SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GEERI NAXDIN LEH

Sida uu nabigeenu tilmaamay (s.c.s) in cilmiga la qaadi doono ama la rafici doono uuna yaraan doono aakhiru zamaanka ayadoo uu sheegay in aanan cilmiga toos loo qaadeyn ee culumada dhimashadooda ey badan doonto markaa waxaa muuqata iney culumada dhimashadoodii badatay xilliyadaan danbe guud ahaan aduunka iyo gaar ahaan wadankeenaba.

Hadaba waxaa alla ha u naxariistee shalay ku geeriyooday waddanka NewZealand sheekh kamid ah culumadeena waaweyn ee wadan keena oo caanna ka ahaa guud ahaan wadankeena iyo waliba bariga afrika oo dhan, waana SHEEKH MAXAMED HAADI XAAJI MUXUMAD oo muddooyinkaan danbe ku noolaa magaalda muqdisho waxna ka akhrin jiray meela badan oo kamid ah muqdisho sida idaacaddaha Muqdisho oo uu kulahaa cashar tafsiir joogto ah iyo madarasada IMAAM AL-MARWAZI iyo waliba masaajidda magaalda muqdisho qaar kamid ah.

Sheekha wuxuu ku dhashay degmada Buur ukur ee kutaalla xuduudda soomaaliya iyo itoobiya dhanka gobolka hiiraan sandkii 1928,  waxbarashadiisa badankeed wuxuu kusoo qaatay dhulka soomaalida dagto ee itoobiya kadibna wuxuu galay jaamacadda madiina ee wadanka sucuudiga sanadkii 1964 wuxuu dhameeyay 1968dii intaas kadibna wuxuu kusoo noqday bariga afrika oo uu kabilaabay faafinta diinta islaamka iyo wax baridda dadkiisa gaar ahaan dhulka soomaalida dagto ee wadanka keenya wuxuu qeyb lixaadleh ka qaatay faafitaanka diinka islaamka ee bariga afrika oo dhan iyo waliba barashada cilmiga.

Waxaana aan filayaa in dadbadan oo reer keenya ah ey sheekha wax ka qori doonaan waayo ayaga ayaa aqoonbadan uleh.

Alla ha u naxariistee sheekha wuxuu dunida uga tagay 20-ilmood oo uu dhalay iyo 50 qof oo ah marka la isku daro inta uu dhalay iyo intey sii dhaleen.

W.D. Abuukar yaasiin xaaji.
abuukarsom@hotmail.com
muqdisho soomaaliya

Faafin: Somalitalk.com | Jan 15, 2005

AKHRI BOGGA MAQAALDA: http://www.somalitalk.com/maqaallo/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD