SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
April 2, 125
Daabaco Boggan | Print

SAMSAM::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

  • Madaxwaynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan tagayn Muqdisho.
  • Marrunbaa in Jabuuti aqoonsatay Somaliland?
  • Madaxweynaha Puntland Jen. Cade oo booqasho kedisa ugu yimi ciidamada Deegaanka Adhi Cadeeye
  • MAGXWELL GAYLERD IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO BOOQASHO KU SOO MARAY DEEGAANO KA TIRSAN PUNTLAND OO UU SAAMEEYAY BADGARIIRKII TUSANAMI.
Madaxwaynaha Soomaaliya oo sheegay in uusan tagayn Muqdisho.
 
Ridwaan Xaaji C/wali-
ridwanhaji@yahoo.com

Mas'uuliyiin  ka tirsan Beesha Caalamka ayaa ka sheegay Nairobi in dhamaadka bishan ama horaanta bisha February ay dawladdu tagi doonto Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.xiligaasi oo la soo gaba gabayn doono joogitaanka dawladda Soomeeliyeed ay joogto Kenya

 
Waxaana Muqdisho ay xarun u noqon doontaa Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo dhamaan xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee haatan fadhigoodu uu yahay magaalada Nairobi, waxaa intaasi ay ku darayaan wararku in Madaxaweyne Cabdulaahi Yusuf uu sii joogi doono Nairobi waqti aan cayinnayn amaanka dartiis.
 
Waxaana uu sheegay Cabdulaahi Yusuf in aanu aadayn muqdisho ilaa laga sugo amaanka oo ciidamo shisheeye la geeyo dalka Soomaaliya, inta ka horeeysana uu sii joogi doono Magaaladda Nairobi.
 
Waxaana dhowr jeer ay sheegeen beesha caalamku in aysan aqbali doonin , isla markaana aysan siin doonin wax kaalmo ah Dawladda Federaalka Hadii ay ka dhaga adeegto in dawlada ay xarun ka dhigato meel aan ahayn Muqdisho oo la aaminsanyahay in ay hormood u tahay dhibaatada ka taagan dalka soomaalia ee 15ka sano ay ka jirtay dawlad la'aanta.
 
Joogitaanka Madaxawyanha uu sii joogayo Nairobi waxaa ay keeni kartaa in xukuumaddu ay fikir ahaan ku kala qaysanaan doonto qaabka dawladdu ay u shaqaynayso iyo sida guud ahaan loo sugi karo amaanka dalka oo dad badani ay qabaan in xiligan soomaaliya ay u baahantahay in hubka laga ururiyo.
Ridwaan Xaaji C/wali-
ridwanhaji@yahoo.com

Mar runbaa in Jabuuti aqoonsatay Somaliland?

Abwaan: Abshir Nuur Faarax (Bacadle)  “Tiqsigu wuxuu ku dhintaa inta laba gacanood isaga dhiibto
 

Wareysi uu bixiyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland MudaneC/llaahi Maxamed Ducaale uuna siiyay BBC-da ayuu ku yiri: "Ismaaciil Cumar Geelle waxaan isla ogolaannay in Baasaboorkayaga (Kan Somaliland) aan ku tagi karno dalka Jabuuti" taasoo u eg in Dowladda ay aqoonsatay Somaliland, haddnay reer Jabuuti warkaas kama dabo iman. Waxaa garansannahay in Madax-weynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dadaalay si aan dowlad u helno haddaan Soomaali nahay, waxaase beeneeyay cadowga dibadda iyo kan gudaha, "Sac qawaar ah haddii inta saynta la qabto uu kici waayo waa laga tagaaye" Ismaaciil Cumar Geelle ma naga tagay, mise Somaliland baa waray jeclaysatay iska sheegatay. Waxaan ogsoonnahay in abaal weyn oo aanan illoobi karin ay noo galeen Reer Jabuuti gaar ahaan shirkii Carte iyo dowladdii ka soo baxday, waxaase doc-wareemay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Miled Zanawi iyo Rag ku siyaasad ah.  Ismaaciiloow ha doc-wareemin dowladda C/llaahi Yuusuf Madaxda ka yahay oo ha uga aarsan Miled Zanawi oo Soomaalidu yaysan dhexdiina ku dhiman “Tiqsigu wuxuu ku dhintaa inta laba gacanood isaga dhiibto”

Madaxda Reer Jabuuti waxaan ka rajeynaynaa warkii Somaliland sheegteen inay ka dabo yimaadaan ama ay rumeeyaan aan kala quusannee, Una maleyn mayo warkaas inuu ka suuroobo Ismaaciil Cumar Geelle, Soomaalida Koonfreed waxay ku maah-maahdaa: “Madax sagaaro baq iyo barar uma qaybsamo” Maxaa yeelay isaga oo dhan baaba ukun le’eg, Somaliland oo aqoonsi ka wayday Dowladda Ingiriiska oo ay isugu siyaasad dhawaayeen caalamka yay idinka ictiraaf idinka helin oo abaalkaad noo gasheen yuu ahaanin hal bacad lagu lisay. Waxaan idinka sugnaaba waa jawaab waafi ah, carabtuna waxay tiraah aamusku wuxuu ka mid yahay Raalli ahaanshaha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya


Madaxweynaha Puntland Jen. Cade oo booqasho kedisa ugu yimi ciidamada Deegaanka Adhi Cadeeye

Somalitalk Laascaanood Mon.17/01/05:-Madaxweynihii dawalad goboleedka puntland Jen.Cade iyo taliyaha ciidamada daraawiishta Col.C/laahi Jaamac Geyre ayaa si kedis ah saaka ula waa bariistay ciidamada puntland ee iyagu ku sugan jiida hore ee deegaanka adhi cadeeye.

BRAVO - GEN. CADE, MAADXWEYNAHA PUNTLAND

Aniga oo ka mid ahaa taageerayaashii Mudane M.C. Xaashi, horayna u soo qoray maqaal taageero ahaa ee aan ugu magac daray ,"Ha loo dhiibo hogaanka PL reer Sool & sanaag" ayaa doorashadii eeyan u dhicin sidii aan islahaa wey noqoneeysa markii Sool ,Sanaag xildhibaanadoodii ay in ka badan 70% ay u codeeyeen Gen cade Muuse, taas oo dad badani ka yaabisay inkastoo iyaduba loo qaadan karo horumar dhanka dimoqaradiyadda ah ee la gaaray.

Waxaana dad badan oo kale kaga sii yaabshay sidii quruxda badneyd ee xukunka uu u wareejiyey Mudane Xaashi oo ay taas oo kale Somaaliya ay ugu dambeeysay xilligii dawladdii rayidka aheyd ay talado heysay.

Ugu dambeyntiina inkastoo nalaga adkaaday ,hadana dhaqdhaqaaqii ugu horeeyey ee Gen.Cade ee uu ku tagey booqashadiisii ugu horeeysay jiida Adhi Cadeeye,waxay muujineysa in Generaalko uuba ka dheereynayo Madaxwenaha DKG ee intuu ahaa madaxwenaha Pl aanan booqan Laascanood inkastoo la lahaa wuxuu ahaa colaad ka carar.

Hadaaba , waxaan leeyahay BRAVO Gen. Cade  .

 

Booqashadan uu ku yimi madaxweynuhu ayaan ahayn mid laga war qabay.Hase ahaatee fajac ku noqotay dadweynaha magaalada iyo ciidamadaba waxaana markii danbe laga war helay in uu laamiga kaga leexday meel u jirta laba kiilo mitir magaalada halkaasna uu ka galay aagag ciidamada jiida hore ku sugan.

Dhinaca kale waxa isna magaalada soo galay Col.Carays oo ah la taliyaha madaxweynaha xaga ciidamada oo isagu in dhowaalaba ku maqnaa wadanka Itoobiya.Wuxuuna isla markiibana u gudbay ciidamada jiida oo uu ku sugnaa madaxweynuhu .

Socdaalkan kediska ah ee uu Jen.cade ku yimi ayaa la xidhiidha sidii loo heli lahaa tira koobka ciidamada puntland oo iyagu lagu qiyaaso ilaa iyo afar iyo toban kun oo askari.Hase ahaatee la leeyahay waa ka yar yihiin intaa iyadoo waqtigan xaadirka ahina uu haysto mushahaar li'i aysan helin wax lacaga mudo sagaal bilood ah.

Isla markaa waxa uu madaxweynuhu maanta u sheegay ciidamada inuu u wado mushahaar dhan sadex bilood waloowse ay jireen guux hoose oo ay ku saluugsanaayeen sadex daa bilood.Oo ah sadex uu u sii sheegay magaxweynihii hore ee puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa lacag baanka horay loogu hayey .

Hase ahaatee waxaan filaynay ayey yidhaahdeen mushahar intaa ka badan waana ogan intaa ayey ku cabanayeen qaar ka tirsan ciidamadu.Markaadse eegto jawiga guud ee ciidamada ayaa ah mid ay ka muuqatay kalsooni maadaaba madaxweynuhu yahay nin ciidan ah oo garanaya waxa ay u baahan yihiin ciidamadu.

Si kastaba ha noqotee waxaa dadweynaha goboladani is weydiinayaan madaxweyne Cade ma ku guulaysan doonaa duruufaha horyaal ee isugu jira Mushahar la'aanta iyo musuq maasuqa ku baahay gobolada puntland inuu wax ka qabto.

Maxamed Gaaxnuug
Somalitalk Laascaanood
gulet5@hotmail.com
 


MAGXWELL GAYLERD IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO BOOQASHO KU SOO MARAY DEEGAANO KA TIRSAN PUNTLAND OO UU SAAMEEYAY BADGARIIRKII TUSANAMI.

Garoowe (Somalitalk)
Axad; 16/01/05

U Qaybsanaha hawlaha bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya, ahna Madaxa Hay’adda UNDP Maxwell Gaylard iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer u kuurgalid xaaladda deegaanada ay ku dhufteen dhul-gariirkii iyo duufaanadii Tsunami ku tagay magaalada Xaafuun ee gobolka Bari.

Waftiga ayaa ah qiimeeyayaal heer caalami ah oo ay Qaramada Midoobay u soo xilsaartay arimaha Soomaaliya, lana filayo in ay darsaan heerka khasaaraha soo gaaray dhul xeebeedka kulaala Badweynta Hindiya, khaasatan xeebaha Puntland oo iyagu ahaa kuwa khasaaraha badidiisu ku dhufteen.

Waftiga ayaa markii ay booqdeen magaalada Xaafuun soo kormeeray qaabka dhulgariirku u saameeyay magaaladaasi xaafuun; waxaana ay la kulmeen mas'uuliyiinta degmada iyo dadka deegaanka.

Waftigan Qaramada Midoobay ka socda ayaa waxa ay sidoo kale sahminayaan qaabka ugu fudud ee gargaar lagu gaarsiin karo dadka dhibaadu soo gaartay maadaama waddooyinka loo maro magaalooyinka Xaafuun iyo Garacad ay yihiin kuwo aan si wacan u dhisnayn, ayna adag tahay in si sahlan lagu gaarsiiyo taakulayn degdeg ah oo dhulka loo mariyo.

Wararkii ugu danbeeyay ee daaganadaasi kasoo baxaya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dillaaceen cudurada Duumada iyo Shubanka oo ay tiro dad ah oo deegaanadaasi ku nool ay la il-daran yihiin.

Waftiga Maxwell Gaylard ayaa lagu wadaa marka ay ku laabtaan Nairobi, oo xarun u ah Hay'adaha UN-ta iyo kuwa samafalka ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan xadiga ay le'eg tahay dhibaatada Mawjadihii Tsunami-ga ay u geysteen Xeebaha Soomaaliya.

Sahanka Gaylard iyo waftigiisa ayaa la filayaa in qayb weyn ka qaadan karo dadaalka loogu gurmanayo dadka khasaaruhu ka soo gaareen dhulgariirka Tsunami, waase haddii Maxwell Gaylard uu sida ay wax u dheceen oo rasmi ah uu ugu gudbiyo Qaramada Midoobay iyo Caalamka intiisa kale.


Sahrosiglan@mail.com

Faafin: Somalitalk.com | Jan 17, 2005

MADAXWEYNUHU WAA DIBAD JOOGE WAANA BAASABOOR LA’AAN  
Faalladii Isniinta Faahad Yaasiin...
Guji...  

AKHRI BOGGA MAQAALDA: www.somalitalk.com/maqaallo

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD