL iyo Taliyaha Ciidanka Boliska
Gobolka Sool ee DGPL.
Dadweynaha Degaanada ay Dagaaladu ka
dhaceen ayaa aad u soo dhaweeyay
waanwaantaa ay wadaan Hogaamiye
Dhaqameedyadu waxaana ay socotay
waanwaantaa mudo dhan 10 Casho oo ay
Odayaashu wadeen sidii ay u turxaan
bixin lahaayeen oo hadii Illaahay Garto
aan Dhibkaan Dib u soo noqon.
Dhaartii
Wasiirada DGPL oo ka dhacday
Madaxtooyada DGPL Garowe.
Waxaa
maanta oo ay Tariikhdu tahay 27-01-2005
lagu Dhaariyaya Xarunta madaxtooyada
DGPL ee Magaalada Caasumada Garoowe
Wasiiradii Qaarkood oo uu Dhawaan
magacaabay Madaweynaha DGPL Gen: Cade
Muuse ayadoo lafilaayo in dhawaan la
horgeeyo Baarlamanka DGPL si ay uga Hor
aqriyaan wax qabadkiisa wasaarada loo
magacaabay kadibna ay Xubnaha Golaha
wakiilada DGPL ay u ogalaadaan in uu
howshiisa sii wato, waxaa Goob joog ahaa
Madaxweynaha DGPL iyo Kuxigeenkiisa
Xasan Dahir Afqurac.
Dhaarta
kadib ayaa madaxwaynaha Puntland Gen:
Cadde qudbad kasoo jeediyay waxaa uu u
dardaarmay golaha wasiirada Puntland
inay dalkooda si hufan ay ugu adeegaan
isla markaana ay xilalka loo magaacaabay
si wada tashi leh uga shaqeeyaan,
Madaxwaynuhu wuxuu ku amray golaha
wasiirada in maata laga bilaabo ay si
rasmi ah ula wareegaan xilalkooda ayna
bilaabaan hawsha loo magacaabay ee ay
bulshada u hayaan. Waxaa kale oo la
amray golaha wasiirada inay soo
diyaariyaan barnaamijkii xukuumaddu ku
shaqayn lahayd iyo in dib u habayn lagu
sameeyo hay’adaha maamulka dawladda.
Golaha
wasiirada ayaa markii ay dhaartu
dhamaatay yeeshay kulankoodii ugu
horeeyay kulankaasi oo is barasho ahaa
ayaa golaha wasiirada Puntland uga wada
hadleen hawlaha u yaala.
Inta
badan aayaa Dadweynuhu filaayeen in ay
imaan doonaan Xubno cusub oo Golaha
wasiirada ah si ay waxa uga badalaan
Cabashadii Dadweynaha ee wax qabadka
Wasaarada lakiin waxaa dadka quusisay
sidii uu u magacaabay Madaxweynuhu
Golaha wasiirada oo ah Wasiiradaii Hore
Badankood.
DOORASHADII SHABKADA
ARDAYDA

Gudiga Doorashada ee PEN
oo Fadhiya

Dumarkii ka soo Qayb
galay Xaflada oo Fadhiya

Gudoomiha Golaha
Hogaaminta oo markii uu
ku guulaystay ka
hadlaaya Shucuurtiisa

Gudoomiyaha Gudiga
Fulinta ee PEN oo ka
hadlaaya Shucuurtiisa
kadib markii la doortay

Gudoomiyaha Hay,ada
Hodman Marwo Mahado
Sheekh oo ka hadlaysa
Xaflada

Musharaxiinta u
tartamayay Jagooyinka
Sare ee PEN oo Fadhiya
Xaflada

Xubno ka mida Dalaada
PEN oo fadhiya Xaflada |
Aqoon yahanada ku sugan ayaa
siyaabo badan u fasiray
siyaasada Madaxweynaha ee ku
wajahan Golaha wasiirada ee
Cusub iyagoo u badnaa in uu kii
wax qabadkiisa la dhaliilo uu ka
bixi doono Shaashada Golaha
wasiirada lana keeni doono Ruux
ka bixi kara Howsha wasaarada.
Doorashadii ugu Horaysay
ee Shabakada Ururada
Ardayda Puntland oo ka
dhacday Bosaso.
Waxaa Xalay oo ay Tariikhdu
ahayd 26-01-2005 lagu qabtay
Xafiiska Shabakada Waxbarashada
Puntland Xaflad lagu dooranaayey
Gudoomiyaha Golaha Hogaaminta
iyo Gudoomiyaha Gudiga Fulinta
ee Shabakada, Shabakada ayaa
waxaa ku midoobay 13 Urur oo ka
dhisan guud ahaan Puntlaand
Xafladaa oo ahayd mid si weyn
loo soo agaasimay ayaa waxaa ka
soo Qayb galay Marti sharaf aad
u balaaran oo ay ka mid yihiin
Ururada Dhalinyarada iyo
Haweenka ee ka jira Boosaaso
Qaarkood.
Dooshadii shabakada ayaa waxaa
isku soo sharaxay 3 Xubnood oo
isku soo sharaxay Gudoomiyaha
Golaha Hogaaminta iyo 3 Xubnood
oo isku soo sharaxay Gudoomiyaha
Gudiga Fulinya, waxaa ka
tanaasulay oo musharaxiinta ka
mid ahaa 1 Xubin oo ka mida
Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha
Hogaminta iyo 1 Xubin oo ka mida
ahaa Musharaxiinta Gudoomiha
Gudiga Fulinta waxaana
codaynayey 10 Xubnood oo ka mida
shabakada ( PEN ) Puntland
Education Network
Musharaxiinta Gudoomiha Golaha
Hogaaminta shabakada waxaa ka
mid ahaa
-
1- Saciid Cali Faarax
-
2- Shaafici Cabdulaahi
Xaashi
-
3- Cabdisamad Aadan Cali
Waxaana ka tanaasulay
Caabdisamad Aadan Cali
Waxaa ka mid ahaa Musharaxiinta
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta
-
1- Jaamac Xasan Bare
-
2- Aaxmed Yasiin Saalax
-
3- Maxamed Axmed Tima
jilic
Waxaana ka tanaa sulay Axmed
Yasiin Saalax
Dorashadii ayaa waxaa ku
Guulaystay Gudoomiha Golaha
Hogaaminta Saciid Cali Faarax oo
hely Cod dhan 8 iyo musharaxa
kale oo la tartamaayey
Cabdisamad Aadan Cali oo helay 2
Cod.
Dhanka kale ee Gudoomiha Gudiga
Fulinta ay kala heleen Jaamac
Xasan Bare 6 Cod halka uu ka
helay Maxamed Axmed Timajilic oo
helay 2 Cod halka ay xumaatay 2
Cod.
Waxaa markay dhamaatay lagu soo
dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha
Hogaaminta Saciid Faarax Cali oo
ka hadlay Waxqabadkiisa ku
wajahan Shabakada hadii Allaah u
ogolaado Waxaa isagana ka hadlay
oo lagu soo dhaweeyay
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta
Jaamac Faarax Cali oo ka hadlay
isagana Mas,uuliyada loo dhiibay
waxaa ugu Dambayntii ka hadlay
Gudoomiyaha Ururka Hodman Marwo
Mahado Sheekh Cali oo ka
hadashay fa,iidada Shabakada iyo
in ay dhacdo doorasho
Dimoqoraadiyada waxa ay halkaa
ka xustay Madaxweynaha Maamulka
DGPL oo Golihii Wasiirada uu
dhawaan magacaabay ku daray
Gabar Wasiirada hadana u
sameeyay Wasaarad Gooniya oo ka
shaqeysa Danaha Haweenka iyo
Arimaha Qoyska uuna walibana u
dhiibay Gabar Aqoon u leh
Howlaha Wasaaradaa ayay Tiri
Mahado.
Waxaa
iskuso dubaridey C/fatax Jaamac,
SomaliTalk.com / Boosaaso | Email:
somalitalkpl@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 27, 2005
ARDAYDA REER
SOMALILAND EE MAGAALADA KARACHI OO U
DEBAAL DEGTAY CIIDUL ADXA IYO URUR CUSUB
OO AY KU DHAWAAQEEN