SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi

Ajandihii Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Maxamed Qanyare Afrax, ka hor jeediyay Kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee ku saabsanaa Qaabka Soomaalida Hubka looga dhigayo,


Waraysigii Qanyare ee 2002 uu la yeeshay fahad Yaasiin...

Kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ka dhacay Maalinimadii shalay Ayuu Wasirku ka Jeediyay Qoraalkan waxa uuna ku Bilaabay Sidan,

DRAFT

WASARADA NABADGELYADAQARANKA

HINDISE (DRAFT BILL )

WASIIRKA WASAARADA NABADGELYADA QARANKA 

  • Isagoo qiray in nabadgelyadu tahay nolosha bulshada iyo furaha horumarka daleed. markay u muuqatay in nabadgelyadu saldhig u tahay dhisme xukuumadeed, hufnaan, dhawris xuquuqul insaan, horumar guud iyo kobcin dhaqan dhaqaale ee dalkoo dhan.
  • Markey aqoonsatay in baahida koowad ay tahay soo celinta amaanka iyo nabadgelyada guud ahan dalkoo dhan. markuu arkay inay lagama maarmaan tahay isku duubnida iyo nabad ku wada noolaanshaha dadka.
  • markuu u muuqatay inaan dawladu hirgalayn hadaan la helin kala danbayn sharci ku dhisan.
  • isagoo xusuusan inuu dalka ku baahsan yahay/ kuna daadsan yahay hub yaryar iyo mid waaweyniba.
  • Markay u muuqatay baahida loo qabo in hubka ku xusan xubinta hore laga dhigo lagana qaado kooxaha Siyaasada, ganacsatada, Maxkamadaha iyo Shacbiga guud ahaan.
  • Markuu arkay baaqii xabad-joojinta kooxaha hubaysan ee Eldoret 27 October/ 02.
  • Isagoo qadarinaaya himilada ururka NAPAD iyo go'aanadii AU ee shirmadaxeedkii
  • DURBAN IYO MAPUTO ee sanadadii 2002/2003 ee saameynaayay xoojinta amaanka iyo nabadgelyada qaarada Africa iyo ka hortaga amaan-darada ka dhalata faafida hubka.
  • Isagoo xusuusan qorshihii qaramada Midoobay ee ciribtirka ka Ganacsiga sharci darada ah ee hubka fudud.
  • Isagoo tixgelinaayo heshiiskii iyo baaqii Nairobi 20th April/2004 ee ka hortaga hubka
  • sida sharci-darada ugu fidaayo bulshada rayidka ee Geeska Africa.

Wuxuu soo jeedinayaa hindisa sharciyeedkan (this bill). 

Art 1

Macnayn erayo

  • 1. wasiirka: wxaa loola jeedaa wasiirka wasaarada Amniga Qaranka.
  • b)- Hub Culus: waxaa loola jeedaa wixii hub ah ee aan qof qaadi karin ama sidi karin, sida loogu macneeyay axdiga hubka fudud ee Caalamiga.
  • t)- Hubka Fudud: waxaa loola jeedaa Bastooladaha,Qoryaha iyo wixii kale ee hub ah ee uu qof qaadi karo.
  • j)- Ciidan Nabadgelyo: waxaa loola jeedaa Ciidamada Nabadgelyada ee dalka iyo cidii kale ee hawsha Nabadgelyada dalka gacan ku siinaysa Ciidamadaas.
  • x)- Goob uruurin hub: waxaa loola jeedaa bar ama xaruun hubka lagu uruuriyo ama laysugu keeno oo uu sidaas u cayimay wasiirka Amaanka Qaranka ama cid kale oo uu isaga awood u siiyay inuu cayimay goobo.
  • kh)- Baaqii xabad-joojnta: waxaa loola jeedaa baaqii xabad-joojinta ee Eldoret 27th October/2002. 

Art 2

Gudi Xirfadlayaal ah

  • 1. wasiirka wasaarada nabadgelyada wuxuu awood u leyahay inuu magacaabo gudi
  • Xirfadlayaal ah (expert) oo ka kooban somali iyo kuwo Shisheeye oo aqoon u leh hub ka dhigista iyo hubkaba.
  • 2. Gudiga ku xusan xubinta kore waxay hawshoodu ahaan doontaa talo bixin la xidhiidha :
  • b) sahminta goobaha hubka lagu ururin karo
  • t)- Tiro koobka hubka lahaysto, tayada hubka, cidda haysata, iyo meelaha lagu haysto.
  • j)- Tirakoobka hubka kooxaha Siyaasada iyo ganacsatada iyo Maxkamadaha.
  • x)- Tirakoobka hubka maamul goboleedyada iyo Gobolada.
  • kh)- Qaabka ugu haboon ee hubka looga dhigi karo dadka gaar ahaan iyo guud ahaan.
  • d)- Qiimaynta iyo Magdhawga ku habboon hubka la ururinaayo. 

Art 3

LA WAREEGISTA HUBKA

  • 1. Saddex bilood gudahood oo ka bilaabata maalinta sharcigaan dhaqan galo ayay
  • dawlada Federaalka ee Soomaaliya bilaabaysaa la wareegista iyo ururinta hubka dalka yaal.
  • 2. Wasaarada arrimaha nabadgelyada ayaa u xilsaaran mas'uuliyada la wareegista iyo ururinta hubka.
  • 3. Hubka waxaa lagala wareegayaa kooxaha Siyaasada , ganacsatada Maxkamadaha iyo guud ahaan shacabka oo dhan.
  • 4. Hubka lala wareegay waxaa laga bixinayaa magdhaw u qalma.
  • 5. Magdhawga ku xusan xubinta kore waa inuusan ahaan mid aad u sareeya oo dhiirigelinaya ka ganacsiga hubka. 

Art 4.

QAABKA HUB KA DHIGISTA DALKOO DHAN

  • 1. Hub ururinta iyo hub ka dhigistu waxay dalka oo dhan uga hirgalaysaa si isku mid ah hase yeeshee meel kasta waxaa loola dhaqmi doonaa siday xaaladeedu tahay iyo wixii lagala kulmo.

Art 5.

XOOGAGA HUB KA DHIGISTA

  • 1. La wareegista iyo ururinta hubka ee ku xusan xubinta 1aad ee qodobka 3aad waxaa fulinaya Ciidamada nabadgelyada ee dawlada federaalka ku-meel gaarka ee soomaaliya, Ciidamada Midowga Africa & ciidamadii kale ee si sharci ah ay dawlada Soomaaliyeed u weydiisato una yimaada dalka.
  • 2. Ciidamada Shisheeye ee dalka ku yimid si waafaqsan xubinta kore hawlgalkooda, waajibaadkooda, meelaha ay ka hawlgalayaan mudada uu soconaayo hawlgalkoodu & tiradoodaba waxaa qeexaya heshiis gaara oo ay wada galeen xukuumada Soomaaliyeed & Cidii kale ee ay saamayso. 

Art 6.

Awooda iyo Hawlgalka ciidamada midowga Afrika.

  • 1. Laga bilaabo maalinta sharcigaani dhaqan galo Ciidan Afrikada midoobay oo aan ka yarayn 5,000 kana badnayn 7,000 ayaa loo ogolaaday inay ka hawlgalaan Soomaaliya oo ay qabtaan hawlaha ku xusan xubintaan 2aad ee hoose.
  • 2. hawlaha ay qabanayaan Ciidamada Afrikada Midoobay waa:
  • a)- Ilaalinta Goobaha Muhiimka iyo xaruumaha kale ee dawlada.
  • b)- Qabashada iyo haynta hubka laga ururiyay kooxaha hubaysan.
  • c)- Tababarida Ciidamada booliska, Maleeshiyooyinka iyo Milliteriga.
  • 3. Mudada hawlgalka ee Ciidamada Midoowga Afrika wuxuu ahaanayaa hal sano oo la cusboonaysiin karo.
  • 4. Ciidamada Midowga Afrika ee ka hawlgalaya Soomaaliya kuna jiraan Cidamo ka socda dalalka ay Soomaaliya deriska yihiin xuduuduna leeyihiin. 

Art 7.

GOOBAHA HUB URURINTA

  • 1. Hubka la ururiyay iyadoo la raacaayo qodobka 3aad ee kore waxaa lagu kaydinayaa goobo uu cayimay wasiirka wasaarada Nabadgelyada Qaranka, kaddib markuu dhagaystay talo soo jeediinta guddiga khabiirada ee ku xusan qodobka 2aad. 

Art 8.

CODSI GACAN DADWEYNE

  • 1. Wasaaradda nabadgelyada iyo Ciidamadaba nabadgelyaduba waxay shacabka ka codsan karaa in gacan la siiyo markay hawsha hub ururinta fulinayaan. 

Art 9

BIXINTA MAGDHAWGA

  • 1. Hubka lala wareegay sida ku xusan qodobada kore ee 3 & 4 waxaa laga bixinayaa magdhaw marka la dhagaysto talo soo jeedinta guddiga khabiirada ee ku xusan qodobka 2aad ee kore.
  • 2. Cid kasta oo lagala wareehgo hub waxaa la siinayaa shahaado ay ku cadahay.
  • a)- Cida lagala wareegay hubka
  • b)- Cida iska leh Hubka
  • c)- Tirada hubka lagala wareegay
  • d)- Nooca hubka lagala wareegay.
  • e)- Magdhawga la bixinaayo guud ahaan
  • 3. Magdhawga ku xusan xubinta kore waxaa loo bixinayaa 5 hafto tan ugu horaysa oo ah 20% waxaa la bixinayaa 5 bilood ka dib laga bilaabo maalinta hubka lagala wareegay cidii gacanta ku haysay. Qaybta ugu dambaysana waxaa la bixinayaa dhamaadka bisha ugu dambaysa. Laba sanadood laga bilaabo tariikhda lala wareegay hubkaas. 

Art 10

WARGELIN

wasiirka wasaarada nabadgelyada wuxuu shacabka ku wargelinayaa:

  • a)- qaabka hub ururinta oo faahfaahsan.
  • b)- Taariikhda ay bilabanayso
  • c)- Goobaha hubka laga ururinaayo
  • d)- Magdhawga laga bixinaayo
  • e)- xaaraameynta haysashada hubka
  • f)- Ciqaabta xadgudubka sharciga
  • g)- Iyo guud ahaan sharciga. 

Art 11

XAARAAMAYNTA HAYSASHADA HUBKA

  • 1. waxaa xaaraan iyo fal dambiyeedba ah ka bilaabato maalinta dalka laga bilaabo hub ururinta, sida ku cad qodobka 3ad ee kore haysashada, Isticmaalka,Keydinta,ka Ganacsiga, Keenida iyo Dhoofinta iyo isaga gudbinta dalka gudahiisa iyo dibadiisa nooc kasta ah hub iyo rasaas iyo waxyaabaha qarxaba. 

Art 12

CIQAABTA

  • 1. Cidda gasha fal-dambiyeed uu xaaraantinimeenaayo sharciga ama is hortaagta fulinta hirgelinta sharcigaan xoog kala hortimaada Ciidamada Nabadgelyada ee fulinaaya sharciga abaabusha xoog ka soo horjeeda fulinta iyo hirgelinta sharcigaan wuxuu mutaysanayaa ciqaab ka yaray 5 ilaa 20 sanadood oo xarig ah.
  • 2. Qodobkani waxba u dhimi maayo kana reebi maayo ciqaabta fal-dambiyeed kale ee uu ka galay sharciga.

Art 13.

XEER HOOSAAD

  • 1. Wasiirka wasaarada nabadgelyada qaranka wuxuu awood u leeyahay inuu sameeyo oo soo saaro xeer hoosaad faahfaahinaaya sharciga.
  • 2. Xeer hoosaad kasta oo lagu sameeyay sida kunxusan xubinta kore waxaa ansixinaya golaha wasiiradda ee xukuumada Soomaaliya 

Art 14.

DHAQANGALKA

  • 1. Sharcigaani wuxuu dhaqan galayaa 14 maalmood kaddib marka uu Madaxweynaha saxiixo 

Mudane: MOHAMED QANYARE AFRAH
WASIIRKA WASAARADA NABADGELYADA QARANKA
Jamhuuriyadda federaalak kumeel-gaarka ee Soomaalliya
Date:- Janayo / 19/2005

Waxaa soo tebiyey:
Axmed Muuse Cabdulle
axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2005


samsam

Axmed Yaasiin oo Is-hor-taagey Maxkamada Rafcaanka oo la Saari lahaa Samsam
Axmey Yuusuf Yaasiin oo sababtiisa xabsiga loogu taxaabay Samsam Axmed Ducaale ayaa dalbaday in...
Guji...

Caydiid: Soomaaliyeed uma baahna Ciidamo Shisheeye
 
Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa ka tashanaya Arimahooda, Aduunka waxa ay uga baahanyihiin.. Guji..

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha Dibadda DFKMG oo u ambabaxay Abuuja
»Sareeye Guuto Yuusuf Saranle oo Lagu Diley Muqdisho
»
Fanaankii Cabduqaadir Shiikh Cali Sanka oo geeriyoodey
»Baarlamaanka KMG oo Walaac ka Muujiyey Tegitaanka Xamar
»Yalaxow: "Geedi ma ahan nin Cadaana waa nin Soomaaliya"
»Shaati Gaduud: "ciidamo shisheeye waa lagama maarmaan"
»Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ee 21 Jannaayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...  Jan 23

»MASHRUUCA:- TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD