SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Warbixinadii: Canab Mumtaz, Idaawaqa iyo Farxaan-Ceynte

Magaalada Nairobi oo si wayn looga xusay Ciidal Adxaa maanta.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 20, 2005

 
Muslimiin  aad u badan ayna ka muuqatay farxad iyo bilicsanaan sare ayaa maanta iskugu soo baxay garoonka wayn ee SIR ALI MUSLIM CLUB,si salaadda CIIDAL ADXAA ay ugu tukadaan goobtaas.
 
Dadkii salaadda ciida iskugu yimid ayaa iskugu hambalyaynayay sanadka cusub ee islaamka inuu noqdo mid horumar iyo nabad dunida u keena,waxa uuna imaamka ugu duceeyay wadamada islaamka ee dhibka ka jiro in ALLE ka saaro ayna helaan amaan iyo maamul wanaagsan oo ay kaga baxaan dhibaatooyinka.
 
Wadooyinka ayaa camirnaa oo iyadoo badankood shacabka ay muujinayeen ku faraxsanaanta maalinta ciidda, sidoo kale goobaha ciyaaraha caruurta lagu sameeyo ayaa aad u buux dhaafay waxaana iiga muuqatay farxad sare caruurta ka sokow dadka waawayn,waxayna dad badani quudinayeen maanta masaakiin iyagoo xoolo qalayay kadibna u qaybiyaynayay,halka qaar kalena ay bixinayeen lacag iyo raashin.
 
Muslimiinta ka soo gabgashay  Salaada ciida  waxaa ka dhex muuqday qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee ku sugan Magaalada Nairobi,waxayna qaarkood u rajeeyeen Ummadda soomaaliyeed Nabad iyo barwaaqo in ay ka helaan sanadka cusub ee islaamka oo dhawaan dhalan doona,ciid wanaagsana u rajeeyay dhamaanba shacabka meel walba oo uu kala joogo.
 
Ugu dambayntii musliminiinta Magaalada Nairobi waxa ka la qaybsadeen farxaddda ciidal adxaa muslimiinta dunida caalamka waxayna u rajeeyeen sanad wanaagsan dhamaanba dunida oo dhan.
 
Madaxweynaha DFKMG ee Somaliya oo diray maanta Hambalyada ciidal Adxaa.
 
Somali President Abdullahi Yusuf AhmedMadaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa Hambalyo ciideed u diray dhamaan shacabka soomaaliyeed ee kula firirsan dunida dacaladeeda,isagoo u rajeeyay in ay sanadkan kiisa kale ku gaaraan Nabad,barwaaqo,iyo isku soo hilow ka dhashay Dowladiisa.
 
Shirkan oo ka dhacayay Halka uu C/llaahi yuusuf ka dagan yahay Magaalada Nairbi waxa uu intaas ku daray in ummadda soomaaliyeed garatay dagaal dheer iyo nabad la'aan kadib in ay isku yimaadaan wadahadna ku dhameeyaan waxii jira,waana midka hadda suurta galiyay in la helo Baarlamaan Iyo waliba dowladd oo aad loo rajaynayo in ay ka saarto umadda dhibka iyo amaan darada.
 
Waxa uu ka hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in Dowladdu aysan socon karin hadaan la helin Amaan iyo iyo dhaqaale ay ku shaqayso kuwaas oo hormuud u ah howlaha adag ee hor yaala dowladda,daacadnimada iyo tanaasulida shacabka ayaa ah kuwa lagu kasbado amaan iyo wanaag,taas ayaana saldhig u noqon doonta  ayuu yiri dowladda si looga mira dhaliyo hadafkeena ku aadan badbaadinta mujtamaca.
 
C/llaahi oo ay dhinac fadhiyeen Cali Maxmad Geddi Ra'iisul wasaraha iyo qaar ka mid ah Gollaha wasiirada waxa ay dhamaantood u rajeeyeen shacanka soomaaliyeed CIID WANAAGSAN,in ay ku ciidaan,sanadkana uu ALLE uga dhigo mid nabadeed oo laga helo Dowlad cadaalad ku dhisan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com | Jan 20, 2005

Warbixinada kale ee Nairobi::::


Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ummadda Soomaaliyeed Salaan ku aadan Munaasibada Ciidul Adxaa u diray

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,nairobi Axmeddheere65@hotmail.com

Nairobi,Kenya | Jan 20, 2005

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaaliga kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ummadda Soomaaliyeed udiray hanbalyo ku aadan munaasibada Ciidul Adxa.

Madaxwaynaha oo shirkaan jaraa'id ku qabtay "Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya" ee ku meel gaarka ah magaalada Nairobi ayaa waxaa kala qayb qaadanayay Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasiirkiisa koowaad Prof Cali Maxamed Geedi.

Madaxwaynuhu waxa uu ummadda Soomaaliyeed urajeeyay guul iyo nabad isagoo ugu baqay in ay dadka Soomaaliyeed Colaadaha ka doortaan Nabad ku wada noolaansho. Waxana uu ummadda Soomaaliyeed u balan qaaday in Doowladu wax ka qaban doonto Ammaanka iyo nabbad ku wado noolaanshaha.

Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in 14 Sano ka dib ummadda Soomaaliyeed garatay in ay ka shaqeeyaan Horumarka Dalkooda Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa ay Xubnaha Golaha Baarlamaanka Soomaalidu ku doorteen wadanka Kenya Nairobi 10/10/2004 isaga oo isaguna mudo Bila ka dib soo doortay Prof Cali Maxamed Geedi laakiin Golaha Baarlamaanka Soomaalida ayaa Prof Geedi ku eedeyay ku xadgudub Tastuurka Dalka ah , Balse madaxwayne Yuusuf mar kalle ayuu dib u soo magacaabay Prof Cali Maxamed geedi, Golaha Baarlamaanka Soomaaliduna way ansixiyeen Prof Gedi isaga iyo Xukuumadii.

Mas uuliyiinta Sarsare ee Doowlada waxa ay hada ku mash quulsanyihiin qaabkii ay ugu guuri lahaayeen Dalka Soomaaliya.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya,nairobi Axmeddheere65@hotmail.com


Sidee looga ciiday sandkaan Nairobi?

'Ciid-wanaaksan'

Farxaan-Ceynte
cayntakayare@yahoo.com
Nairobi-Kenya

Waxaa sandkaan si islek looga iiday caasimada dalka kenya ee nairobi taas oo lagu yaqiinay khilaafka iidaha iyo dhamaan bilaha ay xurmeeyaan islaamka taas oo sandkaan ka tarjumeesa in ay iidani noqotay mid hal meel loogasoowadajeestay oo aan laheen khilaaf ayna muslimiiinta caalamka oo dhan uwada dabaaldagayeen Ciidul-Adxaada oo ah ciida loogu xurmeeska badanyahy ciidaha islaamka.

Hadii aynu u soo laabano sida looga iiday sandkaan magaalada nairobi.

Waxaa halmar takbiirta ciidul adxaa laga wada maqlay dhamaan goobaha ay ku kulmaan muslimiinta gudanysa waajibaadka ciidul-adxaa halkaas oo ay soo buuxdhaafiyeen dhamaan umada musliimiinta ee ku nool magaalada Nairobi. Ayadoo ay halkaas kugudanayeen salaada ciidul-adxaa.

Waxaa dadka muslimiinta oo dhami isku salaamaayeen erayo laab lakac leh kuwaas oo ay kamid ahaayeen, Ciid-wanaaksan CIId mubaarak' ayaga oo wajiyadooda ay kamuuqatay farxad iyo reyn-reyn.

Hadii aynu fiirino qaabka looga iiday xaafda (Islii) ama (Eslight) oo ah halka xudunta u ah soomaalida ku nool dalka kenya-gaar ahaan magaalo madaxdiisa Nirobi.

Islii waxa ay saakay oo khamiis ah ku waabariyeeysaty jawi aad u fiican oo qofkii ku nool uu soo jiidan karo sida ay hawadu u fiicneed.

Waxaa halmar loowada dareeray goobaha la'isugu yimaado maalmaha ciidaha si loogu wada guto salaada ciidul adxaa oo ah ciida ay si weyn u qadariyaan muslimiinta caalamka oo dhan.

Fagaaraha (Sir-Ali Muslim Club) oo ah halka ay jaaliyada soomaalida ay isugu yimaadaan maalmaha ciida ah ayaa ciidani noqday mid ay soo buuxdhaafiyeen dhamaan muslimiinta soomaliyeed ayaga oo si niyad furan isku-gacan qaadaya, waxaana halkaas soo buuxdhaafiyay culumaa udiin &dhalinyaro sifiican u soo camirtay dhamaan masaajidka hareerihiisa, waxaan sidoo kale aan ka yareesan dumarka oo ahaa kuwa sifiican iusoo xaadiray oo qeyb weyn kaqaatay salaaada ciidul-adxaa.

Waxaa halkaas qudbado kala duwan ka jeediyay culumaa udiin isugu jiray soomali &keenyaati iyo kuwa ka yimid Dalal kale sida India kuwaas oo dhamaantooda kahadlayay qiimaha ay musliimiinta ku leedahay ciidul-adxaa iyo waxyaabaha laga faaiideysan karo maalmaha ay socoto ciidul-adxaaga ayagoo ku baraarujiyay dhamaan musliiinta caalamka oo dhami joogta in ay noqdaan kuwa mideysan .

Salaada ka dib waxaan soo dhaxmaray dhamaan wadooyinka waaween ee ay ka koobantahay xaafada (Islii) kuwaas oo dhamaantooda siweyn looga dabaal dagayay ciidul-adxaa.

Waxaa wadooyinka ay ka koobantahay xaafada islii hareeyay dhalinyaro, gabdho, caruur aad u yar-yar iyo dadka waaween oo maanta si weyn looga tanbadanaa.

Waxyaabaha aad iisoo jiitay intaan ku dhaxsocday xaafadaha waxaa ka mid ahaa dhalinyarada oo dhamaantooda kusoo labistay (Qamiis &cimaamad)taas ka tarjumeesa sida ay dhalinyarada soomaliyeed usoo dhaweeyeen ciidul-adxaaga ayagoo waliba si koox-koox ah iskula socday wajiyadoodana ay ka muuqatay farxad.

Dumarka oo ahaa kuwa sida weyn uga qeyb qaatay ciidul-adxaa ayaa iyagana wax ay ahaayeen kuwa qeyb weyn kaqaatay ciidani ayagoo muujiyay booska ay kaga jiraan ummadda soomaaliyeed gaar ahaa jaaliyada ku dhaqan dalka kenya muujiyana caalamda lagu yaqaano umada soomaaliyeed &umada muslimiinta ah kuwaas oo soo xiratay xijaabka looyaqaano (Cabaayada)ayaga oo si asturan u dhinac socoday raga.

Caruurta oo ah ubaxa siweyn u qurxinayay magaalada nairobi-gaar aah  islii ayaa iyagana ahaa kuwa maanta sifiican loogu soo labisay waliba mid qurxoon, markaad dhax maquurato wadooyinka waaween waxayaabaha idhahaaga qabanayo waxaa kamid ah caruurta oo ah kuwa sida weyn uga qeybqaadanyay ciida kuwaas oo aad ku arkeeso wadooyinka ayagoo gacmaha is heesta walibana wata qalabka lagu ciyaarsiiyo caruurta oo uu ugu badanaa (buufinka,bistoolada firmbiga)kuwaas oo ayagana qeyb-kaqaatay ciidul-adxaaga.

Maadaama ay ciidani tahay ciidul adxaa waxaa jira waxyaabo uu nabiga (n.n.k.h) ka dhigay suno: waxaa kamid ah xoolo oo ah kuwa ay musliimnta kaga faaiideystaan ciidani oo ku caanbaxaday (Udxiyada) ayaa waxa ay noqotay ciida loogu udxiyo badanyahy marka loo fiiriyo ciidihii hore. xooloha ayaa noqday kuwa sifiican loo kala iibsanyay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kuwaas oo aad ku arkeeso goobaha lagu ganacsado hortooda oo lasoo dhoobay xoolo u badan (Ari) iyo masjiyada oo ayagana lasoo hordhoobay si ay u iibsadaan dadka muslimiinta ah ayagoo sifiican ukala gadanyay xooloaha haba ugu badnaatee ariga oo xitaa qiimahiisa gaaray lacagku kudhaw 2'500 kenya sh.ah oo u dhiganta $30 dollarka mareynka ah .

Goobaha ganacsiga ayaa irdaha loolaabay dhamaantooda taas oo ka tarjumeesa sida la isgu waafaqasanyahay ciidlu-adxaadan.

Ugu danbeytii waxaan dhihi karaa ciidani wax ay aheed mid loowada dhamaa oo sifiican loo guwada ciiday dhamaan wadankaan kenya meel kasata oo ay joogto ummadda muslimka ahina ay sidoo kale uwada ciideen waxaan alle-kabaryeenaa in uu ciidani ciideeda kale nagu geeyo bash-bash & barwaaqo, gaar ahaan umada soomaaliyeed ay ku gaaraan nimco &baraare waxaan alle kabaryeenaa in uu sandka kale nagu geeyo barwaaqo iyo dowlad caadil ah. 

Qoraa sare: Farxaan-Ceynte
cayntakayare@yahoo.com
Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Ciid Al-Adxaa | Jan 20, 2005

Ciid Mubaarak:
Bahda SomaliTalk waxay hambalyada ciida-al-adxa u dirayaan dhammaan xujeyda, iyo dunida Islaamka... Akhri..

2-Million oo Muslimiin ah oo Arbacadii isugu yimid Carafat
» Marabtaa labo Sano ee Dembi dhaaf ah
» Caado Soomaali Dumisey Ciid-Al-Axdaa
Dhaammaan ka akhri halkan Jan 19


Imtixaanaadkii Iskoolada Puntland
iyo kuwa Shahaadada Sare ee Caalamiga ah oo lagu soo Gabagabeeyey Boosaaso
... Guji...


Cadde Muuse oo Soo Saaray Wareegto
» MDGPL oo booqday magaalaad Boosaaso...
» Waanwaan Nabadeed: Beelaha Wada Dega Damalo-Xagar
» Xafiis Jaaliyadda Somaliyeed oo Furay Kiruna, Sweden
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Jan 19

Cadde Muuse oo La Weydiistey in uu Codsi Siideynta Samsam ah u diro Riyaale
» Codsi: soo Deynta Samsam
» Codsi: Saacidaadda dhibaatada Sunaamida
Warka oo Faahfaahsan ka akhri halkan.. Jan 19

Labo Dagaal oo ka Dhacay Aaga Ceerigaabo iyo Mudug
»Aagga Cerigabo: Dagaal ka bilowday Qaad, 17-qof dhimasho
»Mudug: Dagaal ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof
»Baaq kasoo baxay Jaaliyada Kuwait ee kasoo jeeda SSH
»Baaq Nabadeed kasoo baxay Jaalayada Sanaag Bare ee UK
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji.. Jan 18

»Xukumada Riyaale Daacad ma ka tahay in la qabto Doorshada Baarlamaanka.... [Warbixintii Qodax & Kaahiye]

Soomaalida Norway oo Lagu Eedeeyey Dhaqan Xumo...
» Soomaalida Norway oo Lagu eedeeyey Dad-dilmo
» Saxaafada Norway iyo ka hadalkooda Soomaalida..
Warka oo faahfaahsan ka akhri halkan.. Guji.. Jan 18

Madaxwaynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan tagayn Muqdisho
»Muqdisho: Xarunta Ra'iisul wasaaraha & Baarlamaanka
»Marrunbaa in Jabuuti aqoonsatay Somaliland?
»Cadde Muuse oo Kedis ku Tegey Deegaanka Adhi cadeeye
»Wafti oo la socdo Maxwell oo Booqday Soomaaliya
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan.. Guji... Jan 17

»MASHRUUCA:- TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD