-
Ra'iisul wasaaraha oo magacaabay
Guddi soo habeeya Barnaamijkii
Sadexda Guddi ay keeneen oo
howlahaas wali ku guda jira.
-
Shir ay
leeyihiin Wadamadii ku waxyeeloobay
Tsunami oo Somaliya lagu casuumay.
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Shiikh Adan iyo Gudoomiyaha
Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya Prof Maxamuud Maxamed Culusoow, ayaa ku kulmay
Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,
Ra'iisul wasaaraha oo magacaabay
Guddi soo habeeya Barnaamijkii
Sadexda Guddi ay keeneen oo
howlahaas wali ku guda jira.
Canab
Mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Jan 27, 2005
Kulankii
Gollaha wasiirada oo lagu soo
bandhigay dhowr qorshe oo ay
keeneen sadexdii guddi ee kala
ahaa Gudiga Nabad galyada,
Gudiga Dib u heshiisiinta iyo
Gudiga Taakuleynta iyo la
xaajoodka Beesha Caalamka ayaa
dood dheer ka dib markii la isku
afgaran waayay sida loo kala
qaadayo qoraaada guddiyaas uuna
ka dhashay buuq waxa uu Ra'iisul
Wasaaraha magacabay guddi ka
kooban kow iyo toban xubnood oo
uu shir gudoomiye u yahay
waxayna bilaabeen in ay kala
shaandheeyaan qorshayaashi ay
keeneen sadexdaas guddi oo aad u
badnaa.
Guddigan oo baryahan sii wadi
doona howlahaas ayaa lagu wadaa
marka ay soo afjaraan in la
keeno qorshihii guuritaanka iyo
goorta ku haboon ee la guurayo
iyadoo loo soo bandhigayo
Gollaha wasiirada waxa ka
qabsoomay arrimaha ay
Wadaan.Guddigaas oo kala ahaa.
1-Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim
(Ibbi)
2-Cali Axmed Jaamac Jangali
3-Ibraahim Sh.Cali Jeebbo
4-Ismaaciil Maxamed Hurre
(Buubaa)
5-Fahma Axmed Nuur
6-Maxamed Nuuraani Bakar
7-Maxamuud Maxamed Gacmadheere
8-Ibraahim Isaaq Yarow
9-Xuseen Baantuu
10-Ibraahim C/qaadir Dhaqane
11-C/rashiid Maxamed xidig
Gollaha wasiiradda Ayaa dood
waxaa ka dhex abuurtay Qorshe uu
keenay Wasiirka Amniga Qaranka
oo ku saabsanaa sida Somaliya
looga soo dabaali karo Amni
Buuxa oo ay ku shaqayso DFKMG ah
shanta sano ee socota gaar ahaan
caasimada oo xiligan u baahan
amni xoogan Iyadooo ah Saldhigii
dalka iyo xaruntii Dowladaba
Waxa uuna xusay lagama
maarmaanimada Ciidamo shisheeye.
Arintan
Wasiirka Amniga ayaa
buuq keentay iyadoo ugu dambayna
uu wasiirka kala diray gollaha
Wasiirada Waxaana howlahaas oo
dhan sii wadaya guddigan cusub
oo filayo in ay soo afaraan
maanta illaa bari.
Dowladda Waxay haysataa illaa
hadda Qarash Dhan toban
milyan,mana'ahan kuwo dabooli
kara Baahidooda laakiin waxay ka
caawin kartaa in ay ku
furdaamiyaan Howlaha adag ee ka
haysta ka bixista dowladda iyo
Baarlamanka Nairbi iyo dirista
wafdiyada si ay ugu sii
diyaariyaan goobihii ay dagi lahaayeen
sida xafiisyo,Gawaari Qalab ay
ku shaeeyaan iyo Idaacadii ay
kala hadli lahaayeen Shacabka
laakiin waxaa wali maqan figrad
laga midaysan yahay oo ah halka
ay dowladdu dagi lahayd iyo
xiliga ku haboon oo waqti kale
qaadan doonta ka hor inta aan la
isla meel dhigin ka hadalka
amaanka iyo Ciidamada Amniga
Dowlada ilaaliya.
Dhaqaalaha ay Dowladu ka heli
karto Caalamka waa mid aad uga
yar baahidooda laakiin waxay ku
xirayaan kuwa bixinaya deeqaha
sida hadba dowladda u noqoto mid
si sax ah ugu dhaqan gali karta
dalka,iyagoo ka sii fiirsanaya
in ay dhaqaale badan ku bixiyaan
inta ay ku sugan yihiin
magaalada Nairobi waana tan
keentay in ay wax badan socon
waayaan.
Shir ay
leeyihiin Wadamadii ku waxyeeloobay
Tsunami oo Somaliya lagu casuumay.
Canab
Mumtaz
canabmumtaz@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Jan 26, 2005
Maxamad
Cismaan Maye oo ah W/Deegaanka iyo ka
hor taga Aafooyinka DFKMG ah ee
Somaliya iyo Wasiir ku xigeenka W/Arrimaha
dibada Cumar Maxamad Dafeedow ayaa caawa
u ambabaxaya shir ka dhacaya Dalka
Thailand,waxaana kulankan ka soo qayb
galaya Dhamaan wadamadii ku waxyeeloobay
Mowjadihii Badda ee hareerayay Wadamo
badan oo ku yaala Q/Aasiya.
Shirkan
looga hadlayo Qasaarihii Tsunami waxaa
somaliya ku casuuntay dowladda Thailnd
waxa uuna socon doonaa Mudo shan
Maalmood ah,Wafdiga ka socda Somaliya
ayaa soo bandhigi doona Qasaarihii Somaliya
ka soo gaaray mowjadihii badda ee soo
gaaray Xeebaha Barrig Afrika sida uu
xaqiijiyay wasiirka deegaanka Maxamad
Cismaan Maye oo caawa iiga waramayay
safarkooda.
Wasiirka
Waxa uuna intaas ku daray in ay ka
hayaan Xaafun oo ah halka uu ka dhacay
qasaaraha ugu badan ee Somaliya ka soo
gaaray mowjadaha badda Sawiro iyo
warbixino muujinaya Dhibka uu gaystay
Tsunami ayna soo qaadeen qaar ka mid ah
Gollaha wasirada oo dhawaan halkaas ku
tagay booqasho si ay uso qiimeeyaan
qasaarahas,wafdigana waxay warbixin
doona Caalamka dhibkaas somaliya soo
gaaray.
Xaafuun oo
ku taalla Meel ka mid ah somaliya waxaa
dhawaan booqday hay"addo iyo Wariyayaal
Somali iyo Ajnabi ah,waxayna ka keenaan
warbixino kala duwan oo ku saabsan
Qasaarihii Somaliya ka soo Gaaray
Tsunami oo leh muuqaal iyo Qoraalo
iyagoo ku soo bandhigay Meelo kala duwan
oo warbaahinta ah,Cadaymihii ugu
dambeeyayna waxay xaqiijiyeen in dadka
ku dhintay ay gaarayaan ku dhawaad laba
boqol in kalena lagu la'yahay halka
qasaaraha guryaha iyo xoolahaba aysa
tiro lahayn.
Hay'addaha
ka gaystay gacanta ma'ahan kuwo sidaas u
badan laakiin waxaa gargaar u fiddiyay
SHirkadaha Xawaaladaha Somaliya oo ku
deeqay Lacag,halka dowladda China ay ku
wareejisay Madaxweynaha DFKMG ah ee
Somaliya C/llaahi Yuusuf Axmad Lacag
dhan $100,000.balse waxa ka badan
qasaaraha soo gaaray dadkaas oo wali aan
laga haynin Tirakoob sax ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Shiikh Adan iyo Gudoomiyaha
Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya Prof Maxamuud Maxamed Culusoow, ayaa ku kulmay
Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,
Axmed Muuse
Cabdulle
axmeddheere65@hotmail.com

Dr Culusow & Dr
Shariif Xasan |
Kulankan waxa uu ka dhacay Hotelka Garande Rajense waxaana labada Mas uul
uga wada hadlayeen Xaalada Soomaaliya Dhinaca
Dhaqaalaha,Nabadgalyada,Caafimaadka,Waxbarasha iyo Guud ahaan xaalada Iyo
qaabka ugu fudud oo ay ku howl gali karaan hay adaha dhaqaalaha wadanka
Soomaaliya,
Gudoomiyaha Bankiga dhaxe ee Soomaaliya waxa uu mahad Balaran ujeediyay
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi YusufAxmed,Raysulwasaaraha
Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi,Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaali Sh
Xasan Sh Adan, Xubnaha Golaha Wsiirada iyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya,
isagoo sheegay in ay aqbaleen magacaabistiisa,
Isagoo sheegay in uu ku faraxsanyahay Xilka Qaran ee loo Doortay sheegayna
in uu ku shaqayn doonaa Cadaalad Sinaan iyo sidii u horu mar, ugaarsiin
lahaa Shacabka iyo Dalka Soomaaliya,
Waxa uuna Sheegay in uu dhawaan Bilaabi Doono hoowlihiisa shaqo, waxaa
isaguna Halkaasi hadalo Hanbalyo iyo Dardaaran ah ka soo jeediyay
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan
Video Xaafuun: Daawo
dialup |
broadband [VOA]
Madaxweynaha DGPL
oo Maanta Magacaabay Golahiisa Wasiirada DGPL
Liiska magacyada wasiirada iyo wasiir xigeenada 16- wasaaradood ka akhri
Guji... Jan 26
Co.Barre Hiiraale:
"Waan Xariirnay Moorgan Lakiin..."
»Barre
Hiiraale oo Waraysi siiyeyey Somalitalk
»Wasiirka
A/Dibadda oo wareysi siiyey Sharq-Alwsat
»Kulankii
Golaha Wasiirada ee Maanta
Wararka oo dhan
halkan ka akhri... GUJI... Jan 26
Ajandaha Wasiirka
Amniga Qaranka Soomaaliya
Maxamed Qanyare Afrax ayaa ka hor jeediyay Kulankii Golaha Wasiirada
Soomaaliya ee ku saabsanaa Qaabka Soomaalida Hubka looga dhigayo...
Guji... Jan 25
Wararkii
Qowmiyadaha Ku Hoos Nool Gumeysiga Itoobiya:
Ka akhri radio Xorriyo...
Guji...
Axmed Yaasiin
oo Is-hor-taagey Maxkamada Rafcaanka oo la Saari lahaa Samsam
Axmey Yuusuf Yaasiin oo sababtiisa xabsiga loogu taxaabay Samsam
Axmed Ducaale ayaa dalbaday in...
Guji... Jan
25
Caydiid:
Soomaaliyeed uma baahna Ciidamo
Shisheeye
Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa ka
tashanaya Arimahooda, Aduunka waxa ay uga baahanyihiin..
Guji.. 24
Wafdi uu
hogaaminayo Wasiirka arimaha Dibadda DFKMG oo u ambabaxay Abuuja
»Sareeye
Guuto Yuusuf Saranle oo Lagu Diley Muqdisho
»Fanaankii
Cabduqaadir Shiikh Cali Sanka oo geeriyoodey
»Baarlamaanka
KMG oo Walaac ka Muujiyey Tegitaanka Xamar
»Yalaxow:
"Geedi ma ahan nin Cadaana waa nin Soomaaliya"
»Shaati
Gaduud: "ciidamo shisheeye waa lagama maarmaan"
»Maalinta
Warfaafinta Soomaaliyeed ee 21 Jannaayo
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... Guji... Jan 23