SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararka Maanta: Jan 23, 2005
  • Wafdi uu hogaaminayo Wasiir arima Dibadadka Soomaaliya oo u ambabaxay Abuuja
  • Sareeye guuto Yuusuf Axmad saranle oo saakay gurigiisa oo mogadisho ku yaala lagu dilay.
  • Xubnaha Baarlamaanka oo Walaac ka Muujiyey Dilkii maanta ee  marxuum Sareeye Guuto Yuusuf Axmed Sarenle iyo in aan Muqdisho la tegi karin
  • Fanaankii caanka ahaa Cabduqaadir Shiikh Cali Sanka oo geeriyoodey
  • Fanaaniinta magaalada Nairobi oo tacsi u diraya marxuum C/qaadir sanka oo xalay ku geeriyooday Mogadisho. 
  • Yalaxow: "Cali Maxamed Geedi ma ahan nin Cadaana waa nin Soomaaliya"
  • Shaati Gaduud: "waa lagama maarmaan in lahelo ciidamo shisheeye oo gacan ka geysta arrimaha hubkadhigista ..."
  • Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ee 21 Jannaayo
  • Sida looga ciiday waddanka Pakista.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiir arima Dibadadka Soomaaliya Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil ayaa  Caawa ka dhoofay Nairobi iyagoo ku sii Jeeda Abuuja
  • Waxana uu u gogol xaraayaa C/Laahi Yuusuf oo Booqan doona Abuuja.

Wafdigan waxaa Hogaaminayay Wasirka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Federaaliga Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Prof Cabdulaahi Sh Ismaaciil, waxaana ka Mid ahaa Drs Maryan Cariif Qaasin,Orof Afrax iyo Xubno Kalle, 

Waxa ay ka qayb gali Doonaan wafdigani shirka Wasiirada arimaha Dibada ee Wadama Afrika. 

Shirkaas ayaa furmi doonaa maalmaha fooda nagu soo haya waxa u googol xaar uyahay wafdi uu hogaamin doono Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed oo iyagu ka qayb qaadan doona Shirka Wadamada Afrika ee Abuuja ka Furmi Doona. 

Xukuumada Soomaalida ayaa ilaa iyo Xiligii la doortay ka qab gashay shirar dhoowra oo ka dhacay Goobo kalla gadisan. 

Doowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa iyadu meelmahanba waday qaabkii ay dib ugu noqon lahayd wadanka Soomaaliya. 

Waxaana Jiray Wafuud badan oo hada ku maqan wadanka Soomaaliya si ay dadka ku sugan gudaha Soomaaliya uga soo dhaadhiciyaan Ajandaha Xukuumada, Waxaa kaloo jira Kulamo badan oo Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed la wadaagay qaybaha kale gadisan ee Bulshada Soomaaliyeed, Horay ayuu madaxwaynaha Soomaaliya ula Kulmay Raga Awooda ku leh gudaha Dalka Soomaaliya,  

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay doowladu dhawaan u boqooli doonto Dalkeeda Soomaaliya. 

Waxaa labadii sanoo ina dhaaftay ku sugnaa Dalka Keenya ku dhawaad 1000 kun qofood oo iyagu ka qayb qaadanayay Wada hadalada Soomaalida, 10/10/2004 ayeey soo afjarmeen wada hadaladii Soomaalida ee galbeedka Dalka Keenya shir uga furmay Soomaalida 15/10/2002.

Idaawaqaca: axmeddheere65@hotmail.com | Nairobi


Sareeye guuto Yuusuf Axmad saranle oo saakay gurigiisa oo mogadisho ku yaala lagu dilay.

Canab Maxamuud Cabdulle (Canab Mumtaz)
SomaliTalk.com | Nairobi | Jan 23 canabmumtaz@hotmail.com

Saakay waabarigii ayaa rasaas lala beegsaday halka uu ka daganaa marxuumka magaalada mogadisho kadib markii ay soo weerartay burcad hubaysan oo la garanaynin sidaasna uu ku geeriyooday marxuumka saakay. 

Sareeye guuto Yuusuf Axmad Saranle waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ciidanka booliiska Somaliya intooda ku haray dalka gaar ahaan caasimada soomaaliya oo aan dhanna uga baxin isagoo la noolaa qoyskiisa. 

Mid ka mid ah dadka sida aadka ah ay iskugu dhawaayeen oo aan kula  kulmay Nairobi ka hor daqiiqado intii aanana qoraalka dhamaynin ayaa ii sheegay in uu ahaa sarkaal nabadeed aadna u jeclaa in dalka uu wax noqdo lana helo nabad dowladnimo ay dadka soomaaliyeed ku helaan kala dambayn iyo amni ku dhisan cadaalad. 

Saraakiisha iyo madaxdii kale ee booliiska oo qaar badan ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi ayaa tacsi u diraya marxuumka iyo dhamaan saraakisha ciidanka booliiska,ehelkiisi iyo dhamaan intii uu ka tagay lana soo shaqeeyay marxuumka waxayna u rajeeyeen in uu ALLE siiyo janno.Aamiin….

Canab Mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com


 Xubnaha Baarlamaanka oo Walaac ka Muujiyey Dilkii maanta ee  marxuum Sareeye Guuto Yuusuf Axmed Sarenle

Axmed Muuse Cabdulle
axmeddheere65@hotmail.com
Nairbi

Alaha unaxariistee Sareeye Guuto Yuusuf Axmed Sarenle oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Saaka si bareer ah ay koox burcad ihi ugu dileen haygiisa oo ku yaala Xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, Walina aan la sheegin Cidii ka danbaysay Ficilkaa Waxashnimada ah ee loo gaysanayo Saraakiisha fara ku tirska ah ee aan iyagu ka qayb qaadan Burburkii Dadlka Soomaaliya, ayaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay amuurtan walaac xoogan ka muujiyeen iyaga oo sheegaya in aan xiligan Muqdisho la aadi karin.

Maalmo ka hor ayuunbay aheed Xiligii ay maqlayeen in la Quftay Qabuuro Hore oo ay ku aasnaayeen Talyaani, amuurtaas oo ay walaac ka muujiyeen Ergooyinka Soomaalidu iyaga oo ku tilmaamay waxashnimo aan la hayn Daliil lagu Xalaaleeyo.

Hadaba isla Saaka Subixii Hore ayeey hadana ku waa bariisteen in uu dhintay Sareeye Guuto  Yuusuf Axmed Serenle, oo isagu ka mid ahaa Shaqsiyaadka Nadiifka ah ee ku noolaa Muqdisho Sanadihii ina dhaafay.

Jan Muumin Isaag Ibraahin oo isaguna ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada Qalabka siday ee Soomaaliya ayaa ii sheegay in ay ahayeen dad aad saaxiibo u ah isaga& Marxuumka Geeriyooday aadna ayuu umurugaysnaa Jan Mumin.

Cawad Axmed Cashara oo isaguna ka mida Xubnaha Xidhibaanada Soomaaliya ayaa isaga oo ka murugaysan tacsi udiray Eheladii iyo Qaraabadii& Shacabka Soomaaliyeed ee u ka geeriyootay Marxuumku.

Waxaa jiray Doodo aan rasmi ahayn oo u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya iyaga oo qaar ka tirsan Xubnaha Baarlamaanku sheegayaan in aan cidina ku kal sooneen Amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa dabayaaqadii Sanadkii Hore Muqdisho lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa alaha unaxariistee Jan Maxamed Cabdi.


Fanaaniinta magaalada Nairobi oo tacsi u diraya marxuum C/qaadir sanka oo xalay ku geeriyooday Mogadisho. 

Canab Mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com

Fanaantii ku sugan magaalda Nairobi oo ay ka mid yihiin Cabdi cali bacalwaan,Khadiijo nuur fooday,faadumo muuse wanaag.Aamina Axmad,Muslimo Qaasim,Sanqoole iyo dhamaan fananaanta ku sugan magaalada Nairobi kuwa cusub iyo kuwii horeba Waxay dhamaantood igaoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan ALLAHA u naxariistee Fanaan C/qaadir Sanka oo xalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Magaalada Muqdisho. 

Fanaanka waxa uu geeriyooday goor habeen ah isagoo la joogay qoyskiisa waxaana istaagay wadnaha sidaas ayuuna ku geeriyooday. 

Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa fanaanta soomaaliyeed,gaar ahaan kooxdii Iftin ee wasaarada waxbarashada(waxaana ay dad badan ku xasuustaan riwaayadii Darajiyo xil yaa mudan,Heestii Safar baa la tagayaa)Allaha u naxariisto fanaanka. 

Dhamaan fanaanta ku sugan Nairobi waxay tacsidan gaarsiinayaan caruurtii uu ka tagay fanaanka iyo xaaskiisi,waalidkiis ,ehelkiisa iyo dhamaan fananta soomaaliyeed isagana waxay ALLE uga rajeeyeen in  uu ka waraabiyo Jannadii fardowsa. 

Canab Mumtaz | canabmumtaz@hotmail.com


Fanaankii caanka ahaa Cabduqaadir Shiikh Cali Sanka oo geeriyoodey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Muqdisho, Soomaaliya

Fanaankii Soomaaliyeed ee caanka ahaa sanadahan dambe C/qaadir Shiikh Cali Sanka ayaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho kadib markii uu wadnaha laga qabtey waxaa la sheegay in , Fannaanka maalmahan uu ka xanuunsanayey wadnaha uuna ahaa bukaan socod waxaana saakey lagu aasey magaalada Afgooye gaar ahaan xaafadda Sagaalaad ee duleedka magaalada Muqdisho.

C/qaadir Sanka waxaa uu ku geeriyoodey cusbataalka Keysaney ee duleedka Muqdisho ku yaal, wuxuuna Fannaanku ka mid ahaan jirey kooxdii Iftin ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Al fannaan C/qaadir Shiikh Cali Sanka, waxa uu ku dhashay isla magaalada Muqdisho sannadkii 1962-dii waxuu ka soo shaac baxay shirkii dib u heshiisiinta ee Carta isagoo ka qaadey heestii laga daba dhacay ee SAFAR waxaa kaloo lagu xasuusan karaa barnaamijki Kedis ee lagu qaban jirey golaha murtida iyo madadaalada .

C/qaadir Shiikh Cali Sanka waxaa uu ku caan baxay suugaan kala duwan oo waddani iyo caashaqba isugu jirta. waxaa halkan tacsi uga diraya bahda warfaafinta soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 


 
Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow: "Cali Maxamed Geedi ma ahan nin Cadaana waa nin Soomaaliya Hadana ii ah Raysulwasaare, marka ma ahan in aad Buunbuunisaan Kulankeena" ayuu  Yiri Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow.
 
axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi
 
Kulankan waxa uu ahaa kulan loo xiray Albaabada oo aysan ku wehelin Cidna  labada Masuul ee kalla Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi,& Wasiirkiisa Ganacsiga Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxoow,
 
Waxaa maalmahanba ay mas uuliyiinta Sar sare ee Doowlada Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya wadeen kulamo ay la wadaagayeen Dadka Awooda ku leh Gudaha Dalka Soomaaliya.
 
Waloow aysan cidina ka war hayn waxa uu ku salaysnaa kulanka labadan mas,uul hadana waxaa la aamin sanyahay uun in looga hadlay qaabkii iyo sidii ay doowlada Soomaaliya ku cago dhigi lahayd Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya.
 
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxoow waxa uu ka mid yahay Hogaamiyaasha awooda badan ku leh Magaalada Muqdisho.
 
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu hore u shaaciyay in shaqsi walba looga baahanyahay oo kamida Doowladiisa in uu gaarsiiyo Degaankiisa Doowlada Hadii u awoodi waayana soo celiyo Xilka loo dhiibay.
 
Markaas isaga oo Amuurtaas ka duulaya Raysulwasaare Geedi ayuu kulamo badan la yeeshay Dadka ka soo jeeda Deegaankiisa & Beeshiisa.
 
Hore waxa uu u kasbaday Prof Geedi taageerada Hogaamiyaasha Muqdisho Sida Maxamed Qanyare Afrax, Xusen Maxamed Faarax Caydiid, Cusmaan Xasan Cali Cato, Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow,& Xubno kalle oo iyagu iminka ka mida Xukuumadiisa.
 
Dad badani waxa ay is waydiinayaan kulanka Maanta maadaama Al Xaaj Muse Suudi Yalaxow ka mid yahay Golaha Wasiirada Soomaaliya.
 
Mar aan waydiiyay Wasiirka Ganacsiga Jamhuuriyada Soomaaliya Ujeedada Kulankooda waxa uu ii sheegay in uusan Cali Maxamed Gedi ahayn nin Cadaana waa nin Soomaaliya Hadana ii ah Raysulwasaare marka ma ahan in aad Buunbuunisaan Kulankeena ayuu  Yiri Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow. 
 
Dr Xasan Maxamed Nuur(shati gaduud): "waa lagama maarmaan in lahelo ciidamo shisheeye oo gacan ka geysta arrimaha hubkadhigista ..."

Wasiirka beeraha DKMG federaaliga ah oo beeniyey war been abuura oo laga qoray warbaahinta qaarkood isaga oo sii hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sedan:

Anigoo tix raacaya waraaqda taarikhdeedu tahay 21/01/05, kun asoo baxday Internetka. sida ku cad qoraalkaas oo ku saabsan diidmo qayaxan oo kasoo hor jeeda in ciidamo Afrikaan ah oo gacan ka geysta howlaha hubka dhigista ,in lakeeno soomaaliya ,fekerkaas oo lagu cadeeyey internetka, waxaan cadaynayaa in aanan fekerkaas dadka qaba kamid ahayn, fikirkaasna waxaan qabaa inuu yahay mid qaldan ayna tahay mid been abuur ah oo la iga sameeyey.

aragtidayda la xariirta arrimaha hub kadhigista Soomaaliya.

Aniga oo ah wasiirka wasaaradda Beeraha Jamhuuriyada feeraalka kumeelgaarka ah ee somaliya Dr Xassan Maxamed Nuur(shati gaduud) waxan qabaa si ay u hirgasho Dowladda KMG fedralka ah ee somaliya, in ay lagama maarmaan tahay in lahelo ciidamo shisheeye oo gacan ka geysta arrimaha hubkadhigista mileeshiyooyinka, waxan arragti ahaan waafaqsanahay codsigii uu hore u qadimay madaxweynaha JKMG Federaaliga ah ee Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ee la xariirey in caalamka laga helo ciidamo gacan ka geysta hub kadhigista milishiyooyinka.

Sidaas waxaa yiri: wasiirka Beeraha DKMG fedrelakiga ah ee somaliya Dr Xassan Maxamed Nuur (shaati Gaduud).

Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ee 21 Jannaayo

Waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya lagu Qabtay shir saxaaafadeed lagu Xusayo Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed Shirkaas ayaa markuu uu dhamaaday laga soo saaray War murtiyedkan oo uu ku saxiixnaa Saxafigan Xasan Maxamed Xaaji (Duusoos).

Warsaxaafadeed

23/01/005

Xuska Maalinta  21 janaayo, waa maalintii ugu horeeysay ee uu soo baxo wargeys ku qoran Af-Soomaali, oo lagu xusuusto Warfidiyeenka iyo,warfaafinta Soomaaliyeed, waa guul u soo hoyatay qaranka Soomaaliyeed qoraalkii Afka hooyo.Xuriyadda hadalka iyo qoraalka waa mid loo soo halgamay oo dhiig badan ku daatay,rag badan oo qorayaal ah, loo xiray,kuwo kalana loo jir dilay,silac dilyayn,handadaadna loogu geystay.

Guushaas weyn ee maanta adduunku ka gaarey,madaxbannaanida Saxaafada iyo suxufiga, waxaa weli jira dalal iyo dadyow aysan gaarin dabeysha xuriyadda saxaafada,oo cadaadis lagu hayo.loona baahan yahay in la garab istaago halgankooda ay ugu jiraan madaxbanaanida Saxaafada iyo suxufiga.

Maanta Adduunku horumarka uu ka gaaray tiknolajiyada casriga ee dhinaca warbaahinta waxay adduunka ka dhigtay Tuulo kaliya,oo daqiiqado gudaheeda dacalada kale duwan ee adduunka waxiika dhacay mar kaliya wada gaaro.

Dalkeenna Soomaaliya oo muddo 15 sanno burbur iyo dagaalo sokeeya ku dhex jiray,waxaa hadana burburkaas ku dhex shaqeynaayay weriyayaal; naftooda hurayaal ah,oo dil,handadaad jirdil, xarig ,ku mutaystay howhooda.

Waxaa tirakoobyo la soo ururiyay ay xaqiijinayaan in dagaalada sokeeye ay galaafteen suxufiyiin Soomaaliyeed tiradoodu lagu qiyaasay 50,intaas in ka badana dhibaatooyin kale ay ka soo gaareen.yadoo wariyayaasha ajnabinga lagu dilay dalkeenna .

Waxa kaloo in la xuso u baahan halyeeyadii horseedkaka ahaa halganka madaxbaaanida xuriyadda saxaafada iyo suxufiga Soomaaliyeed ,ku waas oo aynu ka xusikarno,

  • Cali Muuse Cabdi
  • Maxamed Cabdule Uurdoox.
  • Saciid Baker Muqtaar.
  • Maxamuud Yusuf Odawaa (Alaha u Naxariisto.)
  • xasan Warshiiq.
  • Maxamed Daahir Afrax.
  • Iyo rag kale oo badan.

Maadaama ay Sxaafadu tahay shuclad ifeyso,oo bulshadu ku soo hirato.kalana dagaalanto waxyaabaha xun xun,oo kolkii ay dalkeenna ay ka dhaceen dagaalda sokeeye ay saxaafadu noqotay halka keliya ee ay ummmada u soo cabato,una doodo xuquuqda bulshada. Sidaas darted waxaa loo baahan yahay in risaalada nalagu aaminay aaynu si wanaagsan u gudano,waxaana la yraahdaa,u sheeg Bulshada waxii Aabahaa iyoHooyadaa aad u sheegi lahayd..

Waxaan isla garanay in saxaaadu tahay halka laga hago bulshada ,sidaas darted loo baahan yahay in aynu yeelanno aqoontii lagu hogaaminlahaa bulshada haddii kale waxa aynu noqonaynaa rag indhoolayaal ah oo hoggaanhaya.bulshada.,kuna hogaaminaayo meel mugdi ah.

Ugu danbeyntii waxanu iskula dardaarmaynaa inaynu bulshada ku hogaamino wado toosan,ilaalinna midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliyeed.dalka dib u dhiskiisa,daryeelka bulshada ,akhlaaq suuban,ilaalinta karaamada iyo sharafta suxufiga iyo saxaafada Soomaaliyeed silo gaaro halka aynu hiigsanayno oo ah,Madaxbaani iyo xuriyada saxaafada oo la dhow  

W/d:

axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi
 
Sida looga ciiday waddanka Pakista. 

Waddanka Pakistaan ayaa Jimcadii waxa ay u soo baxeen salaadda Ciiddu- Al-Adxa, iyadoo inta badanna caalamka islaamka shalay laga ciiday. Masaajidda ayaa halmar waxa ay bilaabeen Takbiirta iyo towxiidka. Dad waynaha ayaa waxay u dareereen masaajidda, goroonada iyo waliba beeraha waawayn, si ay halkaas ugu soo gutaan Salaadda Ciidda. 

Dad aad u  farabadan oo ajaanibta ku nool waddanka ah oo isugu jira Soomaali, Yemen, Suudaan, Afganistaan iyo  Falastiiniyiin, ayaa saakay 8:00 subaxnimo saacadda Karachi iyaguna isugu soo baxay  Beerta weyn ee lagu magacaabo Safari bark, ee magaaladda Karachi ee waddanka Pakistaan, si salaadda Ciiddu-Al- Adxaa ay ugu tukadaan goobtaas. 

Dadkii salaadda ciidda iskugu yimid ayaa waxaa ka muuqatey farxad iyo rayn-rayn, ayagoo  iskugu hambalyaynayey sanadka cusub ee islaamka, isuguna ducaynayey sannadkaan sannadkiisa kale nabad, iyo barwaaqo in uu  Eebbe ku gaarsiiyo. Waxay kaloo Soomaalida meeshaas isugu timid  ilaahay kabarya-yeen in nabad iyo deganaansho uu ku soo celiyo waddankooda, dhibaatadana uu kaqaado. 

salaaddii ciidda oo ay kasoo qayb-galeen dad aad utiro  badan ayaa waxaa kamid ahaa culuma’udiin, dhalinyaro, iyo haween kuwaasoo soo buuxiyey goobtii markaas lagu tukanayey ciiddu-Al-Adxa.

Waxaa goobtaas  wacdi dheer kasoo jeediyey Sheekh Bashiir oo ah Sheekha ugu wayn culimada Soomaalida ee ku dhaqan wadddanka Pakistaan. Sheekhu wuxuu aad ugu dheeraaday qiimaha ay musliimiinta u leedahay Ciidda Carafo iyo  waliba faa’iidooyinka ay leedahay ciiddaasi. Wuxuu kaloo sheekhu aad ugu boorriyey dadkii goobtaas isugu yimid in Salaadaha iyo waajibaadka kale la ilaaliyo ee aan lagu ekaan oo kaliya soo xaadiridda Ciidaha. Wuxuu kaloo sheekhu sheegay sida ay Asxaabtii Nabiga (S.C.W) ay isugu hambalyeen-jireen munaasabada ciiddul-Adxa, ayagoo gacmaha isa-saarijirey ( is musaafaxayn-jirey).

Ugu dambayntii Soomaalida ku dhaqan waddankaan  ayaa  farxaddaan weyn  waxay la qayb-qaadanayeen  muslimiinta kale oo ku dhaqan daafaha caalamka. 

Annaga iyo walalaheenna kale ee muslimiinta allaha naga wada  aqbalo.

                    W/D Suldaan Nayruus Xaaji Aadn
                             Karachi-Pakistan.

                            Suldaan25@hotmail.com
                            
Suldan25@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2005


C/llaahi Yuusuf oo Booqday Qubuurihii Ciidamadii Talyaaniga ee dagaalkii 2aad...
iyo Prof:Geddi oo Dalka Talyaaniga ka raali galiyay soo saaridii lafahii ka haray maydadkii talyaaniga.. Guji..

»Ethiopia: Zanawi oo AU ka Codsaday in Somalia lagu taageero Ciidamo

»Soomaaliya: Caruurta ku Dayacan Wadooyinka oo soo Kordhaya: Guji

"Waxaan Idinka Ballan Qaadayaa in aydan Magbixin oo Qofkii qof dilaa Ladilayo"
Gen. Cadde Muuse oo Ka Hadlay Munaasabadii Salaada Ciida iyo wafti ka kala socda DFKMG iyo Koonfur Afrika oo tegey Bosaso Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD