SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MARKA
Daabaco Boggan | Print


Maamulka Sh/Hoose oo Gubey Hub Laga Soo Ururiyey Burcad

In kabadan 12 qori ayaa maanta maamulka uu madaxa ka yahay sheekh yuusuf maxamed siyaad (indha cade) ay ku gubeen fagaaraha weyn ee xeebta magaalada Marka. 

  • "....dowlad hada anaga nala soo xariirtana ma jirto, marka anaga mowqifkaygu wax uu yahay in aan warano marka aan dowlad aragno...." Yuusuf Indha Cade oo ka jawaabayey su'aal aan ka weydiiney Dawlada lagu dhisay nairobi

Qoryahan la gubay ayaa waxaa laga soo aruuriyay sida ay sheegayeen madaxda maamulka gobolka shebeelada hoose qolyo burcad ah ee dadka shacabka ah ku wax yeelaya wadooyinka iyo magaallooyinka gobolka igayagoo isticmaalayay hubkan. 

Gubista qoryahan aya waxaa ka soo qayab galay dhamaan maamulka gobolka shabeelada hoose oo uu horsocday gudoomiyaha gobolka sheekh yuusuf indha cade, suxufiyiin ka kala socotay gobolada bay, hiiraan jubada hoose shabeelada dhexe iyo laanta b.b.c da qayebteeda tababarada sidoo kale suxufiyiintan maanta ka sooqayb galay gubitaankan ayaa waxa maanta oga bilowday magaalada marka siminaar soconaya mudo labo isbuuc ah oo ay qabanayso hay ada b.b.c da qayebteeda tababarada saxaafada sidoo kala waxaa kasoo qayb galay gubitaankii maanta ee hubkan dad weyne aad u tira badan oo reer marko ah. 

Hubka maanta la gubayay ayaa waxay kala ahayeen afar aakee foodhi safan, sadex faal ah iyo labo M16 ah, hal jabshe ah iyo labo saar sideetan ah, isla markaana ayaa ahaayeen kuwii lagu wax yeelayn jiray dadka rayidka ah ee gobolkan, sidoo kale waxa uu maamulka gobolka shabeelada hoose sheegay in qoryahan afar ka mid ah ay lahaayeen qolyo burcad ah oo dhawaantan nin sheekh ah ka soo afduubtay magalada muqdisho, shana ay lahaayeen tuugada dadka jidka u gasha, halka sadexda kalana ay ahaayeen qoryaha lagu waardiyeeyo magaaladana lagu soo galiyo wax yaabaha maandooriyaha ah sida xashiishada i.w.m. isla markaana ay xiran yahaiin dableydii qoryahan lahaa ayna yahiin xukun sugayaal.

Hadaba ma ahan markii u horaysay ay maamulka gobolka shabeelada hoose uu madaxda ka yahay sheekh yuusuf indha cade in ay ku guulayestaan soo qabqabashada hubka sharci darada ah ee lagu fuliyo falalka danbiga ah balse ay sheegeen in ay tahay markii ugu horaysay oo ay gubaan qoryaha laga soo aruuriyo burcada hubaysay ee waxyeelaysa dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolkan islamarkaana ay sidaan u gubi doonaan qoryaha ay leeyahiin burcada wixii hada ka danbeeya. 

Gubitaanka qoryaha ka dib ayaa waxaa ii suura gashay in aan waraysi kula yeesho xarunta maamulka gobolka shabeelada hoose oo ku taala bartamaha magaalada marka gudoomiyaha gobolka shabeelada hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad indha cade waxa uuna u dhacay waraysigii sida tan: 

Suaal:  mudane mala dhihi karaa in maanta qoryaha aad gubteen aysan ahayen kuwii sanadahii ugu danbeeyay la isticmaalay? 

Jawaab: Waa su'aal muhiim ah runtii qoryaha aan maanta gubnay waa kuwii laga soo aruuriyay qolyahii burcada ahaa ee aan qabanay hadii ayadan qoryahan wax yeelo laheyna ma ayasan wateen tuugada laftirkooda. 

Su'aal: Mudane Yuusuf waxaad sheegtay in xabsiga dhaxe ee maamulkiina ay ku xiran yihiiin dad dambiilayaal ah marka dadka danbiilyaasha maxaa ka mid ah danbiyada ay galeen? 

Jawaab: dadkan eedaysanayaasha ah waxay galeen falal isugu jira kufsi, dil, dhac, afduub, ka ganacsiga muqaadaraadka iyo danbiyo kale ? 

Su'aal: gudoomiye dadka eedaysaneyaasha ah ee xabsigiina ku jiraa imisa ayay tiradoodu dhantahay? 

Jawaab: walaaloow horta waxa ay ku xirantahay qofba dabiga uu galo hada waxaa xabsiga ku xiran kuwo ciidamo ah oo si amar la aan ah dad u dilay, waxaa  ku xiran kuwo burcad ah oo isbaariistayaal ah, kuwo daymo loo haysto, kuwo dumar kufsaday, hadba waxay ku xirantahaya baaritaanka qofka hadba sida uu u dhamaado laakiin xabsiga waxaan ugu gudbinaa 24 saac gudahood. 

Su'aal: gudoomiye hadii mid kamid ah ciidamadiina uu jir dil ku sameeyo maxaabiista ku xiran xabsiga maxaad ku smaynaysaan? 

Jawaab:  maxakamada ayaa la horkeenayaa, hada waxaa xabsiga ku xiran kuwo ka tirsan ciidanka oo lagu soo eedeeyay jir dil iyo sidoo kale waxaa jira kuwo fakiyay maxaabiis dembiyo ku eedaysanaa oo ciidanka ka mid ahaa xabsiga ayaana dadkaa ayaga ah ka arki doontaan sharcigana askari madax nin yar nin weyn shicib makala lahan. 

Su'aal: mudane kawaran hadii hubka ay askartiinu wataan ay dad ku dilaan miyaa hubkaasi aygana la gubayaa? 

Jawaab:  maya hubka maamulka ayaa iska leh, lakiin qofka danbiga galay isaga ayaa lagu qadayaa hubkana waa kii loogu adeegayay dadka shacabka ah hubkuna dambi ma galine qofka ayaa dambiga gala marka qofka ayaa sharciga la horgeenayaa. 

Su'aal: sheekh yuusuf adinku maamul ahaan ma taageersantahiin oo masoo dhawaynaysaan dowlada soomaalida ah ee nayroobi lagu soo dhasay? 

Jawaab: anagu horta dowlad nayroobi lagu dhisay oo aan naqaano ma jirto, nayroobi dowlad kenya la dhaho ayaa ka dhisan, hada dowlada kenyana dadka dalka soomaaliyana ma xukimi karto, shirkii lagu qabtay kenyana anagu kama aanan qayb galin, aniga ayaana la igu marti qaaday mar golaha samata bixinta taasina mid ii cuntanta ma aysan noqon waana diiday oo ma aanan tagin marka meeshaa waxa laga dhisay iyo waxa ka jira midna garan mayno, dowlad hada anaga nala soo xariirtana ma jirto, marka anaga mowqifkaygu wax uu yahay in aan warano marka aan dowlad aragno. 

Faysal xaaji siyaad muumin
marka soomaaliya

faysalsiyaad@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com |  Janaayo 1, 2005

Safarkii Faysal Siyaad ee Gobolka Sh/Hoose
Faysal oo katirsan bahda SomaliTalk ayaa ku safray wadada layaabka badan ee Kismaayo, ilaa uu gaarey G/Sh/Hoose oo ah meel.... Warbixin Faahfaahsan...  Janaayo 1, 2005


Deganaansho la'aanta Kismaayo yaa wada?

Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD