"Waxaan Idinka
Ballan Qaadayaa in aydan Magbixin oo Qofkii qof
dilaa Ladilayo"
Madaxweynaha DGPL
Gen: Cade Muuse oo Ka Hadlay Munaasabadii
Salaada Ciida iyo Sida looga Ciiday Gobolda
Punland
Waxaa isku soo
dubaridey
c/fatax jaamac | Somalitalk.com | Boosaaso,
Soomaaliya
somalitalkpl@yahoo.com | jan 20, 2005
- "Haya'da
Biyaha Boosaaso oo dhowaan ku dartay Biyaha
lacag Dhan $1hal doolar taasi waa Sharci
daro ayuu yiri.." Gudoomiyaha Gobolka Bari.
- "Mushahar
la,aanta waxaa kalifay in wixii la helo oo
Dhaqaale ah ay qaarna Furdada ku qaybsadaan,
qaarna Madaxdii loo dhiibo ayaa kala
qaybsada Shacabkii wax gaaraa ma jiro..."
Madaxweynaha DGPL..
- "Waxbarasho
lacag la'an ah waan samayn karnaa, waxa
kaliya oo ay u baahan tahay in lagu dadaalo
oo loo sameeyo wax yar oo Dhaqaalaa oo
macalimiinta ay qaataan Shacabkuna uu ka
qaybqaato..." Cadde Muuse
- "Anigu
Da'dayda Waa 67 Sano, Magac cidna kama rabo,
intaan soo socon karay waan soo socday,
lakiin Waxaan ku dadaalayaa sidii Cid kastaa
ay ugu socon lahayd Nabadgalyo, Hadii
Illaahay Ogolaado" Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse Boqor
- "Ninkii
Madax noqdaa Reerkiisa Dadka oo dhan ayuu
xukumaa, Aniga Reerkayga Ninkii ay xukumaan
isaga ayaa nacasnimadiisa ay tahay sababtoo
ah Dadka Cadaalada waa u dhexaysaa ama Madax
ahow ama Shacab ahow..." Gen. cadde Muuse
- "Waxaa
Boosaaso loo dhisayaa guddi ka kooban
25 Qof oo ay Mas'uuliyada Degmada Boosaaso
ayaga Fuusho..." MDGPL
- "Uma
dul qaadan doono Madax is haysata oo kooxo u
kala baxda oo dantii shacabka halkaa ku
lunto" Gen. Cadde

Dadweyniihii oo Buuxiyey
Qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Boosaaso Salaadii
Ciida Ka dib

Saladii oo loo taagan yahay

Gudoomiyaha G-Bari oo ka hadlaya
Masalaha Salaada Ciida

Sheekh Yusuf Heeryo oo ka
wacdinaya Masalaha Salaada Ciida

Sheekh Bashiir oo wacdi ka jeedina
Masalaha Salaada Ciida

Sheekh Cabdi Xaafid oo Akhrinaya Qudbadii
Salaada Ciida

Barkhad Cali Saalax, Wasiirkii Maamulkii
Hore ee Diinta Iyo Awqaafta

Abwaan Yamayam oo Ka hadlaya Masalaha
Salaada Ciida |
Waxaa maanta
Guud ahaan looga Ciiday Gobalada Puntland ayadoo
Takbiirta laga bilaabay Masaajidada
Magaalooyinka Salaadii Subax kadib waxaa laga
soo sheegayaa magaalada Gaalkacyo in laka Ciiday
oo dadka qaarkii ay Ciidi doonaan Barito.
Magaalada
Boosaaso ayaa waxaa subaxnimadaii hore
wadooyinka ka muuqday Caruurta iyo Dadka waaweyn
oo ku labisan Dhar aad u qurux badan oo ay ugu
badanyihiin kuwa ay xirtaan Muslimiinta,
Salaadii Ciida Adxada oo Xaloo dhan ay Dadka ku
nool magaalooyinka Puntland Guud ahaan ay kala
socdeen TV-yada Caalamiga ah ee sacuudiga sida
ay Xujayda gudanaysa Xajka sanadkaan u taagan
yihiin Carafo ayoo Dadweynaha ay qaarkood ku
ducaysanayeen Ilaahay in uu u Sahlo Fursadaa oo
kale Ilaahayna u Dambi dhaafo.

Gudoomiyaha Gobolka Bari
iyo Qaar ka mida Madaxda iyo Hogaamiye
Dhaqameedka Puntland oo Fadhiya Masalaha
salaadii Iida
Waxaa Magaalada
Boosaaso Maanta la Ciiday Dadka Madaxaweynaha
DGPL Gen: Cade Muuse iyo Gudoomiyaha Gobolka
Bari Yusuf wacees Dhado iyo Culimo Awdiinka iyo
Madax kale oo Badan ayadoo lagu tukaday Garoonka
kubada Cagta Boosaaso.
Salaadii Ciida
kadib ayaa halkaa waxaa Qudbadii Salaada Ciida
ka soo jeediyay Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf
oo Qudbadaasi ku sheegay Fadliga ay leedahay
Maalinta maantoo kale ah ayna waajib tahay in ay
Muslimiinta oo dhan ay Ku wada Ciidaan
siwadaJira, Aduunka iyo Dhaqaalaa lagu ilaaway
Aqiro laga soo Noqdo oo loo soo Noqgo Cibaadada
Illaahay, Waxaa ayagana ka hadlay Qudbadii Ciida
kadib Culama Owdiinka Soomaaliyeed kuwo ka mida
waxa ka mid ahaa Culimadaa Sheekh Bashiir iyo
Sheekh Yuusuf Heeryo oo labadaba ay Wacyigooda
ku wajahnaa sidii Maamulka ay wax uga qaban
lahaayeen Nabadgalyada iyo Fusuqa ku soo
badanaya Magaalooyinka Puntland, waxaa ay
culimdaa ka hadleen in mas,uuliyada uu Qofkastaa
Dusha u ritay la xisaabin doono maalinta Aakhiro
oo qofkastaa la xisaabin doono kalidii wuxuu ku
guto Adduunka, waxaa ay Culimada ay sheegeen in
lagu tukanayo Magaalada Boosaaso ilaa 20
labaatan Masjid oo Madax iyo ku madaxlooyahay la
wada fadhiyo Masalaha, Culimada ayaa waxaa ay ka
hadleen Hooyooyinka in ay ka gaabiyeen sidii
diinta ay ugu gargaari lahaayeen.
Culimada kadib
ayaa waxaa ka hadlay Masalaha Salaada Ciida
Abwaanka Soomaaliyeed oo looyaqaan Yamyam oo ka
tiriyiy Gabay dheer oo tabanay Nabada ay ku
dadaaleen Dadka Reer Puntland iyo sidii
Dimoqoraadiyada lahayd ay usoo doorteen
Madaxweyne iyo Kuxigeen tasoo aad aduunkoo dhan
looga soo dhaweeyay Abwaankuna uu nasiib u
yeeshay in uu joogo Puntland.
Waxaa Abwaanka
kadib ka hadlay Madaxda ka mida kuwa maamulka
Gobolka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka
Bari Yusuf Wacees Dhado oo ugu horeentii
salaamay guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar
ahaan Ummada Puntland Gudoomiyaha oo hadalkiisa
sii wata ayaa ka hadlay Dhibaatadaii Bad
gariirka ee Gobolada Puntland isagoo gaar ahaan
taabtay Magaatada Xaafuun oo ilaa hada aanay
jirin wax Caawinaada oo soo gaaray gaar ahaan
dhanka Shacabka lakiin ay jiraan in yar oo ay
soo gaarsiiyeen UNICEF,WFP, SHILKON, WAWA iyo
Ururka Dhaqaatiirta Gobolka Bari, Gudoomiyaha
ayaa Codsaday in Dadkaa Gacan caawinaada laga
geysto oo Dhibka lala Qaybsado loona Ururiyo
lacag dhan $ 0.50 Nus Doolar Ruux walba oo
awoodi kara lacagtaa wax weyn bay u qabanaysaa
Dadkaa dhibta kasoo gaartay ayaa fadhiya meel
cidlaa oo sheyna aan kala Bixin Dhibka meeshuu
ka dhacay waana qadar Illaahay ayuu yiri
Gudoomiyihu.
Asagoo
hadalkiisa sii wata Gudoomiyihu ayuu yiri Mudane
Madaxweyne waxaan kuu ahay wakiil oo aan kaaga
ahay Gobolkaan Bari mudane Madaxweyne wixii
dhiboo jira inaa kaalo hadlo iyaga dhexdooda
kaala hadlo waa Xaq Mudane Madaweyne waxaa na
saameeyey Burbur arimaha Bulshada sida
waxbarashada, Caafimaadka labadaa aad ayaa loogu
dhibaataysan yahay Xaga waxbarashada Ninkii
Sadex caruura lahaa Iskool ma gayn karo Sababtoo
ah Dugsigu waa lacag ma jiraan caawinaad xag
Dawladaa iyo Hay,ado taasi waxa ay kaliftay in
Caruurtii ay ka halaabaan xaga Edaabta taasina
Nabadgalyadii ay Dhib ku keentay, waxa uu
Gudoomiyihu la hadlay maanta Waalidiinta in ay
Ceshadaan Caruurtooda oo Baryahaan Nabadgalyada
Dhib ku keenay.
Gudoomiyihu
waxa uu ka hadlay Canshuuraha iyo Haya,da Biyaha
oo dhowaan ku dartay Biyaha lacag Dhan $1hal
doolar taasi waa Sharci daro ayuu yiri, Canshuur
waxa kordhin kara ayuu yiri Gudoomiyuhu
Baarlamaanka oo kaliya shirkada haysa Biyaha
Boosaaso ayuu yiri waxa loogu dhiibay in ay
dayacmin lakiin ayagu maleh lacagna isagama
Darsan karaan ayuu yiri Gudoomiyihu isagoo
hadalkiisa soo gabagabeeynaya Gudoomiyahu ayuu
ka hadlay Nabadgalyada oo uu ka codsadey in ay
kala shaqeeyaan Shacabka.
Waxaa gudoomiha
kadib halkaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo
Awqaafta ee Maamulkii Hore Barqad Cali Saalax,
Salaanta iyo Duco Guud ahaan Soomaaliya uu
halkaa ka soo jeediyay kadib ayuu Dadka kala
hadlay in la helo oo sadaqo lagu bixiyo sidii
loo heli lahaa Meel lagu tukado salaadaha Iida
iyo Salaadaha kale ee Jaamaacada ee ay
Muslimiinta isugu yimaadaan oo garoonkaan looga
maarmo, waxa uu Wasiirku ku soo dhaweeyay
Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse oo ugu
hotaysay maanta in uu fagaaro kala hadlo
Dadweynaha Puntland Qaarkood.

Madaxweynaha DGPL iyo Ugaas Xassan oo Fadhiya
Masalihii salaada Ciida

Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse oo ka hadlaya
Masalaha Salaada Ciida
Madaxweynaha
ayaa ugu horeentii ka hadlay Dhibaatooyinka jira
ee Illaahay Keenay oo ay ka mid yihiin kuwii
Abaaraha iyo Bad gariirkii oo ay ku bara kaceen
Dad aad u fara Badan, Culimada ayuu Madaxweynuhu
ku baraarujiyay in ay Illaah baryaan oo Dadka ay
wacdiyaan, Maaxweynaha ayaa ka hadlay Nabad
galyada oo sii xumaanaysa oo ay ka horayso in uu
magacaabo Dowladiisa Nabadgalyada waxa uu xusay
Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalada Labaad ee
Xaga dhaqaalaha iyo Baaxada oo lagu dilay 14
Afar iyo Toban Qof, waxana uu tilmaamay in uu
Dhici karo dambi lakiin waxaa ka xun ayuu yiri
in aan lasoo qaban gacan ku dhiiglihii, Waxaa uu
amaan u soojeediyay Booliiska magaalada Boosaaso
oo labadii habeen ee ugu dambeysay ay
nabadgalyada adkeeyeen oo magaalada Boosaaso ay
ka dhacday Dil labadii habeen ee ugu dambeysay
oo Booliiska Boosaaso ay gacanta ku soo dhigeen,
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in dadwaynaha
uu balan kaga qaaday in ay waa dambe Mag aysan
bixin taa ayuu ku tilmaamay in Qofkii Qof dilaa
la dili doono, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay
magaalada Boosaaso ay tahay Magaalo shaqo oo
Ganacsigu ka socdo lakiin nabadgalyo ay u baahan
tahay, waxaa uu Tusaale ku soo qaatay mar uu
yimi Boosaaso asagoo Dhalin yaro ah oo sarkaal
Ciidan ah in uu Ciidamo kasoo Qoro loogu soo
diray uu ka waayay Cid Ciidamada qorata oo uu
qof walbaa yiri anigu waan shaqeystaa maxaan ku
falaa Dawlad Shaqadeeda iyo Shaqo kale, maantana
shaqaa la radinayaa oo sababtu waxa ay tahay
Shaqaan jirin, waxana uu Xusay in ay jirto
Mushaar la,aan Sagaal bilood Mudo ah taas ayaa
waxaa kalifay ayuu yiri waxaa jirta wixii la
helo oo Dhaqaalaa ayaa qaarna Furdada ku
qaybsada qaarna Madaxdii loo dhiibo ayaa kala
qaybsada Shacabkii wax gaaraa ma jiro.
Waa nasiib daro
xaga Tacliinta waxa ka socdaa ayuu yiri
Madaxweynuhu, anigu waxaan ku soo koray iyadoo
Taajir iyo Faqiirba uu tacliinta helo Qofkii
raadsanaya Jaamacado Dibadaa oo lacaga waa gooni
lakiin Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare waxa ay
ahaan jireen lacag la,aan iyo waliba Jaamacadii
Soomaaliya, waan samayn karnaa sababtoo ah
Macalimiintii waan haynaa Iskooladii waan haynaa
waxa kaliya oo ay u baahan tahay in lagu dadaalo
oo loo sameeyo wax yar oo Dhaqaalaa oo
macalimiinta ay qaataan Shacabkuna uu ka
qaybqaato. Waxaa jira Ganacsi aad u balaaran
waxaan u sheegaynaa in ay ka qayb qaataan
Waxbarashada.
Madaxweynaha
ayaa sheegay intii uu joogay in u la yaabay oo
uu arkay in ay jirto dhul dhan oo oomanaa ayna
sahlantahay maanta adduunka in la qodo Ceelal
lakiin ayuu yiri Madaxweynuhu waa inaan marka u
horaysa nabada sugnaa hadii Illaahay yiraahdo
wixii dambiilaana waan ku qaban doonaa waxaa
noogu daran ayuu yiri Waxbarashada, Caafimaadka
& Wadooyinka intaa waxaan ka hormarinaynaa
Nabadgalyada oo la,aanteed aysan soconay wax
horumar ah.
Gen. Cadde
Muuse, MDGPL, ayaa tilmaamay in aysan u
adkeysanay Ciyaalka Waalidkood Dhaqaalaha
haystaan oo hada Nabadgalyada xumaynaya,
Booliska iyo Cidkastaa oo Nadgalyada ku shaqo
leh waxaan u shegayaa ayuu yiri in ay ku
ciqaabaan cidii ay ku soo Qabtaan Nabadgalyo
Xumo, waxaan waalidiinta u sheegaynaa ayuu yiri
Madaxweynuhu hadii aan ku qabano nabadgalyo xumo
in aad wax badan raadin doontaan Nin soo dhargay
in uu Dadka kutunto, ka yeeli mayno.
Waxaa
madaxweynaha uu sheegay in ay jiraan kuwo
Maraakiib qabsada oo Badaha Isbaaro dhigta oo
Markab soo xumaaday oo xeebta Puntland Badbaado
soo baday la iska fuulo oo lacag Baad ah laga
qaado, waxaan u sheegayaa ayuu yiri Madaxweynuhu
hadii ayagii aan waayo Waalidkoo ayaan dambigii
ku qaadayaa ayagaa keenaya, waxaa kaloo uu
sheegay hadii Nabad la helo in dhulka Puntland
uu yahay Qani oo laga heli karo shaqooyin.
Xagga
Maxkamadaha iyo saldhigyada Booliska ayuu
sheegay Madxweynuhu in uu ogyahay inay qataan
Laaluush sababtoo ah ayuu yiri Mushaardaro ayaa
jirta lakiin hadii aan u helno mushaarooyinka
Ninkii laaluush qaataa Dambigeeda ayaan ku qaadi
doonaa, Madaxweynaha ayaa ku soo gabagabeeyay
Anigu Da,dayda Waa 67 Sano Magac cidna kama rabo
intaan soo socon karay waan soo socday lakiin
Waxaan ku dadaalayaa sidii Cid kastaa ay ugu
socon lahayd Nabadgalyo Hadii Illaahay Ogolaado
intii Awoodaydaa waan ku dadaali doonaau
Boosaaso Aduunkoo dhan ayaa jeclaa Magaalo
Nabadeed ayay ahayd waxaan rabaa inay sideedii
ku soo Noqoto, anigana waan ku dadaalayaa
Shacabkana waxaan ka codsanaynaa in ay nala
shaqeeyaan oo lawada shaqeeyo Dambiilaha si wada
jira aan u wada Qabano.
Waxaa kaloo
jirta ayuu yiri Madaxweynuhu Waxaa la yiraahdo
Qabiilka waxa la yiri Ninkii Madax noqdaa
Reerkiisa Dadka oo dhan ayuu xukumaa, Aniga
Reerkayga Ninkii ay xukumaan isaga ayaa
nacasnimadiisa ay tahay sababtoo ah Dadka
Cadaalada waa u dhexaysaa ama Madax ahow ama
Shacab ahow.
Waxaa
madaxweynuhu uu Xusay Madaxweynihii Hore DGPL
Col: Cabdulaahi Yuusuf oo hada ah Madaxweynaha
DFKGS oo intuu joogay DGPL uu aad u Dadaalay
Dhibaatada weyn oo haysatay waxa ay ahayd
Dagaalo badan oo ku socday iyo Dhibaato badan oo
ku furnayd dadku waxa ay leeyihiin waxaa jirta
Madaxweynihii waa lagu wareegsanaa oo
qabiilkiisa ayaa ku wareegsanaa, hadii ay Dadka
kale kula socon dhibaatada waxa ay tahay
Qabiilkaagii ayaa kugu soo wareegsanaaya, waxaan
Cuqaasha iyo Hogaamiye Dhaqameedka u sheegay in
ay iyagu u doodaan Danta Shacabka.
Waxaa kaloo
madaxweynaha uu sheegay in ay Magaalada Boosaaso
ay ku talo jiraan in la dhiso Gudigii Degaanka
oo ayagu ay soo doortaan Gudoomiyihii Degmada
iyo kuxigeenkiisa, Gudoomiha Degmada waxay ku
xirantahay sida uu u shaqeeyo oo aan la oran
waxaa jeebka lagala soo baxay Nin lagu
danaysanaayo ama Reer baa meeshaa u go'ay,
Gudigaa Degaanka ayaa tiradoo Madaxewynuhu ku
sheegay 25 Qof oo ay Mas,uuliyadu Degmada
Boosaaso ayaga Fuusho, waxaa uu Madaxweynuhu
Amaan u soo jeediyay Gudoomiyahay Gobolka Yusuf
Wacees Dhado xiligii uu hayay Gudoomiyaha
Degmada Boosaaso oo uu aad wax uga Qabtay
howlahii Dowlada Hoose ay u haysan Bulshada
hadana intii uu joogay Gobolka ilaa hada aad
ayuu waxa uga Qabtay ayuu yiri Madaxeweynahu,
waxaa kaloo oo madaxeynuhu sheegay in ay u dul
qaadan doonin Madax is haysata oo kooxo u kala
baxda oo dantii shacabka halkaa ku lunt, waana
ku amaanayaa hada sida ay u shaqeeyaan madaxdu,
waxaa kaloo oo uu ku baraarujiyaya Bulshada
Ganacsatada iyo Culimada in ay Talada Dalka wax
ku lahadan ayna Xaq tahay, waxaa kaloo oo
Madaxweynaha uu sheegay in ay jirto in
Ganacsatada ay bixiyaan Laaluushka oo Canshuurta
marka loogu yimaado ay wiilasha u yimaada
siiyaan in yaroo lacaga marka waxaa uu ku
baraarujiyay in ay aysan helayn in wadadii la
dhiso Biyihii laga shaqeeyo oo ay tahay in ay
Biyaha dawladu bixiso Dadkuna lacag la,aan ku
cabaan, Waxaa kaloo Madaxweynuhu sheegay Dawlada
ay dhisi doonaan ay ku dadaali doonaan in ay
wanaagsanaato ayagoo hab qabaa,il ah ku soo xuli
doona lakiin hadii qabiilkii aan ka dalbanay in
ay noo keenaan Nin jagada u qalma oo haddi ay
nookeenaan Nin xun waan ku celin doonaa hadii ay
diidaan anagaa soo xulayna Nin ku haboon Jagadaa.
Waxaan ku soo
koobayaa Nabadgalyada in laga shaqeeyo
Madaxeweynaha ayaa Tusaalooyin u soo qaatay
Dadka Xumaan abuurkaa oo ay ka mid yihiin
Madaxda kuwaas in si wada jira loo wada Arko si
aan u helno Dadka doonya in ay Maal gashadaan in
ay yimaadaan, waxaa kaloo uu Tilmaamay
Magaalooyinka Reerka kaliya Degan yihiin in
aysan hormarin kuwaas ayuu yiri Tusaale haku
qataan Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo oo
Dadkoo dhan ay isugu yimadeen sida ay u
hormareen, waxaa kaloo oo Madaxweynuhu ku soo
Gabagabeeyey in ay Soomaalidu lahaan jirtay
Sharaf oo ay ku Dadaasho in ay soo Ceshato
Sharafteedii.

Dadweynihii oo fadhiya Masalaha Salaadii Ciida
Dadweynihii
halka isgu yimi ayaa shacuurtoodi dareenka lahaa
uu soo Jiitay Madaxweynuhu oo ka hadlaayay Arimo
badan oo ay Tabaayeen Baahida Dadweynaha Qabo
ayagoo ugu Ducaynayey in uu Illaahay ka dhigo
kii ay ku Nastaan Illaahay asagaa awood oo dhan
u leh Arimaha Aduunka oo Dhan iyo Tan Aaqiro
ayagoo Dadweynu isagu Hambalyeynayey Farxada
Maalinta Ciidaa.
Warkii Waftiga DFKMG iyo
Waftiga Koonfur Afriak ee Booasaaso booqday ka
akhri halkan... GUJI...
Caruurta ku
Dayacan Wadooyinka oo soo Kordhaya.. Guji...
Waxaa isku
soo dubaridey
c/fatax jaamac | Somalitalk.com | Boosaaso,
Soomaaliya
somalitalkpl@yahoo.com | jan 20, 2005