- Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo
Toddobaadkan u Safraya Muqdisho
- Wafti ka socda dawladda KMG oo
booqanaya Gobal ka mid kuwii laga qaadacsanaa
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Toddobaadkan u
Safraya Muqdisho
Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay
magaalada Nairobi ilaa iyo marki Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay Xukuumada
iyo Barnaamijkeeda Siyaasadeed
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Naironi Keya
axmeddheere65@hotmail.com

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Geedi

Wasiirada

Wasiir ku xigeenka hub ka dhigista, Geescade |
Kulankii ugu horaayay golaha wasiirada Jamhuuriyada Federaaliga ku
meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmiya uga furmay Hotelka Hilton
ee Magaalada Nairobi.
Kulanka waxaa gudoominayay Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed
Geedi, waxaana xaadir ku ahaa inta badan xubnaha golaha wasiirada, wasiiru
doowlayaasha iyo wasiiro ku xigeenada Jamhuuriyada Faderaaliga ku meelgaarka
ah ee Soomaaliya.
Kulanku waxa uu furmay 10kii subaxnimo saacada Afrikada Bari ee Magaalada
Nairobi.
Waxaana wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenadii soo xaadiray tiradooda ahay 81
xubnood.
Waxaana hadalka furay Raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi,
isaga oo sheegay hadal hordhaca ah iyo ajandaha shirka intaas ka dibna waxa
uu codsaday in saxaafada iyo dadwaynaha kale ay ka baxaaan goobta shirka
isagoo intaa raaciyay in markii kulanku dhamaado saxaafada u war siin doono.
Abarhii 2:15 Daqiiqo ayuu soo gaba gaboobay shirkii golaha wasiirada
Soomaaliyeed waxaana saxaafada u yeeray raysulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali
Maxamed Geedi.
Waxa uuna hadalkisii ku bilabay Sidan: Salaan Diiran oo saxaafada u qaasa iyo
bogaadin ka ka dib,
Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/1/2005 waxaan iskugu nimid shirkii ugu
horeeyay ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Faderaalka ku melgaarka ah ee Soomaliya, markii golaha Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay Xukuumada shirkaas
waxaa lagu qabtay Hotelka Hilton ee magaalada Nairobi ajandihiisuna waxa ay
ahaayeen labo qodob oo kalla ah sidan
Qodabka koowaad waa sidii loogu guuri lahaa wadanka Soomaaliya oo ay
dowladu dalka Soomaaliya u aadilahayd waxna uga qaban lahayd masiibada iyo
colaadaha Soomaaliya qaabkaas iyo Imkaaniyaadkiisa , ma ahan gudiyada aan
halkan ku magacaabnay maanta ee kan ugu balaarani waxa uu tagi doonaa
Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Dalka ma ahan mid sahan u socda ee waa
mid ka turjumaya qaybtii Koowaad ee guuritaanka Dalka loo guuri lahaa,
gudigaas aniga ayaa hogaamin doona hadii alaha awooda lihi ogolaado,
waxa kaloo halkan lagu magacaabay gudi qaabilsan taakulaynta dhamaan Golaha
Xukuumada iyo Ergooyinki Soomaaliyeed ee Shirka ka qayb galay iyo qaybaha
kalla duwan ee Jooga wadanka Kenya iyo sidii ayuguuri lahayeen.
Waxaan kaloon magacaawnay gudi kale oo la xaajoon doono deeq bixiyaasha iyo
beesha caalamka sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen Guuritaanka Doowlada ee
dagdagta nagu ah.
Gudiga balaaran ee muqdisho ka dagi doona ee aan anigu hogaamin doono waxaa
ka sii dhax bixi doona marki uu muqdisho tago gudi hoosaad iyaguna fariinta
Xukuumada gaarsiindoona, Gobolada Shabeeada dhaxe Shabeelaha Hoose Hiiraan &
Galguduud.
Halka dhinaca kale Asbuuca danbe ayanu dib umagacaabi doono iyagana gudiyo
u shaqo taga Gobolada Jubooyinka, Bay iyo Bakool, Gedo iyo Puntland, Gudiyadaas
macnahooda ma ahan in ay inta soo sahmiyaan hadana dib noogu soo noqdaan
inagoo joogna Dalka Kenya laakiin waxaa war bixinada lagu kalla qaadan
doonaa wadanka Soomaaliya gudihiisa.
Gudiga Muqdisho aniga ayaa hogaaminaya Farsamo ahaana waxaa diyaarinaya
Raysulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed
Farax Caydiid ,
Gudiga Diyaarinaya taakulaynta iyo Deeqda lagu safri doono waxaa hogaaminaya
raysulwasaare xigeenka ah wasirka maaliyada Dr Salim Caliyoow Ibroow.
Gudiga la doodaya Beesha Caalamka uu hogaaminayo raysulwaasare Xigeenka ahna
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dr Maxamuud Cabdulahi Jaamac Sifir.
Sadaxdaa raysulwasaare xigeen ayaa kalla hogaamin doona Gudiyada waxaana
iskugu soo noqon doonaa shirka golaha wasirada Arbacada Fooda nagu soo haysa
si ay gudiyadu warbixinadooda ugu keenaan golaha Wasiirada ka dibno loo go' aamiyo.
Dhinaca kale raysulwasaaraha Soomaaliya waxa uu shaaca ka qaaday in Afhayeenka
Xukuumada uu yahay wasirka wasaarada Warfaafinta si buu yiri loo sugo
midnimada Golaha Wasiirada isagoo sheegay in aan loo bahnayn in wasiir
waliba waxa isagu rabo sheego.
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Naironi Keya
axmeddheere65@hotmail.com
Wafti ka socda dawladda KMG oo
booqanaya Gobal ka mid kuwii laga qaadacsanaa
Cabdi xasan
SomaliTalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Wafti uu hogaamnayo wasiiru
dawlaha xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumadda Prof.Cabdiraxmaan
Ibbi ayaa booqasho ku joogaa gobalka Shabeelada Hoose,ee dalka
Somaaliya ayagoo soo indha-indheenaya xaaladda ay ku sugan
yihiin dadka ay wax yeeladu u gaysatay bad-karkii Tsunaami.
Prof.Ibbi oo ay beeshiisu ku badan tahay Gobalkaas ayaa waxaa la
sheegayaa in sii diiran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda
gobalkaas ee Marka. waxuuna soo kormeeray marsada magaalada
Marka isagoo warbixin ka dhagaystay masuuliyiin ka tirsan
maamulka Gobalka sh/Hoose. sidoo kale waftigaas waxay maanta u
gudbeen magaalada Baraawe oo iyana ay waxyeelada Tsunaami dad
badan oo ka kalluumaysanayay xeebtaas kasoo gaareen dhibaatooyin
la xiriira qalabkii ay ku kalluumaysanayeen oo baddu qaadday.
Booqashada waftiga ka socdaa
xukuumadda lagu dhisay Embgaathi ee yimmid gobalka shabeelada
hoose waxay ku soo beegantay xilli aan sidaa u fogayn oo uu
guddoomiyaha gobalka Sh/hoose Sh.yuusuf Indhacade sheegay inuuna
taageersanayn dawladda ka dhalatay shirkii Nayroobi, isagoo ku
celceliyay marar badan in dawladda itoobiya ay ka dambayso
dhisitaanka Dawlada federaalka ee KMG.ah. balse Immaaatinka
wasiiradan waxay dhiiri gelin wayn u tahay xukuumadda KMG,ah oo
marar badan aduunwaynuhu ku xireen aqoonsi iyo kaalmo la siiyo
inay u guuraan wadanka si ay u noqoto xukuumad laga oggolyahay
gudaha soomaaliya.
Faafin: Somalitalk.com | Jan 15, 2005
NewZealand:
SHEEKH MAXAMED
HAADI XAAJI OO GEERIYOODEY
Canada:
Wasiirad Isku
Casishey Arin La Xiriirta Pizza
...QORAALKII
LOOGU AKHRISKA BADNAA 2001-2005
Wasiirro ka Socda
DFKMG oo Ka Degey Garoowe
iyo Gudi Loo xilsaaray Magacaabista
Golaha Maxakamada islamiga ah Ee Dagmada Guraceel oo...
Guji...
Warar Googoos ah
[Qubane 14/01/2005]
»Norway:
Nin Soomaaliyeed oo diley Xaaskiisii oo 9-bilood ah
»DFKMG:
Wafti loo diray Muqdisho inta aysan dowladda tagin
»Muqdisho:
Shineemo lagu qarxiyay xamar.
»Wiilka
uu dhalay Amiirka Ingiriiska & fadeexada midabtakoor
»Khartoum
iyo Maanta | Warbixin
»Maradona
Iyo Muuqaalkiisa Maanta
Wararka oo
dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Jan 14
Dowladda FKMG ah
oo Heshay Kalsoonida Baarlamaanka
Ra’iisul wasaare Cali Maxamad Geddi oo si aad ah uga faraxsanaa in dowladiisa ay
hesho kalsoonida iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa..
Guji.... Jan
13
Canada:
Wasiirad Isku
Casishey Arin La Xiriirta Pizza
AKHRI BOGGA MAQAALDA:
www.somalitalk.com/maqaallo
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|