SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
April 2, 125
Daabaco Boggan | Print

SAMSAM::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

Dowladda FKMG ah oo Maanta Heshay Kalsoonida Baarlamaanka.

Ra’iisul wasaare Cali Maxamad Geddi oo si aad ah uga faraxsanaa in dowladiisa ay hesho kalsoonida iyo Madaxweyne C/llaahi yuusuf axmad ayaa labada ka soo qayb galay cod u qaadistii xukuumada ee baarlamaanka oo laga cabsi qabay in ay mar kale xildhibaanada casilaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh aadan oo furay ugu horeyn kulankii maanta ayaa soo hor dhigay xildhibaanda in ay u codeeyaan qaabka ay u dhacayso codaynta kalsooni siinta Dowlada.

Xubnaha soo xaadiray maanta oo gaarayay 253 mudane ayaa waxaa loo batay in dowladda loo qaado cod qarsoodi ah,dood kadib waxaa la guda galay in loo qaado cod qarsoodi ah kalsoonida dowlada,waxaa baarlamaanka loo keenay laba warqadood oo ay ku kala qornaayeen HAA iyo MAYA, codeyntaas oo saacado ka dib la soo gaba gabeeyay waxaa la guda galay tirinta codadka iyadoo laga bilaabay inta diidan,waxayna gaareen 79 xildhibaan cododkood oo diidanaa in dowlada la siiyo kalsoonida.

Qaybtii dambe ee u ogolaanshaha dowladda in la siiyo kalsooni ayaa ku soo gabagabowday 172 halka laba ka mid ahi ay xumaadeen,daqiiqado kadib markii ay dhamaatay tirinta codadka waxa uu gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ku dhawaqay in dowladda guulaysatay kalsoonida baarlamaankana ay heshay kor u dhaaftay tiradii laga rabay oo ahayd kaliya 139, ka dibna waxa la dhaariyay mar kale gollaha wasiirada,ku xigeenada iyo wasiiru dowladaha. Ra’iisul wasaare geddi ayaa qudbad gaaban ku sheegay in uu ku faraxsan yahay kalsoonida ay siiyeen baarlamaank,ugana mahadcelinayo waxa uuna balan qaaday in gollihiisa ay ka shaqayn doonaan waxa ay ku dhaarteen ee ah in ay dalka ka dhex abuurayaan dib u heshiisiin iyo dhisme qaran oo cadaalad ah,Gollaha wasiiradana ay kulankooda ugu horeeya yeelan doonaan maalinta sabtida ah iyagoo ka wada hadli doona qaabka loo meel marin karo barnaamijyada dowladda dibna loogu laaban lahaa dalka.

Intaas kadib waxaa wasiirku kusoo dhaweeyay Madaxweynaha DFKMG ah C/llaahi yuusuf Axmad, madaxweynaha waxa uu sheegay in uu baarlamaanka uga mahadcelinayo sida wanaagsan ee ay baarlamaanka ugu ogolaadeen kalsooni siinta xukuumada waxa uuna la yaab ku tilmaamay in wali uusan arkin baarlamaan lagu hor dhaarinayo gollaha wasiirada iyadoo ay ahayd in madaxweynaha haduu ogolaado sidaas lagu ogolaado balse uusan waxba ka qabin, intii dowladda codka diidmada bixisayna u sheegay in aan waxba loo qabin ee la is cafiyo wax walbana ay yihiin bilow cid la qancin karana aysan jirin laakiin lagu qanco in la helay qaran iyo sidii loo badbaadin lahaa ummadda,waxa uuna kula taliyay baarlamaanka iyo dowladaba ay ku dadaalaan sidii uu dalka u noqon lahaa mid ay ka hirgasho nabad buuxda oo iyaga looga fadhiyo.

Ugu dambayntii Mucaaradka diidanaa in dowladda la siiyo cod oo laf ahaantooda aan yareyn iyadoo xalay labada dhinacba ay wadeen dadaal diidmo raadis iyo kalsooni raadis ah,xildhibaanda diidan dowlada oo ku eedaynaya dowlada in wali ay wax ka qaldan yihiin ayaan wax hadal ah ka soo baxin

Canab Mumntaz  | SomaliTalk.com | Jan 13
canabmumtaz@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2005

Yemen: Filan waa iyo Rajo Xumo
Soo Wajahdey Macalimiinta Soomaaliyeed... warbixin Jan 12

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.

HTML CD