SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • Maxkamada Sare ee USA: Soomaalida Dalkoodii Waa Loo tarxiili karaa
  • Canada: Dhoofintii Nin Soomali ah oo La Baajiyey
  • Newzealand oo Laga Waayey Calanka Soomaaliya

Tarjumadii SomaliTalk.com

Maxkamada Ugu Saraysa Maraykanka oo Xukuntay in Soomaalida Loo Tarxiili Karo Soomaaliya::

USA (Jan 12): Dalka Soomaaliya oo aad u carqaladaysan awgeed waxa dawladii Soomaaliya ay curyaan ku noqotay kenya. Laakiin maanta oo Arbaca ah (jan 12, 2005) ayaa  maxmada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan ee Supreme Court waxa ay xakuntay in Soomaalida dib loogu celin karo Soomaaliya. Sidaas waxaa warka ku bilaabay hay'addaha warbaahinta sida AP. In kabadan 8,000 oo Soomaali ah oo haadda lagu hayo Maraykanka ayaa waxaa dhici karta in dib loogu celiyo Soomaaliya (la tarxiilo) ama dacwadooda la dhegeysto.

Maxkamada Sare ee Maraykanku markii ay arrinta Soomaalida la celinayo codka u qaaday waxay noqdeen 5-xubnood (in la celiyo) iyo 4 xubnood oo ka soo horjeeda celinta.

Qareenka lagu magcaabo Antonin Scalia waxa uu yiri haddii Soomaalida laajiyiinta ahi haddii ay ka cabsi  qabaan in dalkoodii dhibaato ka soo gaarto waxaa u furan wadooyin kale sida in ay magan-gelyo dalbadaan.


Yakub Ahmed Mohamed oo l ahadlaaya wiilkiisa 9-jirk aah, Fahd Ali Ahmed : Sawirka: Toronto Star

Canada: Dhoofintii Nin Soomali ah oo La Baajiyey

Canada (Jan 12): Yakub Ahmed Mohamed oo  4:15 p.m loo tarxiili lahaa Soomaaliya, ayaa maanta waxaa Qareen reer Canada ahi waxa uu xukumay in dhoofinta la baajiyo.

Yakub Ahmed Mohamed waa 50 jir Canada ku noolaa 15 sano, halkaasna ay u joogaan Xaas iyo carruur. Qareenka ninkaas Somaaliyeed u doodayaa waxa uu yiri arintu weli ma dhammaan.

Newzealand oo Laga Waayey Calanka Soomaaliya

New Zealand (Jan 13): Duqa magaalo ku taal dalka Newzealand ayaa mujtamaca magaaladaas deggan weydiisey in la baadi goobo calanka Soomaalida si loogu daro calamada dalalkii ay soo gaartey aafadii badgatiirka ee ka dhacday badweynta Hindiya. Taas oo la rabo in calanka Newzealand dhinaciisa la suro calamada dalakaas maalinta Jimcada oo ay ka dhinac babadaan ilaa Axadda.

Duqa Palmerston North oo magaceeda la yiraahdo Heather Tanguay ayaa tiri "ma rabo in jaaliyada Soomaalidu u arkaan in cidla looga tegey". Laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay ma jiro qof magaaladaas ku sugan oo haya calanka Soomaaliyeed, waxaana calankaas loo baahan yahay inta ka horeysa Jimcada.

Calamada halkaas la suri doonaa waa kuwa dalalka Sri Lanka, Thailand, India, Indonesia iyo Somalia - waa haddii la helo calanka Soomaaliya. Sidaas waxaa qortay jariida Wanawatu Standard ee ka sdoo baxda Dalka NewsZealand.

Tarjumadii SomaliTalk.com | Faafin: Jan 13, 2004


Beesha Shiikhaal oo Qaadacday Golaha Wasiirada DFKMG
Nairobi: Shir ay iskugu yimaadeen Xildhibaanada, Aqoonyahanka, Ganacsatada beesha sheeqaal oo Guji...

Golaha Nabad galyada & midnimada Somaliya
Kismaayo: Warsaafadeed uu soo saaray Jaamac Aadan Dheere oo ah... Guji...

Yemen: Filan waa iyo Rajo Xumo
Soo Wajahdey Macalimiinta Soomaaliyeed... warbixin Jan 12

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD