"Dadka
Soomaaliyeed iyaga ayaa ka
tashanaya Arimahooda Aduunka
waxa ay uga baahanyihiin kaalmo
balse uma baahna Soomaaliya
Ciidamo" Eng. Xuseen Maxamed
Faarax Caddiid
Ku
xigeenka ra'isul wasaarha DFKMG
ee Jamhuuriyada Soomaaliya ,ahna
Wasiirka Arimaha Gudaha, Eng.
Xuseen Maxamed Faarax Caydiid
ayeey ii suuro gashay in aan
waraysi la yeesho kadib markii
shirkii Golaha Wasiirada ee
Soomaaliya uu dhaamaday.
1-Su'aal: Mudane Wasiir
Shirkiinii maanta ee Golaha
Wasiirada maxaad uga wada
hadasheen?
1-Jawaab Eng Xuseen Caydiid:
Idaawaqaca mahadsanid Shirka
waxaa maanta gudoominayay Raysul
wasaaraha Soomaaliya Prof Cali
Maxamed Geedi sidii aanu wiigii
hore u go'aansanay waxaa war
bixin siinaayay Gudiyaashii kala
duwanaa oo hoowlaha ka
shaqaynaayay, hoowlahaas oo ah
sidii ay Doowladu u howl gali
lahayd una guuri lahayd,iyo
wixii kale oo raysul wasaaraha
maanta noo soo gudbiyay ayaan
maanta ka shaqaynaynay shirkuna
waa noo sii socon doonaa iydoo
kulankan midka xigaana uu dhici
doono maalinka arbacada ah
Gudiyaasha wixii harayna ay war
bixin siin doonaan halkaasna ay
golaha wasiirada shaqada ka sii
wada doonaan.
2-Su'aal: Ma waxaa Jira
Xilal aad maanta magacoowdeen?
2-
Jawaab: Maanta Raysul
wasaaraha Doowlada Soomaaliya
Prof Cali Maxamed Geedi markii
uu la tashiyo la sameeyay
Wasaaradaha iyo Golaha Wasiirada
ku shuqul leh iyo Madaxwaynaha
iyo dhamaan Baarlamaankaba
waxa uu soo jeediyay wareegto
(Digreeto) Raysul wasaaruhu ku
magacaabayo Dr. Maxamed Maxamuud
Culusoow, waxa uuna u magacaabay
Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee
Soomaaliya, waxaa kaloo uu
magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada
Sare Dr. Yuusuf, labaas mas'uul
iyo Sharcigii lagula shaqayn
lahaa Doowladaha Caalamiga iyo
Xukuumada sadaxdaa Gudi si wada
Jira ayeey u ogolaadeen
magacaabista labada Mas uul.
3-Su'aa: Mudane Wasiir
waxaan kaloo maqlay in aad ka
wada hadasheen Arimo kaloo ku
saabsan Amniga oo waxaa Jirtay
in Wasiirka Amniga Qaranka
Maxamed Qanyare Afrax soo
Jeediyay in Dadka hubka laga
dhigo soomaaliya la geeyo
ciidamo shisheeye isla markaana
waxaa Qaadacay Wasiirada
Ganacsiga iyo Hoowlaha Guud Al
Xaaj Muusee Suudi iyo Cusmaan
Caato Arimahaas maxaa ka jira?
3-Jawaab Eng. Xuseen Caydiid:
Amuurtas Ajandaha nooguma jirin
markeedii hore laakiin waxay
ahayd wasiirka Amniga, waxana uu
xaq u leeyahay hindise in uu soo
jeediyo, Wasaarad kastana hin
dise in ay soo jeediso, Hindisii
wasiirka wasaarada Amniga uu soo
jediyeey ahayd balse ma ahayn
mid golaha oo dhan ka doodayay,
kaliya waxa ay ahayd soo jeedin
in goluhu soo aqristo waxii ay
ka qabaana ay soo sheegaan, waxa
ay ila tahay in wali doodeedii
ay soconayso mana aysan ahayn
wax la wada ogolaaday ee waxa ay
aheed uun soo jeedin kaliya.
4-Su aal: Marka
xubnihiina Golaha Wasiirada ma
idinka go antahay in aad
Soomaaliya Ciidamo gaysaan ?
4-Jawaab Eng Xuseen Caydiid:
Marna la iskuma soo qaadin,
raysul wasaaraha& Golaha
wasiiradaba waxaa ka go an in
Dib loogu Noqdo Dalkii
Soomaaliya ee Burburay si
Doowlada Federaalka Ku
meelgaarka ahi ay waajibkeeda
ugudato ayna ka shaqayso Nabad
Galyada doowladaan waa doowlad
loo wada dhanyahay Saraakiisha
ku jirta iyo hogaamiyaashaba oo
wasiirada hada ah ayagaas ayaa
laga rabaa deegaankaas muqdisho
in ay nabad galyada ka
shaqeeyaan wasaradaha ku shuqul
lehna lagu gacan siiyo si ay u
dhalato in deegaankii uu ku soo
laabto kala danbayntii iyo
xasiloonidii ee Gudiga Dib u
heshiisiinta , asagana goboladii
loo diri lahaa iyo dagmooyinkii
Gudiyaasha wasaaradihii kalla
duwanaa ayagana shaqadii iyo
gudi hoosaad wali ma soo dhamayn
qaabkii nabad galyada, waxaana
aan rajeeynayaa in aan wiigaan
dhamaadkiisa aan dhamayn doono
inshaa alaahu si aan ugu gudo
galno hoowlaha doowlada
Soomaaliyana loo aado.

5-Su aal: Mudane Wasiir
Xubnihiina Golihiina Wasiirada
waxa ay baarlamaanka Soomaalidu
ka sugayeen maalmahanba in aad
keentaan ajande cad oo ku
wajahan meeshii loo guuri lahaa
ku saabsan marka xageed isku
afgarateen in ay Doowladu
uguurto?
5-Jawaab Eng. Xuseen Caydiid:
Doowlada sida uu raysulwasaaraha
Soomaaliya Prof Cali Maxamed
Geedi iyo Golaha Wasiirada
Wiigii la soo dhaafay ay wada
ogolaadeen in ay uguurto Magaalo
Madaxda Muqdisho oo ah Caasimada
Soomaaliya isla markaana dhinaca
Gobolada la Bilaabo in doowladii
lagu balaariyo Wafuud kalla
duwana gobolada ay aadaan
qaabkii ay u aadi lahaayeen iyo
qorshihii lagu rari lahaana waa
midka aan ku hoowlanahay Ee
raysul wasaare ku xigeenada qaar
ka mida iyo golaha wasiirada
iyagana waa ku shuqlanahay
qaabkii ay soomaaliya ku gaari
lahaayeen.
6-suaal: Mudane Wasiir
Xubnaha Baarlamaanka Soomaalidu
kuma qanacsana Magaalo Madaxda
Soomaaliya ee Muqdisho waxaxa ay
leeyihiin waxaa ka jira Dagaalo
Sokeeye Dadkaa lagu Dilaa
Tusaale ahaan
Shalay waxaa lagu Dilay Sarkaal
Ciidamada ka tirsanaa marka
sideed ugu qancin kartaan
baarlamaanka Soomaaliya in Loo
guuro Muqdisho ?
6-Jawaab Eng Xuseen Caydiid:
Waxaan Tacsi udirayaa Eheladii
iyo Qaraabadii marxuum Yuusuf
Axmed Saranle waxaan Tacsi
udiraynaa anigoo ku hadlaya
Magaca Doowlada iyo Booliska
waana wax laga xumaado amuurtaas
qaladka ku timid.
7-suaal:
Mudane Wasiir Xubnihiina ku
Jira Golaha Wasiirada gaar
ahaana dagan Magaalada Muqdisho
ee Hubka ku haysta Soomaaliya
sideed ku gaar siinkartaan
Doowlada Muqdisho ama in aad uga
dhaadhicin kartaan reer Muqdisho
in ay ogolaadaan doowlada
iyadoon Ciidamo Ajnabi ahi
idinla socon?
7-Jawaab
Eng Xuseen Caydiid: Qorshaha
Doowlada iyo midka aduunku waxa
uu yahay Soomaaliya Ciidan
ajnabi waxaa ugu danbaysay
Unisom waxa uuna ahaa kii ugu
balaarnaa waana ku guul
daraysteen marna arinta
Soomaaliya qilaaf siyaasadeed
ayuu ahaa ee ma ahayn qilaaf
ciidan Soomaaliyana waa wadan
xor ah waxaan u fadhinay 24
Bilood waa Danta iyo Maslaxada
umada Soomaaliyeed in ay
heshiiso oo madaxwayne ku
doortao Gole Baarlamaan oo
tastuur iyo nidaam yeelato , oo
maxkamad sare iyo hay addihii
doowlada la magacaabo waxa
kalliya oo ay kalla danbaynta
Soomaaliya ku soo laabaan karto
waxaa ah dib u heshiisiinta
markii la heshiiyo in wadankii
lagu laabto waaxaana la rabaa in
la fuliyo qorshihii ay
baarlamaanku ku ansixiyeen
Golaha Wasiirada, arimaha
Soomaaliya waxaa Xalin kara
Soomaali mar walba Ajnabi waa ku
kaabi karaa maahee waxba kuuma
qaban karo waxaan aduunwaynaha
uga baahanahay kaabid uun arinta
Soomaaliya Soomaali Bay utaalaa
uma Taalo Dad Ajnabi Ah
8-Su aal Mudane Wasiir,
ka Wasiir ahaan Sidebaad u
aragtaa in Ciidamo Soomaaliya la
Geeyo?
8-Jawaab Eng Xuseen Caydiid
Waxaa haboon in la waafajiyo
Sharciyada Caalamka sida midka
Qaramada Midoobay iyo AU
labadaba 1993dii Ogtobar iyo
1995 qaynunkii la ogolaaday Un
waxa ay sheegaysaa Soomaalidu in
ay xaliyaan Dhibkeeda marka
hadii ay waxba qaban waayaan
Golaha wasiirada Soomaalidu ha
la gaaro laakiin waan isku
filanahay hadaan nahay dadka
Soomaaliyeed.
waxaan saxiixnay heshiisyo badan
qof walboo anaga naga mid ahina
waa in uu dhoowraa balantii uu
qaaday si loo helo xasilooni
waarta, shacabka soomaaliyeed
waxaan ugu baaqayaa in ay
ilaaliyaan danta iyo wada
noolaanshaha dhaxdooda ah.
Eng Xuseen Maxamed Faarax Cadiid
waa mid ka mida hogaamiyaasha
ugu awooda Badan Koofurta Dalka
Soomaaliya waxa uu noqday
Madaxwaynihii Doowladii
Salbalaar waxa kale ee uu noqday
Hogaamiyihii U.S.C/S.N.A Xuseen
waxa uu ka mid ahaa
Gudoomiyaashii Wareega ahaa
S.R.R.C waxa uuna ku sugnaa 24
Bilood ee Nadhaaftay Wada
Hadalada Soomaalida.
Xuseen waxa uu ka Tirsanaa
Ciidamada Mariniska ee
Maraykanka waxa uuna ma mid ahaa
Madaxdii isku soo sharaxday
Madaxwayne Nimimada Soomaaliya
10/10/2004 ee aaqirkii
Madaxwayne Loogu Doortay Mudane
Cabdulaahi Yuusuf Axmed.,
Eng Xuseen Maxamed Faarax Hada
waa ku xigeenka Raysul wasaaraha
Ahna Wasiirka Arimaha Gudaha
Jamhuuriyada Soomaaliya.
ahmed muse cabdulle
idaawaqaca@yahoo.com