- Cadde Muuse oo Saakay
Booqday Boosaaso iyo magcaabida Gudi Dhaqaale ee PL
- Beelaha Wada Dega
Damalo-Xagar Oo Laga Dhex Wado waawaan Nabadeed.
- Furitaanka Xafiiska
Jaaliyadda Somaliyeed ee Kiruna, Sweden.
Safar uu Saaka subaxnimadii hore uu
ku soo gaaray Magaalada Boosaaso Madaxweynaha DGPL iyo Gudi heer
sare oo uu u magacaabay Dhaqaalaha Puntland Shalay
Warbixintii: c/fatax jaamac
SomaliTalk.com | Bosaso
somalitalkpl@yahoo.com

MDGPL, Gen. Cadde Muuse
|
Waxaa maalintii shalay uu soo
saaray Madaxweyne DGPL Gen: Cade Muuse Wareegto uu ku magacaabayo
Guddi Dhaqaale oo ka kooban Gudoomiyaha Bangiyada Puntland iyo
Agaasimayaasha Ilaha dhaqaalaha sida Dekada, Maaliyada, Bangida iyo
Xisaabiha Guud ee DGPL Gudigaa ayuu Madaxweynahu u xilsaaray sidii
loo kobcin lahaa Dhaqaalaha loona yareyn lahaa Qarashaadka.
Waxaa Maamulkii uu Madaxweynaha ka
ahaa Maxamed Cabdi Xaashi ay u soo magacaabeen Gudi heer Wasiir ah
oo uu Gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee DGPL Maxamed
Yusuf (Gaagaab) sidii loo xakameyn lahaa Dhaqaalaha Jahwareerka
keenay ee ka soo baxa ilaha Dhaqaalo ee DGPL, gudiga ayaa wax
warbixin ah aan ka soo saarin waxyaabihii ay kala kulmeen intii ay
howsha ku jireen, Dadweynaha ayaa iswaydiinaya inay wax ka badali
doonaan Gudigaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Cusub ee DGPL Gen:
Cade Muuse.
Guud ahaan ilaa mudo lagu qiyaasay
labo sanadood ayaa uu sabaynaayay Dhaqaalaha Puntland tasoo in badan
wax laga waydiiyay Mas,uuliyiintii ka horeysay Dowladaan Cusub ee
Madaxweynaha uu ka yahay Gen: Cade Muuse lakiin ay warbixin
faahfaahsan aysan bixin.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa saaka
subixnimadii hore soo gaaray magaalada Boosaaso isagoo sida Ila
xogagaal ah ay noo sheegeen in uu safarkaan ka mid yahay safaro uu
ku marayo Madaxweynuhu Gobolda Puntland Guud ahaan isagoo safar
gaaban ku tagay intii uu mas,uulitada qabtay magaalda laascaano ee
aaga hore Ciidamada Aricadeeye halka ay isaga soo hor jeedaan
Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo Dagaalkaa uu kalifay Khilaaf
Xuduudadaa ayadoo aysan muuqan waxa waanwaan ah oo lagu kala qaadayo
ciidamadaa.
c/fatax jaamac
SomaliTalk.com | Bosaso
somalitalkpl@yahoo.com
Jan 19, 2005
Beelaha Wada Dega
Damalo-Xagar Oo Laga Dhex Wado waawaan Nabadeed.
Warbixintii: Maxamed Gaaxnuug
Laascaanood Somalitalk
Laascaanood Somalitalk Wed
19/01/05:-Kadib markii todobaadkan bilowgiisii ay tuulada Ardaa oo
iyadu jirta 10 km degmada Fuqufuliye ee gobolka sanaag lagu dilay
nin ka ganacansan jiray qaadka ay ku dileen koox dablay ah oo iyagu
ka soo jeeda deegaanka shinbiraale ayaa sababay gacan ka hadal dhex
mara labada beelood ee iyagu wada dega deegaanka sanaag .
Hadaba gacan ka hadalkaa oo isagu iminka maraya afar ruux oo ka soo
kala jeeda labada beelood ayaa waxa uu sababay in laka qabsado
tobanaan ruux oo isugu jira labada ardaa arinkan ayaa isla markaana
dheliyay jawi kala gurasho iyo isu ciidan hase ahaatee aan ilaa iyo
iminka aysan wax danbe ka dhicin .
Waxaa ka anbabaxay shalay galab magaalada laascaanood isimo culumo
iyo wax garad ku sii jeeda deegaamada ay shaqaaqooyinku ka dhaceen ,waxaana
hor kacayey Garaad C/laahi Maxamed Guuleed iyo Sheekh C/naasir
X.Maxamed ( Faray) waxaana lagu wadaa inay la kulmi doonaan isimada
iyo wax garadka dhigooda ah sidii loo soo af jari lahaa dhibta dhex
martay labada beelood ee walaalaha ah
Sidoo kale waxaa isagu la soo xidhiidhay magaalada Laascaanood
Suldaan Siciid oo isagu waday heshiis waanwaaneed waxana uu ka
codsaday odayaasha iyo wax garadka deegaamada dirirtu ka dhacday ee
iyagu ku sugan Laascaanood inay dhinacooda uga guntadaan sidii loo
xoojin lahaa nabada .
Labadan beelood ayaa iyagu wada dega deegaanka Damala xagar ee
bariga sanaag waxaana lagu rajo qabaa in lasoo af jaro wixii
khilaafaad ah ee dhex maray labadan beelood .Wixii ka soo kordhana
waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe
Maxamed Gaaxnuug
Laascaanood Somalitalk
Guled5@hotmail.com
Furitaanka Xafiiska
Jaaliyadda
Somaliyeed ee Kiruna,
Sweden.
Anigoo ku hadlaya
magaca Jaaliyadda
Somaliyeed ee
magaalada Kiruna ee
dalka Sweden waxaan
idin soo gudbinayaa
salaan wacan.
Waxaan dhamaan
jaaliyadaha
soomaaliyeed ee
dalka Sweden iyo
dalalka Yurub iyo
dhammaan cidii
xiiseynaysa danta
guud ee somalida ku
nool dunidan ula
socodsiineynaa in
jaaliyadda
söomaalida ee Kiruna
ay si rasmi ah u
furatay xafiiska
danaha Somalida ku
nool kiruna iyo
agagaarkeeda.
Waxaan si gacma
furan ugu soo
dhaweyneynaa shakhsi
kastoo somaliyeed ee
soo gaara gobolkan ,
anagoo u guur
galeyna dejinta iyo
garabgalkiisa..
waxaan ku hami
weynahay in aan wada
shaqeyn dhinac walba
ah la yeelano
dhammaan xaffisyada
jaaliyadaha
somaliyeed ee Sweden
gaar ahaan iyo
dhamaan dunida guud
ahaan , si loo
daryeelo danaha guud
ee shakhsiga
somaliyeed meel
walboo uu joogo .
Shir ay jaaliyadda
cusub ee kiruna (SCCK)
isugu timid maalinta
17/12/2004 waxaa la
doortay guddi ka
kooban:
Awes Axmed Cusmaan
Guddoomiye
Khadiija xasan Cali
G/xigeen
Maxamed Suufi Nuur G/xigeen
Mahadsanidiin
Guule Geedi Dhaqane
Afhayeenka Jaaliyadda Soomaliyeed ee Kiruna
scck2005@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com | Jan 19, 2005