SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND SOOMAALIYA  

MASHRUUCA:- TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA KARIIMKA AH EE GOBOLADA PUNTLAND

Ujeeddada tartanka:  kor u qaadista iyo Dhiirri gelinta Barashada qur’aanka kariimka ah.

Si loogu dhiirri geliyo guud ahaan Dadweynaha, gaar ahaan dhallinyarada barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ah iyadoo ay waqtiyadaan dambe dalka ku soo bateen tar-tammada waxyaalaha baadilka ah sida Heesaha, filimmada fisqiga ah iyo Internetyada xun-xun iyo weliba ciyaaraha oo waqti badan lumiya.

Haddaba si aysan ugu keli noqon tartamadaas fisqiga ah waddanka ayaa waxaa loo qabanayaa tartanka qur’aanka kariimka ah, sannadkii hore ayaa laqabtay tartankii kowaad ee Gobolada Puntland, kan labaadna waxaa laqaban doonaa 25/02/05 haddii Alle Idmo, waxaana lagu qabanayaa Magaalada Boosaaso

Waxaana ka qaybgalaya Gobollada Puntland oo dhan sida:

  • 1. Sool iyo Cayn
  • 2. Bari iyo Karkaar
  • 3. Sanaag iyo Haylaan
  • 4. Mudug
  • 5. Nugaal

Waxaana lagu tartamayaa qur’aanka qaybihiisa kala duwan sida. 

  • 1.    30-ka juz ee qur’aanka kariimka ah
  • 2.    15-ka juz ee qur’aanka kariimka ah
  • 3.    10-ka juz ee qur’aanka kariimka ah

Ardayda ka qayb gelidoonta tartankaas waxaa ay gaarayaan ilaa 15 arday ugu yaraan Insha Allaah oo ka kala socda gobollada Puntland sida kor ku xusan.

 DHAQAALAHA KU BAXAYA TARTANKA 2aad EE QUR’AANKA KARIIMKA AH EE GOBOLADA PUNTLAND.  

1 Abaal marinta ardayda $7,700.00
2 Abaal marinta Macallimiinta 1,185.00
3 Abaal Marinta Guddiga garsoorka جنة الإمتحا نات} $1,115.00
4 Kharashaadka guud ee tartanka ku baxaya $1,250.00
5 Kharashaadka Safarrada iyo huteellada     $1,650.00
  Iskudar : Total      $12,900.00

Sidaas darteed waxaa laga codsanayaa guud ahaan Muslimiinta lexejecladu ka hayso barashada iyo xifdinta kitaabka Alle Meel kastoo ay joogaan inay ka qayb qaataan Dhaqaalaha ku baxaya tar-tankaas. 

Allaa Mahadle  

Guddiga Qaban qaabada tar-tanka labaad ee qur’aanka kariimka ah ee Gobollada Puntland Soomaaliya. 

  • 1.    Sh. Bashiir Jaamac Kitte
  • 2.    Ganacsade. Ismaaciil Saciid Xuseen (Kuttub)
  • 3.    Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur
  • 4.    C/waaxid Jaamac Faarax
  • 5.    Faarax Maxamed Cajab

FG: waxaa lacagta lagu shubi karaa Akoomada loogu tala galay Mashruuca tar-tanka qur,aanka kariimka ah oo ka furan Bangiyada kala ah Dalksan Bank A/c No.22438 iyo Amal Bank A/c No. 10320-01 

                                          WABILLAAHI  TAWFIIQ

Laxiriir xafiiska: dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2005


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD