SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Daabaco Boggan | Print


War saxaafadeed uu maanta magaalada kismaayo kasoo saaray gudoomiyaha golaha nabad galyada & midnimada qaranka soomaaliyeed mudane Jaamac Aadan Dheere

Kismayo, SOMALIA - Waxaa maanta magaalada kismaayo warsaxaafadeed ka soo saaray gudoomiyaha golaha nabadgalyada & midnimada qaranka Soomaaliyeed, war saxaafadeedkaas oo uu gudoomiyuhu uga waramayay maamul ay sheegeen in dhawaan uga dhawaaqeen isbaysiga magaalada kismaayo. Gudoomiyaha ayaa mar aan qadka taleefoonka ee magaalada kismaayo aan kula xiriiray ayaa iiga waramay war saxaafadeedkaas.

Wuxuu gudoomiyuhu ku sheegay war saxaafadeedkiisa in maamulka la sheegay dhawaan in isbahaysiga dooxada juba ay uga dhawaaqeen magaalada kismaaayo in aanay waxba ka jirin oo dadka lagu jahwareerinayo, magaalada Kismaayana aan wax maamul ah ka jirin waa sida uu hadal udhigaye. Waxuu kaloo gudoomiyuhu intaa kusii daray in dad uu ku sheegay in aanay cidna matalin oo guryo isku xiray ay warkaas warbaahinta u sheegeen. "Waxaa maamul meel ka dhisi kara cid awood u leh oo kaladanbayn & amni kusoo celin kara meesha ay joogaan, nimankaan waxbaan dhisnay lehna cid ay xukumaan ma jirto qof kasto oo waqtigaan kismaayo ku sugana waa ogyahay" sidaas waxaa yiri Jaamac Aden Dheere gudoomiyaha golaha nabad galyada & midnimada qaranka soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo gudoomiyuhu intaa ku sii daray in beelihii uu isbahaysiga dooxada Juba ku midaysnaa in boqolkiiba sideetan ay golahooda taageersa yihiin oo uu Isbahaysigiiba burburay oo koox yar oo Bare Hiiraale waardiye u ah ay sheegtaan in ay kismaaayo ka taliyaan taasna ay waxba ka jirin oo ay waqti dhow ay dhamaan doonto arintaas. Waxaa kaloo war saxaafeedka gudoomiyiyaha golaha nabadgalyada & midnimada qaranka soomaaliyeed intaasi ku sii daray in golahoodu ay iyagu xaq u leeyihiin In ay kismayo & waliba gobolada jubooyinka guud ahaan ay maamul ka dhisaan, maxaa yeelay dhamaan beelaha dagaanka ayaa golaheena ku midaysan insha alaahu mar dhow ayaan maamul xoog badan oo Xalaal ah aanu ka samayn doonaan waa siduu hadalka u dhigaye.

Wuxuu gudoomiyuhu kusoo gabagabeeyay warsaxaafadeedkiisa in ay u Sheegayaan dhamaan Hay'adaha samafalka kuwa shisheeyaha & NGO-yada gudaha in ay ka feejignoodaan in ay la shaqeeyaan waxa uu ku sheegay maamul kusheegga.

Xuseen Xasan Furuqle
Muqdisho-Somalia
xuseenindho@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD