SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Zanawi oo AU ka Codsaday in Somalia lagu taageero Ciidamo nabad ilaalineed shirkii dhowaan ka dhacay Gabon. 

Ridwaan Xaaji C/wali.20.1.2005.
ridwanhaji@yahoo.com

Raisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zanawi oo todobaadkii hore ka qaybgalay shir ay laheyeen Golaha Amaanka ee Midawga Afrika Marka lasoo gaabiyana loo yaqaano (AU) oo ka dhacay magaalada Libreville ee dalka Gabon ayaa dib ugu soo laabtay Magaaladda Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Waxaana ay qortay wakaaladda wararka ee Ethiopia ENA in Raisul wasaaruhu uu ka qayb galay shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen 15 dal oo afrikaan, iyadoo looga hadlay shirkaasi guud ahaan Amaanka Gobolka.

Shirkaasi waxaa intiisa badan looga hadlayay ciidamada Amaanka ee jooga gobolka daarfuur iyo dhibaatooyinka ka taagan Democratic Republic of Congo iyo Cote dIvoire oo muddo saacado ah ay ka wada hadlayeen madaxda ka qaybgashay shirkaasi. 

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qabtay meel aan ahayn Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia tan iyo Markii lagu aas aasay Ururkan Ethiopia, waxaana shirarkii kan ka horeeyay lagu qabanayay dalkaasi iyadoo guud ahaan looga hadlayay dalalka Somalia Iyo Sudan.

Halis in Computarkaaga Qoraalada Kujira Meel Fog Laga Akhrisankaro

DIGNIIN: Emailka oo laxiriirsanayo lagana xadayo akhbaarta aadka xasaasiga u ah

Raisul Wasaaraha Dalka Ethiopia mudadii uu halkaasi joogay waxaa uu la kulmay madaxda Qaaradda Afrika ee shirkaasi ka qaybgalay , waxaana uu ka codsaday in Midawga Afrika ay udiraan ciidamo nabad ileelineed dalka Somalia si Dawladda Cusub ee Somalia ay uga hawlgasho dalka oo la filayo in dhowaan ay Muqdisho ay xarun u noqoto Dawladda.

Madaxwaynaha Somalia Cabdulaahi Yusuf Axmed oo aysan usuurta galin in uu ka mid noqdo madaxdii ka qayb gashay shirka AU ee Gabon ayaa dhowr Jeer oo hore waxaa uu ka sheegay magaaladda Nairobi in loo baahanyahay Ciidamo Hubka ka dhiga Soomaalida si loo helo kala danbayn iyo nimaad. 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2005

Ridwaan Xaaji C/wali.20.1.2005.
ridwanhaji@yahoo.com


"Waxaan Idinka Ballan Qaadayaa in aydan Magbixin oo Qofkii qof dilaa Ladilayo"
Gen. Cadde Muuse oo Ka Hadlay Munaasabadii Salaada Ciida iyo wafti ka kala socda DFKMG iyo Koonfur Afrika oo tegey Bosaso Guji..

Magaalada Nairobi oo si wayn Looga xusay Ciidal Adxaa
iyo
Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya oo Hambalyada ciidal Adxaa u diray... Guji... | Jan 20

Ciid Mubaarak:
Bahda SomaliTalk waxay hambalyada ciida-al-adxa u dirayaan dhammaan xujeyda, iyo dunida Islaamka... Akhri..

2-Million oo Muslimiin ah oo Arbacadii isugu yimid Carafat
» Marabtaa labo Sano ee Dembi dhaaf ah
» Caado Soomaali Dumisey Ciid-Al-Axdaa
Dhaammaan ka akhri halkan Jan 19


Imtixaanaadkii Iskoolada Puntland
iyo kuwa Shahaadada Sare ee Caalamiga ah oo lagu soo Gabagabeeyey Boosaaso
... Guji...

Cadde Muuse oo Soo Saaray Wareegto
» MDGPL oo booqday magaalaad Boosaaso...
» Waanwaan Nabadeed: Beelaha Wada Dega Damalo-Xagar
» Xafiis Jaaliyadda Somaliyeed oo Furay Kiruna, Sweden
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 19

Cadde Muuse oo La Weydiistey in uu Codsi Siideynta Samsam ah u diro Riyaale
» Codsi: soo Deynta Samsam
» Codsi: Saacidaadda dhibaatada Sunaamida
Warka oo Faahfaahsan ka akhri halkan.. Jan 19

Labo Dagaal oo ka Dhacay Aaga Ceerigaabo iyo Mudug
»Aagga Cerigabo: Dagaal ka bilowday Qaad, 17-qof dhimasho
»Mudug: Dagaal ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof
»Baaq kasoo baxay Jaaliyada Kuwait ee kasoo jeeda SSH
»Baaq Nabadeed kasoo baxay Jaalayada Sanaag Bare ee UK
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji.. Jan 18

»Xukumada Riyaale Daacad ma ka tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka.... [Warbixintii Qodax & Kaahiye]

Soomaalida Norway oo Lagu Eedeeyey Dhaqan Xumo...
» Soomaalida Norway oo Lagu eedeeyey Dad-dilmo
» Saxaafada Norway iyo ka hadalkooda Soomaalida..
Warka oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Jan 18

Madaxwaynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan tagayn Muqdisho
»Muqdisho: Xarunta Ra'iisul wasaaraha & Baarlamaanka
»Marrunbaa in Jabuuti aqoonsatay Somaliland?
»Cadde Muuse oo Kedis ku Tegey Deegaanka Adhi cadeeye
»Wafti oo la socdo Maxwell oo Booqday Soomaaliya
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan.. Guji... Jan 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD