SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Daabaco Boggan | Print


Beesha Sheeqaal oo qaadacday Dowladda lagu dhawaaqay dhawaan Warsaxaafadeedna ka soo saartay Nairobi.

Shir ay iskugu yimaadeen Xildhibaanada,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Dh/haweenka beesha sheeqaal oo ka dhacay Hotelka 680 ee magaalada Nairobi  ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka hadlayay in beesha shiiqaal ay qaadaceen Gollaha wasiirada ee dhawaan la magacaabay sabab la xiriirta in aan la raacin Awood qaybiga 4.5 ee ku salaysan yahay Baarlamaanka.

Kulankan ugu horey waxa  ka hadlay Xildhibaan Dr Cali Baashi Cumar oo sheegay in ay wadeen dadaal sidii ay ku gaarsiin lahaayeen beesha qaybaheeda kale ee ku kala sugan dalka dibadiisa iyo gudahiisa si mowqif midaysan looga gaaro ku xadgudubka lagu sameeyay beesha oo aan la siinin waxii ay xaqa u laheen beel ahaan,balse hadda ay beesha dhan ku heshiiyeen in ay qaadacaan dhismaha Gollaha wasiirada cusub.

Xildhibaan Bashiir Maxamad Aadan ahaana wasiir ku xigeenka wasaarada Sportiga oo is casilay kana hadlayay kulankaas ayaa sheegay in dowladda ku xadgudubtay Sharciga awood qaybsiga baarlamaanka qodobkiisa 12 maqrada 2aad ee Dastuurka oo sheegaya(Dowlada FKMG ah ee soomaaliya waxay sugaysaa in dhamaan magacaabista xilalka Xukuumada ay ku salaysnaan doonaan xaqsoor muwaadiniinta dhexdooda ah) sidaas awgeedna ay go’aansadeen beesha sheeqaal kadib markii ay arkeen sida dastuurka lagu xadgudbay  sida uu xildhibaanka hadalka u dhigay beesha oo dhan ay ku gaareen go’aan in uu iska casilo jagadii loo magacaabay ee wasiirka ku xigeenka.

Ugu dambayn waxaa kale oo ka hadlay Shikaas xildhibaan maxamd Abdi Ladiif oo sheegay in muhiimada ay tahay in la helo xal,beeshana ayasan caqabad ku ahayn dhismaha balse aysan u jeedin wax lagu qanci karo oo xal ah,xadgudkana ay la qabaan beelo kale,waxii kenya loo joogay waxya ahayd in xal la gaaro laakiin xiligan waxay u muuqataa dib u kala dirid,hadii la qancinayo inta hubaysan ee Nabad ka soo horjeeday xaq maahan in lagu tunto kuwa aan dambiga dalka ka galin.

Warsaxaafadeedkan oo intaas muhiimad ahaan ka hadlayay waxaa ka mid ahaa in lagu sheegay in beesha shiiqaal ay go’aan sadeen in ay baarlamaanka kala baxayaan xildhibaanada kaga jira,iyagoo guddi u saari doona arrintan xadgudubka ah.

Dhamaan waxgaradkii kale iyo aqoon yahankii ka hadlay goobtaas ayaa dhamaantood ku taageeray siyaasiyinta baarlamaanka kaga jira baarlamaanka in aysan qaadanin waxii xadgudub ku ah beesha.

Dhamaan beelaha ku jira baarlamanka ma ahan kuwa wada qanacsan,kuwa qaatay wax badan kuwa aanba la xusin,inkastoo magacaabistan labaad Mr.Geddi uu wax badan ka badal sidii hore oo uu wada tashi la sameeyay oo beel walba ugu yaraan ay heshay wasiir ku xigeen ama wasiiru dowle.hadana ma yara cabasha iyo wax ka sheegida dowladda.

Canab Mumtaz | Somalitalk.com | nairobi
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD