SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


  • Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG oo Ka Warbixiyey masiibooyinkii ku habsaday Xeebaha Soomaalida
  • Prof Maxamed Cumar Dalxa oo Umada Soomaaliyeed Waxaan Urajeeynayaa in ay sanadkaan unoqdo kii Horumarka iyo Nabada
  • Weriye Xasan Kaafi Qoyste oo dhawaan kooxa maleeshiyooyin ah afduub ku kaxeysteen ayaa markii ugu horesay ka hadlay afduubkii loo geystay

  • Waraysi C/kariim Faarax Laqanyo.

Wararkan waxaa isku soo dubaridey:
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya,Nairobi  | SomaliTalk.com

Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG oo Ka Warbixiyey masiibooyinkii ku habsaday Xeebaha Soomaalida

  • Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed, Yusuf,Maxamed,Ismaaciil(Baribari) ayaa ka warbixiyay masiibooyinkii ku habsaday Xeebaha Soomaalida

Iyadoo maalmahaanba ay soo baxayeen warar sheegayey in wefdi ka socda Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo uu horkacayo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ay u kicitimi doonaan goobihii ka tirsanaa xeebaha Badweynta Hindiya ee ay waxyeelleeyeen daadadkii duufaanta watey ee ka dhashay dhulgariirkii ka dhacay badweynta hoosteeda ayaa arrintaas wax iska bedeleen.

Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari bari) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in kulan dheer oo ay shalay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra'iisal Wasaaraha iyo Afhayeenka baarlamaanka ay isla garteen in maadaama loo baahan yahay in si dhaqso ah loo soo dhiso golihii xukuumadda DFKMG ah aanay suurtageli karayn in wefdigii booqan lahaa xeebaha Soomaaliya ee dhibaatada badweynta Hindiya soo gaartey uu ka mid noqdo Ra'iisal Wasaare Geeddi balse loo diri doono halkaas wefdi ka kooban 5 xubnood oo ka socda baarlamaanka KMG ah ,iyagoo Talaadada ama Arbacada u kicitimi doona halkaas kuwaasoo kala ah:

  • -Prof .Cismaan Maxamed Dufle
  • -Mire Xaaji Faarax
  • -Prof.Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)
  • - Maxamed Cali Daryeel
  • -Maxamed Nuuraani Bakar

Afhayeenka Madaxweynaha Yuusuf Bari bari oo ka warbixinayey dhibaatooyinka ay geysteen daadadkii badweynta Hindiya ayaa sheegay in xeebaha Puntland oo ugu darnaa meelaha daadadkaasi saameeyeen la xaqiijiyey inay ku naf waayeen dad gaaraya 142 ruux ,iyagoo laga yaabo buu yiri inay tiradu intaas ka badan tahay,waxana ku barakacay dad gaaraya 50 kun oo ruux oo guryohoodii ku baaba'een,sidoo kale waxaa ciidammada Jarmalka iyo kuwa Maraynkanku ay badbaadiyeen dad gaaraya 27 ruux,iyagoo xagga cirkana uga daadiyey shixnado cunto ah dadkii ka barakacay ee ku sugnaa agagaarka xeebaha.

Afahayeenku waxa uu sheegay inay goobahaas cunto gaarsiisey hay'adda WFP ,sidoo kalana ay halkaas gurmad u fidiyeen maamulka Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari ,waxana uu tilmaamay in dadka ka sokow ay badweynta u dhexaysa Boosaaso iyo Yemen ku qarqadeen oo badweynta ku naf waayeen xoolo nool oo gaaraya 1,200 neef ka dib markii ay degtey doontii ay saarnaayeen.

Afhayeenka oo ka hadlayey goobaha dalka Soomaaliya ee ay colaaduhu ka jiraan ayaa sheegay inay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhu fariin u dirayaan goobahaas kana dalbanayaan in dagaallada si degdeg ah loo joojiyo waxyaabaha lagu muransan yahayna wadahadal lagu dhammaystiro,waxana uu intaa raaciyey in gobollada Bay iyo Bakool loo diri doono wefdi ka kooban 15 oo isugu jira xildhibaano iyo waxgarad si ay halkaas nabad uga dhexdhaliyaan labo beelood oo colaadi ka dhex taagnayd muddooyinkaan, kuwaasoo labada maalmood ee soo socda u kicitimi doona halkaas.
 


Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa Umada Soomaaliyeed Waxaan Urajeeynayaa in ay sanadkaan unoqdo kii Horumarka iyo Nabada


Prof. Dalxa

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa, ayaa umada Soomaaliyeed ugudbiyay Salaan iyo Hanbalyio ku aadan Sanadkan Cusub ee 2005 Prof Maxamed Cumar Dalxa oo iigu waramay Goobta uu ka daganyahay Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya Hotelka 680 waxa uu sheegay in umada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka fakaraan Sanadihii colaadaha iyo Dagaalada Sokeeye. 

Prof Maxamed Cumar Dalxa gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu hoosta ka xariiqay in hada laga fakarayo qaabkii iyo sidii loogu guuri lahaa Wadanka Soomaaliya. 

Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu sheegay in Dagaalada ka socday Gobolada dhaxe ee Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal sidoo kale waxa uu tacsi Tiiraanyo badan udiray guud ahaan dadkii ku geeriyooday Dagaaladaas isagoo alle uga baryay in Janadiisa ka waraabiyo Eheladii iyo dadka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. 

Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu sidoo kale sheegay Sida uu uga xunyahay dagaalada iyaguna ka dhacay Bay & Bakool, waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in wada hadal lagu dhameeyo guud ahaan colaadaha. 

Isagoo dhinaca kale Tacsi udiray Dadkii ku geeriyooday Colaadahaas kana codsaday in Dadka Soomaaliyeed ka shaqeeyaan Nabada,Cadaalada iyo Dib u dhiska Dalkooda Hooyo. 

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed,Cumar,Dalxa waxa uu sheegay in ay ahayd masiibo ay doowlada iyo shacabka Soomaaliyeedba si aada uga xunyahii Masiibooyinki ay sababeen Duufaanihii Badwaynta Hindaye isagoo Tacsi u diray Guud ahaan Wadamadii ay Qasaarahaasii Soo gaareen ee Waqooyiga Asiya &Umada Soomaaliyeed Gaar ahaana qoysaskii iyo Eheladii dadkuu ku dhintay mu siibadaas oo Gaaray 142 Qofood. 

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu caalamka ugu baaqay in umada Soomaaliyeed ee dhibkaasi ku habsaday lala sooo gaaro Mucaawino dagdaga isagoo mahad Balaaran u jeediyay Wadamadii & Shaqsiyaadkii Amuurtaas gacnta kagaystay.


Weriye Xasan Kaafi Qoyste oo dhawaan kooxa maleeshiyooyin ah afduub ku kaxeysteen ayaa markii ugu horesay ka hadlay afduubkii loo geystay.

Weriye Xasan Kaafi Qoyste oo dhawaan kooxa maleeshiyooyin ah afduub ay ku kaxeysteen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay afduubka lagula kacay iyo sida loola dhaqmay.

“Anigoo qabin wax baqdin iyo cabsi ah kana soo baxay guri ku yaala xaafada Tokiyo ee degmada Howlwadaag ayaan ka war helay iyadoo ilaa iyo Todoba Qori madaxa la igaga hayo, waan shoogay waxaana la igu qasbay inaan raaco Baabuuur kuwa dagaalka ah” ayuu yiri Xasan Kaafi oo intaas raaciyey in madax laga xiiray kaddbna lagu xiray qol ay aad u liidatay nadaafadiisa iyo sixadiisa caafimaadka.

Weriye Xasan kaafi oo arrintaan ka hadlayey maalin kaddib markii la soo daayey ayaa sheegay inuu ka go’ay cuntadii intii uu ku jiray gacanta afduubayaasha.

Weriya Xasan Kaafi waxa uu shegay in sii deyntiisa ay ku xireen kooxdii afduubka u geystay sharu uud ah inuusan ka hadli karin wax ku saabsan Maxkamad Islaami ah.

Weriya Xasan Kaafi ayaa waxaa ka muuqday xilligii HornAfrik ku booqatay gurigiisa daal fara badan iyo diif ka soo gaartay halkii lagu haayey.

Afduubka iyo xoriyad ka qaadista lagu sameeyey weriye Xasan Kaafi Qoyste ayaa waxaa cambaareeyey hey’adaha u dooda xaquuqda Aadanaha iyo bahda Saxaafadda Muqdisho iyo kuwa caalamiga ah ee ka hadala arrimaha xadgudbyada ah ee lagula kaco suxufiyiinta caalamiga ah.

Weriye Xasan kaafi Qoyste ayaa Khamiistii la soo dhaafay koox hubeysan oo wata magaca Maxkamadaha Islaamiga ah ay afduub ku kaxeysteen, xiligaas oo uu marayey Isgoyska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. ma ahan saxafigii ugu horeeyay ee la wax yeelayo Xasan balse waxaa jiray Saxafiyin badan oo loo gaystay xadgudubyo badan. 


Marka hore waxaan soodhaweyneynaa dowlad soomaaliyeed ninkiidoonaa madax haka ahaadee...

Waxaa ii suuro gashhay in aan waraysi la yeesho madaxwaynaha maamulka dhawaan la sameeyay ee Midland State oo xaruntiisu tahay gobolka Hiiraan, C/kariim Faarax Laqanyo. isaga oo ku sugan wadanka Uk dhulka ingiriiska Su aashii ugu horaysanawaxa ay aheed sidan

 

Su’aal-1-Mude Madaxwayne  Tariikhnololeedkaaga oo kooban wax ma nooga sheegi kartaa?

 

Jawaab- 1- waaxaa magaceyga la yiraahdaa Cabdikarin Farax Laqanyo waxaan ku dhashay Hiiraan waxaana ka soo jeedaa hayeyygii farax laqanyo oo runtii aad looga yaqaano bartamaha soomaaliya ahaana geesi ku caan baxay difaaca qaranimada dhulkiisa soomaaliyana caan ka haa, intaas kadib waxaan wax barashadeydu hoose iyo dhexe iyo sareba aan ku soo qaatay marka cadeey iyo muqdisho. Waxbarshadeyda sare oo kala ah Postgraduate Diploma oo ah European Politics. Bachelor of Arts oo ah Degree Politicas and Law iyo Master Degree oo iyaduna ah Politics and Law dhamantoodna waxaan ku sameeyey dalka ingiriiska. Waxaan ka shaqeeyey shirkado badan iyo xafiisyo qareeno oo u badnaa kuwa dadka u dooba siiba dadka dalbada magangalyada siyaasadeed. Dhinaca kale waxaan ahaa mudooyinkaan danbe nin iskiis u shaqeysta oo tusaale ahaan waxaan ahaa ninkii ugu horeeyey oo keeno fekerka ah in telefonada iyo ineternedka laga shaqeysiiyo taas oo manta soomaalida yurub joogtaana ay si wanaagsan uga shaqeysato.

 

2-Mudane Madaxwayne  Maxaa kugu dhaliyay Maamulkan Midlan in aad Madaxwayne ka noqoto?

 

Jawaab- 2- sida dad badan oo iyaqaanaba la socdaan waxaan ka mid ahaa dadkii soomaalida ahaa ee yurub soo galay kuwii ugu horeeyey marka laga reebo ku siimeenada ahaa, hadaba maadaama aan qubaha ku jirna mudo 22 sono ah waxaan go’aan saday in aan hadana bilaabo in dhukii loo noqdo oo isaga wax lagashto, sidaas daraadeed madaama ay soomaaliya dowlad la’aan tahay ayaan waxaan isku  daynay in aan kabilaawno meesha aan joogno oo ah hiiraan maamul damaanad qaadi karo shacabka reer hiiraan iyo soomaalida safarka ku ah wadada isku xirto soomaaliya.

 

3-Mudane Goorma ayaa laguu doortay Maamulkan in aad Madaxwayne ka noqoto?

 

 

Jawaab-3- Waxaa leydoortay 20-06-04

 

4-Mudane Madaxwayne Maamuladu waxa ay ku yimaadaan nuucyo badan Sida Afganbi Doorasho Dhaxal iyo Nuucyo kalle marka adiga qaabkee buu ku yimid

 

Jawaab- Waxa hada halkaan ka aqrisanaa dad badan oo soomali ah sidaas daraadeed waxaan jeclahay waxa aan sheegeynaa in ay noqdaan wax marqaati leh, maamulka midlaan waxaa  soo qaban qaabiyey dhamaan qabiilada dega gobolka hiiraan waxayna ka kooban yihiin 13 qabiil ayagoo wada jira raalina iskaga ah ayey soo qaban qaabiyeen gudi qaban qaabo duigaas ayaa waxaa soo diyaariyey ajendahaan ah in lahelo ismaamul goboleed kadinba waxaa la sameeyey doorasho waxaan hakaas igu doordat dhamaan walaalahy shacka reer Midland oo isgu jira 13 qabiil waxeyna ii sameeyeey 63 odey dhaqameed oo ila shaqeeya sidaas ayuu ku yimid maamulkaan.

 

5-Mudane Madaxwayne Waxaan maqalnay in aad Abuurtay Nidaam lagu xoojinayo nabadgalyada adigoo hubka ka dhigay Maleeshiyo badan amuurtan yaa idinku gacan siiyay?

 

Jawaab-5- sidaad lasocoto waxaa wadada ka saarnay oo hada xareysan ilaa 280 nin oo ciidan ah welina waxaan wadnaa ololihii aan ku sifeyn laheyn wadada dheer si umada soomaaliyeed u bad baado waxaa kalifay in aan ku guuleysano odayaasha dhaqanka oo si aada isugu taxalu jiyey leina waan wadnaa, waxaan ilaa hada aan ka qaadna 43 ibaaro welina waanoo dhimatahay waayo weli waxaa wadada ku jira burcad aanan qabiil iyo soomalinimo aan waxba ka aqoonin oo raba in uu dhaco wixii uu arko.

 

6-Waxaa jira in Soomaalidu ay ku dhiseen Wadanka Keenya Madaxwayne 14/10/04 una doorteen Mudane C/laahi Yuusuf Axmed Marka maamulkaagu mawaxa uu hoosyimaada Maamulka Madaxwaytnaha Soomaaliya mise waa mid ka gaara?  

 

Jwaab –6- Marka hore waxaan soodhaweyneynaa dowlad soomaaliyeed ninkiidoonaa madax haka ahaadee, tankale waxaad lasocotaa soomaaliya waxa ay tahay federal waana in wax leysku darsadaa sidaas daraadeed waxaan soo dhaweynenaa cidii ogol in aan wax isku darsano kana wada shaqeyno sidii soomaaliwey loowada heli lahaa waayo maanta qaiil ama koox keliya dowlad madhisi karto. Teeda kale waxaan ku faraxsanahay in aan joogo dhulkeygii oon latashanaayo ogayaashiidhaqanka iyo wax gardkii kale sida ugaasyada oo aan wixii inoo dana ka wada tashaneyno oo aan isku arti kawada nahay arimaha soomaaliya.

 

7-Adigu Miyaad aqoonsantahay In C/laahi Yuusuf Soomaaliya Madaxwayne ka yahay?

 

Jawaab- Cabdulaahi yuusuf waxaan u aqoon sanahay in uu yahay nika loo doortay DFS ee weli joogto niarobi waxaana aamin sanahay in uu u baahanayahay in wax lala qabto taasna waxaa laga rabaa soomaalida oo dhan.

 

8-Mudane Madaxwayne Xubnaha Beesha Hiraan ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku Sugan Nairobi xiriirka aad leedihiin waa mid sidee ah ?

 

Jawaab-8- xubnahaasi waa rag aad usoo halgamay oo runtii ku dadaalay meesha ay joogaan in ay wax ka keenaan waana ku mahadsanyihiin dadaalkaas ay u hureen naftooda iyo maalkooda sidii ay gobolkoodii wax ugu soo hoylahaayeen laakiin waxaa weli ka jirtaa dhaliil ah gobolka intaas oo qabiil deto ma qaadankaraa waxa hada ragaasi keeneen marka loo fiiriyo gobolada kala ama qabaa ilada kale qeybta ay heleen jawaabtu waa maya, lakiin waxaa naga dhexeeyo ragas xiir fiican waana soo dhaweyneynaa markey nooyimaadaan wixii xisaaba oo naga maqana waan wada raadi doonaa markey nooyimaadaan.

 

9-Waxaa Jira Nin kalle o sheegta in isagu yahay Madaxwaynaha Midlanxiriir caynkee ah baad leedihiin ninkaa ?

 

Jawaab –9- majiro welina mamaqal nin sheegtay maidland. 

 

10- Maxaad usoo jeedinaysa umada Soomaaliyeed ee 14 sanadood dhibkuhaystay maxaadse beesha caalamka u soo jeedinaysaa?

 

Jawaab – 10- waxaan umada soomaaliyeey usoo jeedinayaa in ay dib u fiiriyaan 14 sano hadii ay hiyiin kuwa qurbaha joogo iyo kuwa soomaaliya gudaheeda joogo maxaad la faa’idey. Sidaas daraadeed waxaan ka rajeynayaa in ay gartaan in ilaaheytuso faa’iidada uu leeyay qaran soomaaliyeed kana wada shaqeyaan.

Beesha caalamkana waxaan usoo jeedinayaa in runtii kordhiyaan dadaalka ay ugu jiraan sidii soomaaliya loogu heli lahaa dowlad inta ka horeysana ay bad baadiyaan dadka soomaaliyeed ee ku nool dhukooda meel ay aadana aan haysanin.

 

11-Mudane Madaxwayne waxaa jira in badaha caalamku ay dufaani haraysay marka somaali 100 ayaa ku dhitay iyo kumanaan reer aasiyaah amuurtaa maxaad ka leedahay?

 

Jawaab –11- waa arin muc jiso ah waana wax aan horey aduunka uga dhicin waxaan ilaahey uga baryayaa in uu janidii ka waraabiyo dadkii soomaaliyed ee ku nafwaaeyey badaas waxaan kale caalamka ka codsaneynaa in ay la gaaraan gar gargaar deg deg ah dakaas.

 

Wararkan waxaa isku soo dubaridey:
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya,Nairobi  | SomaliTalk.com

Faafin: Somalitalk.com |  Janaayo 1, 2005


Deganaansho la'aanta Kismaayo yaa wada?

Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD